Ra’iisul Wasaaraha Canada oo adeegsaday xeerka xaaladda deg degga

Ra’iisul Wasaaraha Canada oo adeegsaday xeerka xaaladda deg degga

Ra’iisul wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa isagoo isticmaalaya xeerka xaaladaha deg-degg ah ee dalkaasi, ku dhawaaqay inay sharci darro tahay dibad baxyada looga soo horjeedo xayiraadaha COVID-19 oo toddobaadkii labaad ka socda dalkaasi.

Dibad-baxyada oo ay dhigayaan wadayaasha baabuurta xamuulka iyo shacab taageersan ayaa la sheegay inuu saameeyay dhaqaalaha dalka iyo isu socodka dadka.

RW Rooble oo gurmadka abaaraha u magacaabay guddi ka kooban 33-qof

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ka duulaya baahida loo qabo dardar galinta howlaha gurmadka loo fidinayo dadka Soomaaliyeed ee ay saameynta ba’an ku yeelatay abaarta dalka ka jirta, ayaa magacaabay guddi isku dhaf ah oo ka looban Golaha Xukuumadda iyo qeybaha Bulshada.

Guddigan oo uu hormuud u yahay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka ayaa waxa ay kala yihiin:

1. Mudane Mahdi Maxamed Guuleed: Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS
2. Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye : Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka
3. Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle: Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda
4. Mudane Jamaal Maxamed Xasan:Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta
5. Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur: Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha
6. Cismaan Abokor Dubbe: Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska
7. Mudane Cumar Cali Rooble: Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta
8. Mudane Cabdixakiin Xasan Ashkir: Wasiiru-dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
9. Marwo Shukri Maxamuud Afrax: Wasiiru-dowlaha Tamarta iyo Biyaha
10. Mudane Xaamud Cali Xasan: Wasiir Ku-xigeenka Beeraha iyo Waraabka
11. Mudane Jamaal Xasan Ismaaciil: Wasiir Ku-xigeenka Xanaanada Xoolaha
12. Mudane Cabdullaahi Maxamed Shirwac
13. Sheekh Bashiir Axmed Salaad
14. Mudane Sheekh Cabdulqaadir Soomow
15. Mudane Sheekh Yuusuf Cali Ceynte
16. Marwo Caasho Geelle Diiriye
17. Marwo Aamino Xaaji Cilmi
18. Marwo Caasho Shaacuur Ugaas
19. Marwo Batuulo Axmed Gaballe
20. Mudane Cabdi Axmed Baafo
21. Mudane Cabdi Aadan Hoosow
22. Mudane Dr.Maxamed Xaaji
23. Mudane Aadan Ibraahim Aw Xirsi
24. Mudane Cabdiraxmaan Cabdullaahi Aadan
25. .Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen
26. Mudane Khadar Ismaaciil Jimcaale
27. Mudane Cabdulfataax Maxamed Cabdinuur.
28. Liibaan Cabdi Cali
29. Amina Axmed Samatar
30. Cali Maxamed Maxamuud
31. Yaasmiin Cabdi Maxame
32. Cabdi Ciise Diirshe
33. Kamaal Daahir Guutaale
34.Shucayb Cabdullaahi Xasan

Sidee ayeey Dilka u Gaysteen?

Guud ahaan dalka Soomaaliya waxaa ka dhaca dilal qorshaysan oo ay geeystaan Shayaadiinta Shabaabka. Shaqsiyaadka hogaamiya maafiyada, waxeey adeegsadaan kana faa’iideeystaan dhalinyarada mustaqbal xummadda ay ku heeysata dalka, iyaga oo u ballanqaadaya xooggaa yar oo lacag ah.

Dilkii loo geeystay AUN wariye Jamaal Faarax Aadan ayaa waxaa fulliyey dhalinyaro loo ballan qaaday xoggaa yar oo lacag ah sida $50 ama $100 doollar. Hadaba, si arrimaha noocaan oo kalla ah looga hortago, waa in dhalinyarada loo adeegsadaa sirdoonka si shaqsiyaadka wax abaabulayo gacanta loogu dhigo.

Xaqiiqda ayaa ah in askari qori loo dhiibay oo dariiqyada la taagay ama mid gaari barroon ah la cararaya midkoodna aysan waxba ka qaban karin dilalka la soo qorsheenayo, balse sirdoonka oo la xoojiyo ayaa ah xalka looga hortagi karo dhagarqabayaasha..

Hadaba, sidee loo soo abbaabulay dilkii loo geeystay wariye Jamaal Faarax? Fadlan muuqaalka hoose ka daawo.

Wasiirka Gargaarka Soomaaliya oo guddoontay deeq katimid Dowladda Imaaraatka

Waxaan goor dhow soo gaaray Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde Shaxnadii seddexaad oo ka timaada Dowladda Imaaraatka Carabta. Waxaana ka guddoontay Wasiirka Gargaarka iyo Mareeynta Musiibooyinka Dowladda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye. taas oo loogu talagalay dadka ay Abaaraha ku Saameeyeen dalka.

“Dowladda Imaaraatka waxaan uga mahadceliyay doorkooda ku aadan xaaladdaha Bini’aadanimo ee dalka ka taagan” ayey tiri Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye Iyadoo ku soo aadayaan immaatinka deeqaha nooga immanayaan Dowladda Imaaraatka xilli abaaro ba’an ey ku dhufteen guud ahaan Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Oo Loo Doortay Xildhibaan Golaha Shacabka Ah

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Oo Loo Doortay Xildhibaan Golaha Shacabka Ah

Hogaamiyaha xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ku soo baxay kursiga tirsigiisu yahay 138 ee ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Cabdiraxmaan oo la sii saadaaliyay inuu ku soo bixi doono kursigan ayaa waxaa kula qornayd gabar lagu magacaabo Naciimo Xuseen Cali oo aan saaxadda siyaasadda laga aqoon, markii dambe na u tanaasushay.

Waxaa tartanka ka haray oo Cabdiraxmaan u tanaasulay siyaasiyiin la filayay inay loolan adag kula geli doonaan kursigan, uuna kamid yahay ninka kursiga ku fadhiyay baarlamaanka muddo xileedkiisu dhammaaday ee Siciid Nuur Giriish.

Ukraine oo codsi aan laga fileyn u dirtay Ruushka

Ukraine oo codsi aan laga fileyn u dirtay Ruushka

Ukraine ayaa codsatay inay kulan la yeelato Ruushka iyo dalal kale oo ka tirsan guddiga ammanka Yurub, si looga xaajoodo xiisadda sii xoogeysanaysa ee ka taagan xuduudda labada waddan.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Ukraine, Dmytro Kuleba, ayaa sheegay in Ruushka uu dhagha ka furaystay codsi rasmi ah oo ku aaddan inuu sharraxo sababta uu ciidamada tirada badan u geeyay xuduudda.

Waxa uu intaa raaciyay in tallaabada xigta ay tahay in dalkiisa uu diro codsi ku aaddan kulan dhaca 48 saacadood gudahood, si Ruushka loogala hadlo waxa uu damacsan yahay.

Xukuumadda Moscow ayaa marar badan beenisay inay duulaan ku tahay Ukraine, inkastoo ay ciidan ka badan 100,000 oo askari ay ku daabushay meel u dhaw xuduudda labada dal.

Dalal badan ayaa ugu baaqay muwaadiniintooda inay ka baxaan Ukraine, iyagoo ka cabsi qaba in haddii uu Ruushka billaabo dagaalka ay adkaan doonto daadgureyntooda.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Ruushka ayaa ku eedaysay dalalka Galbeedka inay faafinayaan macluumaad been ah.

Warbaahinta CBS News oo soo xiganaysa saddex ilo wareed ayaa sheegtay in Maraykanka uu shaqaalihiisa kala bixi doono Ukraine 48 saacadood ee soo socda.

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, oo dhaliilay cabsida ka dhalan karta tallaabooyinka ay dalalka muwaadiniintooda uga saarayaan dalkiisa, ayaa sheegay in uusa arag caddeyn muujinaysa in Ruushka uu qorsheynayo duullaan dhaca maalmaha soo socda.

Dalabka ugu weyn ee Ruushka ayaa ah in Ukraine aysan weligeed ku biiri karin gaashaanbuurta NATO, balse dalalka Galbeedka ayaa diiddan arrinkaas iyagoo ku doodaya in isbahaysiga uu leeyahay siyaasad soo dhaweyneysa xubno cusub.

Hase yeeshee safiirka Ukraine u fadhiya London, Vadym Prystaiko, ayaa BBC u sheegay in dalkiisa uu aqbali karo dalabka Ruushka, si xaaladda loo dejiyo.

Digniinta Maraykanka

La-taliyaha amniga qaranka ee Maraykanka, Jake Sullivan, ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay hadda diyaar u yihiin “duulaan milateri oo ballaaran” hadalkaas oo u muuqda in Maraykanka uu ka quustay xal laga gaaro xiisadda taagan.

“Ma saadaalin karno mustaqbalka, mana ogin waxa dhici doona, balse khatarta waa mid saraysa, waxaana loo baahan yahay in si degdeg ah ay [muwaadiniinta] uga baxaan dalkaas” ayuu yiri Sullivan.

La-taliyaha ayaa intaa raaciyay in maamulkiisa aanu ka war-qabin in Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, uu gaaray go’aan kama dambeys ah oo ku aaddan duulaanka, balse Aqalka Kremlin uu raadinayo marmarsiyo uu ku billaabo dagaalka.

Xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka, Antony Blinken, ayaa tilmaamay in duulaanka Ruushka uu dhici karo ka hor 20-ka bishan.

Madaxweyne Biden ayaa sheegay in dalkiisa uusan Ukraine u diri doonin ciidan soo badbaadiya muwaadiniinta Maraykanka, haddii uu Ruushka qaado duulaanka.

Jimcihii, Madaxweynaha Maraykanka ayaa kulan qaab muuqaal ah la yeeshay hogaamiyayaasha NATO, waxaana ay isla garteen in cunaqabateyn dhaqaale oo baahsan lagu beegsado Ruushka haddii uu weerarro Ukraine.

Dhanka kale Maraykanka ayaa sheegay in 3,000 oo ciidan dheeraad ah uu u diri doono Poland, kuwaas oo lagu wado inay halkaa gaaraan todobaadka soo socda. Kama dagaallami doonaan Ukraine, balse waxa ay difaaci doonaan dalalka xulafada la ah Maraykanka.

Xaaladda ka taagan Ukraine ayaa ku soo beegmaysa sideed sano kadib markii uu Ruushka xoog kula wareegay gobolka Crimea. Tan iyo waagaas, ciidamada Ukraine ayaa dagaal aan dhammaan kula jiray fallaago gacan ka helaysa Ruushka oo ku sugan xuduudda bari.

Ciidamada badda ee Ruushka ayaa Jimcihii dhoolatus ka sameeyay Crimea.

Khubarada milateri ayaa tilmaamay in dhoolatuska uu Ruushka ka wado dalka Belarus ay khatar weyn ku tahay caasimadda Kyiv, oo haddii uu dagaal qarxo ay Moscow si sahlan ku weerarri karto magaaladaas xarunta u ah Ukraine.

BBC NEWS

Deni oo dib ugu soo laabtay Garowe

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar ugu maqna dalka Kanya ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.Madaxweynaha iyo wafdiga la socday waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe Gen. Mohamed Abshir AirPort kusoo dhoweeyay Goleyaasha kala duwan ee Dowladda Puntland, Xildhibaanada labada Aqal ee Federaal ee dhowaan la doortay, Maamulka Gobolka Nugaal iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Garoowe.

May be an image of 9 people, people standing, suit and outdoors
May be an image of 9 people, people standing, suit and outdoors
May be an image of 6 people, people standing and outdoors
May be an image of 7 people and people standing
May be an image of 6 people, people standing and outdoors
May be an image of 8 people, people standing and outdoors
May be an image of 4 people, people standing and road
May be an image of 7 people, people standing and outdoors

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo xariga ka jaray dhisme waddo

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo xariga ka jaray dhisme waddo

Ku-simaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa xariga ka jaray dhisme iyo dayacir lagu sameeyay wadada laamiga ah ee isku xirta Garoowe iyo Laascaanood.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa boggaadiyay Mas’uuliyiinta Dowlad Goboleedka ee ku shaqo leh Wadooyinka ee shaqadan qabtay iyo Shirkadda dhismaha iyo dayactirka ku sameynaysa Wadada Laascaanood-Garoowe, waxaana tani qeyb ka tahay qorshaha Dowladda ee dayactirka lagu sameynayno dhammaan Wadooyinka Puntland.