29th March 2024  admin  Category :

Siyaasaddii Puntland ee Maanta waa Ilaahow Beesha Muqdisho madaxweyne sii aanu helnee Raisulwasaare.

Gobolka bari ayaa waxa ku noolaan jiray nin ganacsade ah oo taajir ah, laguna magcaabi jiray Xaaji Cabaas.

Xamaaliyiinta Xoolaha ka dejin jirtay ama saari jirtay Doonyaha Xaaji Cabaas ayaa waxay ku heesi jireen Ilaahoow Xaaji Cabaas Xoolo sii aan ka xoogsanee.

Maanta maamulkii labaatan jirsaday ee Puntland ayaa taagan tabtii Xamaaliyiintii Xaaji Cabaaas xoolihiisa ka shaqayn jiray.

Shirka hadda ka socda Garowe oo haba yaratee waxba laga waydiin Baarlamaanka Puntland, Isimada Puntland, waxgarad iyo ururada Bulshada Puntland,hase ahaatee taa bedelkeedu noqday in lagu casumo ururada xag jirka ah ee ka jira Koonfurta Soomaaliya Hawiye heritage iyo Hawiye Action Group ayaa ujeedaddisu tahay in farmaajo la rido. madaxweyne Abgaal ah la caleemo saaro, madaxweynahaasina magcaabo raisulwasaare Faroole u soo xulo.

Daahir Geele, waa mid ka mid ah siyaasiyiinta Abgaal, kuwooda in badan oo reer Puntyland ah ay ku ducaysanayaan ILaahow uu guulaystaa si u raisulwasaare noogu magcaabo

Ugu danbayntii waa khalad iyo dhaqan aan wanaagsanayn in Soomaali oo wax ku wada qaybsaday 4.5, welina madaxweynihii Beesha Daarood xilka hayo in dhgaqaalhii iyo canshuurtii Puntland lagu kool kooliyo Mooryaan afhayeen u ahaa Maxaakiimta maalintii madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf madaxweynaha ahaa. Sidoo kale beelihii Puntland wada dhistay oo aan waxba laga waydiin waxa ka socda Garowe, waa inay maanta cod dheer ku sheegaan inanay raali ka ahayn in Farmoojo loo inqilaabo Gelle iyo Mooryan la mid ah

Allsanaag.com

3 thoughts on “ILaahow Xaaji Cabaas Xoolo sii

  1. Mustafa noor

    ????
    Hadaad ogtihiin in uu heerkaa taaganyahay maamul ku sheeaga puntland ee la dagaalamaya Soomaalida iyo wanaageeda iyo in ay yeelato dawlad aan ku salaysnayn qabyaalad iyo Rufyaanimo maxaad u taageeraysaan
    Maxaad qayb uga tihiin hadaad tihiin reer maakhir oo aad aminsantihiin Somaalinimo iyo in si cadaalad ah loo wada noolaado
    Damiir yeesha oo yaan Magciina indinkoo aan waxaba laydin ka waydiin lagu qadhaaban

    Reply
  2. Majertenianman

    Shirkan Waa shir aqoon iswaydarsi o dad shacab somaliyeet kushirayaan. Maxaa barlaman kaquseya? Hadii ay hawiye iyo hug yihiin kuwa shirayo, Dhul Somali ayeey jugaan! Madaxwayne farmajo waa dhamaday waqtigisii history ayaa qurayo haduu xumaa iyo haduu ficayahay. Waxaan ku amano iyo waxaan ku mucarado Majiraan, lakii Hadaan farmajo ahan lahaa puntland lamdirireen mana coladiyeen. Or waxna matareen waxna umadhimen, wayo overtime bay kula adayaan. Wayaqanin sida lodagalamo xaga siyasada. Imagine intii fatmajo jugay 1 milyan kaliya ayuu puntland siyey taas waaa guul iyo wAnag farmajo usameyey puntland. Today they learned

    Reply

Leave a Reply to Mustafa noor Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*