27th July 2024  admin  Category :

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo shir guddoomiyay kulanka guddiga Joogtada ah ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa caawa shir guddoomiyay kulanka 22-aad ee Guddiga Joogtada ah Golaha Shacabka, kaa soo ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyadda ee Villa Hargeysa.

Kulanka waxaa goob joog ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, waxaana warbixin ku saabsan safarkii Sucuudiga uu xubnaha guddiga uga warbixiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, isagoo mid mid u dul istaagay kulamadii uu la qaatay madaxda Baarlamaanka dalka Sucuudiga.

Kulanka Guddiga Joogtada ah ayaa sidoo kale looga hadlay ajandeynta kulamada soo aaddan ee uu yeelan doono inta lagu guda jiro kalfadhigan seddaxaad, waxayna xubnaha  guddiga aad uga hadleen sidii goluhu kalfadhigan uga shaqeyn lahaayeen wax ka bedelka iyo dhamaystirka Dastuurka KMG ah iyo heshiisyada caalamiga ah ee ay gasho Xukuumadda. Sidoo kale waxaa laisla soo qaaday la xisaabtanka Xukuumadda iyo kor joogteynta hay’adaha kala duwan ee Dowladda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*