Mar kale iyo Muqdisho

Masaarida oo deeq soo gaarsiisay reer Muqdisho, ka dib roobkii xagaayada

Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyi galinta Maamulka Gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir Axmed (Jaketti) ayaa maanta kala wareegtay Wasaaradda Maareynta Masiiboobinka Deeq isugu jirto Daawo iyo Raashin oo loogu tala galay dadkii uu sameeyay Robabkii ka da’ay magaalada Muqdisho.

Deeqdan ayaa la qorsheynayaa in la gaarsiiyo dadka ugu daran ee uu sameeyay fatahaadda ka dhalatay roobabkii ka da’ay caasimadda.

ILHAN IYO CUMAR OO GUULAYSTAY

Ilhaan Cumar oo ka mid ahayd xildhibaanada aqalka hoose ee Maraykanka (Minnesota’s fifth congressional district). ayaa mar kale dib loo soo doortay, ka dib markii ay ka guulaystay Lacy Johnson.

Sidoo kale Cumar Faatax, oo ku guulaystay Xildhibaanka Aqalka sare ee gobolka  Minnesota ayaa noqday XIldhibaankii ugu horeeyey ee Soomaaliyeed oo fariistay Baarlamaan ka mid ah aqalada sare ee gobolada Maraykanka, Waa u hanbalyeenaynaa guusha ay Soomaalidu gaartay halka weli Faysal cali Waraabe iyo kuwo la mid ah maskax maran iyo qabiil yar ay hadba meel Gaashaanbuursi iyo magac aan jirin ula aadayaan

Xildhibaanada soo barakacay

Xildhibaanada Ka soo barakacay Waqooyiga Soomaaliya Oo Ka Horyimid Go’aankii Cabdi Xaashi

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ka soo Barakay gobolada waqooyi galbeed iyo Togdheer ayaa kasoo horjeestay Qoraalkii kasoo baxay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee ku sheegay inuu soo magacaabayo Guddiyada Doorashada ee Xildhibaanada Somaliland.

Xildhibaanada oo Maanta kulan yeeshay Muqdisho ayaa sheegay in uusan jirin sharci u ogolaanaya in Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi uu soo magacaabo xubnaha, Xildhibaanada Somaliland ku metelaya Guddiyada Doorashooyinka ee 2020/2021.

Xildhibaan Guuleed Ceyndaruus Cige oo warbaahinta u akhriyay war-murtiyeed kasoo baxay Xildhibaanada ayaa sheegay in uusan jirin heshiis siyaasadeed oo dhexmaray Xildhibaanada labada Golle iyo Guddoomiye Cabdi Xaashi.AKHRISO

Sidoo kale Xildhibaanada kasoo jeeda Somaliland ayaa Cabdi Xaashi ku eedeeyay inuu ka qeyb geli waayay shirarkii ka dhacay Dhuusamareeb iyo Muqdisho oo ay xuseen in Cabdi looga baahnaa inuu ka qeyb galo, hayeeshee Xildhibaanada Somaliland uu shirarkaas ku matalay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ugu dambeyn Xildhibaanada kulanka ku yeeshay Muqdisho ayaa sheegay in Qoraalkii ugu dambeeyay iyo kuwo kale uu horey u soo saaray Cabdi Xaashi in uusan ku metelin Xildhibaanada, isla markaana Qoraalada ay yihiin kuwo abuuraya qalqal siyaasadeed.

Si kastaba Cabdi Xaashi ayaa dhawaan sheegay inuu magacaabi doono labada xubnood ee Gobollada waqooyi ku matalaya guddiga doorashada heer federal, labada xubnood ee guddiga xalinta khilaafaadka, iyadoo saddex xubnood soo magacaabi doonto Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wafdi ka socda Puntland oo gaaray Boocame

Waftigaan oo uu hogaaminayey Wasiirka Duulista hawada iyo Garoomada Puntland Mudane Ilyaascismaan Gabiileey oo qayb ka ahaa Wasiir ku-xigeenka Biyaha, Tamarta iyo Macdanta Mareeyaha Wakaalada horumaarinta biyaha, Enjineero iyo Xildhibaano Cabdirixmaan Muuse Jaamac oo katirsan Baarlamaanka Puntlad ayaa waxaa maanta si weyn lagu soo dhaweeyey Degmada Boocame e Gobolka Sool, Iyadoona ay halkaas kusoo dhaweyeen Duqa degmada iyo bulshada qaybaheeda kala duwaan.

Ujeedka waftigaan ayaa waxaa uu ahaa sidii ay sahaan ugu sameeyn lahayeen gobaha laga fuulin kaaro Mashruuca biyoole ee ku yaala Gobolka Sool, waxaayna si gaar ah u tageen meelaha laga sameyn kaaro celinta biyaha socda sii ay ugu fa’iideystaan biyo xireenadaas dad, duunyada iyo beeraha.

Sarkaal caawa lagu dilay Laascaanood

Waxaa caawa Magaalada Laascaanood Lagu Dilay Sarkaal Beesha Habar Jeclo ka soo jeeda oo kamid ah Maleeshiyaadka Maamulka SNM,

Sarkaalkan oo lagu Dilay Bar Ciidan oo maamulka SNM ku leeyihiin Bariga Laascaanood ayaa magaciisa lagu Sheegay Cabdiraxmaan Ducaale Ibraahim.

Dilkan Qorshaysn ee Caawa lagu dilay Sarkaalka SNM ee Gudaha laascaanood, ayaa ku soo Beegmaya xili Isla caawa Duleedka Degmada widhwidh ee gobolka Cayn lagu Dilay Hal qof oo Beesha Habar jeclo ah iyadoo lagu dhaawacay isla mid kale oo beesha Habar Jeclo ah

Waare oo is casilay

Madaxweynihii maamulka Hir shabelle oo iscasilay

Madaxweynihii Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa goordhow shaaciyay inuu iska casilay xilkii Madaxweynaha, xilli muddo xileedkiisa ahaa mid dhamaaday, isla markaana Hirshabelle ku guda jirto howl lagu soo dooranayo Hoggaan cusub.

Qoraal uu bartiisa Twitter-ka ku shaaciyay ayuu ku sheegay in si waafaqsan qodobka 52aad ee Dastuurka Kumeel gaarka Hirshabelle uu isku casilay xilkii Madaxweynaha Hirshabelle.

Waare ayaa ka sheekeeyay taariikhda dhismaha Hirshabelle in markii hore uu ahaa mid loo maray dhismihiisa qaab qaldan, iyadoo lagu guda jiro doorashada Federaalka, isla markaana Baarlamaanka labaad ee Hirshabeelle uu ku soo aaday dhismihiisa hadana iyadoo xilli doorasho lagu jiro.

Sidoo kale waxaa uu soo jeediyay in doorashada dib loo dhigo illaa dowladda Federaalka ka dhamaato, si iyadoo la miirqabo looga tashado dhismaha Hirshabelle cusub, lana saxo qaladaadkii hore, si ay u noqoto mid xasilloon oo waarta.

Madaxweyne Waare ayaa nasiib darro ku tilmaamay sidaas wax u dhacaan, isla markaana ay ku qancaan dowladda Federaalka, duubabka dhaqanka, xildhibaanada matala Hirshabelle iyo hoggaanka mucaaradka oo ay qeyb ka yihiin Madaxweynayaashi hore oo horay ka hadli jiray dhibaatooyin ka taagan deegaano kale iyo maamul goboleedyada kale, ayna ka hadli waayaan xaalada Hirshabelle, una arkaan in wado wanaagsan lagu socdo.

Halkan hoose ka akhriso qoraalka is casilaada Waare:-

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Faraceeda Puntland-Badhan

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Faraceeda Puntland-Badhan waxay qaadanaysaa barayaal dhigi kara maadooyinka hoos ku xusan:1- Shariiicada Islaamka, ( 1 Bare ). 2- Afka Carabiga,( 2 Bare ). 3- Afka Ingiriisi-ga (English), ( 3 Bare ). 4- Xisaab (Mathematics),( 2 Bare ). 5- Fiisigis (Physics),( 2 Bare ). 6- Bayooloji (Biology),( 2 Bare ). 7- Kimisteri (Chemistry),( 2 Bare ). 8- Introduction to Geology,( 1 Bare ).

Shuruudaha looga baahanyahay:

1- Inuu haysto shahaadada Masterka ama PhD ee takhasuska uu soo dalbanayo.

2- In uu leeyahay Khibrad macallinnimo ugu yaraan

3- In uu ka gudbo imtixaanka guddiga qiimaynta bareyaasha cusub.

4- In uu diyaar u yahay inuu ka shaqeeyo xarunta Jaamacadda Ummadda, faraca Puntland-Badhan.Qaabka loo soo dalban:

Waxaa CV- ga iyo shahaadooyinka oo dhammaystiran lagu soo diriyaa: Email-ka hoos ku qoran Director_badhan@snu.edu.so  Qabashada arjiyada waxay ku egtahay Arbacada, 4th, November, 2020, Saacadda 3:00pmMahadsanid