
8th September 2026 admin Category :
Ibrahim Traore oo ah madaxwaynaha dalka Burkino Faso waxa uu dhinac kala dagaalamayaa argaggixisada iyo ka illaalinta dalka dalalka raba dalka ineey burburiyaan. Meesha dhinac kalana uu ka wado sidii uu u horumarin lahaa dalka oo ay ka mid yihiin warshadaha, beeraha, kaabayaasha dhaqaalaha, iyo ka faa’iidaysiga macdanta.

Halka Xasan Shiikh uu saxiib la yahay argaggixisada iyo saaxiib la noqoshada dalalka cadawga ku ah Soomaaliya. Shaqadiisa ugu wayn ayaa ah boobka hantida shacabka iyo midda danta guud, hub isugu dhiibida qabiilada, dawarsi adduunkii lagu wareeriyay, ku tumashada sumcadda Soomaliyeed ee arrimaha dibbedda, qaraabo kiil iyo eex feera qaawan, iyo samaynta wax kasta oo illaahay uu xarimay sida beenta, balan la’aanta, naxariis darrada, laba wajiilaynta iyo cadaalad darrada.
Waxaa jira kuwa Xasan qabyaalad qaawan ku taageeraya oo ku dhahaya Xasan dal xoreeye. Ama dhaha dal koreeye ama dal dhise wax kasta isha ayaa u macalin ah.








