Howlgalkii Puntland ku qaaday Argagixisada halkee marayaa maxaa laga yelaya Ajaanibta Falanqyan

Howlgalkii Puntland ku qaaday Argagixisada halkee marayaa maxaa laga yelaya Ajaanibta Falanqyan
WARAYSI XOG BADAN LAGU LAFO GURAY OO AAN WAXBA LA ISKULA HARIN!
Lubnaan oo wiilka Sheekh al-Qaradawi u gacan gelinaysa Imaaraadka
Dowladda Lubnaan ayaa sheegtay Talaadadii in ay go’aansatay in ay aqbasho codsi uga yimid Imaaraadka oo ku aadan in loo gacan geliyo Abdul Rahman al-Qaradawi, oo ka mid ah mucaaradka Masar, islamarkaana uu dhalay hogaamiyihii ruuxiga ee kooxda Ikhwaanul Muslimiin Sheekh Yuusuf Al-Qaradaawi.
Qaradaawi, oo sidoo kale ay baadi goobayaan mas’uuliyiinta Masar, ayaa lagu xiray Lubnaan dabayaaqadii bishii hore, kaddib markii uu ka soo tallaabay xadka Suuriya, sida uu xilligaas AFP u sheegay sarkaal ka tirsan garsoorka Lubnaan.
Xariga ayaa lala xiriiriyay xukunka Masar ay isagoo maqan ku riday Qaradaawi ee ku xukumay shan sano oo xarig ah isagoo lagu eedeeyay “in uu ka soo horjeedo dowladda iyo kicinta argagixisada”, ayuu sarkaalka hadalkiisa ku daray.
Tan iyo markii la xiray 28-kii bishii December, Masar iyo Imaaraadka Carabta ayaa labadaba codsaday in loo soo gacan geliyo, sida uu sheegay sarkaal kale oo garsoorka ka tirsan oo diiday in magaciisa la shaaciyo.
Wasiirka Warfaafinta ee Lubnaan Ziad Makary oo shir jaraa’id qabtay Talaadadii ayaa sheegay in Qaradaawi “loo masaafurin doono Imaaraadka”, isagoo intaa ku daray in go’aankan lagu gaaray shir ay yeesheen golaha wasiirrada.
Sida laga soo xigtay sarkaalka labaad ee garsoorka, codsiga Imaaraadku wuxuu ku salaysan yahay muuqaal Qaradaawi uu internetka soo dhigay isaga oo ku sugan Masjidka Umayyad ee Dimishiq, kaasi oo uu ugu dabaal-degayay afgambigii hogaamiyaha Suuriya Bashaar al-Asad bishii hore, kuna baaqay “guul” ka dhacda dalal kale.
Muuqaalka, Qaradaawi wuxuu sidoo kale uga digayaa dadka Suuriya “talisyada xun” ee “Imaaraadka Carabta, Sacuudi Carabiya iyo Masar”.
Sarkaalka reer Lubnaan ayaa sheegay in Imaaraadku uu u arko ” kicin” ka dhan ah Imaaraadka iyo isku day lagu doonayo in lagu “qalqal geliyo” dalkan Khaliijka ku yaalla.
Qaradaawi, oo sidoo kale ah abwaan, waxaa dhalay caalimka caanka ah ee Sunniga Yuusuf Al-Qaradaawi, oo ahaa hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Ikhwaanul Muslimiinka oo ay liiska madow ugu dareen in ay tahay “koox argagixiso” Masar iyo Imaaraadka labadaba.
Yuusuf Al-Qaradaawi ayaa dhowr jeer lagu xiray dalka Masar sababo la xiriira xiriirkiisa ururka Ikhwaanul Muslimiin. Waxa uu dhintay 2022 ka dib tobanaan sano oo uu dibad-joog ku ahaa dalka Qatar.
Abdul Rahman al-Qaradawi waxa uu ahaa qaban qaabiye siyaasadeed oo ka soo horjeeday dawladdii uu hoggaaminayay Hosni Mubarak ee muddada dheer xukumeysa Masar, taasi oo 2011-kii lagu afgambiyay kacdoonkii Carabta.
Ka dib waxa uu noqday nin si weyn uga soo horjeeda hogaamiyaha wakhtigan ee Masar Abdel Fattah al-Sisi oo 2013-kii afgambiyay madaxweynihii sida dimoqraadiga ah lagu doortay ee Masar Maxamed Mursi oo ka tirsanaa ururka Ikhwaanul Muslimiin.
Maxaa ka jira eedeynta ah in dhoofka xoolaha Soomaaliya loo xiray shaqsi ajnabi ah
8 Saacadood ka hor
Warar aanay BBCdu u xaqiijin karin si madax banana ayaa sheegaya in dhoofka xooolaha Soomaaliyeed ay dowladda Soomaaliya u xirtay ganacsadde Ajanbi ah, arrintaasoo ay qeylo dhaan ka muujiyeen ganacasatada xoolaha iyo xildhibaano ku dhow ilaa 100 xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya .
Xildhibaannada oo ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa soo saaray warqad ku saabsan cambaareeyn ku aadan dowladda Soomaaliya oo ah in qof Ajnabi ah si gaar loogu xiray dhoofinta xoolaha Soomaaliyeed.
Xildhibaanada ayaa dhanka kale ka digay in haddii dowladda ka laaban weydo go’aankaas ay qaadi doonaan tallaaboyin kale.
Waxay ku doodeen in go’aankankaasi uu wiiqayo ganacsigii xoolaha gudaha, uuna khatar weyn ku yahay madax-bannaanida dhaqaalaha Soomaaliya.
Xildhibaan Mursal Maxamed Khaliif oo ka tirsan xubnaha soo saaray warqadda dowladda lagu cambaareynayo oo BBCda la hadlay ayaan weeydiinay hadddi ay wax caddeyn ah u haayaan warka sheegay in xoolaha Soomaaliya loo xiray hal shaqsi oo shisheeye ah, waxaana uu kaga jawaabay ” waxa aan caddeyn u haynaa ganacsatadii Soomaaliyeed oo ka cabaneysa meel walba iyo goobihii ay ka dhoofi jireen xooluhu xog naga soo gaaraysa”.
Mar la weeydiiyay Xildhibaan Mursal in xogtaasi ay hayaan ay kala hadleen dowladda iyo in kale waxa uu sheegay ” in hadda Baarlamaanku uu fasax ku maqan yahay, marka uu baarlamaanku fasax ku maqan yahayna ay adag tahay in la qaado tallaabooyinkii dastuuriga ahaa oo dowladda lagula xisaabtamayo, sida in loo yeero wasaaradda ay quseyso macquul ma aha” isagoo intaasi ku daray in arrimahaasi awgeed xalku uu yahay in aan warqad digniin ah in aan ka qorno aan is tusnay” ayuu yiri.
Xildhibaanka ayaa ku dooday in dhaqanka ah in shaqsiyaad loo xiro ganacsiyada qaar uu ahaa “mid waayadan isa soo tarayey” ayna horey ugusoo arkeen meelo badan oo shaqsiyaad ama shirakado loo xiray.
Xildhibaanka ayaa sheegay haddii baaqooda la dhageysan waayo ama ay dowladda ka heli waayaan jawaab ay ku qancaan in marka baarlamaanku uu dib u furmo bisha soo socota ay qorsheynayaan “in ay u yeeraan Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo wasiirkeeda iyo sidoo kale mamaulka sare , Xafiiska Madaxweynaha iyo Xafiiska Ra’iisulwasaaraha” isagoo intaas ku daray “haddii ay jawaabo waafi ah ay naga siin waayaan tallaabooyin cad-cad oo sharciga iyo dastuurka dalka u yaalla ayaan xukuumadda ka qaadi doonaa”.
Ma aha oo kaliya xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya cidda cabashada ka muujisay go’aankan la sheegay in dhoofinta xoolaha Soomaaliya loogu xiray hal gancasade oo ajanabi ah, balse sida ay sheegeen qaar ka mid ah ganacsatada dhoofka Xoolaha iyo kala iibsiga sayladaha Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanideeda ee Somaliland, waxaa hakad ku jira muddo ku dhow laba toddobaad howlihii dhoofka xoolaha kadib markii ganacsatada dhoofisa Xooluhu ay sheegeen in ay diiddan yihiin ganacsade ajnabi ah oo kooto loogu xiray dhoofinta Xoolaha Soomaalida ee taga dalka Sucuudiga.
Ganacsatadaasi ayaa sheegay in arrintani ay saameysay ganacsigooda xoolaha, sidoo kalena Dekedda Berbera laga joojiyey in ay ka baxaan Xoolo gaaraya 80 kun oo Neef.
Cabdirisaaq Maxamuud Ibraahim oo ka mid ah ganacsatada Xoolaha ee Somaliland, oo cabashada ka muujiyey ninkan Ganacsadaha ah ee la sheegay in Dhoofka Xoolaha loo xiray oo BBCda la hadlay ayaa sheegay : “iyadoo xoolahu ay yihiin lafdhabarta dhaqaalaha soomaalida in arinkani uu saameyn ku yeeshay iibkii xoolaha”. Isagoo intaasi ku daray in waxa dhabta ah ee ay ka cabanayaan ay tahay in ganacsigii xoolaha dhamaan qof gaar ah gacanta loo geliyo oo la yiraahdo “kaligii ayaa xoolaha dhoofin karo oo maxjarkiisa oo qura ayey ka baxayaan”.
Isagoo faahfaahinayey saameeynta arinkaas Cabdirisaaq Maxmuud Ibraahim ayaa sheegay “saameynta ka dhalatay waxa weeyaan ganacsi dhan oo lafdhabar u ah noloshii bulshada ayaa la joojiyay, ka soo billow qofkii reer miyiga ahaa ee xoolaha haystay raashin buu u baahan yahay, biyuu u baahan yahay , xoolahana intii uu iibiyay ma ahee inta kale calaf buu ugu baahan yahay, qofkiina maantay waxba ma hayo oo neefkiisii iibkii ayaa ka joogsaday” ayuu yiri Cabdirisaaq oo intaas ku daray in ninkii dalaalka ganacsatada caawinayey isagana noloshiisa ay saameyn ku yeelatay iyo sidoo kale ninkii ganacsadaha ahaa oo isagana uu qarash ku socdo oo uu khasaaryo.
Cabdirisaaq waxa u sheegay haddii uu arinkani sii socdo in uu guud ahaan mujtamaca Soomaaliyeed uu dhaqaalihiisa toos u saameyn doono.
Dhoofinta xooluhu waa mid ka mid ah tiirarka ugu weyn ee dhaqaalaha Soomaaliya, waxayna si weyn uga qayb qaataan maciishada iyo dakhliga Qaranka iyadoo dad kala duwan ay siyaabo kala duwan ugu tiirsan yihiin ganacsiga xoolaha .
Dhanka kale shir ay iskugu yimaadeen ganacsatada Xoolaha iyo gaadiidleyda gobolka Hiiraan ayeey cabasho kaga mujjiyeen go’aankaas xoolaha loogu xiray ganacsadaha ajnabiga ah.
Dadka ku xeel dheer ganacsiga xoolaha ayaa sheegay in neefka xoolaha ay ku nool yihiin dad kala duwan oo kala ah ninka gada xoolaha, ninka soo qumiya ama raaca , ninka ku rara gaariga, iyo ninka leh gaariga, iyo qaar kale oo siyaabo kala duwan ugu tiirsan.
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ayaan ilaa iyo hadda wax jawaab ah ka bixinin eedeynta culus ee kasoo yeertay mudanayaasha baarlamaanka iyo qaar ka mid ah dadka ka ganacsadata xoolaha.
Dhanka kale, waxaan la xiriirnay gudoomiyaha guddiga iibka xoolaha ee baarlamaanka Soomaaliya, waxa uuna noo sheegay in aanu war ka hayn cabasho la xiriirta arrinkaan.
Ilaa 70% xoolaha Soomaalida oo isugu jira geela, lo’da, ariga iyo idaha oo qiimahooda sannadkii lagu qiyaasay $1 Bilyan 2023 ayaa loo dhoofiyaa boqortooyada Sacuudiga.
Maxaa siyaasadda Soomaaliya laga filayaa 2025? Waa waraysi uu Afyare Cilmi siiyey Idaacadda Codka America. Afayare, wuxuu ka mid yahay Aqoonyahanada Soomaalida kuwooda aad u dhex dhexaadka ah
Damuljadiid cid waliba Aragtay @afyare_elmi oo kamid ahaa Kaadirka kooxda Daljir Iyo Heritage, ayaa la yaaban Habdhaqanka foosha xun ee Kooxda Damuljadiid Iyo Talo-xumida Madaxweyne Xassan Culusow.
— Mohamed N Jama Hawd And Reserve Area (@Mahamed81443729) January 6, 2025
Kooxda uu Afyare ka tirsan yahay oo Bahwadaag la ahayd Damuljadiid ayaa moodaa… pic.twitter.com/slLB17mMCX
Bayaaan Kasoo baxay Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Puntland oo warqadii kasoo baxday shalay Wasaarada Beraha iyo Waraabka DFS ayaa Waxaa ay cadeyneysaa in aysan horay lagu soo wargelin, waxna kala soconin iibka iyo habraaca loo maray labada (2) cagaf-cagaf ee saambada beeraha ah ay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka DFS ay shalay oo taariikhdu ahayd 5-ta bisha Janaayo 2025 ku sheegtay warqada sumadeedu tahay WBW/XW/150/2024, sida la yirina looguna tala galay beeraleyda Degmada Iskushuban
Hamalyo Meher: Asad Yoonis Aw Aadan iyo Yaasmiin Axmed Siciid. بَارَكَ اللهُ لَكُماَ وَبَارَكَ عَلَيْكُماَ وَجَمَعَ بَيْنَكُمَا فِي خَيْرٍ
Hambalyo Hambalyo , meher wacan Gacal iyo sokeeyaba guurkiina lagu farax
Jaaliyadda reer Maakhir ee magaalada Toronto ee dalka Canada , Waxay hambalyo meher u dirayaan Asad Yoonis Aw Adan iyo Yasmiin Axmed Siciid oo maalintii Sabtida ee bishu ahayd 4/1/2025 uu meherkoodu ka dhacay magaalada Toronto ee dalka Canada. Axmed Siciid Warsame oo ah Oday aad looga yaqaan magaalada Toronto, kana mid ahaa Sodonkii sano ee ugu danbaysay Odayaasha reer Maakhi ee Waqooyiga America ayaa dhalay Yaasmiin.
Hanbalyadan mid la mid aya waxa diraya Bahda ALLSANAAG
Waxaanu leenahay Wiil iyo Caano – Gabadh Iyo Caano Ku Wadda
Noolaada Nabad Ku waara idim Allah Barakooba,
Waxanaan ugu ducaynaynaa DUCADII Rasuulka (CSW): بَارَكَ اللهُ لَكُماَ وَبَارَكَ عَلَيْكُماَ وَجَمَعَ بَيْنَكُمَا فِي خَيْرٍ
و
“BAARAKA LAAHU LAKUM WA BAARAKA CALAYKUM WAJAMACA
BAYNAKUMA BILKHAYR”. AAMIIN…AAMIIN… AAMIIN.
Halkan hoose daawo ee Facebook
https://www.facebook.com/reel/1160163502205066