29th March 2024  admin  Category :

DF Soomaaliya oo Imaaraadka ka raalli gelisay, dibna ugu celineysa lacagtii ay kala wareegtay 2018

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa dowladda Imaaraadka ka raalli galiyay dhacdadii loogala wareegay lacag bishii April ee 2018.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in dadka Soomaaliyeed ay Dowladda Imaaraadka ku soo dhaweenayaan niyad furnaan.

“waxaan rabaa halkaan in aan ka caddeeyo mad-madowgii soo Kala dhexgalay Soomaaliya iyo Dowladda Imaaraadka ee ka bilowday dhacdadii April 2018 ee eraporka ka dhacday waxaan rabnaa in aan u muujiyo in aan ka xunahay waana ka raaligelineenaa laba dal oo walaalo ah ayaan nahay wixii dhacay waxaan leenahay horay aan uga socono waa ku mahadsantihiin”. Ayuu yiri ra’iisul wasaare Rooble.

Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in  Dowladda Imaaraadka ay u hayaan lacagahoodii xilligaas laga qabtay ayna siindoonan xilli walba oo ay u baahanyihiin.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidookale shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in la wanaagiyo xiriirka ganacsi ee aan laleenahay Dowladda Imaaraadka Carabta maadaama uu inaga dhaxeeyo xiriir ganacsi oo wanaagsan.

Ugu danbeen ra’iisul wasaaraha ayaa u mahceliyay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Imaaraadka Carabta Maxamed Al Cusmaan oo gacan ween Ka geestay deeq raashin ah oo ay Dowladda Imaaraadka soo gaarsiisay dadka ay abaaruhu saameeyeen.Ra’iisul wasaaraha ayaa baaq u diray dowladaha aan saaxiibada nahay si ay gacan wanaagsan uga heestaan  abaaraha Dalka saameeyay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*