DF Soomaaliya oo ku howlan soo badbaadinta muwaadiniinta ku sugan Ukraine

49 mins ka hor

Marka la eego xaaladda ammaanka ee Ukraine oo si xawli ah isu beddeshay, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay kula talinaysaa dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed oo ay ku jiraan ardayda inay la soo xiriiraan Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Brussels iyo Berlin si loo soo daad gureeyo.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ugu jirta sidii loo samayn lahaa waddooyin lagu daadgureynayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xayiran dalka Ukraine iyo sidii loo heli lahaa adeegyada qunsuliyadda ee muhiimka ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa ugu baaqday muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay feejignaan muujiyaan, isla markaana ay wataan warqadaha aqoonsiga.

Image

Shiinaha oo ergey usoo magacaabay Geeska Afrika

Shiinaha ayaa u magacaabey Shu Bing oo ah diblomaasi sare inuu noqdo ergeygooda gaarka ah ee Geeska Afrika, oo ah meel ay colaado ka jiraan sida Ethiopia, Eritrea iyo Somalia.

Shu ayaa hore usoo noqdey safiirkii Shiinaha ee Papue New Guinea, waxaana uu waayo arag u yahay Afrika, iyo America sida ay shaley sheegtey Wasaarada Arrimaha Dibada Shiinaha.

Howsha ergeygan ayaa noqoneysa inuu qaaradda ka iibiyo siyaasadda Shiinaha ee ay u yaqaanaan horumarin nabad ah.

Wasiirka Arrimaha Dibada Shiinaha Wang Yi ayaa ku dhawaaqay bishii Janaayo mar uu booqdey Bariga Afrika in magacaabistan ay qorsheynayeen.

Danaha Shiinaha ee Geeska Afrika oo ay ka mid tahay xarunta ciidamada ee badda ee dalka Jabuuti, oo ah mid ilaalineysa marinka dunida ee maraakiibta. Beijing ayaa siisey deyn dalka aan badda laheyn ee Ethiopia, Ethiopia ayaa ku tiirsan ganacsiga kasoo dega Djibouti.

Gobolka ayaa waxaa sidoo kale caqabadi ka haysataa xasillooni la’aanta ka taagan Koofurta Sudan, halkaasi oo Shiinuhu uu maal-geliyey wax soo-saarka shidaalka, sidoo kale colaada ka taagan Soomaaliya oo mararka qaar usoo gudbeysa dalka dariska la ah ee Kenya oo sidoo kale ay Shiinuhu maal-gelin ku leeyihiin.

Wasaaradda Maaliyadda oo furtay shirka dib u habeynta hanaanka Maaliyadda

Wasaaradda Maaliyadda oo furtay shirka dib u habeynta hanaanka Maaliyadda

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in Wasaaradda iyo hay’adda lacagta adduunka ee (IMF), ay bilaabeen shirka dib u eegista hannaanka Maaliyadda Soomaaliya.

“Maanta waxaan si wada jir u bilownay annaga iyo IMF dib-ugu-eegista hanaanka Maaliyadda Soomaaliya oo hadda meel wanaagsan maraya” ayuu yiri Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Shirkaan oo socon doona muddo labo toddobaad ah, ayaa waxaa looga doodi doona dib u habeynta hannaanka Maaliyadda Soomaaliya.

Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa hogaaminaysa shirkaan oo sidoo kale ay ka soo qeyb galayaan hey’adaha Dowladda qaarkood sida Wasaaradda Qorsheynta Qaranka iyo Bangiga dhexe ee Soomaaliya.

Guddiga Abaaraha ee Wasaaradda Gargaarka oo Dowladda Imaaraadka kala wareegay deeq

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa maanta diyaarad gargaar ah ka soo dejisay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho. Guddiga abaaraha ee Wasaaradda gargaarka oo ay oo hoggaamineysay wasiiru dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha ee Xukuumadda Federaal Soomaaliya Shukri Maxamuud Afrax ayaa deeqdaas ka guddoomay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya, Danjire Maxamed Axmed Alcuthman.

Safiirka dalka Isutagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Maxamed Axmed Alcuthman oo ugu horreyn hadal ka jeediyay munaasabad wareejinta deeqdan gargaarka ayaa sheegay in ay ka mid tahay kaalmada gargaarka beni’aadannimo Imaaraadku ku saacidayaan Ummadda Soomaaliyeed oo wajahaya abaaro ba’an xilligan.

Deeqdan ayaa ah tii afaraad ee nuuceeda oo ka timaada dalka Isutagga Imaaraadka Carabta iyadoo qeybo kamid ah gobollada dalka la gaarsiiyay deeqaha gargaarka.

Guddoomiye Muuse Geelle Oo Sheegay In Aan Loo Marin Habraac Sax Ah

Guddoomiye Muuse Geelle Oo Sheegay In Aan Loo Marin Habraac Sax Ah 

Guddiga doorashada federaalka Soomaaliya ayaa sheegay inay joojiiyeen natiijada doorashada kurisga HOP86 oo la sheegay inuu shalay ku guulaystay agaasimihii hore ee hay’adda NISA Fahad Yaasiin oo haatana ah la-taliyaha amniga qaranka ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Guddiga ayaa horey u joojiyey doorashada kursigaas iyaga oo sheegay inay soo gaareen cabashooyin. Hase yeeshee doorashada ayaa dhacday shalay waxayna guddiga doorashada HirShabelle sheegeen inuu kursigaas ku guulaystay Fahad Yaasiin.

Si kastaba, Guddiga doorashooyinka heer federala waxay ku cleiyeen inay joojiyeen saddexda kursi ee kala ah HOP154, HOP103 iyo HOP86. Guddoomiyaha guddigaas Muuse Gelle ayaa u sheegay warbaahinta dawladda in kuraastaas hab-raacoodu qaldamay, dibna looga fiirsanayo.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in ilaa haatan la doortay 165 kursi oo ka tirsan Aqalka Hoose, halka ay harsan yihiin 110 kursi.

Maxaan ka ognahay xirmooyinka shidaalka ee ku xusan heshiiska muranka badan dhaliyay?

Maxaan ka ognahay xirmooyinka shidaalka ee ku xusan heshiiska muranka badan dhaliyay?

Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa labaduba sharci darro ku tilmaamay heshiis uu wasiirka batroolka Cabdirashiid Maxamed Axmed la galay shirkad shisheeye.

Wasiirka ayaa sheegay in heshiiska oo khuseeya 7 xirmo oo la tuhunsan yahay inuu shidaal ku jiro uu yahay mid wax soo saar wadaag ah, isagoo ku tilmaamay guul u soo hoyatay Soomaaliya.

Injineer Cabdikadir Abiikar Xuseen oo horay la-taliye sare ugu ahaa wasaaradda batroolka ee Soomaaliya ayaa sheegay in heshiiska uu markii hore ahaa mid aan dhameystirneyn oo aan ka shaqeyneynin danaha Soomaaliya.

Wuxuu sidoo sheegay in xitaa Maamul Goboleedyada aysan waxbo kala socon heshiiska.

“Waxay shirkadda Somali & oil sanadkii 2013 Soomaaliya la saxeexatay heshiis aan fiicneyn oo Soomaaliya danaheeda aan ku jirin markaa kan hadda socda waa dhameystirkii heshiiska 2013 laakiin kaas ayaa qaloocnaa, wixii aan ku maamul laheyn oo sharci ah ayaa naga maqan, waxaa naga maqan sharciga canshuuraadka, macnaha haddii la dhaho maxaa shirkadda lagu canshuurayaa? Ma naqaanno, waxaa la rabaa waxyaabihii lagu canshuuri lahaa inay diyaar yihiin, shirkadda haddii ay wasakheyso badda, maxay la kulmeysaa? Iyo sharciyo kale oo aan diyaar aheyn”

“Maamul Goboleedyada waxbo lama socdaan, Maamul Goboleedka Galmudug oo baddiisa wax laga baari doono , maamulka Hirshabeelle , Koonfur Galbeed iyo Jubbaland waxbo lama socdaan, xirmooyinkan badahooda ayay ku yaallaan” ayuu yiri Injineer Cabdiqaadir oo wareysi siinayay BBC-da.

Maxaa hadda keenay muranka ?

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa bartiisa Twitter-ka ku shaaciyay inay heshiis dhanka wax soo saarka shidaalka ay la galeen shirkadda Costline Exploration ltd.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa beenisay in Madaxweyne Farmaajo uu wasiirka la ogaa heshiiska muranka dhaliyay.

Hase yeeshee dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay war saxaafadeed lagu burinayo heshiiska waasiirka Batroolka iyo Macdanta ayaa lagu sheegay in aan la geli karin wax heshiis ah xilli lagu gudo jiro doorashada.

Cabdiqaadiir wuxuu qabaa in xilliggan lagu gudo marxalad kala guur ah isla markaana aanan loo diyaarsaneyn heshiiska.

“Heshiiska wuu soo socday hadda ma ahan in la saxeexo, dowladda haatan waa mid xilgaarsiin ah, xilgaarsin macnaheeda waxaa weeye, heshiis maba geli karto kaas oo saameynayo kheyraadka dalka Soomaaliya, wakhtigan xilliggii heshiis la geli lahaa ma aha iyo anaga farsamo ahaan iyo shuruuc ahaan diyaar aheyn”

“Marka wax la saxeexo halkii xirmo 2 malyan oo doolar ayaa dul saaran, marka la saxeexaba waxaa la rabaa in durbadiiba la bixiyo 2 malyan markaa lacagtaas baa meesha ku jirtaa” ayuu yiri Injineer Cabdiqaadir.

Meelaha uu khuseeyo heshiiska

Shirkadaan oo aad u daneysa inay baarto saliida gobolka Geeska Afrika ayaa heshiisyadaan ay la saxiixatay wasaaradda batroolka iyo macdanta Sooomaaliya waxuu u ogolaanayaa inay shidaal ka baarto gunta hoose ee biyaha Soomaaliya.

Cabdiqaadir oo BBC-da wax ka weydisay xirmooyinka uu ku khuseeyo heshiiska muranka badan dhaliyay ayaa sheegay in xirmooyinka ay tahay in baaris lagu sameeyo si loo ogaado baaxadda ceelasha shidaalka.

“Toddobadaas xirmo, saddex Galmudug baddeeda ah iyo xirmo oo ku aadan agga Xamar ilaa Baraawe ilaa Marka iyo saddex xirmo oo Jubaland ah..marka waa in la hubiyo in shidaal uu ku jiro oo ceel laga qodo..ceelashaas baa caddeynayaa haddba inta uu la egyahay shidaalka”