Wiil iyo Abtigis been ayeey iska dhaadhiciyeen

Hawiye, 1991 ayuu Daarood ka adkadeen, dastuurka aanu maanta doonayo inaan qorno mar hore ayeey ahayd inaan qorno ilaa qofka guulaysta ayaa sharciga looga danbeeyaaye

Taliyaha ciidabka Sirdoonka Soomaaliya, Sanbalooshe ayaa sheegay in beesha Hawiyec ay ka guulaysteen Somaali inteeda kale, sidas awgedna Dastuurka ay maanta doonayaan inay qoraan ay ahayd in mar hore qoraan. Taliyaha oo ka soo jeeda besha Xawaadle, guushan uu shegayo. Ay tahay maataddi beesha Harti eec1991 safrka ahayd ee ka soo qaxday Muqdisho ee inta Isbaarada loo dhigtay lagu xasuuqay Janta ku dishes, Beledweyn iyo Qaxootigii Ogaaden ee ku jiray xeryaha Jalalàqsi ee inta la gawracay la siiyey Yaxaska webiga Shabbele ku

Safiir kale ayaa HAG loo magcaabay

Madaxweyne Culusoow qoyska reer Qanyare Afrax Safiir u magcabay

Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u magcaawday dalka Uganda Amb Fardowso Maxamed Qanyare ayaa maanta nuqul ka mid ah waraaqadaha danjirinimo u gudbisay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Uganda Hon. Okello Henry Oryem.

Kulan kooban oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda dowladda Uganda ayaa waxaa looga hadlay xariirka labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa, waxaana Danjire Fardowso Maxamed Qanyare ay sheegtay inay ka shaqeyn doonto xoojinta xariirka soo jireynka ah, sidoo kale waxaa ay ka mahad-naqday sida wanaagsan ee dowladda Uganda mar walba u garab taagantahay dowladda federaalka Soomaaliya.

Yes khiyaano qaran ku kacay? Gabadiisu waa wasiirka arimaha dibadda ee daaha gadaashiisa ka shaqaysa , safaaradaha Soomaaludu caalamku ku leedahay na reerkiisa ayuu u wada magcaabay

Waa qayb ka mid ah safiirada Mudulood ee. Madaxweyne Culusoow magcaabay intaan la gaarin Hawiye

  1. Danjire, Jibril Ibahim Abdulle
    (Safiirka Kenya( Mudulood
  2. Danjire, Khadiija Osoble Ali
    (Midowga Yurub) Mudulood
  3. Dajire, Daahir Xasan Carab
    America (Mudulood)
  4. Danjire, Dahir Maxamuud Gelle
    Jaamacadda Carabta (Mudulood)
  5. Danjire, Salad Ali Jelle (Jabuuti) Mudulood
  6. Danjire, Abdulkadir Macalin Nuur
    (Ururka Islaamka) Mudulood)
  7. Danjire,.Mohamed Abdullahi Mohamed (Serbia) Mudulood
  8. Danjire, Omar Mohamud Mohamed (Cuba) Mudulood
  9. Danjire, Aweys Xaaji
    (Sucuudiga) Mudulood

1o. Danjire, Maxamed Cali-Nuur Xaaji
(France) Habargidir

  1. Danjire, Faisal Saxansaxo
    (Indonesia) Habargidir
    I12 na Qanyare Afrax Murursade, Uganda

Halkan

   

  • https://www.facebook.com/plugins/like.php?href=https://shabellemedia.com/safiirka-soomaaliya-ee-uganda-oo-laga-guddoomay-waraaqadaha-aqoonsiga-sawirro/&layout=button_count&show_faces=false&width=105&action=like&colorscheme=light&height=21
  • https://platform.twitter.com/widgets/tweet_button.2f70fb173b9000da126c79afe2098f02.en.html#dnt=false&id=twitter-widget-0&lang=en&original_referer=https%3A%2F%2Fshabellemedia.com%2Fsafiirka-soomaaliya-ee-uganda-oo-laga-guddoomay-waraaqadaha-aqoonsiga-sawirro%2F&size=m&text=Safiirka%20Soomaaliya%20ee%20Uganda%20oo%20laga%20guddoomay%20waraaqadaha%20aqoonsiga&time=1732991781593&type=share&url=https%3A%2F%2Fshabellemedia.com%2Fsafiirka-soomaaliya-ee-uganda-oo-laga-guddoomay-waraaqadaha-aqoonsiga-sawirro%2F

Canada oo joojisay barnaamijka qaxootiga ee ‘Group Five’ oo ay Soomaali badan dalkaasi ku tagi jirtay

Canada oo joojisay barnaamijka qaxootiga ee ‘Group Five’ oo ay Soomaali badan dalkaasi ku tagi jirtay

Dowladda Canada ayaa soo saartay go’aan ay si ku meel gaar ah ugu hakinayso qabashada codsiyada qaxootiga ee Group five iyo barnaamjka kale ee loo yaqaan Community oo ay dadka jooga Canada ugu dacwoon jireen eheladooda Africa ama qaaraadaha kale jooga.

Qoraalka lagu sheegay hakinta ayaa lagu baahiyay bogga dowladda Canada ay ku leedahay waaxda socdaalka, qaxootiga iyo dhalashada.

Bayaanka lagu hakiyay howlaha socdaalka qaxootiga iyo dadka is xanbaarka lagu keenayo ayaa sidan u qornaa:

“Si loo helo hubanti dheeraad ah oo la xiriirta qaxootiga la keenayo, iyo kafaala qaadayaasha, waaxda socdaalka, qaxootiga iyo dhalashada Canada (IRCC) waxay si ku meel gaar ah u joojisay qabashada codsiyada cusub ee kooxaha shanta ah (Group five) iyo kafaala qaadayaasha barnaamijka bulshada ee hoos imaanaya barnaamijka PSR laga bilaabo Noofambar 29, 2024”.

Dowladda ayaa sheegtay in hakintaan ay socon doonto illaa laga gaarayo 31 Diseembar 2025, waana muddo sanad ah iyadoona ku tilmaamtay in ay ka caawin doonto culays ka haystay kobac ku yimid warqadaha arjiyada ama codsiyada qaxootiga iyo kooxaha shanta qof ah ee dadka u dacwoonaya.

Dhanka kale dowladda Canada waxa ay tilmaamtay in waaxda socdaalka muddadaas sanadka ah ay helayaan fursad ay uga shaqeeyaan codsiyadi hore.

Bayaanka ka soo baxay dowladda Canada gaar ahaan waaxda socdaalka, qaxootiga iyo dhalashada Canada (IRCC) ayaa sidoo kale lagu sheegay in la sii wadi doono ka baaraan dagista codsiyadii horay loo qabtay iyo in dib u dajin loo sameeyo qaxootiyadii dhawaanahaan la geeyay dalkaas.

Sidoo kale waxa ay intaa ku dareen in la cusboonaysiiyay barnaamijyo badano o kamid ah kuwa ay dadka sida gaarka ugu dacwoonayaan eheladooda lagu dabaqay qorshaha heerarka socdaalka ee 2025, dowladda Canada ay hiigsanayso inay soo dhawayso 23,000 oo qaxooti ah.

Dowladda ayaa sheegtay in hakintaan ay socon doonto illaa laga gaarayo 31 Diseembar 2025, waana muddo sanad ah iyadoona ku tilmaamtay in ay ka caawin doonto culays ka haystay kobac ku yimid warqadaha arjiyada ama codsiyada qaxootiga iyo kooxaha shanta qof ah ee dadka u dacwoonaya.

Dhanka kale dowladda Canada waxa ay tilmaamtay in waaxda socdaalka muddadaas sanadka ah ay helayaan fursad ay uga shaqeeyaan codsiyadi hore.

Bayaanka ka soo baxay dowladda Canada gaar ahaan waaxda socdaalka, qaxootiga iyo dhalashada Canada (IRCC) ayaa sidoo kale lagu sheegay in la sii wadi doono ka baaraan dagista codsiyadii horay loo qabtay iyo in dib u dajin loo sameeyo qaxootiyadii dhawaanahaan la geeyay dalkaas.

Sidoo kale waxa ay intaa ku dareen in la cusboonaysiiyay barnaamijyo badano o kamid ah kuwa ay dadka sida gaarka ugu dacwoonayaan eheladooda lagu dabaqay qorshaha heerarka socdaalka ee 2025, dowladda Canada ay hiigsanayso inay soo dhawayso 23,000 oo qaxooti ah.

Yaa ku kacay Khiyaano Qaran.?

Qoraalka waaranka ah ee kasoo baxay Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in ay maxakammaddu aqbashay codsi kasoo baxay Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka , sidaasi daraadeedna ay maxakamaddu fareyso Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee ay warqaddani sida tooska ah ugu socoto baa la yiri, waa in aad soo qabataa isla markaana aad hor keentid Maxkamadda Gobolka Banaadir eedeeysane Axmed Maxamed Islaan ( Axmed Madoobe ).

Qoraalka Maxkamada a ayaa wax kale oo lagu xusay in Axmed Madoobe uu ku kacay faldambiyeedyo lid ku ah Wadajirka iyo Midnimada Qaranka Soomaaliyeed , khiyaano Qaran iyo fal dambiyeed lid ku ah xog lala wadaagay dal shisheeye sidoo kalena u uku kacay faldambiyeed lid ku ah Nidaamka iyo Dastuurka dalka .

Madaxweynaha Jubbalànd Sayid Axmed oo ay maxkamdda Muqdisho ku taalaa ay leedahay wuxuu ku kacay khiyaano Qaran ayaa dhowaan doorasho ka dhacday xarunta ku meel gaarka ah ee maamulka Jubbaland ee Kismaayo wuxuu ku guulaystay hogaanka maamulkaas, waxana u hanbalyeey inta badan Soomaalida.

Gudoomiyaha Maxkamadda Muqdisho. xeer ilaaliyaha amarka ka soo qaaday madaxweynaaha , iyo inta badan siyaasiyinta Muqdisho tobaadkii Ina soo dhaafay waxay ku kulmayeen tacsidii Siilaanyo iyo hanbalyaddii Ciro. Labadan siyaasi ee ka soo jeeda maamulka Somalikand ayaa noloshooda intii badnayd ku qaatay dagaal ay ku l a jiray midnimada Soomaaliya iyo wada jirkeeda..

Siilaanyo oo geeriyooday iyo Ciro oo maanta duco loogu qabnayo caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, horay ayeey ugu kaceen u bareereen khiyaano Qaran, kamana toobad keenin, loomana soo maxkamadayn hase waxa xusid mudan in madaxweynihii Soomaaliya ee dalka hogaaminayey ee fadhiyey xafiiskii ugu sareeyey Soomaliya u u hanbalyeeyo Daba dhilif qabyaalad ugu guulaystay inuu Soomaaliya kala goynayo. Isla maalin ka dibna u ducaynayz Siyaasi ka ducaysan jiray midnimo Soomaaliyeed, oo dad badan oo Soomaaliyeed oo ka hor ymidnz ay xasuuq ku mutaysteen

Maxkamad

d

Dooni mayno Firdhiye

hogaanka Khaatumo oo lagu eedeeyey inuu beelihii loo doortay inuu hogaamiyo uu iska hor keenay

Ninkii ka shaqayn jiray xarunta nuclear ka qarsoodiga ah ee Ruushka iyo siraha uu ka shifay

Ninkii ka shaqayn jiray xarunta nuclear ka qarsoodiga ah ee Ruushka iyo siraha uu ka shifay

Maalintii uu bilaabanayay dagaalka u dhaxeeya Ruushka iyo Ukraine oo ahayd bishii February ee sanadkii 2022 kii, Anton ninka la yiraahdo waxa uu sheegay in xaruntii uu ka shaqaynayay oo ahayd mid uu yaallay hubka nuclear ka la galiyay xaaladda dagaal.

“Markaas ka hor kaliya dhoolatusyo kaliya ayaan sameyn jirnay. Laakiin maalinkii dagaalka bilowday, hubka waa la diyaariyay,” sidaas waxaa yiri ninkaa horay u ahaan jiray sarkaal ka tirsan ciidamada nuclear ka ee Ruushka. “Waxaam diyaar u ahayn in ciidamada aan u daabulno badda iyo hawada, iyo xitaa in la qaado weerar nuclear.”

Anton waxaa kula kulmay meel qarsoodi ah oo banaanka ka ah Ruushka. Badqabkiisa darteed BBC du ma shaacindoonto meesha aan ku kulanay. Sidoo kale magaciisa ayaan badalnay wajigiisana ma muujin doono.

Anton waxa uu sarkaal ka ahaa xarun sare oo nuclear qasoodi ah uu yaalo oo ku taalla Ruushka.

Waxa uu na tusay waraaqo xaqiijinaya guutadiisa, darajadiisa iyo saladhigiisa intaba.

BBC du si madaxbanaan uma xaqiijin karto dhamaan dhacdooyinka uu nala wadaagay, inkasta oo ay isleeyihiin hadalo uu Ruushku xilligaas baahiyay.


Saddex maalmood ka dib markii ciidamada ay ku daadiyeen xuduudaha Ukraine, Vladimir Putin wuxuu ku dhawaaqay in ciidamada ka hortagga nuclear ka ee Ruushka lagu amray inay galaan “heegan dagaal oo gaar ah”.

Anton waxa uu sheegay in digniinta dagaalku ay jirtayba laga soo bilaabo maalinkii koobaad ee dagaalka waxana uu sheeganayaa in cutubkiisu “uusan ka bixin gudaha saldhigga”.

“Waxa kaliya ee aan haysanay waxay ahayd TV-ga dawladda Ruushka,” ayuu yiri sarkaalkaan hore, “Runtii ma garanayn sida ay wax u socdeen. Si toos ah ayaan u gutay waajibaadkeyga. Dagaalka kama aynaan qayb qaadan, waxa aanu ilaalinaynay oo kaliya hubka nuclear ka.

Xaaladda heeganka ayuu sheegau in la joojiyay, laba ilaa saddex toddobaad ka dib markii uu bilowday dagaalku.

Hadalada Anton waxay faahfaahin qotadheer ka bixiyeen sqaabka sirta ah ee ay u shaqeeyaan ciidamada nuclear ka ee Ruushka. Waa dhif iyo naadir in xubnaha qaybtaanay la hadlaan suxufiyiinta.

“Waxay leeyihiin qaab xulasho oo aad u adag. Qof kastaa waa askari xirfadle ah – ma jiro askar qasab lagu soo qoray,” ayuu yiri.

“Waxaa jira baaritaanno joogto ah iyo qaabab lagu ogaan karo in qofku beensheegayo iyo in kale oo joogto u dhaca qofwalbana uu marayo. Mushaharku aad buu u sarreeyaa, ciidamadana looma diro dagaal. Waxay halkaas u joogaan inay iska celiyaan, ama fuliyaan, weerar nukliyeer ah.”

Sarkaalkaan hore ayaa sheegay in nolosha askarta si adag loo xakameeyo.

.

“Waxay ahayd mas’uuliyaddayda inaan hubiyo in askartii igu hooseysay aysan wax taleefan ah u qaadan gudaha saldhigga nuclear ka,” ayuu yiri.

“Waa bulsho xiran, ma jirto cid aan la garanayn gudaheeda. Haddii aad rabto in waalidkaa ku soo booqdaan, waxaad u baahan tahay inaad codsi u gudbiso Waaxda Amniga ee FSB saddex bilood ka hor xilliga booqashada.”

Anton wuxuu ka mid ahaa qaybta amniga ee saldhigga – qaybta sida degdeg ah u jawaab celisa ee ilaalisa hubka nuclear ka.

“Waxaan sameyn jirnay dhoolatus joogto ah. Wakhtiga la rabay inaan ku falcelino waxa uu ahaa laba daqiiqo, “ayuu u yiri si qiiro leh.

Ruushku waxa uu leeyahay ilaa 4,380 madaxyada nuclear ka ah ee, sida uu qabo Ururka Saynisyahanada Maraykanka, laakiin kaliya 1,700 ayaa “la raray” ama diyaar u ah in la adeegsado. Dhammaan dalalka xubnaha ka ah Nato marka la isku daro waxay leeyihiin tiro intaas la eg.

Waxaa sidoo kale jira walaac ku saabsan in Putin uu rari karo “madaxyo aa naan istaarttiji ah”, waxaan inta badan lagu tilmaamaa xeelad dagaal arrinkaas. Waa gantaallo yar yar oo aan guud ahaan sababi Karin shucaac baahsan.

Si kiastaba isticmaalkooda ayaa horseedi kara dagaal halis ah oo qarxa.

Kremlin-ku waxa uu samaynayey wax kasta oo uu awoodo si uu u tijaabiyo wadnaha Galbeedka.

Tobaadkii hore oo kaliya Putin wuxuu ansixiyay in isbeddelo lagu sameeyo shuruucda nuclear ka – xeerarka rasmiga ah ee tilmaamaya sida iyo goorta uu Ruushku u bilaabi karo adeegsiga hubka nuclear ka.

Sharciga ayaa hadda sheegaya in Ruushku uu bilaabi karo haddii uu la kulmo “weerar ballaaran” oo loo adeegsado gantaallo caadi ah kana imaanaya dhinaca dawlad aan nukliyeer lahayn laakiin “ay taageerayso dawlad nuclear leh

Guddi la magcanay

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo caawa yeeshay kulan, ayaa ansixiyay Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.

Guddiga Madaxa Doorashooyinka iyo Soohdimaha, waa guddi Qaran oo dastuuri ah wuxuuna mas’uul ka yahay maamulidda doorashooyinka heerarka kala duwan ee dalka iyo in ay hirgaliyaan doorashooyin qof iyo cod ah oo hufan.

Shirka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa waxa uu sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’antahay in shacabka loo soo celiyo xaqa ay u leeyihiin inay doortaan cidda hoggaamineysa.

Xubnaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha waxa ay kala yihiin:

1) Cabdikariim Axmed Xassan

2) Saadiq Abshir Garaad

3) Avv. Maxamed Cabdiraxmaan Aadan

4) Yusuf Cabdiqaadir Maxamed-Baafo

5) Cumar Abuukar Cumar

6) Farxiyo Maxamed Yusuf

7) Dr. Cumar Jamac Maxamed

8 )Faarax Cabdi Xasan

9) Sahro Diiriye Muuse

10) Cabdullahi Salaad Yaroow

11) Maxamed Amiin Xasan Cabdullahi

12) Cabdi Cadow Maxamed

13) Cabdishakuur Abiib Haayir

14) Khaalid Ibrahim Ismaaciil

15) Aamina Sh. Cusmaan Maxamed

16) Naasir Maxamed Shire

17) Cabdiraxiim Cabdillahi Shaafici

18) Maxamed Cumar Ismaciil