Senator Iftiin Xasan Baasto”Waxaa la gaaray Jubbaland xilligii ay doorasho gali laheyd mana aqbaleyno hal-maalin oo muddo kordhin ah”

Senator Iftiin Xasan Baasto”Waxaa la gaaray Jubbaland xilligii ay doorasho gali laheyd mana aqbaleyno hal-maalin oo muddo kordhin ah”
M. Culusoow, wuxuu dhexda ugu jiraa waa Ganacsato Turkiya oo doonaya inay Muqdisho maal gashadaan oo Bangiyo ka furtaan, Sida sawirka muuqata labada dhinacba waxa madaxweynaha a fadhiya waa ajaaniib oo meesha kama muuqato Sawir dawladeed. Markaad qoraalka hoose akhrido ayaad waxaad ku ogaanaysaa in madaxweynuhu markan u dhaqmayo inuu yahay Isima Hawiye
Madaxweyna Soomaliya Xasan Culusoow, oo u dhaqmaya inuu yahay Isim Hawiye ayaa dhexda u fariistay Ganacsato Yuribiyaan ah oo kula heshiiyey inay Muqdisho maal gashadaan.
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Culusoow ayaa Gurigiisa ku qaabilay ganacsato iyo madaxda Bankiga Ziraat oo maalgashi ku sameynaya magalda Muqdisho .
Ganacsatada Turkiga ayaa sheegay in ay dhawaan xarigga laga jari-doono Bangiga Ziraat oo ay ka hirgeliyeen Caasimadda Muqdisho, arrinkaas oo xoojinaya isku xirnaanta ganacsatada labada dal iyo kalsooni-gelinta maalgashadeyaasha dibadda.Madaxweynaha ayaa ka hadlay fursadaha maalgashi ee ka jira Muqdisho iyo qorsheyaasha ay dowladdu ku dhiirri-gelinayso, waxa uuna tilmaamay in dowladda iyo shacabka Turkigu ay safka hore kaga jiraan saaxiibbada iyo walaalaha ay ku kalsoon yihiin ganacsatada Soomaaliyeed.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo shir guddoomiyay kulanka guddiga Joogtada ah ee Golaha
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa caawa shir guddoomiyay kulanka 22-aad ee Guddiga Joogtada ah Golaha Shacabka, kaa soo ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyadda ee Villa Hargeysa.
Kulanka waxaa goob joog ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, waxaana warbixin ku saabsan safarkii Sucuudiga uu xubnaha guddiga uga warbixiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, isagoo mid mid u dul istaagay kulamadii uu la qaatay madaxda Baarlamaanka dalka Sucuudiga.
Kulanka Guddiga Joogtada ah ayaa sidoo kale looga hadlay ajandeynta kulamada soo aaddan ee uu yeelan doono inta lagu guda jiro kalfadhigan seddaxaad, waxayna xubnaha guddiga aad uga hadleen sidii goluhu kalfadhigan uga shaqeyn lahaayeen wax ka bedelka iyo dhamaystirka Dastuurka KMG ah iyo heshiisyada caalamiga ah ee ay gasho Xukuumadda. Sidoo kale waxaa laisla soo qaaday la xisaabtanka Xukuumadda iyo kor joogteynta hay’adaha kala duwan ee Dowladda.
Sahra Buulle: ninkeeda oo loo maleynayo inuu dilay ayaa la xiray
Booliska magaalada Windsor ee dalka Canada ayaa dacwad dil ah kuso oogay nin kasoo jeeda gobolka maraykanka ee Michigan oo lala xiriirinayo in uu dilay xaaskiisa oo la waayey toddobaad ka hore.
Brian Aaron Marbury oo 45 jir ah ayey booliska Canada ka qabteen dhinaca canada ee kanaalka isku xira Windsor iyo magaalada Detriot ee dalka Maraykanka wax yar uun ka dib sagaalkii fiidnimo ee isniintii.
Booliska ayaa sheegay in xarigga ninkani ka dhashay natiijada baaritaan lagu sameeyay gabar Windsor degganayd- Sahra Bulle oo 36 jir ahayd taas oo aan meel lagu sheegin tan iyo 26kii Maajo.
Inkasta oo baaritaanka ku saabsan waayitaanka Sahra uu weli socdo, haddana booliska ayaa sheegay in qabashada Marbury ay u cuskadeen ”cadeymo lagu kalsoonaan karo” oo ay heleen.XAYEYSIINhttps://109fbccaf2a921f9ccccc73f2d6a89a5.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-40/html/container.html
”Baarayaashu waxay weli raadinayaan xog dheeraad ah oo ku saabsan meesha ay ku dambeysay Sahra Buulle,” ayey saraakiisha boolisku kusii dareen.
Sida ka muuqata waraaqo baafin ah oo lagu dhejiyay darbiyada, Sahra waxay dhigaynaysay jaamacadda Windsor. Hooyada Sahra, Fartuumo Kuusow ayaa barah bulshada dadka isticmaala ka codsatay in ay la baafiyaan gabadheeda si loo helo raq iyo ruux mid uun.
Sylvia Guenther Madaxa fulinta ee barnaamijka Hiatus Haouse oo caawiya ka haweenka xadgudubyada dumar nacaybka ah ee loo geysto ayaa sheegtay in dilalka loo geysanayo haweenla ay yihiin dhibaato ku soo badanaysa bulshada.
”Waxaan ognahay in mid ka mid ah saddexdii dumar ahba ay la kulantao nooc ka mid ah xadgudubyada lammaanaha ama xad gudubyada qoyska ugu yaraan hal mar inta ay noolyihiin,” ayay tiri. “Ma ahan xaalad ka soo raynaysa inta uu wakhtigu sii socdo. Waxaan aragnaa kiisas aad u daran oo xadgudubyo ah, sida aan hadda maqalnayna waxaa jira khasaare aad u xun oo soo gaaray bulshadayada.” Ayey sii raacisay.
Hiatus House waa xarun xasaradeed oo muddo 24-saacadoo ah loogu talagalay dadka la kulma xadgudubyada qoyska ama lammaanaha dhow. Qadka taleefanka ee degdegga ah ayey ku shaqeeyaan.
Guenther waxay sheegtay in guud ahaan, waqtiga ay ugu nugul yihiin haweenka xadgudubyada xiriirka, ay yihiin marka ay go’aansadaan inay isbedel sameeyaan. Hiatus House wuxuu kala shaqeeyaa inay gartaan halista iyo khatarta, iyo sida loo yareeyo khatarahaas.
“Waan sii wadi doonnaa inaan qaybteena ka qaadanno sidii aan u hubin lahayn inaan u caawino haweenka intii karaankeena ah iyo … si aan u hubinno inaan aqoonsan karno … xadgudubyada ku saleysan jinsiga ee sida cudurka ugu faafaya bulshada si aan wax uga baddelno haweenka mustaqbalka. “
Dumarka la waayayo oo waliba qaarkood meydkooda la helayo ayaa kuso badanaya dalka Canada iyada oo toddobaadkan gudihiisa lasoo weriyey ilaa saddex dumar ah oo la la’yahay.
Gabriele vinall oo bishii Janaayo ee sannadkan la waayey ayaa kowdii bishan la helay meydkeeda, balse dhimashadeeda ayaan wax shaki ah oo kale sii bixin sida ay boolisku sheegeen, xog dheeraad ahna weli lamasoo deyn.
Dhawaan ayey sidoo kale ahayd markii gabadh Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka canada ay Soomaalida dalkaasi ka mudaharaadeen xukunka laga saoo saaray dilkeeda.
Hodan Xaashi, ayaa billowgii bishii November ee sanadkii hore lagu dilay magaalada Saskatoon ee gobolka Saskatchewan.
Paige Theriault-Fisher, oo 22 jir ah, ayaa lala xiriiriyay dilka Hodan oo 23 jir ahayd.
Paige ayaa xukunka kadib lagu sii daayay
Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo Garoomada Dawladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa ka warbixiyey dhismo iyo balaadhin lagu sameynaayo qaybo ka mid Garoonka diyaaradaha Boosaaso.
Madaxweyne Culusoow oo aan taageerin baaqii Qaramada Midoobey ee ahaa maleeshiyaadka SNM loogu sheegay inay ka baxaan gobolka Sool.
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Culusoow oo uu wehliyo Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa casho Sharaf ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka waxa uu ku maamuusay Isimada Dhaqanka Beesha Dhulbahante ee maalmahan ku sugnaa Muqdisho, si ay xaaladda deegaanka ula wadaagaan Madaxda heer Federaal.
Madaxweynaha ayaa soo dhaweeyey go’aammada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay ka soo saareen xaaladda ka taagan magaalada Laascaanood, waxa uuna ku baaqay in fursad loo siiyo gurmadka iyo gargaarka degdegga ah ee ay u baahan yihiin dadka deegaanku, loona abuuro jawi ku habboon waan-waanta iyo xalka nabadda.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyey baaqii dowladda ee ku wajahnaa dhinacyada xiisadda Gobolka, kaas oo salku ku hayey in xal aan xabbad ahayn lagu wajaho, dowladda Federaalka Soomaaliyana ay ka go’an tahay in ay qaadato doorkeeda nabadeynta iyo fududeynta wada-xaajoodka, si loo joojiyo colaada.
Madaxweyne Culusoow ayaan soo hadal qaadin oo aan xoojin baaqii Golaha amaanka ee Qaramada moobey ay soo saareen ee ahaa in Somaliland si dhaqso ah ciidamadeeda ugala baxdo Laascaanood, islamarkaana ay dhinacyadu is xakameeyaan, oo ay joojiyaan daandaansiga iyo hadallada colaad hurinta ah.
Madaxweyne Culusoow oo ah nin ay qabyaaladda aad ugu weyn tahay iyo Isimada Dhulbahante oo ay soo lugooyeen siyaasiyiin Danaystayaal ah ayaa dad badani markii horeba waxay aaminsanaayeen inaan wax rajo ah aan laga qabin shir kasta oo lala galo M. Culusoow
Allsanaag,com
Kheyriya Afweyne: Gabadhii qoyskeeda lagu weeraray Boosaaso
Qoyskii dhowaan weerarka loogu geystay magaalada Boosaaso, ee maamul-goboleedka Puntland ayaa sheegay inay weli sugayaan caddaalad.
Muuqaal naxdin leh oo Sabtidii lagu baahiyay baraha bulshada, ayaa muujinayay qoys kamid ah beelaha la hayb sooco oo hadallo isir nacayb ah iyo handaad loo geysanayo.
Ciidamada maamul goboleedka Puntland, gaar ahaan magaalada Boosaaso ee Soomaaliya, ayaa soo xiray afar nin, oo ahaa kooxdii hubeysnayd ee lagu eedeeyay inay ku xad gudbeen qoyska.
Cabdiqaadir Jaamac Dirir, oo ah taliyaha ciidanka booliiska gobolka Bari, oo la hadlay BBC-da, ayaa sheegay in dhibaatadan ay asalkeeda ka timid hadalo aflagaado ah oo la isku weydaarsaday barta ay bulshada ku kulanto ee Tiktok, taasoo markii danbe keentay in reer aan waxba galabsan ay arrintaasi dhibbanayaal u noqdaan.
“Falka lagu soo qabtay dhalinyaradan, waa kaad aragteen oo la wareejinayey Baraha Bulshada, reer habeen gurigiisa ku jira loo dhacayo, oo qof hurda dhabanka cag laga saarayo, jawaabta iyo waxyaabaha ay kula kaceen, iyaga oo ah dhalinyada unbaa ka fal celin doona, mar haddii lasoo xiray dadkii dhibaatada geystay” ayuu yiri taliye Cabdulqaadir Dirir.
Taliyaha ayaa wuxuu intaa raaciyey in eedeysanayaasha maxkamad lasoo hor istaajin doono, lana marindoono ciqaabtooda.
Balse Kheyriya Maxamed Cali Afweyne oo ah gabadha qoyskeeda la weeraray, arrintuna ay ka bilaabatay oo iyadoo ku sugan dalka Faransiiska BBC la hadashay ayaa sheegtay in weli aysan helin caddaaladdii ay ka filayeen laamaha ammaanka Puntland.
“Maanta ayaa lagu ballansanaa in maxkamad la horgeeyo, balse haddana Axad ayaa loo dib dhigay,”
Kheyriya ayaa sheegtay in raggan sababta ilaa iyo haatan loo hayo ay ka dhigan tahay inaan dembi loo heysan.
“Annaga waxaan ku faraxsannahay in maxkamad la horgeeyo, caddaaladda la marsiiyo. Markaas ayaan qanceynaa oo caddaalad baan helnay leennahay. Wax baa la qabtay iyo wax baa la xiray caddaalad uma arko,” ayay tiri.
“Waxaan codsanayaa in dadkeygu ay caddaalad helaan, oo dowladda Puntland ay raggan caddaalad horgeyso. Nimanka falkaa geystay ee la arkayo iyagoo dad jiijiifa ciid madaxa uga shubaya, anigu weli ma arko caddaalad. Marka maxkamad la horgeeyo baan qancayaa,” ayay intaas raacisay Kheyriya.
Sida laga arki karo muuqaalka, koox rag ah oo aan wajiyadooda loo jeedin ayaa ilmo yar wajiga cagta ka saaraya, kadib handadaya hooyada iyo aabbaha qoyska oo u muuqda kuwa da’ ah.
Kheyriya ayaa sheegtay in arrintan ay asalkeeda ka ka bilaabatay kaddib markii ay is khilaafeen gabar sida ay sheegtay guri ay isla degganaayeen.
“Gabadhii way soo caytantay, anigana waan soo caytami jiray, dad ilma adeerradeed ah ayaa u hiilin jiray. Tiktok ayagoo badan iyo aniga keligey ayay noqon jirtay,” ayay tiri.
Waxay intaa raacisay in qol ka mid ah Tiktok ay ku caytami jireen. “Waxay igu eedeeyeen ugaas bay cayday. Aniga Ugaas ma caynin, qabiil bay caayeysay anna qabiil baan caayayay.
Wiilasha lagu eedeeyay inay tacaddi u geysteen reerka, ayay Kheyriya sheegtay inay isku reer yihiin gabadhii ay is khilaafeen.
“Gabadha ayaa mar ay maqribbadii ahayd ayay Tiktok ka hanjabtay oo tiri waa in 24 saac gudahood wax laga qabtaa oo jawaab la tusaa. Saddexdii habeennimana reerkeyga ayaa la weeraray,”
Wiilashan hadda booliisku gacantu ka hayo, ayay Kheyriya sheegtay in la dirsaday oo gabdhihii ay is khilaafeen ay ilmo adeer yihiin.
“Haddii aan qabiil caayay maxaa gurigeenna bartilmaameed ka dhigay? Soomaali oo dhan ayaa is caydee aniga shaabbad goonni ah miyaa igu dheggan?” ayay Kheyriya tiri.
Dad badan ayaa siyaabo kala duwan uga falceliyay arrintan. Qaar ayaa eedeynayay Kheyriya oo ku eedeynayay inay cayday qabiil, halka qaar kalena ay u damqanayeen reerka la weeraray.
“Dadku waxay dhahayeen qabiil bay cayday, ugaas bay cayday, aniguna waxaa ma sameyn,” ayay tiri.
Dhanka kale, Dallada Bulshada Rayidka ee Puntland (PUNSAA) ayaa qoraal ay soo dhigeen bartooda Facebook waxay si kulul u cambaareeyeen falka lagula kacay reerka.
“Dalladu waxay ugu baaqaysaa laamaha amniga inay gacanta kusoo dhigaan eedaysanayaasha falkaas ku kacay lana horkeeno cadaalada si looga hortago inay soo noqnoqdaan dhacdooyinka caynkaan oo kale ah xaqooda iyo karaamadoodana u helaan reer Afweyne.” Ayaa lagu yiri qoraalka.
Warbixinta hordhaca ah oo ee laga diiwaan galiyay eedeysanayaasha, ayay ku sheegeen ragga la qabtay in ay ka aargoosanayeen muuqaal lagu caynayo oday dhaqmeedkooda. Muuqaal afarta nin ayaa lagu baahiyay warbaahinta, inkasta oo aan wajiyadooda la muujin.
Kheyriya ayaa sheegtay inay rajeynayaan inay caddaalad helaan, maaddaama sida ay sheegtay tacaddiyo loo geystay qoyskeeda xilli habeen bar ah oo ay hurdayeen.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Madaxtooyada ku qaabilay Ergey ka socda Madaxweynaha Uganda
Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Jenaraal Muhoozi Kainerugaba oo ah La Taliyaha Sare ee Hawlgalada Gaarka ah ee Madaxweynaha Uganda Mudane Yoweri Museveni.
Madaxweynaha ayaa ka guddoomay Janaraal Muhoozi dhambaal uu ka siday Madaxweynaha dalka Uganda Mudane Yoweri Kaguta Museveni oo ku saabsan xiriirka labada dal iyo Iskaashiga dagaalka ka dhanka ah argagixisada oo khatar ku ah xasilloonida iyo horumarka Gobolka.
Dhankiisa, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga warramey wafdiga Uganda sida ay u socdaan hawlgallada dalka ka dhanka ah argagixisada, caqabadaha jira iyo dhinacyada ay dananeyso dowladda Soomaaliya in laga kaabo, si ay ugu guuleysto halgankan, waxa uuna uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Uganda garab istaagga xasilloonida Soomaaliya iyo sida ay dhiig iyo hantiba ugu hureen dagaalka ka dhanka ah argagixisda Al-Shabaab.
Golaha Ammaanka oo bayaan kasoo saaray dagaalka Laascaanood
Xubnaha Golaha Ammaanka ee QM ayaa walaac ka muujiyay rabshadaha ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Soo lee Waqooyiga Soomaaliya, sida lagu sheegay war-saxaafadeed maanta kasoo baxay golaha.
Bayaanka Golaha Ammaanka ayaa ugu horeyn dib u xaqiijiyay xurmada ay u hayaan madax banaanida dhuleed, jiritaanka qaranimo, iyo madaxbanaanida siyaasadeed ee Soomaaliya.
Warbixinta golaha ee xaaladda Laascaanood ayaa lagu sheegay in shacab badan ay ku dhiteen colaadda ka taagan magaalada, ilaa iyo 150,000 oo qofna ay ku barakaceen.
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa tacsi u diray ehelada kuwii colaadda ku nafwaayay, soo kabashana u rajeeyay kuwii ku dhaawacmay.
Waxaa kaloo warbixinta lagu yiri “Xubnaha Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay waxay soo dhaweynayaan dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya, Ethiopia iyo odayaasha dhaqanka ay ka wadaan gobolka, si xabadda loo joojiyo – wadahadal ay Soomaalidu garwadeen ka tahayna loo bilaabo.”
Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadda inay heshiis xabad joojin ah gaaraan, waxayna booriyeen wada-hadal loo dhanyahay oo colaadda nabad ku soo dabbaala.
Warbixinta ayaa dhinaca kale ugu baaqday Xafiiska Qaradamada Midoobay ee Soomaaliya inuu taageero iyo gacan dheeri ah ka geysto arrintan.
Xubnaha Golaha Amaanka ayaa dhinaca kale ugu baaqay Somaliland inay si dhaqso ah ciidamadeeda ugala baxdo Laascaanood, islamarkaana ay dhinacyadu is xakameeyaan, oo ay joojiyaan daandaansiga iyo hadallada colaad hurinta ah.
Golaha ayaa xusuusiyay dhammaan dhinacyada waajibaadka ka saaran ilaalinta sharciga caalamiga ah ee bani’aadannimo iyo shuruucda xuquuqda aadanaha.
Waxaa kale oo goluhu uu xusuusiyay dhinacyada in lagula xisaabtami doono mas’uuliyaddaasi saaran, gaar ahaan kuwa jebiya shuruucdaas caalamiga ah ama gaysta xagdugudubyo dhinaca xuquuqda aadanaha ah.
Waxaa kaloo Golaha Ammaanka ay ugu baaqeen deeq bixiyeyaasha inay dardar geliyaan kaalmada bani’aadannimo ee loo fidiyo Soomaaliya, iyagoo dhinacyada ka dalbaday inay sahlaan galaangalka kooxaha miinada iyo aaladaha qarxa ka saara goobaha colaadaha.
Cabdirisaaq Khaliif oo hadal jilicsan ugu jawaabay maamulka SNM, ilaa hadana ayna madaxda Khaatumo iska fogayn arintan ay dad badani \shakiga ka muujiyeen
Xeer ilaalinta SNM ayaa u gudbisay Golaha Wakiillada ee Isaaqland in la laalo xubinnimadii Golaha Wakiillada ee guddoomiyaha golahaas Cabdirissaq Khaliif Axmed oo ku sugan magaalada Laascaanood. Hadaba waa ayo Golaha wakiiladano
Golaha Isaaqland wuxuu ka kooban yahay
Dacwadda xeer ilaalinta waxaa ku saxiixan xeer ilaaliyaha Isaaq labd Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan. Xeer Ilaalinta ayaa ku eedaysay guddoomiyaha inuu jabiyey dastuurka Martinimada Isaaqland
Jawaabta Gudoomiyaha labaa aag,