Waddooyinka
Muqdisho ee loo xiray madaxda maamulada ayaa caro waxaa ka muujiyey dadka
qaarkiis oo aan la socon xaaladda dhabta ah ee ka jirta magaalada Muqdisho.
Waxaa dhab ah in Muqdisho amnigeeda uusan sugneen, waqti kastana ay ka dhici
karaan falal amni darro.
Maanta, waxaan
la aamini karin xitaa ciidankii amniga sugayey; in badan oo ka mid ahna, waa
kuwa la shaqeeysta shayaadiinta afka duuban; Hadaba, waxaa dhab ah in amniga
Muqdisho uusan ku taagneen cago badan.
Waxaana ugu
danbeeyey falalkii amni darro ee ka dhacay magaalada oo ahaa kuwii ka kalla dhacay
hoteelka Elite iyo xabsigii ay ku xirnaayeen argaggixisada. Bal ka waran xabsi
banbooyin iyo qoryo loo dusinayo oo ciidankii ay qeeyb ka yihiin?
Ma ahan in
aan iska hadalno oo aan niraahno maxaa waddooyinka loogu xiray madaxda maamul
goboleedyada, anaga oo og xaqiiqada dhabta ah. Sidoo kalle, dadka qaar ayaa
lahaa ma ajnabi baa marka waddooyin loo xirayo madaxda maamulada? Dabcan cid
kasta oo madax ka ah dalka oo magaalada imaneeysa waa mid ay tahay in qaab
kasta oo amnigooda lagu sugi karo ay tahay in la sammeeyo. Hadaba:
Madaxda waddooyinkeeda
Muqdisho loo xiray ma’ahan shisheeye;
Waase maamuladii
madaxdooda, Muqdishana waa caasimadooda;
Waa marti
sharaf leh oo mudan in la maamuuso;
Doqon baase
moogan wacyiga maanta lagu jiro;
Mar hadii
Muqdisho amnigeedii uu muran ku jiro, AMISOMna ammaankeedii magan looga yahay;
Maxaa
madaxda maamulada amnigooda la sugayo lagu maagayaa?