28th March 2024  admin  Category :

Xubno ka mid ah beesha Isaaq ayaa dood ay qabsadeen ugga hadlay qaabka ay aqoonsi ku helli karaan iyo sababta loo aqoonsan waayey, iyagoona qiyaaliga ay aaminsan yihiin ka iibinaya shacabka masaakiinta ah ee la marin habaabiyey.

Haddii guriga uu aas-aaska ka xummaado weey adag tahay in la toosiyo. Sidaa si la mid ah ayaa beeshan waxeey door bideen ineey goosasho ku dhawaaqaan iyagoo doonaya ineey sheegtaan dhamaan dhulkii la isku oran jiray Soomaaliland taas oo ah meesha ay ku qaldanaayeen aqoonsigiina ay ku seegeen. Balse haddii beeshan ay sheegan lahaayeen inta dhul ay dalka Soomaaliya ka dagan yihiin waxaa laga yaabi lahaa ineey wax u suurtoobi lahaayeen.

Marka siyaasiyiinta beesha SNMta waa ineeysan beesha caalamka iyo cid kalle aysan eed u jeedin, balse ay naftooda ay dib isugu noqdaan oo haddii beesha Isaaq ay goosasho rabto ay aheed in intooda illaahay uu dajiyey ay iimaansadaan, laakiin xadkaan soo xirayaa dad baana guryahooda sheeganayaa taas illaahay ayaanba aqbaleen.

Waxaa dhab ah in SNMta aysan cidina aqoonsaneen, siyaasiyiintoodana ay doonayaan in maalmo ay xoogaa ka uruursadaan meesha, dadkana loo sheego maalin kasta in aqoonsigii uu soo carfayo sida daango ama sallool la dubay. Beel kalligeed ah oo welliba dhul aysan laheen sheeganeesa yaa aqoonsanaya?

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*