26th April 2024  admin  Category :

Ciidanka Badda Dowladda Puntland Oo Hub Ku Qabtay Xeebaha G Bari.

Ciidamada amaanka ee Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed ayaa waxay maanta Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga ee Puntland ay kusoo bandhigeen Doon la sheegay inay ka timid dhankaa iyo Yemen.

Doontaan oo ay soo bandhigeen Ciidanka Xeebta ee Puntland ayaa saarnaa sida la muuqatay Sawiro laga soo qaaday Hub la sheegay inay ahaayeen kuwa si sharci daro ah ku yimid deeganada Puntland.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Puntland  ayaa waxay usheegay in haatan ay wadaa Baaritaan ay ku sameynayaan Doontaan iyo halka laga lee yahay, waxayna sheegeen inay dib kasoo gudbin doonaa, wax kasoo baxa Baaritaankooda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*