29th March 2024  admin  Category :

Wakiilka urur gobaleedka IGAD ee arrimaha Soomaaliya danjire Maxamed Cabdi Afey, oo manta shir jaraa’id  ku qabtay magalada Nairobi ee dalka Kenya,  ayaa sheegay in shirka madaxda dalalka IGAD ugu soo gabagaboobay magalada Muqdisho  uu ahaa  mid tariikhi ah, isla markaana muujinayay hormar wanaagsan ee Soomaaliya ay ka sameysay dhinacyada Siyaasadda iyo Amniga.

Danjire Afeey, ayaa dowladda Soomaaliya, ciidamada ammaanka iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay hirgalinta iyo sida nabadgalyada ah ee Muqdisho uu ugu qabsoomay shirkii madaxda dalalka IGAD.

Dhanka kale, safirka Soomaaliya uu fadhiya dalkani Kenya Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa sheegay inuu shirka uu caddeyn u ahaa in Soomaaliya ay martigalin karto shirar heer caalami ah, maadaama uu soo hagaagay ammaanka dalka Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya ayaa marti galisay shir madaxeedkii 28aad ee  IGAD, kaas oo ay ka soo qeeybgaleen Madaxweyneyaasha Kenya, Uganda, Ra’iisul Wasaaradaha dalka Itoobiya, iyo Wasiirada arimaha dibadda dalalka IGAD qaarkood.

14341846_10202246059390500_1436846326_n14356123_10202246166593180_1488471633_n

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*