M. Farmaajo oo ku celiyey mowqifka dowladda federaalka ee la wareegidda amniga dalka


Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galay shir-madexeedka Midowga Afrika ee magaalada Addis Ababa ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaliya ay ka go’an tahay la wareegidda mas’uuliyadda amnigeeda qaran.

Farmaajo ayaa intaas ku daray “in ay si buuxda ugu diyaar garoobeen fulinta” heshiiskii ay dowladda Soomaaliya iyo Golaha Nabadda iyo Ammaanku gaareen bishii koowaad ee sannadkan, kaas oo jeexayey dhabbaha la wareegidda amniga oo ku qotoma hagitaannada iyo jihaynta kasoo fula dowladda Soomaaliya.

“Soomaaliya waxa ay sannadihii la soo dhaafay ku tallaabsatay horumar ballaaran oo dhanka amniga, dib-u-dhiska ciidanka iyo wiiqidda awoodda argagixisada Al-Shabaab, waxa ayna taasi keentay in Soomaaliya ay hadda soo gaartay xilligii ay si buuxda u la wareegi lahayd masuuliyadda amnigeeda qaran,” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Dawladda Soomaaliya ayaa bishii December 2021 mar kale ku celisay inay kasoo horjeeddo in hawlgalka AMISOM loo bedelo mid nabad ilaalin oo ay wadajir uga hawlgalaan Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

War-saxaafeed ay xilligaas daabacday Wasaaradda Difaaca Soomaaliya, balse kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda, ayaa lagu sheegay in dawladda Soomaaliya ay si xooggan u diiddan tahay qorshe uu ku taliyey hawlgalka wadajirka ah ee Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

Qorshahaas waxaa markiisii hore soo jeediyey guddi qiimayn ah oo Midowga Afrika usoo diray Soomaaliya. Dawladda Soomaaliya waxay horey u diidday qorshahaas bishii July ee sannadkan.

Laba toddobaad kahor, Guddi farsamo oo ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Agaasimaha Guud Wasaaradda Gaashaandhigga Xasan Maxamed Saciid Samantar, ayaa heshiis la galay Golaha Amniga iyo Nabadda ee Midowga Afrika (AU PSC).

Heshiiskaas ayaa ku saabsanaa dib u habeynta iyo qaabka hirgelinta qorshaha looga guurayo AMISOM amniga dalka, isla markaana ula wareegi lahaayeen ciidanka xoogga dalka iyo hay’adaha kale ee amni, balse lagama bixin faah-faahin badan.

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Aby Ahmed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan-doceed ka tirsan Shir Madaxeedka 35-aad ee Midowga Afrika la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Dalka Itoobiya Mudane Abiy Ahmed.

Madaxweyne Farmaajo iyo Aby Ahmed ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo horumarinta iskaashiga Labada Dowladood ee dhinacyada amniga, ganacsiga, dhaqaalaha, deris wanaagga iyo horumarka iyo xaaladda guud ee Gobolka Geeska Afrika.

Waa mxay sababta Kuraasta reer Maakhir kyraasta qaar uga hadlaan, qaarna uga aamusan yihiin?

Inta badan Bulshada reer Maakhir, gaar ahaan kuwa baraha Bulshada iyO talafishanka Soomaalida ee dalka Maraykank Barnaamijka ay ka ii daayaan Cali Xaraare iyo Yaasiin Ducaale ayaa looga hadlaa oo qura Kuraasta reer Maakhie e yaala Dhahar ee uu soo xulayo Suldanaan Maxamed Suldaan Cabdulaaji , halka kuwa Badhan yaal aan haba yaraatee laga hadlin?,

Waa maxay sababtu looga hadlayaa Kuraasta taal Dhahar oo ayna Dhahareedu uga hadleen, laakiins oo ay uga hadlayaan dadka dega degaanada Hoos yimaada Degmada Badhan

Tusaale haddan u soo qaadano Cali Xaraare iyo Yaasiin Ducaale, oo barnaamijyo xiiso leh ka sii daayaa Talafishan Xaruntiise tahay dalka Maraykanka, ayaa haba yaraatee aaan ka hadlin Kursiga Badhan yaal oo xaq u leeyihiin inay u tartamaan. anaka hadlaan haddii ay caddaalad daro jirto oo ay ka samreen.

Bulshada reer Dhahareed. waa kuwa ugu caddalad badan beel ahaan Soomaali dhexdeeda sida ay isaga soo dhex helaan Xildhibaanada heer federaal iyo Puntland. Waa meerto oo beeli hal mar ayeey qabataa. Waana sababta Beesha Dubeys ay uga aamusan yihiin inay ka hdlaa, sababtoo ah waxay ogyihiin kuraastaan beelaha sanadka qaadanaya. Ma arkaysid aqoonyahan ka soo jeeda beeshaas oo leh reer hebel iyo reer habel baa leh sida kuwa Cumarka oo dhex wareray kuraasta Dhahar yaal.

Kuraasta Badhan taal caddalad laguma soo xulo, Mana aha Meero. Sidoo kale maaha kuwa lagu soo xulo wada tashi , sababtuna waa dhor kooxood.

Koox lacag lagu siiyey inay Shakhsiyaad u ololeeyaan oo aan dan ka lahay Kursiga Dhahar Yaal

Koox diidan madaxweynaha hadda Joogo Deni oo

Baarlamaanka Turkiga Oo Ansixiyay Mooshin Mudada Loogu Kordhinayo Ciidamada Turkiga Ee Jooga Soomaaliya

Baarlamaanka Turkiga Oo Ansixiyay Mooshin Mudada Loogu Kordhinayo Ciidamada Turkiga Ee Jooga Soomaaliya

Iyadoo baddaahaasi la geynayo maraakiibta dagaal iyo maraakiibta ganacsi ee ku xiran Turkiga ee ku socdaalaya gobolka iyo ka qaybqaadashada hawlgallada wadajirka ah ee ka dhanka ah burcad-badeedda, falalka burcadnimada hubaysan iyo kahortagga kooxaha argagixisada ayaa la xaqiijiyay, sida ku cad mooshinkii la ansixiyay .

Waxay intaa ku dareen in taageeridda hawlaha gargaarka bini’aadantinimo ee goobtan ay ka qayb qaadanayso kordhinta hufnaanta hawleed iyo khibradda ay qaybaha ciidamada badda ee Turkiga u leeyihiin gobolka.

Tan iyo markii ugu horeysay ee uu ansixiyo baarlamaanka Turkiga sanadkii 2008-dii, waxaa mudada joogistooda la kordhiyey ilaa 13 jeer. Gacanka Cadmeed, oo u dhow Yaman sidoo kalena u dhow marinka Bab al-Mandab, oo ah marinka afraad ee ugu weyn adduunka ee marinka saliidda,waanawaddoistiraatiiji ah oo ay saliidda cayriinkaah usoo marto bariga dhexe..

Shir Madaxeedka Midowga Afrika oo maanta ka furmaya Addis Ababa

Shir Madaxeedka Midowga Afrika oo maanta ka furmaya Addis Ababa

Qaar ka tmid ah madaxda dalalka Afrika ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Ethiopia, halkaasi oo maanta uu ka furmayo shir madaxeed ay yeellanayaan madaxda Afrika.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka mid ah madaxda gaartay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, isaga oo halkaas kaga qayb galaya meertada 35-aad ee Shirweynaha Ururka Midowga Afrika.

Waa markii u horreysay ee Addis Ababa ay marti-galinayso shirka Midowga Afrika tan iyo markii dagaalku Ethiopia ka bilowday.

Shir madaxeedka Midowga Afrika ayaa waxyaabaha sanadkaan diirada lagu saarayo waxaa ka mid ah, dib u habaynta Ururka Midowga Afrika, hirgelinta hiigsiga Ururka ee sannadda 2063 iyo wax ka qabashada caqabadaha kala duwan ee ay qaaraddu wajahayso oo ay ugu horreeyaan rabshadaha, saboolnimada, cunno yarida iyo cudurka COVID-19.

Sidoo kale Ajendeyaasha miiska saran ee madaxda Afrika ay ka doodi doonaan waxaa ka mid ah, afgambiyada militari ee ka dhacay qaar ka mid ah dalalka qaaradda iyo deganaasho la’aanta siyaasadeed ee gobolka Geeska Afrika.

Howlgal uu hogaaminaayay Taliyaha aga Silsilada Golis ee Ciidanka Difaca Dowlada Puntland G/Sare Siciid Nuur Shire

Howlgal uu hogaaminaayay Taliyaha aga Silsilada Golis ee Ciidanka Difaca Dowlada Puntland G/Sare Siciid Nuur Shire

Howlgal uu hogaaminaayay Taliyaha aga Silsilada Golis ee Ciidanka Difaca Dowlada Puntland G/Sare Siciid Nuur Shire iyo saraakiil kale ayaa manta howlgallo kala duwan ka sameeyeey deegaano iyo Tuulooyin hoos yimaada Bari iyo Sanaag kuwaas oo kala ahaa Milxo, Qow, Miciga Durduri.

Ciidamadaan oo wata Gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa ay sigar ah howlgalka uga sameeyeen degaano la sheegay in ay tageen Xubno ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo hoosyimaada deegaanka Milxo balse markii ay halkaas horay u gareen cutubyo ciidan Daraawiishta iskaga baxay.

Dadka deegaanka Milxo ee buuraleyda Calmadow ee gobolka Sanaag ayaa Taliyaha usheegay in ay iska difaceen cadowga alshabab iyagoona u mahadceliyay ciidamada Difaaca Puntland oo markiiba halkaas horay u gaaray.Dhanka kale Saraakiisha ayaa tilmaamay in Howlgalkaasi uu ahaa mid qorsheysan,isla markaana Al-shabaab looga saaray Degaanadasi,waxa ayna shegeen in ay sii laba jibaari donaan Howlgalada Al-shabaab lagula Dagalamaayo Degaanada Puntland

May be an image of 5 people, people standing, military uniform and outdoors
May be an image of road
May be an image of 1 person and outdoors
May be an image of 10 people, military uniform and outdoors
May be an image of 9 people, people standing, military uniform and mountain
May be an image of 11 people, people standing, military uniform and outdoors
May be an image of 7 people, people standing and outdoors
May be an image of 5 people and outdoors
May be an image of 2 people, sky and nature
May be an image of 8 people, people standing and outdoors
May be an image of road
May be an image of 5 people, people standing, military uniform and outdoors
May be an image of 3 people, people standing and outdoors
May be an image of 3 people, people standing and outdoors
May be an image of road
May be an image of 1 person, standing, tree and outdoors
May be an image of 5 people and mountain
May be an image of 5 people, military uniform and outdoors
May be an image of 5 people, military uniform and outdoors

Ciidan boolis iyo militeri ah oo maanta laga dejiyey Baraawe

Ciidan boolis iyo militeri ah oo maanta laga dejiyey Baraawe

Ciidan isugu jira boolis iyo militeri ayaa maanta la geeyey magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose, si ammaanka doorashada ay u sugaan.

Taliyaha ciidanka booliska Koonfur Galbeed Gaashaanle Cabdi Ibraahim Shaamow,
guddoomiye ku xigeenka amniga ee gobolka Shabeellada Hoose Axmed Mudane iyo guddoomiyaha degmada Baraawe Liibaan Abuukar ayaa ciidankaas goordhaw ku soo dhaweeyey magaalada.

Doorashada 13 ka mid ah kuraasta golaha shacabka ayaa dhawaan lagu qabanayaa Baraawe oo ah deegaan doorashada labaad ee kuraasta golaha shacabka ka soo geleysa deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.