Deeq la gaarsiiyey Ciidanka

Wefti balaadhan uu hogaaminayo Xildhibaan Caaqil Mursal Maxamud Cabdi iyo Gudoomiyaha Degmada Buraan oo ay weheliyaan Golaha Degaanka Degmada BuraanXildhibaano kamida ayaa Maanta Guddiga Taakulaynta Ciidanka Difaaca Puntlnd ugu deeqay 100 Neef oo adhiya iyo sahay dheraada oo Ciidanka jiida loogu talagalay.

Turkey: 66 qof oo ku dhintay dab ka kacay hotel

Turkey: 66 qof oo ku dhintay dab ka kacay hotel

Dab ayaa qabsaday hotel ku yaalla goobta loo dalxiis tago ee Kartalkaya ee waqooyi-galbeed ee Turkiga subaxnimadii hore ee Talaadadan, waxaana ku dhintay 66 qof, 51 kalena waa ay ku dhaawacmeen, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha.

Dabka ka kacay hotelka Grand Kartal oo ka kooban 12 dabaq, kaas oo ka samaysan alwaax, ayaa bilowday 3:27 subaxnimo ee saacadda gudaha, ayuu Cali Yerlikaya ku yirri barta X.

Telefishinka gaarka loo leeyahay ee NTV ayaa sheegay in saddex qof ay dhinteen kadib markii ay ka boodeen daaqadaha hoteelka.

Goobtan dalxiiska ayaa ku taal meel sare oo buur ah oo qiyaastii 170 kilomitir (100 mayl) waqooyi-galbeed kaga beegan caasimadda Ankara.

Dabka oo la rumeysan yahay inuu ka kacay maqaayadda hoteelka saqdii dhexe ee xalay ayaa si degdeg ah u fiday. Ilaa hadda ma cadda waxa sababay.

Muuqaalo laga soo duubay oo uu baahiyay telefiishanka NTV ayaa muujinaya qiiq aad u badan oo cirka isku shareeray oo daboolay buur baraf oo hoteelka gadaashiisa ah.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in 237 qof ay ku sugnaayeen hoteelka.

Kuwa la daadgureeyay ayaa dib loo dajiyay hoteello u dhowaa.

Wasiirka cadaalada Yilmaz Tunc ayaa sheegay in lix xeer ilaaliye loo qoondeeyay inay baaraan dabka.

Gelinka dambe ee maanta ayaa la filayaa in ay halkaasi tagaan Wasiirrada Caafimaadka, Arrimaha Gudaha iyo Dhaqanka.

Bulshada Muslimiinta ah ee aan soomin salaadahana aan tukan

Bulshada Muslimiinta ah ee aan soomin salaadahana aan tukan

Markii uu gabbalku dumo Mbacke Kadior, oo ah tuulo ku taal bartamaha Senegal, ayaa waxa hawada buux dhaafiyo oo is qabsada digriga cibaadaystayaasha Muslimiinta ah ee ku labisan dharka ka samaysan midabbada kala duwan.

Iyaga oo isugu soo baxa meel ciriiri ah oo ka baxsan masaajidka, taageerayaasha madhabka Baye Fall ayaa lulaya oo cod dheer ku heesaya, codkooda ayaa kor u kacaya marna hoos u dhacaya. Ololka dab yar ayaa gadaal ka birqaya, halka uu socdo qoob ka ciyaar soo saaraya dharkooda midabbada badan.

Waxay ruxayaan timo raamo leh, wejiyadooduna dhidid iyo xamaasad ayaa ka soo dhalaalaysa inta lagu guda jiro cibaadadan muqadaska ah, ee loo yaqaan “saam fallaadh” – labadaba waa dabbaalddeg iyo ficilo ay cibaado ku dheehan tahay.

Ka qayb-galayaasha inta badan waxay u muuqdaan inay ku jiraan cibaado inta lagu guda jiro digrigan oo socon kara laba saacadood – waxaana la qabtaa laba jeer toddobaadkii.

Xayeysiin

Baye Fall, oo ah koox hoosaad ka mid ah qowmiyadda weyn ee Mouride ee Senegal, way ka duwan yihiin kooxaha kale ee Muslimiinta.

Waxay qayb yar ka yihiin17-ka milyan ee ku nool Senegal, oo ah waddan inta badan Muslim ah oo ku yaal Galbeedka Afrika.

Laakiin muuqaalkooda cajiibka ah ayaa ka dhigaya kuwa ka duwan, dhaqamadooda aan caadiga ahayn ayay dadka qaar aaminsan yihiin inay aad uga fog yihiin xeerarka iyo dhaqanka Islaamka.

Caqiiddada ay rumeysan yihiin qowmiyadda Baye Fall, ma aha iimaanka laguma muujiyo shanta salaadood ama soonka inta lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan, sida Muslimiinta badankooda, laakiin shaqo adag iyo adeeg bulsho ayay caqiiddadooda ku muujiyaan. Sida ay rumeysan yihiin Jannadu maaha meel loo socdo oo keliya ee waa abaalgudka kuwa dadaala.

Inta badan waxaa khalad u fahma Muslimiinta kale-sidoo kale waxaa jirta fikrad khaldan oo reer-galbeedka ay qabaan oo ah in qaarkood ay cabaan khamriga oo ay cabaan xashiishad, taas oo aan ka mid ahayn dhaqankooda.

“Falsafadda bulshada Bay Falladu waxay diiradda saartaa shaqada. Waa shaqo suufi ah, halkaasoo shaqadu lafteedu ay noqoto cibaadada Allaah,” Maam Samba, oo ah hoggaamiye qowmiyadda Baye Fall ah oo ku sugan Mbacke Kadior, ayaa sidaa u sheegay BBC.

Waxay dareemayaan hawl kasta – ha ahaato beero falidda, dhisidda dugsiyada, ama alaab-samaynta – inay ku jirto muhiimad ruuxi ah. Shaqadu maaha kaliya waajib; waa fal cibaado ah, oo ah nooc ka mid ah salaadda dhaqdhaqaaqa.

Waa halkan tuulada Mbacke Kadior oo ay bulshadu aaminsan tahay in asaasahooda, Ibrahima Fall, uu markii ugu horreysay kula kulmay Sheekh Ahmadou Bamba, oo qarnigii 19-aad aasaasay walaaltinimada Mouride, oo ah laan ka mid ah Suufiyada Islaamka, oo kaalin saameyn leh ku leh Senegal.

Ibrahima Fall ayaa la sheegay inuu naftiisa u huray gabi ahaanba u adeegida Bamba oo inta badan dayacay baahiyihiisa, oo ay ka mid yihiin cunista, soonka, tukashada iyo daryeelka naftiisa.

Taageerayaashiisa waxay ku sheekeeyaan in muddo ka dib dharkiisa uu noqday mid jeex-jeexan oo la tol-tolay, taasoo ka tarjumaysa daacadnimadiisa. Tani waa sida falsafada Baye Fall iyo dhaqanka dharka leh midabbada kala duwan ay ku timid.

Daacadnimada iyo caqiiddada noocan ah ee hoggaamiyaha diinta ayaa ah waxa ay xertiisa hadda ku dhaqmaan – fikradda loo yaqaan “ndiguel” – qaar badan oo mad-habta Baye Fall ah ayaa xitaa ereyga uu ku jiraa magacyada carruurtooda.

Hab-dhaqanka shaqada ku saleysan ee dadka Fall waxa kale oo ka muuqda wadnaha Mbacke Kadior ee aqoon-is-weydaarsiga halkaas oo iskaashiga iyo hal-abuurka ay ku kobcaan si ay u tolaan dhar leh midabbo kala duwan oo qurux badan.

Dumarku waxay ku shaqeeyaan feejignaan iyo degganaan, waxayna kaalin ku leeyihiin sameynt dharkan leh midabbada kala duwan.

Mbacke Kadior

Nimanku, si isku mid ah, aad u xeeldheer, waxay qaataan maryaha la midabbeeyey oo si xirfadaysan ay u tolaan maro la taaban karo oo muujinaysa aqoonsiga gaarka ah ee Bay Fall.

Hawada waxaa ka baxaya guux ujeeddo leh marka labbiska la hagaajiyo, waan howl isku dhafan farshaxan iyo shaqo taas oo ka tarjumaysa dadaalkooda. Qaybahan la dhammeeyey ee dharkan ayaa loo qaybiyey suuqyada Senegal oo dhan, halkaas oo ay ku noolaadaan maciishad ahaan ayna la wadaagaan falsafada bulshada meelaha fog joogta.

“Qaabka labiska mad-habta Baye Fall waa mid asal ah,” ayuu yiri Mr Samba, oo aabbihiis dhintay ahaa sheekh ay ixtiraamaan Baye Fall, ama marabout sida hoggaamiyeyaasha diinta looga yaqaan Senegal.

“Dharka leh midabbada kala duwan ayaa astaan ​​​​u ah caalimnimada – waxaad noqon kartaa Muslim oo aad weli ilaalin kartaa dhaqankaaga. Laakiin qof kastaa ma fahmi karo tan. Waxaan leennahay haddii aadan aqbalin dhaleeceynta, ma horumarin kartid.”

Iyadoo Muslimiinta kale ay sooman yihiin laga bilaabo qorrax soo baxa ilaa qorrax dhaca bisha Ramadaan, waxay dadka rumeysan madhabta Bay Fall naftooda u huraan inay u diyaariyaan cuntada afurka maqrib masaajidda lagu afuro.

Cibaadadooda kuma koobna oo kaliya hawlaha gacanta.

Baye Fall waxay aasaaseen iskaashatooyin, ganacsiyo bulsho, iyo ururo aan dowli ahayn oo loogu talagalay in lagu kobciyo horumar waara ay gaaran dadka ku nool miyiga Senegal. Iyaga, shaqadu maaha kaliya hab lagu badbaado ee waa muujin ruuxi ah ama mid diimeed.

“Waxaan leennahay iskuullo, xarumo caafimaad iyo ganacsiyo bulsho si aan shaqo u abuurno,” Mr Samba ayaa sidaa yiri. “Falsafaddayada nolosha, wax walba waa in lagu sameeyaa ixtiraam, jacayl, iyo dareenka dabeecadda. Xiriirka ka dhaxeeya noolaha iyo deegaanka waxay udub dhexaad u tahay qaabka horumarka waara.”

Baye Fall waxay ilaalisaa Masjidka Grande ee magaalada barakeysan ee Touba

Waxay dareemayaan hawl kasta – ha ahaato beero xaadhista qorraxda aan joogsiga lahayn, dhisidda dugsiyada, ama alaab-samaynta – inay ku jirto muhiimad ruuxi ah. Shaqadu maaha kaliya waajib; waa fal meditative ah, nooc ka mid ah salaadda dhaqdhaqaaqa.

Balse kooxda ayaa sidoo kale la kulmay dhaleeceyn ku saabsan sida ay uga dawarsan jireen waddooyinka.

In kasta oo lacag waydiisashadu aanay ka soo horjeedin nidaamka ay rumaysan yihiin Bay Fall, haddana waxa dhaqan ahaan loo sameeyaa iyada oo la doonayo in wax dib loogu celiyo hoggaamiyaha, kaas oo u qaybiya oo uga faa’ideeya bulshada.

“Waxaa jira Baye Fall oo dhab ah iyo waxa aan ugu yeerno ‘Baye Faux’- Baye Fall been-abuur ah,” Sheekh Senne, oo ah guddoomiye ku xigeenkii hore ee Jaamacadda Alioune Diop ee magaalada Bambey ahna khabiir ku takhasusay walaaltinimada Mouride, ayaa u sheegay BBC.

Xarumaha magaalooyinka sida caasimadda, Dakar, joogitaanka dadka loogu yeero “Baye Faux” ayaa noqday mid baahsan.

“Kuwani waa dad sidayada oo kale u labisan ​​oo jidadka ku tuugsada, laakiin aan waxba ku soo kordhinayn bulshada, waa arrin halis ah oo sumcaddeenna wax u dhimaysa,” ayuu yiri Mr Senne.

Baye Fall wuxuu xoogga saarayaa shaqada adag iyo bulshada waxaana jira meelo ka baxsan xuduudda Senegal.

Qiyaastii 700,000 oo qof ayaa ka tirsan dhaqdhaqaaqa Bayce Fall, kaas oo si isa soo taraya u soo jiidanaya xubnaha da'a yarta

Taageerayaashooda waxaa ka mid ah Keaton Sawyer Scanlon, oo Mareykan ah oo ku biirtay jaaliyad kadib booqasho ay ku tagtay 2019. Waxaa tan iyo markaas la siiyay magac Senegaliis ah waa Fatima Batouly Bah waxayna ku tilmaantay kulankeedii ugu horreeyay ee marabout inay tahay daqiiqad nolosha beddeshay.

“Waxay dareemaysay in jirkeedu iftiin ka baxayo,” waxay sidaasi u sheegtay BBC-da. “Qalbigaygu wuxuu aqoonsaday runta. Tani waxay ii ahayd baraarujin qoto dheer oo ruuxi ah.”

Madhabta Baye Fall waxay door muhiim ah ka ciyaartaa bulshada Senegal iyo ka-qaybgalkooda hawlo badan oo beeraha ah ayaa muhiim iyo laf-dhabar u ah dhaqaalaha.

Sanad walba waxay ku dhaartaan inay daacad u yihiin hogaamiyaha Mouride ee hadda loo yaqaan khaliifka ama marabootka weyn, iyagoo ku deeqaya lacag, lo’ iyo dalag si ay u muujiyaan daacadnimadooda.

Waxay sidoo kale gacan ka geystaan ​​dayactirka Masjidka Grande ee ku yaal magaalada barakeysan ee Touba ee Senegal, xuduna u ah Mouridism – waxayna mas’uul ka yihiin ilaalintiisa.

Touba waxay u adeegaan ilaalo aan rasmi ahayna u yihiin Masjidka Grande inta lagu jiro munaasabadaha waaweyn, sida kulan diimeedka sanadlaha ah marka boqolaal kun oo qof ay yimaadaan magaalada.

Tusaale ahaan, waxay hubiyaan in dadku ay si fiican u lebisan yihiin, in aan wax daroogo ah lagu iibin meesha iyo in aan khaliifka aan loo muujin xushmad-daro.

“Baye Fall waxay had iyo jeer dammaanad qaadaysay ammaanka khaliifka iyo magaalada,” ayuu yiri Mr Senne. “Qofna kuma dhiirado inuu si aan sax ahayn u dhaqmo marka uu Bay Fall yahay.”

In kasta oo ay diidmo ka kulmaan qaar ka mid ah bulshada, Baye Fall saamaynta ay ku leedahay muuqaalka dhaqanka iyo diinta ee Senegal ayaa sii kordheysa – in kasta oo ay la kulmaan caqabado ku saabsan isu dheellitirka dhaqanka iyo casriga.

Ilaha dhaqaale ee xaddidan ayaa caqabad ku ah qorshayaashooda iyo hamigooda dhanka hormarka.

Hase yeeshe aragtidooda ayaa weli ah mid cad: horumar waara, oo ku salaysan iimaanka iyo adeegga, taas oo sidoo kale caawin karta qaar ka mid ah tirada badan ee dhalinyarada shaqo la’aanta ah ee Senegal kuwaas oo ka quustay inay helaan nolol.

Qaar badan oo ka mid ah kumannaanka muhaajiriinta ah ee ka gudbaya baddaha halista ah ee Yurub ayay ka yihiin reer Senegal.

“Waxaan dooneynaa inaan wax badan sameyno,” ayuu yiri Mr Samba. “Waxaan dooneynaa inaan abuurno shaqo badan – sababtoo ah dhallinyaradu waxay u baahan yihiin halkan Senegal.

“Waxaan u baahannahay iskaashi dowlado iyo hay’ado caalami ah, tani waa rajadayada mustaqbalka.”

Iyaga sida ay aaminsan yihiin, tacab badan ayaa u ah jawaabaha baahida dhaqaale iyo tan ruuxiga ah ee dalka.

DOORASHADA KOOXDA HAG doonayaan

Gabadha madaxweynaha oo madaxweynha saaxiibkiis wiilkiisa Xil weyn u magcawsay

Cabdiraxmaan Abshir Bukhaari,oo ah 22 jir , oo aan lahayn aqoon waxbarasho ama khibrad aqoon cilmiyeed ee sharciyadda arimaha dibadda ayaa Jihaan Culusoow uu uu madaxweynuhu dhalay, si dadbana wasaaradda arimaha dibadda madax uga ah waxay u magcawday agaasimaha guud ee waaxda sharciyada iyo heshiisyada caalamiga ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya

Wiilkan ayaa waxa dhalay wasiiru-dowlaha madaxtooyada Soomaaliya Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) oo ka mid ah Homaaiyaasha ururka Hawiye Action Group oo uu madaxweyne Culusoow madaxda ka ayahay

CULUSOOW OO CABASHO U DIRAY KENYA

Dowladda Soomaaliya ayaa Danjiraha dalka Kenya ee Muqdisho u gudbisay warqad cabasho ah oo ku saabsan safarkii maanta uu Nairobi ku tagay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe, kaddib markii diyaarad gaar ah ka qaaday Kismaayo.

Wasaaradda Arrimaha-dibadda ayaa warqadda loo gudbiyay Safiirka looga dalbaday in uu muddo kooban jawaab ku soo bandhigo; “Tallaabadii sharci darada aheyd ee diyaarad laga leeyahay Kenya ay ugu soo xadgudubtay hawada Soomaaliya, iyadoo dansatay raadaarka oo ay ku qaaday shaqsi eedeysane ah oo Maxkamad ay dacwad ku soo oogtay” Sida lagu yidhi warqada cabashad ah.

Gobolka ugu horeeya ee laga bilaabi doonaa musaafurinta soo-galootiga marka uu Isniinta xilka la wareego Trump

Gobolka ugu horeeya ee laga bilaabi doonaa musaafurinta soo-galootiga marka uu Isniinta xilka la wareego Trump

Howlgalada lagu soo qabqabanayo iyo masaafurinta muhaajiriinta ugu nool Mareykanka sida sharci -darada ah ayaa lagu wadaa inay bilaabato maalinta ugu horeysa ee uu si buuxda xukunka ula wareego madaxwaynaha cusub Donold Trump, sida ay ku warantay warbaahinta Mareykanka.

Hawlgalada – uu ku hanjabay Donald Trump oo loogu magacaabo “tsarka ” Tom Homan – ayaa laga yaabaa inay ka bilaabmaan galinka hore ee Talaadada magaalada Chicago, oo ah magaalo ay ku nool yihiin muhaajiriin badan, , waxaa sidaas qoray wargeysyada New York Times iyo Wall Street Journal.

Trump ayaa sheegay in uu dusha kala socon doono barnaamijka masaafurintii ugu weynayd taariikhda Mareykanka.

Wareysi uu siiyay Fox News toddobaadkan, Homan wuxuu ballan qaaday “howlgal weyn”oo laga fulin doono dalka oo dhan. Waxa uu hore u sheegay in Chicago ay noqon doonto meesha ay ka dhici doonto xuddunta musaafurinta ugu badan.

Hay’adda Socdaalka iyo Kastamku (ICE) waxay tarxiishaa soogalootiga sharci-darrada ee Mareykanka ku sugan. Si kastaba ha ahaatee, howlgalka la filayo in uu bilaabmo ka dib caleema-saarka Trump ee isniinta ayaa la filayaa in lagu bartilmaameedsado waxa loogu yeero “magaalooyinka ” aan la yeelan wada-shaqeynta saraakiisha socdaalka ee federaalka.

Magaalooyiinka Chicago, New York City iyo Los Angeles waxay ka mid yihiin goobaha magaalooyinka Mareykanka ee qaatay siyaasadaha “inay ka hor yimaadaan go’aanka federaalka”.

“Janaayo 21-keeda, waxaad magaaladaada ku arki doontaa wakiillo badan oo ka socda laanta socdaalka ee ICE oo ku raad-jooga dambiilayaal iyo xubno burcad ah, . “Ku xisaabtan tani way dhici doontaa,” Homan ayaa sidaa ku sheegay shir Jamhuuriga ay yeesheen oo ka dhacay Chicago bishii hore.

New York, Los Angeles, Denver iyo Miami ayaa sidoo kale lagu wadaa in lala beegsado howlgaladan, sida uu baahiyay wargayska Wall Street Journal , isagoo xiganaya ilo aan la magacaabin oo aqoon u leh qorshahani.

Intii uu xilka hayay Madaxweynaha Dimuqraadiga ah Joe Biden, waaxda socdaalka guud ahaan waxay mudnaan siisay qabashada soogalootiga sharci darrada ah kuwaas oo ahaa dambiilayaal halis ah, kana soo gudbay xadka dhawaan ama khatar ku ahaa amniga qaranka.

Halka kooxda Trump ay ka dhawaajisay in ay ka bilaaban doonto muhaajiriinta dambiyada galay, dhammaan muhaajiriinta sharci darrada ah – oo ay ku jiraan kuwa ku noolaa oo ka shaqeynayay Mareykanka sannado badan oo aan lahayn taariikh dembi – waxay u badan tahay in la xiro oo la tarxiilo.

Howlgalka ay fulinayaan saraakiisha socdaalka ee goobaha dhismayaasha ee inta badan ay ka shaqeeyaan muhaajiriinta aan sharciga lahayn ayaa sidoo kale la filayaa inay dib u bilaabmaan, ka dib markii uu joojiyay maamulka Biden, sida uu sheegay CBS News, oo ay bah-wadaag yihiin BBC.

Kahor adkeynta la filayo ee siyaasadda Mareykanka, shaqaale badan oo ka shaqeeya beeraha ayaa raadinaya talo ku saabsan la macaamilka saraakiisha socdaalka iyo u xilsaaridda cid u daryeesha caruurtooda si kumeel-gaar ah.

“Maamulka weli lama dhaarin, laakiin dadku mar hore ayay baqeen,” waxaa sidaasi u sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters Sarait Martinez, oo ah agaasimaha fulinta ee Centro Binacional para el Desarrollo Indígena Oaxaqueño, oo taageerta shaqaalaha beeraha Mexico ee California.

Sidoo kale ballan qaadka ah in la tarxiilo malaayiin muhaajiriin sharci darro ah iyo hanjabaad howlgalada goobaha shaqada, ayaa hadana dhanka kale warbixinnada qaar ay soo jeedinaya in Trump uu sidoo kale meesha ka saari karo siyaasadda soo jireenka ah ee ku saabsan in saraakiisha socdaalka aysan gali karin kaniisadaha.

Si kastaba ha ahaatee, howlgalada soo socdaa waxay u badan tahay inay dhibaato weyn ku keeni karaan saraakiisha – iyadoo ay xaddidan tahay meel lagu hayn karo dadka la soo qabto.

Isla mar ahaantaana, sharciga Laken Riley – oo loogu magac daray arday jaamacadeed oo sannadkii hore lagu dilay Georgia dilkaasina uu geystay nin u dhashay Venezuela – ayaa la filayaa inay ansixiyaan sharci-dajiyayaasha Mareykanka toddobaadka soo socda.

Sharciga la soo jeediyay ayaa ku waajibin doona dowladda federaalka in ay xirto muhaajiriinta ugu nool Mareykanka si sharci darro ah islamarkana looga shakiyo fal-dembiyeed – xitaa haddii aan lagu soo oogin wax dambi ah.