Maxaa looga hadlayaa shirka ka furmay Pakistan oo ay ka qeybgalayaan 60 dal oo muslim ah? https://

Wakiilo ka kala socda ku dhawaad ​​60 dal oo Muslim ah ayaa ku shirsan Pakistan si ay uga wada hadlaan sidii looga hortagi lahaa masiibo bini’aadantinimo oo ka dhacda dalka ay deriska yihiin ee Afghanistan.

Ra’iisul wasaaraha Pakistan, Imran Khan, oo ka hadlayay shirka, wuxuu ka digay in xaaladdii banii’aadanimo ee ugu weyneyd ay saameyso Aghanistaan waa haddii beesha caalamka ay waxkaban weyso xaaladda.

Waxaa sidoo kale shirkan ka qeyb galaya ergo ka kala socota Mareykanka, Ruushka, Shiinaha iyo Midowga Yurub.

Balaayiin doolar oo taageero dhaqaale ah oo loogu talagalay dalka Afghanistan ayaa la xayiray markii Daalibaan ay xukunka la wareegtay bishii Agoosto.

Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in dalkaasi uu qarka u saaran yahay xaaladdii bini’aadanimo ee ugu darneyd, iyadoo malaayiin qof ay wajahayaan macluul.

Xubno ka tirsan dowladda Daalibaan ayaa ku sugan shirkan, inkastoo aan si rasmi ah loo ogolaan doonin inay ka qeybgalaan. Ma jiro waddan si rasmi ah u aqoonsaday Daalibaan.

Doorashada afar kursi oo Dirta ah ah ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho

Doorashada afar kursi oo kamid ah golaha shacabka ayaa maanta lagu qabtay Xarunta Dugsiga tababarka Janeraal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho, kuwaas oo degaan doorashadoodu tahay Somaliland.

Afarta kursi ee maanta la doortay ayaa waxaa ku soo baxay Xildhibaan Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan, xildhibaan Guuleed Biixi Cabdi, Xildhibaan Jaamac Maxamed Askar iyo xildhibaan C/llaahi Cusmaan Ducaale Sugulle.

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa horay u faray guddiga maamulka Doorashada Somaliland in ay dardar geliyaan qabashada kuraasta doorashooyinka iyo sida laga maarmaanka u tahay hufnaanta doorashooyinka

Maxaa Inagu Cusub Maanta?

Kuuriyada Waqooyi ayaa mamnuucday in dadka ay qoslaan inta lagu guda jiro baroordiiqda loo sameenayo madaxweeynayaashii hore oo ay ku jiraan madaxweeynaha hada heeysta awoowgii iyo aabihii.

Hadaba, dadka waxaa loo sheegay ineeysan qosli Karin muddo dhan 11 cisho, aysan cabbi Karin wax qamri ah, sidoo kalana ay ka tagaan wax kasta oo keeni kara farxad inta baroor diiqda ay socoto.

Hadii inta baroordiiqda lagu jiro uu dhinto qof ehelkaaga ah ma ooyi kartin, waana inaad dib u dhigataa oohintaada.  Waxaa jiray dad hada ka hor xili lagu jiray baaroordiiqda soo cabay qamri ama la qabtay iyaga oo qoslaya kuwaas oo loo taxaabay xabsi dib danbana aan loo arag.

Keenya: Turkiga iyo Masar ayaa tartan ugu jira dalka Keenya sidii ay saammeeyn ugu yeelan lahaayeen dalkaas. Dhawaan waxaa booqday dalka Masar sida uu sheegay wargeeyska Al-Monitor wafdi ka yimid dalka Keenya oo uu ku jiro agaasimaha Kulliyadda Difaaca ee dalka Keenya.

Markii ugu horeeysay, labada dhinac ayaa isku raacay arrimaha ku aadan hubka iyo aas-aasidda warshado hubka sameeya iyo taageerida warshadaha difaaca ee Keenya iyo weliba warshadaha caadiga ah. Sidoo kale, waxaa la filayaa in bisha soo socoto ee Janaayo ay wafdi ganacsi oo ka socda dalka Masar ay tegi doonaan daka Keenya.

Meejar. Jeneraal. Maxamed al-Zallart, oo ah madaxa Horumarinta Warshadahaa ee dalka Masar ayaa sheegay in dalkooda uu raadinayo in uu kor u qaado wadashaqeeynta dhinaca warshadaha iyo horumarinta xiriirka dhaqaale ee Keenya iyo Masar.

Dhaqdhaqaaqyada Masar ayaa dabba socda tallaabooyin ay horey u qaaday dawladda dalka Turkiga. Dalka Turkiga ayaa ka iibinaya 118 gaari oo ah kuwa dagaalka dalka Keenya, heshiiskaas ayaa dhacay bishii Juun. Iibka gawaaridan ayaa ka dhigaya dalka Keenya dalka seddexaad ee Afrikaan ah ee soo dhoofsanaya gawaarida dagaalka ee Turkiga

Masaarida ayaa dabba socota dalka Turkiga kadib markii uu Turkiga ka iibiyey dalal badan oo Afrikaanka hubka qeeybihiisaha kalla duwan oo ay ku jirto diyaaradda daroonka ah. Hadaba, Masaarida ayaa Iyana dooneeysa ineey hubkooda u iib geeyaan wadmada Afrikaanka ah si Afrika ay gallaangal ugu yeelato.

Masaarida ayaa aaminsan in hadafka ganacsi iyo militari ee Turkiga ka leeyahay Geeska Afrika ay qatar amni ku tahay dalkooda. Masaarida ayaa qatarta ugu xoogan ee ay dareemeeyso ayaa ah Wabiga Neelka oo uu muran xoogan kala dhaxeeyo dalka Itoobiya.

Ethiopia’s President hints at national dialogue to end conflict

By AFRICANEWS 

with AFP Last updated: 17/12 – 07:39

ETHIOPIA

Ethiopia is seeking more collaboration with other African countries to help its struggle with the ongoing internal conflicts.

The Ethiopian Deputy president Sahle Zwede visited Ivory Coast on Thursday and met with President Alassane Ouattara.

Sahle said the situation in Ethiopia is stabilizing and that they will soon have a ‘national dialogue

“No war is simple as long as it is a war between us. There is no external occupation or external aggression so it is a painful episode. But a genocide must be determined, there are criteria that unfortunately must be fulfilled…but we don’t have all that,” Sahle said.

“We are moving forward, the situation is stabilizing and we will soon have a national dialogue that will determine the future of the country,” said Sahle.

The war broke out in November 2020 when Prime Minister Abiy sent troops into Ethiopia’s northernmost region of Tigray to topple the TPLF after months of seething tensions with the group that had dominated politics for three decades before he took office.

Xisbiga Johnson oo guuldarro kala kulmay doorashooyinkii Baarlamaanka

Xisbiga Conservative-ka Britain, ee uu hoggaamiyo Ra’iisal Wasaare Boris Johnson, ayaa guuldarro culus kala kulmay doorashadii ku celiska ahayd ee golaha sharci dejinta, oo Khamiistii ka dhacday UK, taas oo  la sheegay in Xisbiga Conservative-ka uu lumiyay guud ahaanba mid ka mid ah Codadka goobihii doorashada, sida lagu muujiyay natiijooyinkii la soo saaray Jimcihii.

Kuriga North Shropshire oo laga soo dooranayey xisbigiisa 200 oo sano ayaa waxa ku guulaysatay Helen Morgan oo ka tirsan Xisbiga Liberal Democrats, Waxayna xisbiga Boris Johnson kaga adkaatay 23,000 cod

Doorashooyinkii Khamiistii la soo dhaafay ka dhacay  inta badan deegaanada England ayaa u muuqda in looga gacan sareeyo Xisbiga Conservative-ka.

Arrinkan ayaa imanaya xilli xubnaha Baarlamaanka Uk, la sheegay in ay ku guul dareysteen inay soo rogaan xannibaado cusub oo lagula dagaallamayo Covid.

Turkigu muxuu ka aamminsanyahay qaaradda Afrika?

Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga waxaa isugu tagay madax ka soctaa dalalka Afrika waxaana halkaa ka dhacaya Shirweynaha Madasha Iskaashiga Turkiga iyo dalalka Afrika. Waxaana loo arkaa shirkaan mid uu Turkigu ku doonayo inuu galaan-gal wanaagsan u yeesho isla markaana uu xoojiyo xiriirka uu la leeyahay dalalka Afrika. Waxyaabaha shirkaan iskaashiga xoogga lagu saarayo waxaa ka mid ah arrimaha dhaqaalaha iyo siyaasadda ee dalka Turkigu la leeyahay Afrika.

Shirkaan madaxda ka qayb galaysa waxaa ka mid ah madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi farmaajo wuxuuna kulan la yeeshay dhigiisa dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan. Qoraal lagu daabacay bogga Faceboog ee madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu yiri: “Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka saaxiibtinnimo iyo iskaashiga qodotada dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, sidoo kale waxaa kulanka diirradda lagu saaray dardar gelinta qorsheyaashii hore ee iskaashiga dhinacyada amniga, waxbarashada, caafimaadka, dhaqaalaha, maalgashiga iyo horumarinta,”.

Kulankaan ay yeesheen Farmaajo iyo Erdogan ayaa qayb ka ahaa kulan doceedyo uu madaxweynaha martida loo yahay la yeellanayo madaxda Afrika ee shirka ka qayb galaya ee ku sugan dalkiisa.

.