Maxay ka wada hadleen madaxweyne Farmaajo iyo Janaraal Saadaq Joon

Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmajao iyo Janaraal Saadaq Cumar Xasan ‘Joon’ ayaa caawa ku kulmay xarunta madaxtooyada Soomaaliya sideed bilood kadib markii uu madaxweyne ka xayuubay janaraalka dhamaan darajooyinka ciidan.

Sarkaal sare oo ka tirsan xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ayaa BBC u sheegay in kulanku uu yimid kadib codsi ka yimid Janaraal Saadaq Joon oo beryahan dambe ku sugnaa magaalada Muqdisho. Qof kale oo Saadaq Joon ayaa sidoo kale inoo xaqiijiyay kulanka labada masuul.

Sarkaalka madaxtooyada Soomaaliya waxa uu sidoo kale sheegay in kulanka madaxweyne Farmaajo iyo Janaraal Saadaq Joon uu dabo-socdo kulan shalay dhex maray taliyihii hore ee hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir. Kulankaas oo ka dhacay gudaha garoonka Aadan Cabdulle Cusmaan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee dhexmara Fahad iyo Janaal Saadaq wixii ka dambeeyay markii Saadaq xilka laga qaaday bishii Abriil Sanadkii hore.

Saadaq ayaa xilligaas ku sheegay muuqaal lagu baahiyay warbaahinta gudaha in uu hakiyay kulan ay yeelan lahaayeen Golaha Shacabka oo looga doodayay arrimaha doorashooyinka dalka, isaga oo faray xildhibaanada inay dib ugu noqdaan deegaan doorashooyinkooda.

Saadaq Joon ayaa markaas ahaa taliyaha ciidamada booliska, iyadoo shaqadii laga eryay wax yar kadib hadalkiisa. Maalmo kadib na, madaxweyne Farmaajo ayaa ka xayuubiyay dhammaan darjaooyinka ciidan Janaraal Saadaq Joon.

Kulanka dhex maray Saadaq Joon, Fahad Yaasiin iyo madaxweyne Farmaajo ayaa lagu sheegay iscafis. Waxaa kulanka dhinacyadan dhexmaray fududeeyay xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere oo laga soo doorto Jubbaland, kana mid ah ragga ugu dhow xafiiska madaxweynaha Soomaaliya.

Saadaq Cumar oo saaxiib dhow la’a madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi 

Shirka Golaha Wadatashiga oo dib uga bilaawday Muqdisho

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo dib uga bilaawday Muqdisho

Waxaa caawa magaalada Muqdisho dib uga bilaawday shirka Golaha Wadatashiga Qaranka, kadib maalin nasiino ah oo madaxdu ay kala maqnaayeen.

Xafiiska Ra’iisul wasaaraha oo war kooban ka soo saaray ajendaha shirka caawa ayaa shaaciyey in laga hadli doono ‘dhammeystirka, hufnaanta iyo amniga doorashooyinka dalka.

“Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran oo uu guddoominayo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble  ayaa caawa shir ku leh magaalada Muqdisho, kaas oo qeyb ka ah wada xaajoodyadooda ku saabsan dhammeystirka, hufnaanta iyo amniga doorashooyinka dalka,” ayaa lagu yiri qoraalkan ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble.

Sifo sharci daro ah lacag laguma saari karo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto uu soo saaray ku faray Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Dowladda in aan sifo sharci darro ah looga saari karin Khasnadda Dowladda lacagta sida sharci darrada ah lagu soo geliyey dalka ee Hay’adaha Ammaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay ku qabteen Garoonka Aadan Cadde 8-dii Bisha Abriil ee sanadkii 2018-kii.

Sayid Axmed oo la kulmay Safiirka Imaaraadka

Muqdisho, 07, Janaayo, 2022-Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta hoygiisa Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Danjire Maxamed Axmed Cuthmaan, Safiirka Dowlada Imaaradka Carabta u qaabilsan Soomaaliya.Madaxweynaha ayaa Dowlada Imaaradka Carabta uga mahad celiyay gurmadkii ay ka gaysteen abaaraha ka jira Jubaland iyo guud ahaan Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa soo dhaweeyay talaabada uu qaaday Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ee uu dib ugu hagaajinayo xiriirka soo jireenka ah ee labada dal kaas oo waxtar u leh labada shacab.

Shirka Nabadaynta iyo dib u heshiisiinta beelaha walaalaha

Maxaa ka soo Baxay shirka nabadaynta iyo dib u heshiisiinta beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhexmartay deegaanka Saax-maygaag oo ka furmay Hadhwanaag.

Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland oo guddi u magacaabay hubinta iyo kormeerka go’aanka Shirkii nabadaynta ee maanta ka qabsoomay deegaanka Hadhwanaag ee lagu go’aamiyey xabad joojin iyo kala rarista ciidan beeleedyada ku diriray deegaanka Saax-meygaag.

Guddigan ayaa kormeeraya in ciidan beeleedyada lakala geeyo Boocame iyo Birta-dheer.

1. Shiikh Maxamuud Xaaji Yuufuf. Gudoomiye

2. Shiikh Maxamuud Maxamed.Xaliike Xubin

3. Gen:- Axmed Taajir. Xubin

4. Caaqil Cismaan Ismaaciil Barre. Xubin

5. Caaqil Siciid Cismaan Shanlayste. Xubin

6. Caaqil Cabdullaahi Cali Barre. Xubin7. Maxamed Maxamuud Ciise(Awoowe). Xubin

May be an image of 3 people, people standing and outdoors
May be an image of 6 people, people standing, tree and outdoors
May be an image of 1 person, sitting and outdoors
May be an image of 4 people and people sitting
May be an image of 3 people, people sitting and people standing
May be an image of 4 people, people standing, outdoors and tree
May be an image of 8 people, people sitting, outdoors and tree

Puntland oo soo dhowaysay Xiriirka Imaaraadka

Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay soo dhoweynaysaa tallaabada uu Ra’iisal Wasaarahaha XFDS Mudane Maxamed Xuseen Rooble dib-ugu-saxayo siyaasadda arrimaha dibadda iyo xiriirka diblumaasiyadeed iyo iskaashi ee Soomaaliya la leedahay adduunka intiisa kale.

Waxaan boggaadineynaa garowsiyaha iyo raallingelinta Ra’iisalwasaaruhu ka bixiyey khaladkii April 2018 lagula kacay Dowladda aynu walaalaha nahay ee Imaaraadka.Dowladda Puntland waxay Dowladda Imaaraadka uga mahacelinaysa gurmadkii ay maanta u fidiyeen dadka Soomaaliyeed ee Abaaruhu saameeyeen, waxaana rajeynaynaa gurmadkaasi inuu wada gaaro dhammaan dalka.

DF Soomaaliya oo Imaaraadka ka raalli gelisay, dibna ugu celineysa lacagtii ay kala wareegtay 2018

DF Soomaaliya oo Imaaraadka ka raalli gelisay, dibna ugu celineysa lacagtii ay kala wareegtay 2018

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa dowladda Imaaraadka ka raalli galiyay dhacdadii loogala wareegay lacag bishii April ee 2018.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in dadka Soomaaliyeed ay Dowladda Imaaraadka ku soo dhaweenayaan niyad furnaan.

“waxaan rabaa halkaan in aan ka caddeeyo mad-madowgii soo Kala dhexgalay Soomaaliya iyo Dowladda Imaaraadka ee ka bilowday dhacdadii April 2018 ee eraporka ka dhacday waxaan rabnaa in aan u muujiyo in aan ka xunahay waana ka raaligelineenaa laba dal oo walaalo ah ayaan nahay wixii dhacay waxaan leenahay horay aan uga socono waa ku mahadsantihiin”. Ayuu yiri ra’iisul wasaare Rooble.

Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in  Dowladda Imaaraadka ay u hayaan lacagahoodii xilligaas laga qabtay ayna siindoonan xilli walba oo ay u baahanyihiin.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidookale shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in la wanaagiyo xiriirka ganacsi ee aan laleenahay Dowladda Imaaraadka Carabta maadaama uu inaga dhaxeeyo xiriir ganacsi oo wanaagsan.

Ugu danbeen ra’iisul wasaaraha ayaa u mahceliyay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Imaaraadka Carabta Maxamed Al Cusmaan oo gacan ween Ka geestay deeq raashin ah oo ay Dowladda Imaaraadka soo gaarsiisay dadka ay abaaruhu saameeyeen.Ra’iisul wasaaraha ayaa baaq u diray dowladaha aan saaxiibada nahay si ay gacan wanaagsan uga heestaan  abaaraha Dalka saameeyay.

Dagaal qasaare xoog leh lagu gaar siiyey al shabab oo ka dhacay deegaanka Baxdo ee gobolka galgaduu

Dagaal qasaare xoog leh lagu gaar siiyey al shabab oo ka dhacay deegaanka Baxdo ee gobolka galgaduu

Maleeshiyaad katirsan al shabab ayaa saaka weerar u soo qaaday shacabka ku nool deegaanka Baxdo ee gobolka Gaduud dagaal qasaaro badan uu u gaaray argagixisada

Dagaal saaco badan qaatay ayaa gudaha deegaanka Baxdo ku dhexmaray al shabab iyo dadka deegaanka oo iska difaacayey weererka gardarada al ee lagu soo qaaday

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Radio Muqdisho waxay u sheegayn inay jabiyeen maleeshiyada al shabab oo ay  deegaanka ka difaacanayeen

Waxaaan jira ku dhawaad 20 katirsanaa al shababkii weerarka soo qaaday halkaas lagu dilay tiro kalana lagu dhaawacay dadka deegaanka baxdo waxay inoo sheegayn inay soo bandhigi doonaan meydadkooda

Ugaasad Xabiiba Macow Yuusuf

“Ugaasnimada dhaxal uma helin ee tolkeygaa Dagoodiye ayaa ii doortay”

Ugaas, Garaad, Malaaq IWM marka aad maqasho waxaa kugu soo dhacaya nin ama ruux lab ah oo beeshiisa u ah oday dhaqameedka ugu sarreeya.

Kaalintaas waxaa muddo dheer lagu yaqaannay ragga, laakiin toddobaadkan ayaa haweenka mid ka mid ah beelaha dega gobolka Waqooyi Bari Kenya waxay caleemo saarteen ugaasad.

Waa Xabiiba Macow Yuusuf, waxaana lagu caano shubay deegaanka Mandheera.

Xabiiba ayaa sheegtay inay ugaasad u tahay dhammaan tolkeeda, balse ay si gaar ah u caleema saareen haweenka beesha.

Wabarka beesha Dagoodiye ayaa waxaa haatan ah Wabar Cabdille Wabar Cabdi. “Wabar Cabdille ma gaaro waa adeerkey, umadda dhan ayuu madax u yahay. Aniga waxaan ahay tolka hooyadood oo ay gabdhaha caleema saarteen,” ayay intaas raacisay Xabiiba.

Maaddaama marka la eego dhaqanka Soomaalida, marka ay reero wada xaajoonayaan ay ragga uun kulan ka yeeshaan arrimaha la isku hayo ayaa waxay Xabiiba sheegtay in marka reero kale lala xaajoonayo ay qaadaneyso kaalintooda, oo aysan isu arki doonin inay dumar tahay kuna habboonen. “Waqtiga kii hore maaha oo wuu is beddelay, hooyooyinka iyo ragga waa la is dhex geliyaa waqtiga hadda, waqtiga hadda la joogo meel walba wixii ra’yigaaga iyo caqligaaga ah ayaad kala hadashaa,” ayay tiri.

Xabiiba ayaa sheegtay inaysan dhaxal ku kasban ugaasnimada ee ay tolkeeda la jeclaadeen. Waxay Xabiiba intaas ku dartay in ugaasyada iyo waxgaradka beesheeda ay ku sugnaayeen xafladdeeda caleema saarka.

“Howsha ugu horreysa ee aan qaban doono waa xagga nabadgelyada inaan tixgeliyo, tolkeyga taladiisa aan wado.” Ayay tiri Xabiiba Macow Yuusuf oo shalay lagu caleema saaray magaalada Mandheera.

Xaliima Jeelle oo ka mid ah haweenka caleema saaray Xabiiba ayaa sheegtay in sababta ay ugaasad ugu doorteen ay tahay in Xabiiba ay mudo 45 sano ah beesha ku mataleysa uruka haweenka ee Maendeleo ya Wanawake.

“Sababta aan u doorannay waa qof wanaagsan, deggan oo aan hoggaamin xun ku arkin,”ayay tiri.