26th July 2024  admin  Category :

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare “Hotelada Lagama Kireyn Karo Laba Qof Oo La Xaqiijin Inay Is Qabaan”

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa ka hadlay falalka kufsiga ah ee muddooyinkii dambe aad ugu soo badayay dalka Soomaaliya, isagoona baaq u diray Wasaaradda amniga dowladda.

Guddoomiye Baashi ayaa waxaa uu sheegay in muhiim ay tahay in hal meel looga soo wada jeysto oo si dhab ah loola dagaalamo falka kufsiga ee lagula kaco dumarka, isla markaana shacabka iyo hay’addaha ku shaqada  leh ay iska kaashadan ka kahortegiisa.

Sidoo kale Baashe Yuusuf ayaa ku baaqay in laga hortego maandooriyaha noocyadiisa kala duwan oo qeyb ka qaata falalka xad-gudubyada ah, wuxuuna ku taliyay in la koontaroolo meelaha dalka wax kasoo galaan, si dalka aan loo gelin maandooriye.AKHRISO

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ayaa sheegay in lagama maarman ay tahay in lala yimaado qorshe lagu ogaanayo habka loo dego Hotelka ku taalla Muqdisho, isagoona ceyb wen ku tilmaamay in falalka xad-gudubyada ah mararka qaar ka dhacaan hotelada.

”Labo qof oo rag iyo dumar ah oo aan la xaqiijin inay is qabaan Hoteel mawada dagi karaan Hoteelkii aan weydiinin Shahaadada Nikaaxa wuxuu ka qeyb-qaadanayaa in la fidiyo waxyaabaha foosha xun-xun” ayuu yiri Baashe Yuusuf.

Ugu dambeyn Guddoomiye Baashi Yuusuf ayaa Wasaaradda amniga Xukuumadda ugu baaqay inay soo saarto awaamiir la xiriirta in dadka aan is qabin ee raga iyo durmaka aysan hotel isla degan karin, si looga hortego falalka kufsiga ee xiliyada qaar dhaca.

Gudaha dalka Soomaaliya ayaa waxaa muddooyinkii dambe kusoo badayay falalka isugu jira kufsiga iyo dilka ee loo geysanayo dumarka, waxaana kufsigii ugu dambeeyay Degmada Afgooye loogu geystay laba haween oo mid da’deedu lagu sheegay 90 jir.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*