Xaad oo soo laabtay, markii Khayre xilka laga qaaday

Odayaasha Hawiye oo Siminaar ay Hargaysa u tegi lahaayeen laga hor istaagay.

Odayaasha beelaha Hawiye , oo uu hogaaminayey Xasan xaad ayaa maanta laga hor istaagay Seminaar qabyaaladeed sidii caaddadu u ahayd ay ka soo qaadan lahaayeen magaalada Hargaysa.

Xasan Xaad, ayaa sida muuqata ah ma gudbe oo sanad walba siminaarkan ka soo qaata Hargaysa, welina Soomaaliya Madaxweyne iyo Raisulwasaare waxa ka ah Daarood

https://web.archive.org/web/20130115122907/https://allsanaag.com/index.php/warar/868-daaroodku-sool-iyo-sanaag-ma-jubooyinkey-moodeen

Farmaajo waa Nabad doon

Sanad guuraddii sadexaad ee ka soo wareegtay afduubkii halyeeygii Soomaaliyeed Cabdikareem Qalbi dhagax laga afduubray Mudug ee la sii marsiiyey Muqdisho intaan Itoobiya Gacanta loo gelin ayaa madaxweynaha Hirshabeele isaga oo marmarsiiyo ka dhiganaya shirkii Dhuusa mareeb wuxuu NABAD DOON ku sheegay madaxweyne Farmaajo oo lahaa amarkii lagu afduubay Qalbi dhagax.

Sawirka hoose waa fataahaddii webi Shabeele ee magaalada Baladwey

Deeqaha Turkiga maxaa Muqdisho ku koobay

Waa maxay sababta Deeqaha Turkigu Muqdisho u soo dhaafi la;yihiin.

Deeqaha Caalamku ugu deeqo Soomaliya ayaa ilaa hadda ma soo dhaafaan magaalada Muqdisho. Labaddii todobaad ee ugu danbeeyey labo goor yaa dalka Turkigu ugu deeqay qalab iyo Gaadiid ciidan shacabka Soomaaliyeed. Labaddii jeerba Muqdisho ma ayna soo dhaafin.

Degaanada Puntland sida Buuraha Cal madow iyo Ca miskaad inta badan dadka iyo Duunyada waxa dila Miinooyin la aasay, qalabkan Turkigu Soomaaliya ugu baan wax badan ayeey ka tari lahaayeen Miino saaridda. Laakiinse dawladda Soomaaliya uguma talo gelin inay qalabkaas degaanadaas gaarsiiso oo Bulshadda Soomaaliyeed bad baadiyaan.

Hadaba su’aasha mudan in lays waydiiyo ayaa waxay tahay Soomaaliya ma Muqdishaaz Mise Turkiga ayaa Mudisho qura deeqaha ugu deeqa oo an dan ka lahayn Soomaali inteeda kale

Wasaaradda Gaashaandhiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gaadii dagaal oo gaaraya 12 gaari kala wareegtay dowladda Turkiga. Gaadiidkaan ayaa loogu tala galay inay adeegsadaan ciidanka xooga Soomaaliya gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor gaar ahaan guutada saddexaad, sida lagu sheegay war ka soo baxay wasaaradda difaaca ee xukuumadda Ankara.

Turkiga ayaa Soomaaliya gaarsiiyay 12 gaadhi kuwaas oo qeyb ka ah heshiisyo militari iyo iskaashi dhaqaale oo laba geesood ah, Wasaaradda Difaaca Turkiga ayaa sheegtay.

Bayaan ay soo saartay, ayay ku sheegtay in gawaaridan, loogu tala galay in lagu isticmaalo dhul aad u qalafsan, looguna tala galay guutada 3-aad ee ciidamada Gorgor ee dowladda Soomaaliya.

http://web.archive.org/web/20121206221344/https://allsanaag.com/index.php/43-war-soomaali-ah/1505-turkigu-ma-beel-soomaaliyeed-ayuu-hubaynayaa

Ducada waa in la Beddelo

Labbo haween ah ayaa ku wadda ummulay Cisbitaal, labbadii haween ayaa mid kasta waxeey dhashay wiil. Hadaba, labbadii dumarka ahaa ayaa mid kasta waxaa soo booqday qooyskeedii. Reerkii ugu horeeyey ayaa billaabay ineey cunuga yar u duceeyaan, waxeey yiraahdeen wiilka illaahay haka dhigo kii dadkiisa iyo diintiisa aanfaca, waxaana la yiri “aamiin”.

Reerkii kalle ee cunuga loo dhalay ayaa iyaguna markoodii waxeey billaabeen ineey cunuga dhashay u duceeyaan, waxeeyna yiraahdeen, “Illaahoow cunugeena haka dhigin callooshiis u shaqeeyste, shillinka dhaafsada dadkiisa, mid dhuunta uun wax ka maqla, illaahoow haka dhigin mid sharafta shillinka dhaafsada.”

Hadaba reerkii kalle ee haweeneeyda kalle u yimid ayaa maqlayey ducadda reerka kalle ay cunuga ugu duceenayeeyn, waxeeyna yiraahdeen anagu wiilka waxaan ugu ducceeynay kii dadkiisa iyo diintiisa aanfaca, idinkuna callooshiis u shaqeeyste iyo dhuuni raac inuusan noqon ayaa ugu duceeyseen.

Waxeey ugu jawaabeen, “haddii qofka uusan callooshiis u shaqeeyste iyo dhuuni raac uusan aheen uu diintiisa iyo dadkiisa wax tarayo, balse idinku wiilkiina waxaad ugu duceeyseen kii dadkiisa iyo diintiisa anfaca oo kalliya mana aydin soo hadal qaadin in wiilka uusan noqon callooshiis u shaqeeyste.”

Reerkii hore ee u duceeyey wiilka ayaa iyaguna waxeey yiraahdeen. “hadii wiilka loogu duceeyo kii diintiisa iyo dalkiisa anfaca, uusan noqon doonin mid dalkiisa iyo dadkiisa iibsada oo ducadaas ayeey wax walba ku dhantahay.”

Hadaba, Soomaalida carruurtooda oo dhan ayaa loogu duceeyey kii diintiisa iyo dalkiisa anfaca, balse waxeey noqdeen kuwo xaaraan cun ah, daba dhilif ah, ciida iyo dadka iibinaya, dalka cadaw ku soo hoggaaminaya, dadka xasuuqaya, iyo wax kastoo diinta ay xarimtay. Hadaba, ma tahay ducadii hore ee ahaa kii diintiisa iyo dadkiisa anfaca in la beddelo oo loo beddelo midda ah in cunuga uusan noqon callooshiis u shaqeeyste, dalkiisa iibiye, dhuunta wax ka maqle, sharaftiisa iibsade, dadkiisa xaraashe, iyo meel xun wax ka raadshe?

Waan la Xisaabtami Doonaa Kuwa Ugaaska is Hortaagay

Madaxweeynaha iyo ku xiggeenka Awdal State ayaa cambaareeyey ugaas maalin dhaweed laga celiyey inuu soo gallo magaalada Boorama, waxeeyna ku sheegeen arrintaas lagula kacay ugaaska ineey aheed mid aad u xun. Waxeeyna kaloo sheegeen kuwa arrintaas kulla kacay ugaaska maalin uun in lala xisaabtami doono. Waxeeyna gabagabadii ku booriyeen dhalinyarada in ay ku soo dabba feelaan maamulka Awdal State si dadka iyo dhulka loo xoreeyo.

Cisbitaalka Xidda

Bulshada Xiddda ayaa u istaagay sidii ay ku dhisi lahaayeen cisbitaal uu yeesho deegaankaas. Cisbitaalka ayaa lagu dhisayaa si iskaa wax u qabso ah, balse shacabku waxeey ka codsanayaan dawladda dhexe, maamulka iyo shacabka Puntland in lagala qeeyb qaato dhameeystirka cisbitaalkaas.

Maamul goboleedyada oo soo dhoweeyey shirkii Garowe

Madaxweynayaasha Maamulada Galmudug,Hirshabelle iyo Koofurgalbeed oo soo dhoweeyay Shirkii Garowe

Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Galmudug Axmed Qoor-qoor,Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare iyo Koofurgalbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa soo dhoweeyay go’aanadii ka soo baxay shirkii Garowe ay ku yeesheen madaxda maamul goboleedyada Jubbaland iyo Puntland.

Shir dhinaca Taleefanka ah oo saddex Madaxweyne maanta yeesheen ayay sidoo kale ku soo dhoweeyeen in shir u dhexeeya madaxda Puntland,Jubbaland iyo dowlada Dhexe ka dhaco Muqdisho.

War Saxaafadeed ay si wadajir ah saddexdan Madaxweyne u soo saareen ayay ku sheegeen inay diyaar u yihiin inay fikirkooda ku biiriyaan sidii xal loogaga gaari lahaa khilaafyada dhinaca siyaasada ah ee jira.