Qof is qaxin lahaa oo dhintay

Shacabka Boosaaso ayuu Miino u aasi lahaa isagii ayaa ku geeriyooday

Qof Ajnabi ah, oo ka mid ah argagixisada ka soo degaysa garoonka Hargaysa ayaa isaga oo Miino ku aasaya mid ka mid ah wadooyinka Boosaaso, ay isagii ku qaraxday ka dib markii ay ciidanku ka war heleen.

Ninkan Ajnabiga ah oo Miino ku aasayay Wadada weyn ee aaga Hotel Nakhiil, ayaa miinadii qarixiyey markii Ciidanka amnigu soo aadeen.

Shacabka reer Puntland ee xaafadda deganaa ayaa war geliyey laamaha amaanka.

Xilliga uu habeenimo ahayd ilaa hadda wax faah faahin ah kama ayna bixin laamaha dawladda oo ku saabsan ninkan asalkiisa iyo xilligii uu Hargaysa ka soo degay, sida lagu helay xogihii hore inay halkaa ka soo degeen kuwii is qarxiyey

ALLSANAAG.COM

Waxa ka ogoow qodobada ay ku heshiiyeen Soomaaliya iyo Masar kadib kulankii Qaahira

Waxa ka ogoow qodobada ay ku heshiiyeen Soomaaliya iyo Masar kadib kulankii Qaahira

Masar iyo Soomaaliya ayaa khamiistii si rasmi ah kor ugu qaaday xiriirkooda iskaashi istiraatijiyadeed, sida ay shaaciyeen.

Madaxweynaha Masar, C/fataax Al-Sisi iyo Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si wadajir ah ugu kala saxiixday Qasriga Al-Itixaadiya ee magaalada Qaahira, heshiis dhigayay xoojinta iskaashiga dhinacyada siyaasadda, militariga, dhaqaalaha, dhaqanka iyo waxbarshada.

Shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen ayuu madaxwaynaha Masar waxaa uu bogaadiyay xirirka sii xoogeysanaya ee labada dal.

“Booqashadaada, Mudane Madaxweyne, waxa ay ku soo beegantay xilli horumar la taaban karo uu ka samaynayo xiriirka Masar iyo Soomaaliya,” ayuu yiri Al-Sisi.

Waxyaabaha ay labada dhinac isla soo qaadeen waxaa ka mid ahaa welwelka amniga gobolka, oo ay ku jiraan xaaladaha Geeska Afrika iyo Badda Cas. Labada mas’uul ayaa isla gartay baahida loo qabo in la xoojiyo dadaallada nabadda iyo amniga gobolka.

“Waxaan ku heshiinnay baahida loo qabo in la xoojiyo dadaallada lagu sugayo nabadda iyo ammaanka gobolkan muhiimka ah, kaasoo saameeya ammaanka caalamka,” ayuu yiri Al-Sisi.

Sida laga soo xigtay Madaxweyne El-Sisi, Masar iyo Soomaaliya waxay ku heshiiyeen inay sii wadaan dhaqan gelinta hab-maamuuska iskaashiga militariga ee lagu saxiixay Qaahira Agoosto 2024.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee soomaaliya ayaa dhankeeda sheegtay in la isku raacay in la xoojiyo xiriirka iyada oo loo marayo Guddiga Wadajirka ah ee Wasiirada iyo in la dhaqan geliyo qodobbadii ka soo baxay shirkii Masar, Soomaaliya iyo Ereteriya ee 2024, ee kor u qaadista amniga Geeska Afrika iyo gobolka Badda Cas.

Dhanka waxbarashada, ayaa sida ay dowladda Soomaaliya sheegtay waxay Masar kordhin doontaa deeqaha dhanka waxbarshada.

Muxuu muhiim u yahay xiligan xiriirka Soomaaliya iyo Masar?

Madaxwayne Xasan Sh Maxamuud iyo madaxwaynaha Masar Al-sisi

Kulanka ka dhacay magaalada Qaahira ayaa noqonaya kii afaraad oo muddo sanad gudaheed ah dhexmara El-Sisi iyo Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo dhawaanahan uu sii xoogeysanayay xiriirka Masar iyo Soomaaliya.

Prof Maxamed Cumar Dalxa oo horey uga tirsana baarlamaanka carabta xilal kala duwana ka soo qabtay Soomaaliya ayaa rumeysan in xiriirka Masar u xilligan yahay mid muhiim ah maadaama labada dal ay waligood horay u lahaayeen taariikho facwayn.

Balse dowladda Itoobiya ayaa marar badan walaac ka muujisay xirrrka sii xoogeysanaya ee Masar iyo Soomaaliya gaar ahaan dhanka amniga.

Dalxa ayaa qaba in Soomalaiya ay Masar iyo Itoobiya labadaba la yeelan karto xiriir wanaagsan oo ku saleysan danaheeda.

“Soomaaliya iyo Itoobiya xiriirkooda waa mid ku saleysan dhul oo Itoobiya waliba ay tahay dalka ugu dheer ee xuduudda Soomaaliya oo xiriir darisnnimo amni ahaan iyo siyaasadda dhaqan dhaqaale, haddii xiriirkaasi la wanaajiyo oo dan ugu jirto labada dal ay soomaaliya ay qeyb ak tahay,” ayuu yiri Prof Dalxa.

Masar iyo Itoobiya ayaa muddo dheer isku hayay biyaha wabiga Nile halkaasi oo ay Itoobiya ka hirgalisay biyo xireen wayn oo koronto xooggan soo saari doona.

Xiriirka u dhaxeeya Masar iyo Soomaaliya ayaa ah mid muddo dheer soo taxnaa.

“Soomaaliya iyo Masar xiriirkooda mid ugub ah ma aha xiriir soo jireen ah ilaa iyo xilliyadii la oran jiray bilaado Bont Soomaliya oo magacaaasi iyadu ay lahayd oo Masar xilligaas ay faraacinada ka talin jireen” ayuu yiro Pro Dalxa.

Khubarrada arrimahan darsa ayaa sheegaya in xiriirka labada dal uu soo bilaabmay qarniyo ka hor kaasi oo inta badan ku dhisnaa ganacsiga iyo tacliinta.

Taariikhda xusidda mudan ayaa ah in Masar ay kamid ahayd saddex dal oo Qaramada Midoobay ay u xilsaaratay in ay kor joogteeyaan madaxbannaanida Soomaaliya sanadkii 1954-tii.

Prof Maxamed Cumar Dalxa ayaa farta ku fiiqay in Masar xitaa ay door ku lahayd gobonimadii Soomaaliya.

“Markii gobonimadii aan qaadanay ee halgalka lagu jiray waan garan karnaa doorkii ay ku lahayd oo Kamaalu-diin Saalax ayaa ahaa ninkii ku geerriyooday oo gacan wayn ka geysanayay soomaaliya sidii ay u gaari lahayd gobonnimo” ayuu intaa ku daray.

Burkina fasu ku dayo Afrikay

Labo sano oo uu xilka hayey Madaxweyne Ibrahim Traoré , ayaa Burkina Faso ku tallaabsatay horumarro waaweyn oo ay ka mid yihiin:

Labo sano oo uu xilka hayey Madaxweyne Ibrahim Traoré , ayaa Burkina Faso ku tallaabsatay horumarro waaweyn oo ay ka mid yihiin:

1.Wax-soo-saarka gudaha (GDP) ee Burkina Faso wuxuu kordhay $18.8 bilyan ilaa $22.1 bilyan.

2.Wuxuu diiday amaahaha Bangiga Adduunka (IMF) iyo Sanduuqa Lacagta Adduunka (World Bank), isagoo yiri, “Afrika uma baahna Bangiga Adduunka, IMF, Yurub, ama Ameerika.”

3.Wυχυυ 30% dhimay mushaharka wasiirrada iyo xildhibaannada, halka uบ 50% kordhiyey mushaharka shaqaalaha rayidka ah.

4.Wuxuu bixiyey dhammaan deymaha gudaha ee Burkina Faso.

5.Wuxuu dhisay laba warshad oo casri ah oo lagu farsameeyo yaanyada, kuwaas oo ah kuwii ugu horreeyey ee dalka laga hirgaliyo.

6.Sanadkii 2023, wuxuu furay macdantii ugu horreysay ee dahab ah oo lagu farsameeyo gudaha dalka.

7.Wuxuu joojiyey dhoofinta dahabka aan la sifayn ee loo iibgeeyo Yurub.

8.Wuxuu dhisay warshaddii labaad ee farsamaynta suufka, maadaama dalka horey u lahaa hal warshad oo keliya.

9.Wuxuu furay Xarunta Qaranka ee Taageeridda

Farsamaynta Suufka si uu u caawiyo beeraleyda suufka ee gudaha.

10.Wuxuu mamnuucay xirashada koofiyadaha iyo dharka maxkamadaha ee Ingiriisiga, isagoo beddelay kuwooda dhaqanka Burkina Faso.

11.Wuxuu mudnaanta siiyey beeraha, isagoo qaybiyey in ka badan 400 traktor, 239 qalabka wax beera, 710 matooro biyo dhaamiya, iyo 714 mootooyin ah si loo kordhiyo wax soo saarka beeraha.

12.Wuxuu bixiyey abuur tayo leh iyo qalab kale oo beeraha lagu hormariyo.

13.Wax-soo-saarka yaanyada ayaa kordhay 315,000 tan sanadkii 2022 ilaa 360,000 tan sanadkii 2024.

14.Wax-soo-saarka milixda (millet) ayaa ka kordhay 907,000 tan sanadkii 2022 ilaa 1.1 milyan tan sanadkii 2024.

15.Wax-soo-saarka bariiska ayaa kordhay 280,000 tan sanadkii 2022 ilaa 326,000 tan sanadkii 2024.

16.Wuxuu mamnuucay hawlgallada milatariga Faransiiska ee Burkina Faso.

17.Wuxuu mamnuucay warbaahinta Faransiiska ee dalka.

18.Wuxuu dalkiisa ka eryey ciidamada Faransiiska.

19. Xukuumaddiisa waxay waddooyin cusub dhiseysaa, kuwii hore ballaarineysaa, sidoo kale waddooyinka cariishka ku beddeleysaa kuwo laami ah.

20. Wuxuu dhisayaa garoon diyaaradeed cusub oo la yiraahdo Garoonka Ouagadougou-Donsin, kaasoo la filayo in la dhameystiro sanadkan an ku jirno 2025

X/Q:- Saciid fahmaye

( Soomaaliyoow hadaad diin diideen oo maxkamadihii 2006 kii ku jebiseen itoobiyaan iyo mareekan, maxaa haddii qaadateen dimuqraadi iyo cadeen jaceyl noqoteen ku fashilanteen madaxdnimadii )

(Soomaali ummad KALA MAQAN WADA MAQAN LAGU MAQANYAHAY YAA U MAQAN????????

Ma fiicno oo Waa inaan joojinaa arimaha hoose

1=waxan jecelnahay oon hormarinaa danaha gaar

2=danta reeraha nin jecleesiga

3=waxaan boobnaa hantida iyo dhaxalki dawladda

4=waxan wax ka sugnaa shisheeye

5=dad weynaha hoos uma eegno iyo baahidooda

6=waxaan badinaa socdaal dibadda iyo kulamo qaarkood nagaga yimaado bahdil

7=shisheeyahan u kala dhuumanaa

8=dalka waxa dhibayo iyo daroogada kama diirno sida qaadka iwm

9=khayraadka kama faa’iideysano wax walbana waan soo dhoofsanaa

10=qabki soomaalinimo dhimay

(UMAD KALA MAQAN WADA MAQAN LAGU MAQANYAHAY YAA U MAQAN????????

Taliye Xanaano oo dhaawacmay

Sareeye Guuto Fuaad Warsame Seed ayaa ku dhaawacmay fariisinkii ugu muhiimsanaa ee ay argagaxisadu kaga sugnaayeen Calmiskaad.

Taliyaha Guutada Gaarhaye ee Ciidanka Daraawiishta Puntland dhaawaciisu ma xuma , Qarax Miino Jalfis ah oo ay Cadowgu u dhigeen ayuu ka badbaadey, Dhowr meel ayuu ka jabaty firina waa ku jiraa

100 Homboboro (dolphin) ayaa ka soo caaryay gobolka Bari

Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland oo ka hadashay Homboborada kusoo caariday xeebta magaalada Boosaaso.

Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland waxay hawlgalisay khuburada culuumta iyo noolaha badda oo ay kamid yihiin saynisyahanadda Jaamacadda Bariga Afrika iyo Jaamacadda Citycote ee Boosaaso.

Sidoo kale, waxaa hawshaan ka qayb qaadan doona Wasaaradda Deegaanka iyo Isebedelka Cimilada Dowladda Puntland.

DIGNIIN: Fadlan yaan la cunin kalluunkan maadaama ay ku badan yihiin maadooyinka: Mercury iyo PCBs (Polychlorinated Biphenyls)

Puntland oo heshay diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah.

oosaaso: 22 January 2025: Guddiga taakuleynta iyo daryeelka dhaawacyada Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland, ayaa galabta soo dhoweeyay oo la wareegay Diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah (Helicopter)oo kusoo biirtay hawlgalada, taasi oo ay Dowladdu ugu talagashay in ay la shaqeyso ciidamada .

Guddiga taakuleynta Ciidanka ayaa sheegay in ay Diyaaradan fududeynayso wax walbo, oo ay u baahdaan Ciidamadeenna geesiyaasha ah ee hawlgalada ku jira .

Xuutiyiinta oo hakinaya weerarada maraakiibta Badda Cas

Xuutiyiinta oo hakinaya weerarada maraakiibta Badda Cas

Fallaagada Xuutiyiinta ee ay Iiraan taageerto ee Yemen ayaa Talaadadii sheegay in ay xadidayaan weerarrada ay ku qaadaan maraakiibta xiriirka la leh Israa’iil ee mara Badda Cas, inta lagu guda jiro xabbad joojinta dagaalka Gaza.

Sarkaal ka tirsan Xuutiyiinta ayaa sidoo kale sheegay in dhaqdhaqaaqiisa uu joojin doono weerarada ka dhanka ah maraakiibta xiriirka la leh Israel marka la dhaqangeliyo waji kasta oo ka mid ah heshiiska xabad joojinta ee u dhaxeeya Israel iyo Xamaas.

Xuutiyiinta ayaa weeraro ku qaadayay maraakiibta mara marin biyoodka muhiimka ee Baabal Mandab, iyaga oo sheegay weeraradaasi ay midnimo ugu muujinayaan falastiiniyiinta.

Xuutiyiinta ayaa sidoo kale marar badan weeraro gantaalo ah iyo kuwa diyaradaha aan duuliyaha lahayn ku qaaday Israa’iil tan iyo markii dagaalka Gaza uu ka billowday weerarkii Xamaas ee 7-dii October.

Maraakiibta xuutiyiinta ku beegsadeen Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ayaa waxaa ku jiray kuwo laga lahaa dalalka Mareykanka iyo Ingiriiska.

Ololaha Xuutiyiinta ayaa si weyn u hakiyay wadooyinkii ganacsiga taasoo keentay in Mareykanka iyo xulafadiisa ay qaadaan weeraro ay ku bartilmamedsanayan Xuutiyiinta Yemen.

Muxuu ka yiri Elon Musk ‘salaantii Hitler’ ee uu adeegsaday caleemo saarkii Trump

Muxuu ka yiri Elon Musk ‘salaantii Hitler’ ee uu adeegsaday caleemo saarkii Trump

Bilyaneerka Mareykanka ee Elon Musk ayaa cambaareeyay cabashadii ka timid salaantii halka gacan ee uu adeegsaday intii uu khudbadda ka jeedinaayay dabbaal-daggii caleema saarka madaxweynaha Mareykanka ee Donald Trump.

Intii lagu jiray xaflada ayaa Isniintii wuxuu u mahad naqay dadkii halkaasi isugu yimid asagoo uga mahadcelinaayay “guusha doorashada laga gaaray”, kahor intii uusan gacantiisa midig saarin halka wadnahiisu ku aaddan yahay asagoo sidaa hawada ugu taagay gacanta hortiisa – meel asaga toos ugu aaddan, intaasi kadibna sare ayuu u kacay, wuxuuna uguna celiyay falkaasi uu sameeyay dadka gadaashiisa fadhiyay iyana.

Dadka qaarkii ayaa ka shakiyay in barta X, oo uu isagu leeyahay ay tixraac u tahay salaantaasi Nazi-ga, laakiin maamulka X ma uusan ansixinin.

“Qalbigeyga ayaa adinka idinla jira. Waad mahadsan tihiin, mustaqbalka ilbaxnimada waa la dammaanad qaaday ” 53 sano jirka ayaa sidaasi sheegay kadib markii uu ku ishaaray salaanta labaad hal gaca

Musk

Waxaa jirtay falcelin degdeg ah oo carqalad leh oo lagu soo gudbiyay baraha bulshada, ayadoo uu la jiray khilaaf ku saabsan ujeedooyinka Musk uu arrinkaasi ka lahaa.

“Taariikhyahanka faashiistaha ayaa halkan jooga,” sidaasi waxaa tiri Ruth Ben-Ghiat, oo ah barafasoor dhanka taariikhda qaabilsan oo ka tirsan jaamacada New York University. “Waxay ahayd salaan Nazi iyo salaan gardarro miiran ah.”

Laakiin dhaqdhaqaaqa Liddiga ku ah Sumcad Dilista, kaasi oo ah urur loo aasaasay inuu la dagaallamo Yuhuud Nacaybka, asagu waa ku khilaafay.

“Waxay u muuqataa in Elon Musk uu sameeyay ishaaro yaab leh waqti farxadeed, ee maahan salaam Nazi,” wuxuu uruku sidaasi ku qoray X.

Warbaahinta Talyaaniga ayaa tebisay in Andrea Stroppa, oo Musk u ah taageere ahna xiriiriye ay leedahay Raisul Wasaaraha Talyaaniga ee garabka midigta fog ee Giorgia Meloni, uu soo dhigay muuqaal fiidiyoow ah oo ku saabsan Musk uuna soo qoray: “Waxaa soo laabatay Boqortooyadii Roman-ka, ayadoo ku bilaabanaysa salaanta Roman-ka”.

Salaanta Roman-ka waxaa aad ugu dhex isticmaalay Talyaaniga xisbigii faashiistaha ee Benito Mussolini ka hor intii uusan u qaadanin Adolf Hitler gudaha Jarmalka.

Musk

Warbaahinta Talyaaniga ayaa tebisay in Stroppa uu mar dambe tiray qoraalkiisii. Wuxuu mar dambe soo dhajiyay “ishaarada, taasi oo dadka qaarkii ay ku khaldeen salaan Nazi, balse un ah Elon, oo qaba cudurka asaasaqa ee autism, asagoo dareenkiisa cabbirayay oo lahaa: Waxaan rabaa inaan ku siiyo qalbigeyga.”

“Taasi sida saxda ah waa waxa uu sheegay, maadaama Elon uu neceb yahay xagjiriinta!”

Ishaarada ayaa timid ayadoo jiheynta siyaasadeed ee Musk ay si isa sii tareysa ugu guurtay dhanka midig. Wuxuu dhawaan soo saaray bayaanno uu ku taageerayo xisbiga garabka midigta fog ee Jarmalka iyo Xisbiga Isbaddal-doonka ee ka dhanka ah hijrada ama socdaalka ee dalkaasi Ingiriiska.

Mar uu ka soo muuqday shirka sannadlaha ah ee madasha dhaqaalaha dunida ee Davos, Hoggaamiyaha Jarmalka ee Chancellor Olaf Scholz ayaa waxaa la weydiiyay wax ku saabsan ishaarada Musk ee salaanta Nazi-ga ee laga mamnuucay Jarmalka.

“Waxaanu leenahay xorriyatul qowl gudaha Yurub iyo gudaha Jarmalkaba,” Scholz ayaa sidaasi sheegay.

“Waxa aanaan anagu aqbalin in tani tahay taageero loo muujinayo meeqaamyada midigta fog. Waxaan doonayaa inaan arrinkaa ku soo celiyo mar kale.”

Musk wuxuu noqday mid ka mid ah dadka xulufada la ah ee ay isku dhow yihiin Trump, waxaana loo isticmaalay inuu wax ka hoggaamiyo waxa madaxweynuhu ugu yeeray “Waaxda Waxtarka Dawladda.

Puntland oo ka hadashay guulo ay ka gaareen dagaalkii shalay iyo khasaaraha dhankooda soo gaaray

Puntland oo ka hadashay guulo ay ka gaareen dagaalkii shalay iyo khasaaraha dhankooda soo gaaray

Iyadoo buuraha Cal-miskaas ee ee gobolka Bari ee Puntland uu ka socdo dagaal u dhaxeeya ciidamada maamulka Puntland iyo kooxda Daacish ayaa saraakiisha maamulku waxay sheegeen inay guulo ka gaareen dagaalada isla markaana dhul ballaaran ay ka qabsadeen kooxdaasi.

Deegaan lagu magacaabo Tasjiic oo ku yaalla buuraha Cal-miskaad ayuu shalay ka dhacay dagaal u dhaxeeya ciidamada iyo dagaalamayaal ka tirsan kooxda Daacish.

Sida uu BBC-da u sheegay Maxamuud Maxamed Axmed oo loo yaqaan Faadhigo, afhayeenka ciidamka howlgalka ka wada buuraha, ayaa sheegay in ciidamadu weerareen fariisimo ay Daacish lahaayeen.

“Annaga muhiimadeenu waxa weeye maxaa dhul laga qabsaday, maxaase khasaare la gaarsiiyey, annaga lix nin ayaa miino la kacday intaas ayaa khasaare naga soo gaartay laakiin iyaga dhowr iyo tobban qof meeshii ayaa lagaga dilay, halkii ay fadhiyeenna ciidanka ayaa ka qabsaday”.

Xayeysiin

Wuxuu sheegay in kooxdaasi ay miino adeegsanayaan ayna hadda inta ugu badan ay miinooyinkaas adeegsadaan.

Faadhigo, wuxu xusay in dagaalkii shalay ay kooxda Daacish ka qabsadeen fariisin ay ku lahayeen deegaanka Xaglay oo ku yaalla buuraha dagaaladu ka socdaan.

“Marka laga bilaabo Il iyo Camayra ilaa 250km ayaa laga qabtay, saldhigyo ilaa afartan ah ayaa laga qabtay, marka dagaalku waa socda, aaga shalay dagaalku ka dhacay waa aag uu hadda ka bilowday laakiin aagagii hore guulo badan ayaa laga gaaray khasaare badana waa la gaarsiiyey” ayuu BBC-da u sheegay Jeneraal Faadhigo.

Afhayeenka howlgalka la dagaalanka Daacish ee ciidamada Puntland Jeneral Maxamuud Maxamed Axmed ayaa sheegay in kooxda Daacish ay la dagaalamayaan ay u badan ajaaniib.

“Cadow caama oo caalamiya ayaa nagu soo duulay, kuwaasoo adduunka oo dhan dhibatooyin badan ka gaystay, ujeedadayaduna waa inaan dalka ka xorayno” ayuu intaa ku daray Jeneraalka.

Buuraha Calmiskaad
Qoraalka sawirka,Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdilaahi Deni oo garoonka magaalada Boosaaso ka sagootiyey ciidamo dhaawac dibada loo qaaday

Sida lagu baahiyey barta Faceboog ee madaxtooyada Puntland, Madaxweyne Deni ayaa garoonka Boosaaso ka sagootiyey dhaawacyada ciidamo ku soo dhaawacmay dagaalka Buuraha Cal-miskaad ka socda.

“Madaxweynaha ayaa garab istaag u muujiyay Ciidanka Dowladda Puntland ee ku jira difaaca iyo Hawlgalada Argagixisada looga sifeynayo Puntland, isaga oo ka tacsiyeeyay intii ku shahiiday hawlgalada socda, inta dhaawacantayna Allaah uga baryay in uu u boogga dhayo,” ayaa lagu yiri qoraalka Madaxtooyada ka soo baxay.

Puntland ayaa sameysay Guddiga taakuleynta iyo daryeelka dhaawacyada hawlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland, kuwaasi oo Madaxwehnuhu dhowaan magacaabay si ay uga jawaabaan baahiyaha caafimaad iyo wixi kale ee taakulo ah ee ay u baahdaan Ciidankeenna geesiyaasha ah sida lagu yiri isla qoraalkaas.

Nooca dhulka dagaaladu ka socdaan

buuraha Calmiskaad

Puntland ayaa dhowr toddobaad ka hor ku dhawaaqday dagaal ay ku qaaday Buuraha Calmis-kaad ee gobolka Bari halkaas oo ay fariisimo ku leeyihiin kooxda Daacish.

Sida saraakiisha Puntland sheegeen, dagaalka ayey ciidamadu ka gaareen guulo iyagoo soo bandhigay godad iyo saldhigyo ay ka qabsadeen kooxda Daacish.

Dhulka dagaaladu ka socdaan, waa dhul Juquraafi ahaan buuraley ah oo qarfe ah kuna teedsan dhowr degmo oo ka tirsan gobolka Bari ee Puntland

Sida uu BBC-da u sheegay taliyihii hore ee Sirdoonka Puntland sidoo kalena soo noqday taliyaha ciidanka Booliska Puntland Jeneraaal Cabdi Xasan Xuseen Cabdi yare dhulku waa dhul buuraley ah oo ku adag dagaalka.

“Juquraafi ahaan dhulka lagu dagaalamayo waa dhul buuraley ah, aad u khatar badan gaadiidku ay yar tahay intuu ka gali karo, iyaguna muddo ayey ku sugnaayeen wadooyin banaysteen miino tiro barina galiyeen” ayuu yiri Jeneraal Cabdi Yare.

“Buurta Cal-miskaad ama Cal Bari waxay ka bilaabataa buuraha dhanka Boosaaso kaga beeran koonfur bari, buurahaasi waxay ku dhammaadaan degmooyinka Caluula, Baargaal iyo Xaabo dhanka badda waxaa ka saaran degmada Qandala, dherer ahaan waa dhul ku dhow dhow 300km, waa dhul qarar, togag, jeexdimo iyo boholo tiro badan leh, buurtaasi Bosaasaa dugsata degmada Qandala Balidhidin baa ku taalla waa dhul intaas ku yaallaan” auu BBC-da u sheegay Jeneraal Cabdi Yare.

Gobolka Bari waxaa haatan si xowli ah uga socda ‘howlgalka Hilaac’ ee Puntland ay kula dagaallamayso kooxda Daacish oo ku dhuumalaysata buuraleyda fog ee Calmiskaad.