Deni oo safar dhinaca dhulka ku gaaray magaaladda Dhuusamareeb

Madaxweyne Deni oo safar dhinaca dhulka ku gaaray magaaladda Dhuusamareeb

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar dhinaca dhulka ah kusoo gaaray magaaladda Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa soo dhoweeyay Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdikaariye Qoor Qoor iyo xubno ka mid ah masuuliyiinta Galmudug.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO CAAWA GUDDOOMIYEY KULAN HORDHAC U AH SHIRKA WADATASHIGA

MADAXWEYNE FARMAAJO OO CAAWA GUDDOOMIYEY KULAN HORDHAC U AH SHIRKA WADATASHIGA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa guddoomiyey kulan hordhac u ah shirka wadatashiga heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed ee ku saabsan dardar galinta hannaanka doorashooyinka dalka iyo sii ambaqaadidda heshiiskii 17-kii Sebteembar 2020 ee ay ansixiyeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulankan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynaha Dowlad-goboleedyada Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen.

Madaxda ayaa isla gorfeeyey dadaallada heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed ee loo qaaday hirgelinta doorashooyinka, xaqiijinta xasilloonida siyaasadeed iyo amni ee dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku bogaadiyey Madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed ee caawa ay wada qaateen kulankan dadaalka ay ku bixinayaan horumarinta dowladnimada iyo adkeynta midnimada shacabka Soomaaliyeed.

Waraabe iyo Baraha Bulshada

Waraabe oo looga shakisan yahay inuu yahay ninka Baraha Bulshada ku qora qoraalada nacaybka beelaha uu dhex dhigayo

Intaan aaladdaha maanta la istcmaalo ee Instagram, Facebook iyo Twitterku ayna iman waxa jirtay aalad kale oo ay Soomaalidu ku wada sheekaysan jireen lana oran jiray Paltalk. Magacyo been ah ayaa lagu soo geli jiray, waxaana lagu kala caansanaan jiray sida beelaha Soomaaliyeed loo aflagaadeeyo.

Dadkii ugu caansanaa ayaa waxa ka mid ahaa Casanova, oo ka soo jeeday gobolka Sool, oo hadda face book ku joogaa Cilmi Naalaye , Wiil Hawiye, oo la sheegay inuu ahaa Ali Osoble oo mar soo noqday Madaxweynaha Hirshabeelle . Faroole ayaa isaguna soo geli jiray waqtigii Atam. Faysal Cali waraabe oo marka uu hadlayo soo qaadan jiray Kayse, marka uu wax qoryona Degan

Maalmahan sheekaddii Paltalk ayaa waxay ka socotaa Face Book. Faysal Cali Waraabe iyo Ali Cosble ayaa soo qorayey qoraalo ay ku sheegayaan in qaar ka mid ah beesha Daarood ay aflagaadeeyeen Allah ha u naxariistee Galaal.

Dadka ay sheegeen inay qoraalada nacaybka qoreen ayaa waxa ka mid ah Weriye Cali Xaraare oo magaciisa lagu been abuurtay. Cali Xaraare wuxuu ka mid ahaa Soomaalidii ugu horaysay ee ka tacsiyadaysay Geeridii General Galaal

Fiiri magaca saxda ah waa Ali Harare, halkakan been abuurka ahi ay ku jirto labo a. Qoraaladan beesha Hawiye oo tacsi u taal, oo aan weli Generaalkii la aasin may qoreen. Sababtaas ayaa looga shakisan yahay in Faysal Cali Waraabe iyo kooxdiisii in sidii PALTALK ay magacyo dumar ku joogaan Facebook oo Fidno ka dhex abuurayaan beelaha dhexdooda

Cilmi Naalaye ama Casanova, oo ay Paltalk isku hayn jireen Faysal Cali Warabe (Kayse iyo Degan) kama uuna hadlin qoraalkiisu run iyo been midka uu yahay

Hoos ka akhriso mid ka mid ah madaxda beelaha Hawiye Ali Cosoble, oo isaga oo waxba hubsan qoraalada been abuurka ah ku sheegaya inay yihiin afhayeenda beesha Daarood

Waxgaradkii Beesha Daarood maxey ka yiraahdeen qoraalka ninka afkooda ku hadlaya?

Madaafiic caawa ku dhacay Dhuusamareeb

Xaafaddii Farmaajo ka deganaa Dhuusamareeb oo madaafiic lagu garaacay

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya maaxmed Cabdulaahi farmaajo iyo Wafdi uu hogaaminayo oo maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta maamul Goboleedka Galmudug, isaga oo ku labisan Jaakadda aan xabbadu karin, ayaa caawa xaafaddii uu ka deganaa Dhuusamareeb lagu garaacay Madaafiic. Illa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay Hoobiyaasha la soo gamay.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa dhowaan qiray in magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulkiisa ay qarka u saarantahay inay Al-Shabaab qabsadaan, maamulkiisana uusan awoodin inuu ka difaaco.

Intaas kadib ayaa odayaasha beeshiisu ay ka caroodeen jawaabta Qoor Qoor, waxayna u sheegeen in sanad ka hor markii uu xilka qabtay aysan Al-Shabaab ka sokeyn Ceelbuur, balse maanta aysan waxaba la aheyn inay qabsadaan Dhuusamareeb, difaacuna uu yahay mas’uuliyad saran maamulka.