Waa kuma guddoomiyaha Guddiga Doorashada Puntland ee la ammaanay?

Waa kuma guddoomiyaha Guddiga Doorashada Puntland ee la ammaanay?

Puntland shalay waxaa ka qabsoontay doorashada golayaasha deegaanka taas ka qabsoontay sodon degmo oo ka tirsan maamul goboleedka Puntland.

Guddoomiye Cabdirisaaq Axmed Saciid waxa uu qabtay doorashadii ugu horreysay oo qof iyo cod ah oo ka dhacda Soomaaliya ilaa tan iyo lixdameeyadii. Ammaan iyo boogaadin dhanka beesha caalamka ah iyo gobolka ayay hanteen isaga iyo guddiga la shaqeynaya.

War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu boogaadiyay shaqada hufan ee ay qabteen guddiga KMG ee doorashooyinga Puntland.

Waxaa xusid mudan in markii uu xilka qabanayay la qabtay doorashada 3 degmo oo keliya waxaana guddiga uu hoggaaminaya muddo 15 gudohood ah ugu suurogashay inay xalliyaan caqabado dhowr ah.

โ€œWaxaan imid iyadoo keliya doorashada 3 degmo la qabtay oo ay kukhilaafeen guddoomiyaha iyo dowladda, guddoomiyaashii la doortay la dhaarin, wax qorshaha oo in doorashada la qabta ah ma diyaarsanayn, misaaniyad doorashada loogu talagalay ma jirin, dhammaan waxaas oo dhan waxaan ku xallinay oo aan ku gabgabeynay sannad iyo shan bilood,โ€ ayuu u sheegay BBC-da guddoomiye Cabdirisaaq.

Haddaba waa kuma guddoomiye Cabdirisaaq Axmed Saciid?

Guddoomiye Cabdirisaaq Axmed Saciid

Guddoomiye Cabdirisaaq waxa sannadkii 1985 ku dhashay degmada Dhaxar ee gobolka Sanaag.

Waxa uu shahaada koobaad iyo tan labaad ee Jaamacdda ku qaatay dalka Uganda isagoo ka qalin jabiyay kuliyadda Nabadda iyo Xallinta khilaafaadka Caalamiga ah.

Cabdirisaaq ayaa sidoo kale shahaada kale oo labaad hadda ka dhameyay jaamacad Talyaaniga ku taal taas oo uu taqasuskeedu yahay qabashada doorashooyinka.

Ka hor inta uusan noqon guddoomiyaha doorashooyinka Puntland waxa uu ahaa cilmi baare mashaariic kala soo shaqeeyay hayโ€™ado caalami ah sida Bangiga Aduunka iyo Altai Consulting oo fadhigeedu yahay magaalada Paris ee dalka Faransiiska.

Sannadkii 2019-kii ayuu xubin ka noqday guddiga ka hor inta aanan guddoomiye loo dooran bishii Janaayo ee sannadkii 2022.

Soddonka degmo ee doorashadu ka dhacday Puntland.iyo sida loo kala heley.

Soddonka degmo ee doorashadu ka dhacday Puntland.iyo sida loo kala heley.

~Codadka la kala heley:

  1. Kaah – 67,893
  2. Mideeye – 48,062
  3. Sincad – 28,985
  4. Mustaqbal – 15,069
  5. Ifiye – 12,864

~Xildhibaanada la kala heley:

  1. Kaah – 286 xildhibaan
  2. Mideeye – 211 xildhibaan
  3. Sincad – 133 Xildhibaan
  4. Ifiye – 78 xildhibaan
  5. Mustaqbal – 57 xildhibaan
    __
    Natiijada hordhaca ah, Guddiga Doorashooyinka ka timi.

Degmada Badhan

๐๐š๐ญ๐ข๐ข๐ฃ๐š๐๐š ๐‡๐จ๐ซ๐๐ก๐š๐œ๐š ๐š๐ก ๐ž๐ž ๐‡๐ž๐ž๐ซ ๐ƒ๐ž๐ ๐ฆ๐จ:

๐——๐—ฒ๐—ด๐—บ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐Ÿ๐Ÿ”-๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ: ๐‘ต๐’‚๐’•๐’Š๐’Š๐’‹๐’‚๐’…๐’‚ ๐‘ฏ๐’๐’“๐’–๐’…๐’‰๐’‚๐’„๐’‚ ๐’‚๐’‰ ๐’†๐’† ๐‘ซ๐’†๐’ˆ๐’Ž๐’‚๐’…๐’‚ Badhan ๐’†๐’† ๐‘ฎ๐’๐’ƒ๐’๐’๐’Œ๐’‚ Sanaag

๐๐š๐ญ๐ข๐ข๐ฃ๐š๐๐š ๐‡๐จ๐ซ๐๐ก๐š๐œ๐š ๐š๐ก ๐ž๐ž ๐‡๐ž๐ž๐ซ ๐ƒ๐ž๐ ๐ฆ๐จ:

๐——๐—ฒ๐—ด๐—บ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐Ÿ๐Ÿ•-๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ: ๐‘ต๐’‚๐’•๐’Š๐’Š๐’‹๐’‚๐’…๐’‚ ๐‘ฏ๐’๐’“๐’–๐’…๐’‰๐’‚๐’„๐’‚ ๐’‚๐’‰ ๐’†๐’† ๐‘ซ๐’†๐’ˆ๐’Ž๐’‚๐’…๐’‚ Boosaaso ๐’†๐’† ๐‘ฎ๐’๐’ƒ๐’๐’๐’Œ๐’‚ Bari

๐‘ต๐’‚๐’•๐’Š๐’Š๐’‹๐’‚๐’…๐’‚ ๐‘ฏ๐’๐’“๐’–๐’…๐’‰๐’‚๐’„๐’‚ ๐’‚๐’‰ ๐’†๐’† ๐‘ซ๐’†๐’ˆ๐’Ž๐’‚๐’…๐’‚ Dhahar ๐’†๐’† ๐‘ฎ๐’๐’ƒ๐’๐’๐’Œ๐’‚ Haylaan.

๐——๐—ฒ๐—ด๐—บ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐Ÿ2-๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ: ๐‘ต๐’‚๐’•๐’Š๐’Š๐’‹๐’‚๐’…๐’‚ ๐‘ฏ๐’๐’“๐’–๐’…๐’‰๐’‚๐’„๐’‚ ๐’‚๐’‰ ๐’†๐’† ๐‘ซ๐’†๐’ˆ๐’Ž๐’‚๐’…๐’‚ Dhahar ๐’†๐’† ๐‘ฎ๐’๐’ƒ๐’๐’๐’Œ๐’‚ Haylaan.

Afar arrin ka ogow saldhiga ciidamada Uganda ee Al-Shabaab weerartay

Kooxda Al-Shabaab ayaa weerartay saldhig weyn oo ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ay ku leeyihiin degmada Buulomareer ee gobolka Shabeelada Hoose. Midowga Afrika iyo Dowladda Soomaaliya weli kama aysan hadlin weerarka, sida ay wax dhaceen iyo haddii ay jiraan wax khasaare ah.

Laakiin kooxda al-Shabaab oo lagu yaqaan inay kordhiyaan oo ay wax ku daraan tirada waxyeelada ay ku geystaan weeraradooda waxay sheegatay inay dishay tiro ka mid ah ciidamada nabad ilaalinta, islamarkaasna gubtay gawaari dagaal. Ma jiraan ilo madaxbanaan oo xaqiijin jira sheekada kooxda. Afhayeen ka tirsan hawlgalka kumeel gaarka ah ee Midowga Afrika (ATMIS) oo BBC la xiriirtay waxa uu sheegay in uusan xilligaa nala hadli karin, oo aynu sugno war ay soosaari doonaan saacadaha soo socda.

Haddaba, sidee u dhacay weerarka?

Weerarku waxa uu bilowday salaaddii subax wax yar uun kaddib. Waa waqtiga ugu badan ee kooxdu weerartu saldhigyada ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika iyo kuwa Soomaaliya. Dad goobjoogayaal ah waxay BBC u sheegeen inay maqleen qarax weyn oo loo malaynayo inuu ahaa gaari waxyaabaha qarxa lagu soo rarray oo lala eegtay xerada ay dagan yihiin ciidamada nabad ilaalinta hawlgalka kumeel gaarka ah ee Midowga Afrika (ATMIS) ku leeyihiin magaalada Buulo Mareer oo qiyaastii Muqdisho u jirta 110 km.

Dadka deegaanka ayaa soo weriyay in qaraxa weyn kaddib ay xigeen labo qarax oo kale oo xerada ka dhacay, waxaana markii dambe bilowday dagaal faraha la isula tagay oo dhexmaray ciidamada saldhiga fadhiyay iyo kooxdii weerarka qaaday.

Dadka Buulo Mareer ku sugan waxay BBC-da u sheegeen inay maqlayaan guuxa diyaaradaha qumaatiga u kaca ee loo yaqaano helakobtariska oo dul heehaabaya magaalada.

Illaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay hawlgalka ATMIS iyo Dawladda Soomaaliya oo ku aadan weerarka saaka ka dhacay Buulo Mareer.