Shirkii Dhuusa mareeb oo fashilmay

Shrikii madaxda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada uga socday magaalada Dhuusa mareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa caawa Fashil ku soo dhamaaday.

Sababta keentay inuu shirku fashilmo ayaa lagu sheegay in madaxweyne Farmaajo haba yaraatee wax tanasul ah oo ka samayn waayay arinta gobolka Gedo, isaga oo ku adkaystay in isaga kaligii loo daayo arimaha gobolka Gedo.

Warsaxaafadeed uu qabtay wasiirka warfaafinta goor danbe ee caawa ayaa u ekaa mid macasalamayn ah oo sida muuqata ay madaxda Federaalku ay saaka ka kalahayaan Dhuusamareeb , haddan quwado kale soo dhex gelin

“Ma jiro kulan wadajir ah oo xubnaha labada Aqal u ballansan yihiin

Cabdi Xaashi “Ma jiro kulan wadajir ah oo xubnaha labada Aqal u ballansan yihiin oo uu soo codsaday Madaxweynaha”

Qoraal uu soo saaray gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayuu ku beeniyay inuu jiro kulan wadajir ah oo ay uballansan yihiin labada Aqal kaasoo uu madaxweynuhu ka soo codsaday.

Sida lagu daabacay bogga Twitterka ee Aqalka Sare waxaa lagu wargeliyay dhammaan sanatarada inuusan jirin kulankaas.

Farmaajo oo laga baajiyey safarkii Muqdisho

Beesha Caalamka oo dhex dhexadinaysa madaxda Soomaaliyeed

Madaxweyne Farmaajo oo afartii sano uu xilka hayey ka gaabiyey inuu doorasho noocee tahayba dalka u qabto, oo dhowaan bulshada Caalamku ku khasabtay in madaxda Soomaliyeed ee kala ay ka wada hadlaan sidii doorasho looga qaban lahaa, taasna ayaa sababtay i shirka Dhuusamareeb la iclaamiyey.

Shirkii Dhuusamareeb ka socday ayaa hadda waxa mar kale soo fara geliyey Bulshada Caalamdii ka oo ay Soomaalidu ugu yeeraan beesha lixaad , iyaga oo sida muuqata markan la wareegay hogaankii shirkan oo u kala dab qaadaya madaxda Soomaaliyeed oo is diidan.

Galabta waxa magaalada Dhuuso mareeb ka dhoofi lahaa madaxweyne Farmaajo si uu maalinta berito ah muddo kororsi u waydiisan lahaa Xildhibanada Baarlamaanka Soomaaliya, waxa loo sheegay inuu ku negaado Dhuusamareeb fudaydkana yareeyo.

Marka Farmaajo Muqdisho ubaxo waxa isaguna balan dhigtay inuu la hadlayo Warbaahinta Axmed Madoobe oo oran laha shirkii Waa fashilmay. Isagana waxa lagu yidhi afkaaga hayso

Farmaajo oo berri hortagaya Baarlamaanka

Farmaajo oo ku fashilmay shirkii Dhuusamareeb ayaa Muqdisho u aadaya muddo kororsi.

Golaha Shacabka ayaa ku dhawaaqay inuu berri jiro kulan gaar ah oo ahaa kulankii uu Madaxweynaha soo codsaday inuu qudbad u jeediyo golaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa in uu berri oo sabti ah bishuna ay ku beegan tahay 6da Febraayo uu qudbad u jeediyo baarlamaanka, waxaana ka haray oo kaliya muddo labo cisho ah mudada xil hayntiisa.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweyne Farmaajo galabta uu ka soo tagi doono magaalada Dhuusamareeb, iyadoo aan wax natiijo ah laga gaarin shirkii ay u fadhiyeen Madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Shirka ayaa la isku mari waayay arrinta ku saabsan gobolka Gedo,waxaana dhowrkii maalmood ee uu shirku socday lagu guuleysan waayay in xal laga gaaro khilaafka u dhexeeya dowlada federalka iyo Maamulka Jubba.

Beesha Caalamka ayaa cadaadis weyn ku saartay dowlada federalka iyo dowlad goboleedyada in xal laga gaaro dhammaan khilaafyada hareeyey qabashada doorashada dalka.

Dagaal ooge SNM ah

Sarkaalii Isaaq ee ugu horeeyey ee Hubkii Soomaalida lagu xasuuqayey geeyey Muqdisho, si xassuqa iyo Dabar goynta beesha Daarood looga miro dhaliyey

Jabhadka SNM ee dagaal oogaha ah Aadan Muuse Jibriil wuxuu sheegay inuu ahaa sarkaalkii ugu horeeyey ee 1991 hubka geeyey Muqdisho

Hooyo uu wiilkeeda dilay

22 jir Maraykan ah oo hooyadiis ku dilay Shaqo raadso

Qof Dumar ah oo laga helay gurigii ay deganayd dhexdiisa iyada oo mayd ah oo ku yaalay magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa waxa la sheegay inuu dilay wiilkeeda, ka dib markii wiilkeeda ay ka wada hadleen inuu u baahan yahay inuu shaqo raadsado

Booliiska Magaalada New York ( New York City Police Department ) ayaa xaqiijiyey in Musa Camara oo 22 ir ah uu madax ka toogtay Fatoumata Danson iyaga oo ku wada sugan dabaqa 15aad oo ay wada deganaayeen Xaafadda Village Houses.

Markii abtigiis la waydiiyey maxaa kalifay oo u sabab ah in Camara dilo hooyadiis, Basangari wuxuu ku jawaabay, ‘Sababtu waa isagoo ah Garay iyo caajisloow ma shaqayste ah, walaashay ayaa ku tidhi isaga waa inaad shaqo heshaa, gurigana banaankana uga tuuray….. falcelintii sidan ayeey noqotay”

Dansan waxay ahayd hooyo 39 jir ah oo haystay sideed caruur ah.

Qoyskan ayaa sanadkii 1990 ka soo haajiray Gambia iyo Sierra Leon

Wasiirka Qorsheynta oo qaabilay mas’uul ka tirsan dowladda Finland

Wasiirka Qorsheynta oo qaabilay mas’uul ka tirsan dowladda Finland

Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay Madaxa cusub ee Iskaashiga  horumarinta Finland u qaabilsan  Soomaaliya.

Kulanka waxaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dawladood ee dhinacyada horumarinta iyo dar-dar galinta  howlaha ay ka wado Finland gudaha dalkeenna.

Sidoo kale waxaa la isla gartay istaaraajiyadda cusub uu diyaarinayo xafiiska Horumarinta Iskaashiga Finland ee Soomaaliya in lagu saleeyo Qorshaha Horumarinta Qaranka oo ay ku cadyahiin baahiyaha dhan ee dalkeena oo in laga taageero muhiimka u ah.

Dowladda Finland ayaa sheegtay in ay ku qeexi doonan Istaarajiyada cusub Barnaamijiyo lagu taageerayo dhinacyada Waxbarashada iyo Horumarinta Arrimaha dowladaha Hoose, iyada oo Soomaliya ay hadda ka taageerto dhinacyada Haweenka iyo Caafimaadka oo ah meelaha ugu muhiimsan ee taageerada xooggan u baahan.