Puntland oo daahfurtay Manhaj Waxbarasho

Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa daah-furay Manhajka Waxbarashada Dugsiyada Sare ee deegaannada Puntland.

Manhajkan oo muddo howshiisu socotay waxaa soo diyaarintiisa iska kaashaday Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland , Barayaasha dugsiyada sare iyo Madbacadaha Midoobay.

Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa sheegay in dhamaystirka Manhajkan dugsiyada sare uu tusaale cad u yahay inaynu wax qabsan karno, taasoo muujisay horumarka laga gaaray Waxbarashada Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa u mahadceliyay masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada Puntland, barayaasha Dugsiyada Sare iyo Madbacadaha Midoobay ee Puntland Shaqada wanaagsan ee ay qabteen ee diyaarinta manhajkan.

Ugu dambayn Mudane Axmed Cilmi ayaa faray masuuliyiinta Wasaaradda inay dedejiyaan dhaqan gelinta manhajkan cusub.

Qiimaha lacagta ruble ee Ruushka oo dhulka galay

Qiimaha lacagta Ruushka ee ruble ayaa Isniinta maanta ah hoobatay marka loo eego dollar-ka iyo Euro ee Suuqa Sarifka Lacagaha ee Msocow, xilli Reer Galbeedka ay Moscow ku ciqaabeen xayiraado dhaqaale oo ka dhashay duulaanka ay ku qaaday Ukraine.

Qiimaha ruble-ka ayaa maanta gaartay 100.96 halkii dollar-ba, halka ay ka aheyd 83.5 Arbacadii, maalin ka hor duulaanka Ukraine. Sidoo kale halkii Euro ayaa waxaa lagu sarifayey 113.52 ruble, halka ay kahor weerarka ka aheyd 93.5.

Qiimo dhacan ayaa ka dhashay kadib markii Reer Galbeedka ay ku dhowaaqeen inay qaar ka mid ah Bankiyada Ruushka ka saari doonaan nidaamka SWIFT ee isku xira islamarkaana ay lacagaha isugu diraan Bankiyada Caalamka.

Ruble-ka ayaa markii horeba si weyn hoos ugu dhacay marka loo eego lacagaha waa weyn ee caalamka, kadib markii dadka Ruushka ay safaf dhaadheer u galeen ATM-yada, si ay lacagahooda ugala baxaan islamarkaana ugu bedeshaan lacago shisheeye kahor inta aanu ku dhicin qiimo dhac kale.

Bankiga Dhexe ee Ruushka ayaa Isniintii maanta ah sheegay inuu qaaday tallaabooyin deg deg ah oo lagu xoojinayo dhaqaalaha, oo ay ka mid yihiin in heerka dul-saarka sare loo qaaday boqolkiiba 20, halkii markii hore uu ka ahaa 9.5 boqlkiiba, “si loo taageero xasilloonida maaliyadda iyo qiimaha, loogana hortago qiimo dhac ku yimaada keydka lacageed ee shacabka.”

Bankiga ayaa sidoo kale ku dhowaaqay in shirkadaha Ruushka ee dakhliga uu kasoo galo wax dhoofinta ay qasab tahay inay 80 boqlkiiba iibiyaan dakhliga kusoo galay lacaghaha qalaad.

Yaa noqonaya Xildhibaanada Maakhir ee Federaalka

Waa kuwama afarta nasiibka u yeeshay ama Isimaddu u doorteen inay gobolka ku metelaan Baarlamaanka Soomaaliyra.

Sacaadaha soo socda waxa warbaahinta ku balansan inay ka hadlaan Odayaasha beesha Dubeys ee Warsangeli, markaas ka dib ayaa Suldaanka Beesha Dubeys ku dhawaaqi doonaa Xildhibaanada Beeshiisa uga mid noqon doona Baarlamaanka Soomaaliya.

Sida ilo lagu kalsoon yahay noo sheegeen, waxa uu Suldaan Maxamed Cabdulaahi Cartan ku dhawaaqi doonaa in Xildhibaanada soo socdaa ay yihiin

1- Cali Mahdi Maxamed Qalato

May be an image of 2 people and wrist watch

2= Ina Axmed Aadan Geesood

May be an image of 1 person, suit and indoor

Dhinaca Gobolka Sanaag ayaa iyagana waxay u badan tahay inay ka soo baxaan

Maxamed Cabdulaahi Qablan

May be an image of 1 person and text that says 'MURASHAX XILDHIBAAN GOLAHA SHACABKA BARLAMAANKA D.F. SOMALIA 2021-2025 MOHAMED ABDULLAHI QABLAN HOP149 KU DOORO E MATALAAD DHAB AH WAXQABAD DAD IYO DEGAAN KHIBRAD IYO AQOON Vote'

Xildhibaan Siciid Daahir.

May be an image of 1 person and text that says 'አደይር ነውይ MUSHARAX XILDHIBAAN DFS MUUSE AHMED ISMAIL KU DOORO WAXQABAD LA ARKAY HORUMAR & CADALAD HIMILO FOG #HOP076 VOTE FOR MUUSE'

Xildhibaan Siciid Daahir, wuxuu ka mid ahaa Xildhibaanadii hore waana Xildhibaanka qura ee dib u soo laabtay

Allsanaag.com

Xaaladda Soomaalida ku Xanniban Ukraine.

Qaar ka mid ah Soomaalida waxbarashada u joogay dalka Ukraine ayay caqabad ka haysataa sidii ay uga bixi lahaayeen dalkaasi iyagoo ka cabsi qaba in colaaddu soo gaarto magaalooyinka ay ku nool yihiin.

Cabdiraxmaan Xasan oo ka mid ah ardayda Soomaalida ee wax ka baraneysay Ukraine ayaa sheegay in qaar ka mid ah saaxiibadii ay ka baxsadeen dalka oo ay u talaabeen dalka dariska ah ee Poland, hase ahaatee ay isaga wali taasi u suurtogali la’ dahay.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo la kulmay Agaasimaha guud ee w/Kalluumaysiga XFS

Madaxweyne Ku-xigeenka dowlad Goboleedka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta qaabilay Agaasimaha guud ee wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee dowladda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Maxamuud Sheekh Cabdullaahi iyo Saraakiil ka socday Bangiga Adduunka (World Bank).

Kulanka ayaa looga hadlay baahiyaha Kalluumaysatada Puntland iyo qorshaynta mashruuc 50 milyan oo doollar ku kacaya oo markii ugu horreysay Bangiga Adduunku si toos ah ugu taageerayo Soomaaliya.

Kulanka waxaa ka qayb galay Wasiirka Kalluumaysiga Puntland, Wasiiru dowlaha Madaxtooyada, Agaasimaha guud ee wasaaradda Kalluumaysiga Puntland iyo Saraakiil kale.

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay madaxdii ka socotay Midowga Afrika?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Guddoomiyaha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo wadashaqaynta Soomaaliya iyo Midowga Afrika, dagaalka ka dhanka ah argagixisada, mustaqbalka waajibaadka shaqo ee hawl-galka Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo guud ahaan xaaladaha amni iyo horumar ee Gobolka.

Gudoomiyaha Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Africa  Danjire Bankole Adeoye oo uu weheliyey Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Madeira ayaa Madaxweynaha uga mahad celiyay soo dhaweynta diirran ee loo fidiyey, isaga oo bogaadiyey horumarka Dowladda Soomaaliya ay ka gaartay geeddi-socodka arrimaha doorashooyinka,  amniga dalka iyo la dagaallanka argagixisada.

Kulankan waxaa Madaxwaynaha ku weheliyey Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,  Mudane Maxamuud Cabdi Xasan Beekoos, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Cabdullaahi Ciise iyo masuuliyiin kale oo ka socday Wasaaradaha XFS ee xiriirka la leh arrimaha hawl-galka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Africa Danjire Bankole Adeoye.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Guddoomiyaha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo wadashaqaynta Soomaaliya iyo Midowga Afrika, dagaalka ka dhanka ah argagixisada, mustaqbalka waajibaadka shaqo ee hawl-galka Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo guud ahaan xaaladaha amni iyo horumar ee Gobolka.

Gudoomiyaha Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Africa  Danjire Bankole Adeoye oo uu weheliyey Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Madeira ayaa Madaxweynaha uga mahad celiyay soo dhaweynta diirran ee loo fidiyey, isaga oo bogaadiyey horumarka Dowladda Soomaaliya ay ka gaartay geeddi-socodka arrimaha doorashooyinka,  amniga dalka iyo la dagaallanka argagixisada.

Kulankan waxaa Madaxwaynaha ku weheliyey Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,  Mudane Maxamuud Cabdi Xasan Beekoos, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Cabdullaahi Ciise iyo masuuliyiin kale oo ka socday Wasaaradaha XFS ee xiriirka la leh arrimaha hawl-galka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Macalimuu oo loo doortay Xildhibaan

Maxamed Ibraahim Macalimuu Afhayeenka xukuumada federalka ayaa ku guuleystay kursiga Xildhibaannimo ee tirsigiisu yahay #Hop068 oo maanta doorashadiisu ka qabsoontay magaalada Beledweyne.
Macalimuu oo bartimihii bishii hore ku dhaawacmay qarax lagula eegtay magaalada Muqdisho ayaa ka soo laabtay dhowr maalmood kahor dalka Turkiga halkaas oo lagu daweynayay

Mareykanka oo xayiraad kusoo rogay shakhsiyaad lagu eedeeyay dib u dhaca doorashada Soomaaliya

Mareykanka oo xayiraad kusoo rogay shakhsiyaad lagu eedeeyay dib u dhaca doorashada Soomaaliya

Dowladda Mareykanka ayaa Jimcihii mamnuucday in mas’uuliyiin iyo shaqsiyaad kale oo Soomaali ah ay u safraan Mareykanka, iyadoo ku eedeysay inay “waxyeelleynayaan hannaanka dimuqraadiyadda” Soomaaliya.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay in Mareykanka uu soo rogay xayiraadda fiisaha kadib markii Soomaaliya ay dib ugu dhigtay doorashadii baarlamaanka 15-ka March, taas oo ay ahey in la soo gabagabeeyo Jimcihii shalay.

“Hadda waxaan kusoo rogaynaa xannibaado fiisaha iyadoo la raacayo siyaasaddan ka dhanka ah tiro ka mid ah mas’uuliyiinta Soomaalida iyo shakhsiyaadka kale si kor loogu qaado isla xisaabtanka falalkooda is-hortaagga ah,” ayuu Blinken ku yiri bayaan ay soo saartay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka.

Doorashada baarlamaanka oo soo bilaabatay bishii November ayaa ah mid dadban oo ay ku lug leeyihiin odayaasha beelaha soo xulaya 275-ta xubnood ee GolaHa Shacabka, iyagoo dooran doona madaxweyne cusub waqti aan weli la cayimin.

Kooxda Al-Shabaab, oo inta badan weeraro iyo qaraxyo ka geysta caasimadda Muqdisho iyo meelo kale oo ka tirsan Soomaaliya ayaa sidoo kale caqabad ku noqday doorashadan, waxaana bartamihii bishii hore ee Feberaayo, weerar is-miidaamin ah lala beegsaday bas ay saarnaayeen ergooyin doorasho, waxaana ku dhintay ugu yaraan lix qof magaalada Muqdisho, inkasta oo ergadia wax dhaawac ah aau soo gaarin.

Soomaali ka mid ah dadka ka qaxay Ukraine ee gaaray xuduudda Poland

Kumannaan kun oo qaxooti ah oo ka cararay duullaanka Ruushka ee magaalada Kyiv ee caasimadda Ukraine ayaa haatan gaaray xadka dadlkaasi uu la leeyahay Poland.

Wasiir ku-Xigeenka arrimaha gudaha ee Poland Pawel Szefernaker ayaa Sabtida maanta ah sheegay in 115,000 qof oo ka yimid Ukraine ay soo galeen Poland, tan iyo markii uu toddobaadkan bilowday weerarka Ruushka ee Ukraine.

Soomaali fara badan oo ku noollaa magaalada Kyiv ayaa ka mid ah dadka qaxay ee gaaray Poland. Cabdulqaadir Maxamed Samakaab ayaa la xiriiray Maxamuud Carab, oo ah saxafi ka mid ah Soomaalida ku sugan xadka Poland islamarkaana sugaya in la qaabillo. Waxa uuna ugu horreyn weydiiyay waxa ay kala kulmeen safarka ay kaga bexeen Kyiv kuna gaareen xuduudda Poland.