Labo qof oo ka mid ah kuwa daawada Nibiriga dabaalanaya ku daawada xeebaha gobolka California ee dalka Maraykanka ayaa ku sigtay in Nibiri laqo iyo Huurigoodiiba

Labo qof oo ka mid ah kuwa daawada Nibiriga dabaalanaya ku daawada xeebaha gobolka California ee dalka Maraykanka ayaa ku sigtay in Nibiri laqo iyo Huurigoodiiba
Joe Bide oo noqday madaxweynihii 46aad ee dalka maraykanka, ka dib marki uu kaga guulaystay gobolkii uu ku dhashay ee Pennsylvania madaxweynihii hore Trumo.
Kamala Haris, ayaa sidoo kale noqotay gabadhii ugu horaysay oo iska dhaleen Hindi iyo Jamaican oo Maraykan ka noqota Mdaxweyne ku xigeen, Waana gabadhii ugu horaysao oo xilka madaxweyne ku xigeenka ka noqota Maraykanka.
Biden madaxweynihii ugu horeeyey ee Maraykanka ee Mdaow ah ayuu u noqday ku xigeen. Waana madaxweyne ku xigeenkii 47aad ee Maraykanka. Horay wuxuu u ahaa Xildhibaanka aqalka sare ee Delaware 1973 ilaa 2009
Maanta Bulshada caalamka oo dhan ayaa wada dabaal degaya, ka dib markii Allah ka dul qaaday Masiibadii gacanta ku haysay Hubka culus
Allsanaag.com
Xagee ayeey mareeysaa tirinta cododka dhiman ee la sugayo ineey ku kala baxaan Biden iyo Trump?
Biden ayaa u muuqda inuu ku horeeyo gobolada Arizona, Nevada, Pennyslvania iyo Georgia. Waxa ay u badan tahay in Biden uu heli doono tirada uu u baahan yahay illaa iyo caawa. Biden waxa uu heeystaa hadeer 253, meesha Trump uu heeysto 214.
Gobolka Arizona mar hore ayaa qaar ka mid ah warbaahinta waxeey siiyeen Biden inuu ku guuleeystay, balse la iskuma raacsana, wellina waxaa socota tirinta codadka dhiman. Si kastaba ha ahaatee, waxaa caawa la filayaa in Biden uu qudbad jeedin doono taas oo ah mid uu ku shaacinayo in uu ku guuleeystay doorashada.
Arizona
Biden waxa uu ka horeeyaa Trump 29,900 oo cod gobolka Arizona.
Waxaa harsan in la tiriyo 87,000 oo cod. Codadkaa tirinta sugaya waxaa la filayaa inuu Biden qaadan doono.
Gobolka Nevada
Biden waxa uu ka horeeyaa Trump 22,700 oo cod;
Waxaa harsan wax ka yar 123,000 in la tiriyo;
Gobolka Pennsylvania
Biden: Waxa uu ku hogaamninayaa 27,200 gobolka Pennsylvania
Waxa harsan in la tiryo 80,000 oo cod;
Gobolka Georgia:
Biden waxa uu ka horeeyaa Trump 4,395
Waxa harsan in la tiriyo 5,000 oo cod wax ka yar.
Gobolka North Coroline:
Trump waxa uu ka horeeyaa Biden 76,000
Waxa dhiman in la tiriyo 350,000 oo cod
Ibraahin Aadan Doolaal ayaa faalo ka bixiyey dagaalka ka soo cusboonaaday dalka Itoobiya ee u dhaxeeya Tigreeyga iyo dawladda Itoobiya. Dagaalka ayuu sheegay ineey soo dedejisay inuu dhaco kadib markii ciidamo ka tirsan Tigreeyga ay weeyrareen xeryaha ay yaallaan hubka ugu badan dalka Itoobiya. Sidoo kalle dagaalka ayuu sheegay in marka ugu danbeeysa laga guulleeysan doono Tigreeyga maadaama laga awood badan yahay, balse aan la garaneen xilliga uu dhammanayo dagaalka.
Mulkiilihii Telifshinka Astaan, oo aan u dhalan Hargeeysa, ayaa lagu xukumay shan sanno oo xarig ah kadib markii uu u diiday rag deegaanka u dhashay in uu qeeyb ka siiyo lahaanshaha telifishinka. Nimankan ayaa markii hore ku lahaa telifishinka labbo boqolkii 2%, balse waxeey doonayeen in uu si xoog ah ku siiyo boqolkiiba in kabadan konton. Si kastaba ha ahaatee, milkiilahan ayaa u xiran sababtaas darteed oo ah in uu u diiday nimankaa deegaanka u dhashay inuu lahaanshaha telifishinka uu ka siiyo qeeyb weeyn.
Hadaba, dadka aan u dhalan Hargeeysa iyo nawaaxigeeda, ayeey tahay ineeysan maalgashan Hargeeysa, maadaama ay tahay meel aan sharci ka jirin oo waqti kastana hantidaada lagu dhici karo, iyadoo welibana xabsi laguu dirayo. Marka waqti dheer laggugu hayo xabsigana, aad marka danbe iska ogolaato in hantidaada la iska qaato si aad mar uu xoriyadaada aad u hesho.
MUUQAALKA HOOSE WAA DAD AAN HARGEEYSA U DHALAN OO KA CABANAYA DHUL AY MAALGASHTEEN OO LAGA DHACAY
Guddoomiyaha Aqalka Sare oo ka soo horjeestey magacaabida Guddiga Doorashooyinka
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi cabdillaahi ayaa ka soo horjeestey magacaabista guddiga doorashooyinka oo uu Ra’iisul Wasaare Rooble soo saaray.
Cabdi Xaashi Cabdulaahi Guddoomiyaha Aqalka sare ayaa ku eedeeyay Ra’iisul Wasaare Rooble in uu ka tagay xubno uu u gudbiyay, kuwaas oo ka mid noqon lahaa guddiyada doorashooyinka.
Qoraal uu soo saaray Maanta guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi cabdillaahi oo la ogeeysiiyay, Madaxweynaha , Ra;iisul Wasaaraah & Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa waxaa lagu sheegay in Xubnaha uu Magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble hadii ay ku jiraan Xubno maamulaya doorashada Xildhibaannada Gobolada Waqooyi (Dir Waqooyi)aysan ka warqabin,isla markaana matalin.
Halkan hoose ka aqriso qoraalka uu soo saaray guddoomiyaha Aqalka Sare.
Caruurtii Badhan laga kaxeeyey oo markii Hargaysa la geeyey loogu heesay Hargaysa yaa iska leh “Sacad Muuuse yaa iska leh iyo yaa keenay faqashta Hargaysa . Sawirka sare waa koox ka soo jeeda degmada Badhan oo la shaqaysata maamulka SNM, oo hadda caruurta ku irsaaq doontay
Ra’isul wasaare Maxamed xuseen Rooble ayaa Magacaabay Guddiyada Doorashooyinka iyo Xallinta iyo Khilafaadka heer Federaal.
Xafiiska Warfaafinta Suldanka Guud Ee Belaha Harti
INAALIlAAHI WAA INAAILAYHI RAJUCUNSuldanka Guud ee Belaha Harti Suldan Siciid Suldan Cabdisalaan Suldan Maxamud. Ayaa Tacsi u diray Islaam ciise Islaam maxamed .Geeridi ku timi marawada kowad Siciido maxamed daahir .Suldanka Ayaa ilahay uga baryey in ilahay naxaristi jano ka warabiyo qabriga uwasiciyo .Qoyski iyo qarabadisina iyo dhaman umadana Ilahay samir iyo iman sadiqa inaga wada siiyo .
Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa diiday inuu booqdo gobolka Sanaag, isaga oo ku sugan magaalada Carmo sababtoo ah ma doonayaan dawladda Farmaajo ma doonayaan maamulka Hargaysa