27th April 2024  admin  Category :

Beesha Caalamka Oo Ku Baaqday In La Saxo Qaladaadka Habraaca Doorashada

Qoraalka beesha caalamka ka soo baxay ayaa lagu sheegay in Saaxiibada caalamku ay la socdaan doorashada Golaha Shacabka ee kalabar qabsoontay waxa ayna boorrinayaan in si wakhtiyeysan oo lagu kalsoonaan karo loo soo afmeero geeddi-socodka

“Saaxiibada caalamku waxa ay ka war hayaan in doorashada kuraasta Golaha Shacabka ay qiyaastii ​​kala bar qabsoontay. Saaxiibada caalamku waxay mar kale hoosta ka xarriiqayaan baahida loo qabo in sixidda qaladaadka habraaca loo wajaho si dhexdhexaad ah oo daah-furan si loo dhiso kalsoonida geeddi-socodka doorashada iyo natiijadeedaba.” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxaa looga hadlay qoraalka ka soo baxay ayaa lagu qeexay War-murtiyeedka Golaha Wadatashiga Qaranka (GWQ) ee bishii Janaayo, musharrixiinta waa inay xor u ahaadaan inay u tartamaan caqabad la’aan.

“Suxufiyiintu ay awood u yeeshaan inay tebiyaan, bulshada rayidka ahna ay si xor ah u kormeeraan hawlaha doorashada cabsi gelin la’aan. Sidoo kale, waxaan ugu baaqaynaa dhammaan madaxda inay ka fogaadaan sii baahidda xiisadda siyaasadeed, lana xaqiijiyo in ciidamada ammaanka aan loo isticmaalin sidii qalab siyaasadeed.”ayaa qoraalka la sii raaciyay.

Saaxiibada caalamku waxay ku celinayaan walaaca ah in qoondada boqolkiiba 30-ka ee matalaadda haweenka ee baarlamaanka aan la gaarsiineyn, waxa ayna ku baaqayaan in tallaabooyin degdeg ah lagu saxo kuraasta harsan.

Maadaama wakhtiga kama dambeysta ah ee ay isku raaceen Golaha Waatshiga Qaran bishii Jannaayo 2022 uu ku eg yahay 25 Feberaayo, bah-wadaagtu waxa ay dhiirigelinayaan sii wadidda dardargelinta, si loo xaqiijiyo dhammaystir degdeg ah, laguna kalsoonaan karo ee geeddi-socodka doorashada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*