Ciidamada geesiyaasha ah ee Dowladda Puntland ayaa gudaha u galay deegaanka Dhasaan, iyagoo qabtay saldhigyo muhiim ah iyo gantaallo argagixisada Daacish diyaarinaysay.

Ciidamada geesiyaasha ah ee Dowladda Puntland ayaa gudaha u galay deegaanka Dhasaan, iyagoo qabtay saldhigyo muhiim ah iyo gantaallo argagixisada Daacish diyaarinaysay.
Khudbadda Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni oo ku dhawaaqay wejiga 3-aad we Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland oo bilowmaya 28 February 2025.
Maxaa Dhici lahaa Niikadan iyo Nacamlayntan ka dhacaysay Muqdisho haddii ay ka dhici lahayd Hargayysa.
Hadday intani Hargeisa ka dhici lahayd, cadaabahaa la is jiidhsiin lahaa. Bal tan maxaa lagu sheegi karaa ee aan ka ahayn munaafaqad aan caad saarnayn!
— Abdifatah Ismael Tahir (@AbdifatahTahir) February 27, 2025
If this had happened in Hargeisa, all hell would have broken loose in Mogadishu. This is hypocrisy in its purest form! pic.twitter.com/U3LXXFiEuj
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa dib ugu laabtay dalkiisa, kadib markii uu wada-hadallo kula yeeshay Muqdisho madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Villa Somalia, kulanka labada hogaamiye ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada, iyagoo adkeeyay xiriirka taariikhiga ah iyo derisnimada soo jireenka ah ee labada shacab oo ay aasaas u tahay is-ixtiraam qarannimo iyo ka dheeraanta faro-gelinta arrimaha gudaha dal kasta.
Bayaanka ayaa intaas ku daray in ay “wadajir u soo dhaweeyay is-afgaradka ay gaareen Taliyeyaasha Ciidamada Qaranka Soomaaliya (SNA) iyo Ciidamada Difaaca Ethiopia (ENDF), kaas oo lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida gobolka, waxa ayna bogaadiyeen billowga wadahadallada farsamo ee ka socda Ankara oo muujiyey sida ay labada dal uga go’an tahay wada-hadal wax-ku-ool ah iyo iskaashi mirodhal ah.”
Xiisad diblomaasiyadeed ayaa cirka isku shareertay sanadkii hore kadib markii Itoobiya ay heshiis la saxiixatay Somaliland, si ay uga hesho marin badeed.
Hase yeeshee, bishii Janaayo ee sanadkan, labada dal waxay ku dhawaaqeen inay si buuxda u soo celiyeen xiriirkooda diblomaasiyadeed kadib heshiis nabadeed oo ay Turkiga garwadeen ka ahayd bishii hore.
Sarkaal ka tirsan madaxtooyada Soomaaliya, oo codsaday in magaciisa la qariyo, ayaa Arbacadii u sheegay AFP in booqashada Abiy ay “qayb ka tahay dadaal ballaaran oo lagu dhammeystirayo laguna hirgelinayo heshiiskii Ankara,” isaga oo ula jeeday heshiiskii lagu saxiixay caasimadda Turkiga.
Somaliland ayaa sheegtay in heshiiskii ay la saxiixatay Itoobiya bishii Janaayo 2024 uu horseedi lahaa in Addis Ababa ay aqoonsato madax-bannaanideeda—inkasta oo Itoobiya aysan weligeed si rasmi ah u xaqiijin—taa beddelkeedna ay Itoobiya heli lahayd saldhig badeed, maadaama ay tahay dal aan lahayn xeeb.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga falcelisay heshiiskaas, waxayna u yeertay safiirkeedii u fadhiyay Itoobiya.
Inkasta oo dib u heshiisiinta Soomaaliya iyo Itoobiya ay dhacday, haddana mustaqbalka heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland weli waa mid mugdi uu ku jiro.
Boqorka muslimka ah ee ka codsanaya dadkiisa in aanay xoolo qalin ciidda
Boqor Maxamed 6-aad ee dalka Morocco ayaa ka codsaday dadkiisa in ay ka qalashada ariga ee Ciidda Carafo ee sanadkan, sababo la xiriira hoos u dhaca weyn oo ku yimid xoolaha dalkaasi.
yaraanta ayaa loo aaneynayaa todoba sano oo abaar ah oo ka jirtay dalkaas.
Ciidul-Adxa oo ku beegan bisha June, ayaa ah maalin ay dabaal dagaan dadka Muslimiinta ah, waxaana la qalaa xoolo loo yaqaano udxiyo taas oo sida Islaamku qabo mid lagu xusayo gawracii uu ka badbaaday wiilki nabi Ibrahim Ibraahim, ee la waydiiyay in uu gawraco.
Dadka muslimiinta ah ayaa munaasabaddan ku xusa in ay qalaan neef ari ama ido ah ama xoolo kale, waxaana hilibka la qeybsadaa qoyska masaakiinta ah oo loogu deeqo qaab sadaqo ahaan ah.
Laakiin xoolaha Marooko ayaa 38% hoos u dhacay tobankii sano ee la soo dhaafay, sababo la xiriira daaqa oo yaraaday, sida lagu sheegay xogta rasmiga ah e ay soo saartay dowladdu.
Qiimaha hilibka ayaa cirka isku sii shareeraya, waxaana ilaa 100,000 oo ido ah looga soo dhoofiyaa dalka Australia.
Gawraca in la sameeyo ciidaan “iyada oo lagu dhex jiro daruufahan adag waxay dhibaato weyn u geysan doontaa qaybo badan oo dadkeena ah, gaar ahaan kuwa dakhligoodu yar yahay,” ayuu Boqor Maxamed ka 6 – aad ku yiri khudbad uu wasiirka arrimaha diinta ee dalkaasi ka akhriyay telefishanka qaranka ee Morocco maanta oo Arbaco ah.
Aabihii, Xasan II, ayaa codsi la mid ah midkaan waxa uu dadkiisa u soo jeediyay 1966 kii, markii Morocco ay sidoo kale la kulantay abaar dheer oo saamayn ku yeelatay xoolaha.
Isaga oo dhibaatada jirta ku sharraxayay wareysi uu dhowaan bixiyay, ayaa wasiirka beeraha ee Morocco, Ahmed Bouari, waxa uu yiri “baahida loo qabo in biya loo ilaaliyo qaybaha mudnaanta leh, sida wadista iyo warshadaha” waxay la macno tahay in beeruhu ay ku jiran xaaladii ugu xumayd, “iyada oo inta badan goobaha waraabka ay hoos yimaadaan xeerar adag iyo nidaamka qaybinta biyaha”.
Canshuurta soo dejinta iyo tan gadista ee loo yaqaano VAT ee lo’da, idaha, geela iyo hilibka cas ayaa dhawaan la qaaday si ay gacan uga geysato xasilinta qiimaha xoolaha Morocco.
Xildhibaan Xasan Firimbi” Madaxweynihii Soomaaliya waxaa uu noqday Magafe, dadka ku caburiya awoodiisa, dadkana afduuba
Xildhibaan Xasan Firimbi” Madaxweynihii Soomaaliya waxaa uu noqday Magafe, dadka ku caburiya awoodiisa, dadkana afduuba”#Somali #Jubbaland #Puntland pic.twitter.com/9ekwYVaPON
— Mohamed N Jama Hawd And Reserve Area (@Mahamed81443729) February 26, 2025
Ciidanka Puntland oo qabsaday saldhiggii ugu weynaa ee Daacish
Puntland oo saldhigyo hor leh ka qabsatay Daacish
Ciidamada Puntland ayaa maanta sheegay in kooxda Daacish ay ka qabsadeen saldhigyo ku yaalla buuralayda Calmiskaad ee gobolka Bari. Saraakiisha ciidmada Puntland ayaa VOA u sheegay in saldhigyadan ay horay duqaymo uga gaysteen Maraykanka iyo Imaaradku.
Wasiir Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhiga XFS Cumar Cali Cabdi “, waa wasiirka had iyo jeer aard aragtaan qoraaladu uu qoro ” dawladda Soomaaliya ayaa bixisay amarka ah in la duqeeyo Buuraha Cal miskaad, wasiirkani buuraha uu ka hadlayo waa kuwa ciidanka dawladda Puntland ka dagaalamayaan
. Markaan muuqaalka hoose daawtaan ayaa ku ogaan doonta sida uu uga aradan yahay luqadda Soomaaliga, akhlaaqda iyo halka ay gaarsiisan tahay dhiiranaanta uu ka qabo madaxweynaha Soomaaliya
War bal mooryaankan aan AfSoomaliga aqoon oo Puntland afka ku taagaya yaa sabab u ah? pic.twitter.com/du0GcGeqWO
— Cumar (@omarmso) February 22, 2025
Ciidamada difaaca Puntland oo maanta si buuxda ula wareegay Taliskii Argagixisada Daacish ee Gaatir-oodan
Congratulations to Puntland's heroic defense forces for combating ISIS and removing the majority of them thus far!
— Somalia (@kingofSomaliaa) February 23, 2025
In a short period of time, Puntland Defence was able to free numerous areas from the terrorist ISIS! pic.twitter.com/gJK67lqmgs
v