Ugaasad Xabiiba Macow Yuusuf

“Ugaasnimada dhaxal uma helin ee tolkeygaa Dagoodiye ayaa ii doortay”

Ugaas, Garaad, Malaaq IWM marka aad maqasho waxaa kugu soo dhacaya nin ama ruux lab ah oo beeshiisa u ah oday dhaqameedka ugu sarreeya.

Kaalintaas waxaa muddo dheer lagu yaqaannay ragga, laakiin toddobaadkan ayaa haweenka mid ka mid ah beelaha dega gobolka Waqooyi Bari Kenya waxay caleemo saarteen ugaasad.

Waa Xabiiba Macow Yuusuf, waxaana lagu caano shubay deegaanka Mandheera.

Xabiiba ayaa sheegtay inay ugaasad u tahay dhammaan tolkeeda, balse ay si gaar ah u caleema saareen haweenka beesha.

Wabarka beesha Dagoodiye ayaa waxaa haatan ah Wabar Cabdille Wabar Cabdi. “Wabar Cabdille ma gaaro waa adeerkey, umadda dhan ayuu madax u yahay. Aniga waxaan ahay tolka hooyadood oo ay gabdhaha caleema saarteen,” ayay intaas raacisay Xabiiba.

Maaddaama marka la eego dhaqanka Soomaalida, marka ay reero wada xaajoonayaan ay ragga uun kulan ka yeeshaan arrimaha la isku hayo ayaa waxay Xabiiba sheegtay in marka reero kale lala xaajoonayo ay qaadaneyso kaalintooda, oo aysan isu arki doonin inay dumar tahay kuna habboonen. “Waqtiga kii hore maaha oo wuu is beddelay, hooyooyinka iyo ragga waa la is dhex geliyaa waqtiga hadda, waqtiga hadda la joogo meel walba wixii ra’yigaaga iyo caqligaaga ah ayaad kala hadashaa,” ayay tiri.

Xabiiba ayaa sheegtay inaysan dhaxal ku kasban ugaasnimada ee ay tolkeeda la jeclaadeen. Waxay Xabiiba intaas ku dartay in ugaasyada iyo waxgaradka beesheeda ay ku sugnaayeen xafladdeeda caleema saarka.

“Howsha ugu horreysa ee aan qaban doono waa xagga nabadgelyada inaan tixgeliyo, tolkeyga taladiisa aan wado.” Ayay tiri Xabiiba Macow Yuusuf oo shalay lagu caleema saaray magaalada Mandheera.

Xaliima Jeelle oo ka mid ah haweenka caleema saaray Xabiiba ayaa sheegtay in sababta ay ugaasad ugu doorteen ay tahay in Xabiiba ay mudo 45 sano ah beesha ku mataleysa uruka haweenka ee Maendeleo ya Wanawake.

“Sababta aan u doorannay waa qof wanaagsan, deggan oo aan hoggaamin xun ku arkin,”ayay tiri.

Saraakiishii Villa Somaliya oo loo yeedhay

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa qoraal uu u diray Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka wuxuu ku amray in loo yeero Illaa Shan Sarkaal Ciidan oo uu sheegay in lagu tuhmayo dhacdadii 27 December ee ahaa isku daygii la damacsanaa in lagula wareego Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Saraakiishan ayaa waxa ku jira Taliyaha Guutada 77aad iyo Abaanduulaha Guutada ee Koofiyo casta Ilaalada Madaxtooyada.

Saraakiishan ayaa waxa ku jira Taliyaha Guutada 77aad iyo Abaanduulaha Guutada ee Koofiyo casta Ilaalada Madaxtooyada, waxaana Saraakiisha loo yeeray ay Magacyadooda kala yihiin.1. Gaashaanle Sare Xasan Aadan Dhicis Taliyaha Guutada 77aad.
2. Gaashaanle Shaafici Nuur Axmed Abaanduulaha Guutada 77aad.
3. Gaashaanle Dhexe Cabdi Yaasin Cali Kooshin Taliyaha Ururuka 60aad ee Guutada 77aad.
4. Gaashaanle Xasan Duwane Cumar Abaanduulaha Ururka 60aad
5. Labo Xiddigle Muuse Maxamed Caddow (Shaarib) Taliyaha Koox Horinta Gurmad Ururka 60aad.

saraakiil ka tirsan ilaalada madaxtooyada oo lagu tuhmayo afgambigii 27ka december oo loo yeeray

Ergayga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Africa oo is-casilaya

Ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika Jeffrey Feltman ayaa bishan xilka ka tagaya kadib muddo 9 bilood ah oo uu xilkaasi hayay, waxaana xilkaas la wareegaya David Satterfield oo ah safiirka Maraykanka u fadhiya Turkiga, sida ay qortay wadaaladda wararka Reuters Arbacadii.

Feltman, oo ah diblomaasi ruug-caddaa ah ayaa xilka la wareegay bishii April, waxana uu si degdeg ah ula kulmay laba xasarood oo waaweyn oo kala ahaa dagaal sokeeye ee ka socda Itoobiya oo u dhexeeya ciidamada daacadda u ah Jabhadda Xoraynta Shacabka Tigray (TPLF) iyo ciidanka Ra’iisal-wasaare Abiy Axmed iyo sidoo kale afgambi militari oo ka dhacay dalka Suudaan bishii Oktoobar.

Warka shaqo ka tagistiisa oo aan horay loo sheegin ayaa soo baxay ka hor inta uusan Khamiista aadin dalka Itoobiya, si uu ula kulmo madaxda sare ee dowladda, waxaana safarkiisu ku saabsan yahay wadahadallo nabadeed oo qeyb ka ah dadaalladii ugu dambeeyay ee Washington ay ku doonayso in lagu soo afjaro colaadda.

Feltman, oo 62 jir ah, ayaa sheegay in “dareenkiisa xilkasnimo” uu siinayo inuu ka fariisto shaqada diblomaasiyadeed, isla markaana uu noqdo howlgab, ka dib in ka badan 25 sano oo uu ahaa diblumaasi Maraykan ah oo ka shaqeeyay Qaramada Midoobay, Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika.

Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa diiday inay ka hadasho shaqo ka tagista Feltman.

Satterfield, oo ah ruug-caddaa ka tirsan Arrimaha Dibadda Maraykanka oo leh in ka badan afartan sano oo waayo-aragnimo ah, ayaa soo maray jago adag oo ah safiirka Maraykanka ee Turkiga, halkaas oo uu isku hayay xiriirka laba geesoodka ahaa ee u dhexeeya labada dal ee xulafada NATO.

Ka hor Ankara, waxa uu ka soo shaqeeyay Saudi Arabia, Lebanon, Tunisia iyo Syria, iyo dalal kale, wuxuuna laba jeer ka soo noqday dublamaasigii ugu sareeyay ee Maraykanka ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Bariga Dhexe oo uu ku sime ahaa.