RW Rooble oo booqday Afahyenkiisii

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Isbitaalka ku booqday Afhayeenka Xukuumadda Mudane Maxamed Ibraahim Macallimuu oo ku dhaawacmay qarax argagixisadu la beegsadeen.

Image

Wasiirka Arrimaha Dibbada Oo Wadahadal La Yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali ayaa khadka telefoonka wada hadal kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka u qaabilsan Afrika Marwo Molly Phee oo uu weheliyo Ergayga Gaarka ah ee Dowladda Maraykanka u qaabbilsan Geeska Afrika Danjire David Satterfield.

Wada hadalka Masuuliyiinta ayaa diiradda lagu saaray kor u qaadidda xiriirka labo geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Maraykanka ee dhinacyada iskaashiga amniga, dhaqaalaha, horumarinta iyo arrimaha Gobolka Geeska Afrika, isaga oo Wasiir Cabdisaciid Muuse Cali uga mahad celiyey dowladda Mareykanka taageerada ay u fidiso dowladda Soomaaliya.

Qurbo-joog badan oo dib ugu noqonaya gobolka Soomaalida Ethiopia

Kadib markii bishi hore ee December uu Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ku casuumay hal milyan oo qurba-joogta Itoobiya ah inay soo gurya-noqdaan, ayaa waxaa dhulka Soomaalida ee Itoobiya soo gaaray boqollaal qurba-joog ah.

Sababaha ay u yimaadeen iyo waxa ay deegaanka kusoo kordhin doonaan, ayaa wariyaha VOA-da ee Jigjiga, Maxamed Cabdiraxman Gaataa uu ka wareystay, Wasiirka Xafiiska Maalgashiga iyo Warshadaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Dayib Axmed Nur.

Afhayeen Macallimu oo dhaawac halis ah ka soo gaaray qarax goor dhaweyd ka dhacay Muqdisho

Afhayeen Macallimu oo dhaawac halis ah ka soo gaaray qarax goor dhaweyd ka dhacay Muqdisho

Qarax goor dhaweyd ka dhacay magaalada Muqdishu ayaa waxaa dhaawac halis ah uu ka soo gaaray weriyihii hore ee BBC Maxamed Ibraahim Macallimuu, ahna afhayeenka xukuumadda Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu dhacay xilli uu Macallimu furayay albaabka gaariga, weliba si dhab ah looma xaqiijin inuu ahaa mid loogu xiray gaariga, ama is miidaamin.

Macallimuu ayaa dhowr jeer oo hore ka badbaaday dhaawacyo ka soo gaaray qaraxyo iyo weerarro ay Al-Shabaab ka fuliyeen Muqdisho.

Marka Isimkaagu Yahay lacag

Cali Daacuun oo ku edeb darooday Bulshada reer Maakhir.

Cali Daacuun oo isagu Isim ka dhigtay Lacag, oo saaxiib la leh hadba maalintaas jeebka qoyan yahay , ayaa ku edebdarooday bulshhada Maakhir iyo Isimkooda.

Xiisadda ka taagan magaalada Boosaaso ee Suldaanka Warsangeli Suldaan Siciid Cabdisalaam u joogo sidii u qaboojin lahaa, ayaa siday u sii socoto colaadda hadda jirta mid hor lehna loo abuuro waxa lagu lacag siiyey Cali Daacuun in bulshada Warsangeli ee ku nool gobolka Bai uu kala qaybiyo, iyada oo laga leeyahay dano siyaasadeed iyo mid dhaqaale.