Beesha Caalamka Oo Ku Baaqday In La Saxo Qaladaadka Habraaca Doorashada

Beesha Caalamka Oo Ku Baaqday In La Saxo Qaladaadka Habraaca Doorashada

Qoraalka beesha caalamka ka soo baxay ayaa lagu sheegay in Saaxiibada caalamku ay la socdaan doorashada Golaha Shacabka ee kalabar qabsoontay waxa ayna boorrinayaan in si wakhtiyeysan oo lagu kalsoonaan karo loo soo afmeero geeddi-socodka

“Saaxiibada caalamku waxa ay ka war hayaan in doorashada kuraasta Golaha Shacabka ay qiyaastii ​​kala bar qabsoontay. Saaxiibada caalamku waxay mar kale hoosta ka xarriiqayaan baahida loo qabo in sixidda qaladaadka habraaca loo wajaho si dhexdhexaad ah oo daah-furan si loo dhiso kalsoonida geeddi-socodka doorashada iyo natiijadeedaba.” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxaa looga hadlay qoraalka ka soo baxay ayaa lagu qeexay War-murtiyeedka Golaha Wadatashiga Qaranka (GWQ) ee bishii Janaayo, musharrixiinta waa inay xor u ahaadaan inay u tartamaan caqabad la’aan.

“Suxufiyiintu ay awood u yeeshaan inay tebiyaan, bulshada rayidka ahna ay si xor ah u kormeeraan hawlaha doorashada cabsi gelin la’aan. Sidoo kale, waxaan ugu baaqaynaa dhammaan madaxda inay ka fogaadaan sii baahidda xiisadda siyaasadeed, lana xaqiijiyo in ciidamada ammaanka aan loo isticmaalin sidii qalab siyaasadeed.”ayaa qoraalka la sii raaciyay.

Saaxiibada caalamku waxay ku celinayaan walaaca ah in qoondada boqolkiiba 30-ka ee matalaadda haweenka ee baarlamaanka aan la gaarsiineyn, waxa ayna ku baaqayaan in tallaabooyin degdeg ah lagu saxo kuraasta harsan.

Maadaama wakhtiga kama dambeysta ah ee ay isku raaceen Golaha Waatshiga Qaran bishii Jannaayo 2022 uu ku eg yahay 25 Feberaayo, bah-wadaagtu waxa ay dhiirigelinayaan sii wadidda dardargelinta, si loo xaqiijiyo dhammaystir degdeg ah, laguna kalsoonaan karo ee geeddi-socodka doorashada.

Ha loo kaco Walaalaheen

Bulshaddii ka soo hayaantay Mudug iyo Nugaal iyo kuwii degaanka oo dhamaantood Gurmad u baahan

Dadka reer guuraaga ah ee ay saamaysay abaarta ka jirta gobolo ka tirsan Puntland una hayaamay Sanaag ayaa waxaa la soo darsay Biyo yari xoolihii oo ka jiray iyo baahiyo kale waxa ayna codsadeen in Dowladda iyo Bulshaduba ay ka qayb qaataan dayactirka ceelasha iyo maareynta baahiyahooda .

Maamulka Gobolka Cayn iyo la dagaalanka Maandooryaasha

Ciidamada booliska dowladda PUNTLAND ee magaalada Buuhoodle oo xalay hawl-gal ku qaaday saldhig ka mid ah kuwa ugu waaweyn kooxaha ka ganacsada Khamriga ee la shaqaysta maamulka Somaliland , kadibna waxay kala kulmeen weerar iyo dagaal ay kusoo qaadeen saldhiga booliska kooxaha ku hawlan ka ganacsiga maandooriyaha.

Buuhoodle waxay heshay muddo 30 sano kadib ciidamo boolis ah oo loo tababaray,loona qalabeeyay,kuwaas oo haatan door wanaagsan ka ciyaaraya sugida amaanka Gobolka Cayn si wax looga qabto ilaalinta Nabadgalyada iyo Horumarka bulshada Gobolkaas.

Madaxweynaha Jubbaland oo qaabilay xildhibaanada cusub ee maanta la doortay

Madaxweynaha Jubbaland oo qaabilay xildhibaanada cusub ee maanta la doortay

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay xildhibaanada cusub ee maanta lagu doortay Magaalada Kismaayo.

Xildhibaanadan oo kala ah, Nasro Mahdi Caraale, Saadaq Cabdullahi Cabdi, iyo Cadar xareed jibriil ayaa kamid noqonaya Xildhibaanada golaha shacabka ee BJFS.

Madaxweynaha ayaa u hambalyeeyey Xildhibaanadan la doortay ee kamid noqonaya golaha shacabka ee Baarlamaanka JFS. Waxaa Madaxweynahu uu kula dardaarmay ka shaqeeynta midnimada ummadda Soomaaliyeed iyo sidii looga shaqeeyn lahaa samatabixinta dalka.

$80,000 ayaa loogu deeqay Jidka Ceeldaahir

Beesha Warlabe iyo Bahwadaagtooda ayaa jidka Barkaysan ugu deeqay

Wadada Ceeldaahir Ceerigaabo oo ah mashruuc iskutashi ah ayaa maraysa meel aad u wanaagsan iyadoo dhismaha laamiga la gaadhisiyay deegaanka Cawsane oo kaabiga ku haya midigale iyo rad.

Guddiga Mashruuca wadadda Ceeldaahir ceerigaabo ayaa maanta gudoomay lacag dhan 80 kun oo dollar oo katimi beesha Warlabe iyo bahwadaagtooda taasoo qeyb ka noqonaysa dhismaha wadada ceeldahir Cerigabo

May be an image of 13 people, people standing, tree and road
May be an image of text
May be an image of 1 person and indoor
May be an image of 1 person, beard and indoor

Tacsi: Aadan Cali Maxamed

Bahda Allsanaag, waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Abbe Cali Maxamed Siraad iyo hooyo Khadra Aadn Debrani oo wiilkoodii Allah ha u naxariiste Aadan Cali Maxamed ku geeriyooday Magaalada Ottawa ee dalka Canada. Waxaan Allah uga baryeeynaa inuu janadii Fardowsa ahayd ka waraabiyo, Kitaabkiisana   midigta ka siiyo, dhammaan qoyskii iyo eheladii UU  ka baxayna Samir iyo iimaan waafi ah inuu Allah  ka siiyo, Aammiin, Aammiin.

Tacsidan mid la mid ah, isaga oo ku hadlaya magca Jaliyadda reer Makhir ee magaalada Ottawa waxa na soo gaarsiiyey Cismaan Cabdi Qaac.

Allsanaag.com