“Meydadka dad ayaa shabaagta iisoo gala anoo kalluun sugaya”

“Meydadka dad ayaa shabaagta iisoo gala anoo kalluun sugaya”

Iyadoo tirada muhaajiriinta isku dayaya inay gaaraan Yurub ay sii kordheyso ayaa waxaa sii badana tirada dadka ku dhintay badda Mediterranean-ka.

Mas’uuliyiinta Midowga Yurub ayaa la halgamaya sidii ay u xakameyn lahaayeen cadaadiska ay xeebaha dalka Tunisia ku hayaan muhaajiriinta ka soo cararaya faqriga iyo dagaallada dalalkooda.

Nin kalluumaysata ah oo la yirahdo Oussama Dabbebi ayaa ka sheekeynaya qisada ka qabsata badda marka uu kalluumeysiga aado.

Waxa uu sheegay in mararka qaar shabaqa uu u isticmaali karo jaallabashada kalluunka uusan u soo gelin kalluun, baddalkii taasna waxaa u soo galo meydadka muhaajiriinta ku qarqamay badda Mediterranean-ka.

“Halkii aan kalluun ka heli lahaa, mararka qaarkood waxaa shabaqa ii soo gala meydad, markii ugu horreysay ee aan la kulmay dhacdadaan waxaan dareemay cabsi iyo argagax xooggan, balse markii dambe waan iskala qabsaday. Muddo ka dib in mayd shabaggayga laga soo saaro waxay ila mid noqotay sida kalluun aan isoo galay.

Kalluumaystahan oo 30 jir ah, oo xiran koofiyad madaw iyo surwaal gaaban, ayaa sheegay inuu dhawaan ka helay shabaggiisa maydadka 15 tahriibayaal ah muddo saddex maalmood gudohood ah.

“Mar aan helay meydka cunug yar.Waan ooyay oo waan adkeysan waayay sababtoo wuu iga duwan yahay kan dadka waaweyn oo iyaga adduun ayay soo arkeen oo dunida uma cusba.”

Dabbebi ayaa ka kalluumaysanayay biyaha meel u dhow magaalada labaad ee Tunisia ee Sfax tan iyo markii uu jiray 10 sano.

Waagaas waxa uu ka mid ahaa dad badan oo kalluumeysato ah, balse hadda waxa uu sheegay in kalluumaysatada badankoodu ay doomahoodii ka iibiyeen dadka wax tahriibiya.

“Marar badan ayay mukhalasiin ii soo bandhigeen lacag aan badan oo aan la aamini karin si aan uga iibiyo doonteyda, mar walba waan diidi jiray, sababtoo ah haddii ay adeegsadaan doontayda oo ay dad ku qarqmaan, weligey ma cafiyeen nafteyda.”

Sida laga soo xigtay Ilaalada xeebaha ee Qaranka Tuniisiya ilaa 13,000 oo muhaajiriin ah ayaa lagu qasbay in ay ka degaan doomo badan oo buux dhaafay

Meel wax yar u jirta dekedda ayaa si waxaa si tartiib tartiib ah u socda koox muhaajiriin ah oo ka timid Koonfurta Suudaan – oo ay ku dhufteen colaado, jahawareerka cimilada iyo cunto yari tan iyo markii ay xornimada qaateen 2011.

Dhammaan waxay rajeynayaan inay gaaraan UK. Mid ka mid ah ayaa sharaxaya in ay si dirqi ah uga tanaasuleen isku daygii labaad ee ay ku doonayeen inay ugu talaabayaan Talyaaniga sababo la xiriira doonta oo buux dhaaftay iyo cimilada oo sii xumaanaysa awgeed.

“Dadka ayaa aad u tira badanaa doontuna waxay ahayd mid aad u yar, sidaas oo ay tahayna waxaan isku daynay inaan dhaqaano balse cilimida oo aad u xumeyd iyo dabeyl xowli ah awgeed ayaa sababtay inay adkaato inaanu sii socono.”

Sida laga soo xigtay Ilaalada xeebaha ee Qaranka Tuniisiya ilaa 13,000 oo muhaajiriin ah ayaa lagu qasbay in ay ka degaan doomo badan oo buux dhaafay waxayna ku soo laabteen xeebaha saddexdii bilood ee ugu horreysay sanadkan.

Horraantii sanadkan in ka badan 200 oo meyd ah oo muhaajiriin ah ayaa laga soo saaray biyahay magaalo xeebeedkan.

Intii u dhaxaysay bilihii Jannaayo iyo April ee sanadkan ilaa 24,000 oo qof ayaa ka baxay xeebaha Tunisia iyagoo wata doomo macmal ah, waxayna tageen Talyaaniga, sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga.

Dalkan ayaa hadda noqday meesha ugu weyn ee ay ka dhoofaan muhaajiriinta isku dayaya in ay gaaraan Yurub. Liibiya ayaa markii hore hoggaaminaysay, balse rabshadaha ka dhanka ah muhaajiriinta iyo afduubka kooxaha dambiilayaasha ah ayaa horseeday in dad badan ay u safraan Tunisia.

In kasta oo doontii toddobaadkii hore ku qarqantay xeebaha Giriiga, oo ay ku dhinteen oo ugu yaraan 78 qof, sidoo kalana dad lagu qiyaasay 500 oo qof la la’yahay, ay ka soo shiraacday Liibiya.

Horraantii sanadkan in ka badan 200 oo meyd ah oo muhaajiriin ah ayaa laga soo saaray biyahay magaalo xeebeedkan.

In ka badan 27,000 ayaa ku dhintay iyagoo isku dayaya inay ka gudbaan badda Mediterranean-ka tan iyo 2014-kii.

Ilaa iyo hadda sanadkan in ka badan 47,000 oo muhaajiriin ah ayaa gaaray dalka Talyaaniga, waana koror saddex laab ah isla muddadaas sannadkii hore, waxaana kordhay dalabaadka ah in wax loo qabto.

Hanti-dhowraha oo ka hadlay lacag maqan iyo baaritaano socda

Hanti-dhowraha oo ka hadlay lacag maqan iyo baaritaano socda

arbixin uu soo saarey Hanti-dhowraha Guud ee dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo gudbiyey in lacag ka badan 21 milyan oo dollar ay ka maqan tahay khasanadda dowladda.

Sidoo kale dowladda ayaa waxa ay amar xarig ku soo rogtey qaar ka mid ah mas’uuliyiintii iyo shaqaalihii hay’adaha sida gaarka ah loo baarayey.

Dastuurka Puntland wax laga bedelayo

Garoowe: June 20, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yusuf Jibril Garaad Cawl oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 5-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa Soo jeedinta wax- ka-bedelka Dastuurka Dawladda Puntland oo ay Golaha u soo gudbiyeen Guddiga gaarka ah ee Falanqeynta wax-ka-bedelka Dastuurka Dawladda Puntland.

Fadhiga waxaa goobjoog ka ahaa 35 Mudane

Dood iyo falanqeyn dheer ka dib oo ay ka yeesheen mudanayaasha Golaha, waxaa Oggol ugu codeeyay 34 mudane, Diidmo 1 Mudane, cid ka aamustayna majirin, waxaana sidaas ansax ku noqday soo jeedinta wax-ka-bedelka Dastuurka.

Caasimadda lagu muransan yahay iyo Maleeshiyaadkeda

Maleeshiyaadkii Beesha Ciise Maxamuud oo qabsaday Xaafado ka mid ah Caasimadda lagu muran san yahay ee Garowe

Xiisad ayaa ka taagan magaalada Garoowe ee xarunta dawlad goboleedka Puntland, ka dib markii ciidamo ka amar qaata siyaasiyiinta mucaaradka oo ka soo horjeeda xukuumadda madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, ay xalay fiidkii fariisimo ka samaysteen bartamaha magaalada iyo weliba inta badan wadooyinka aada xarunta golaha baarlamaanka ee Puntland.

Ciidamadan hubaysan ayaa joojiyey isu-socodka gaadiidka iyo dadka ee goobaha ay fariisimada ka samaysteen.

Arrintan ayaa kor u qaaday walaaca amni ee laga qabo, isku dhac dhex mara ciidamadan ka amar qaadanaya siyaasiyiinta mucaaradka, iyo weliba ciidamada dawladda ee weli ku sugan aagga xarunta baarlamaanka.

Ciidamadan hubaysan ayaa ka soo horjeeda in baarlamaanku uu furo dastuurka Puntland, taas oo la filayo in golaha baarlamaanku uu guda galo dooddiisa maalmaha soo socda, haddii la isku raacona, wax ka bedel lagu sameeyo qodobka khusaynaya kordhinta tirada xisbiyada ay yeelanayso Puntland.

Illaa hadda xukuumaddu kama hadal, dhacdadan amni ee ku soo korodhay magaalada Garoowe, taas oo si weyn loo hadal hayey 24-kii saacadood ee ugu dambeeyey.

Xarunta Baarlamaanka Puntland

Kooxdii Reer GAROWE ee doonaysay inay Hogaanka Puntland ku helaan Hagbad ahan ayaa qoryihii loogu talo galay in Galgala iyo Laascaanood lagu xoreeyo, oo Faroole horay u Bililiqaysatay xilligii uu xukunka ka degay ayaa hadda hubkaas ku cabsi gelinaya Baarlamaanka Puntland oo inta badan Xildhibaanada laga soo doorto deaanada kale ee Puntland.

Kooxdan reer Garowe, ayaa awoodda ugu badan ay isticmaalaan, caasimadda Puntlandna loogu shaqayn la’yahay ayaa waxay tahay ” GAROWE UNUGAA LEH” oo ay kaga daydeen reer Muqdisho

Golaha Wasiirada oo ansixiyay magacaabidda Taliyaha cusub ee Ciidanka XDS

Golaha Wasiirada oo ansixiyay magacaabidda Taliyaha cusub ee Ciidanka XDS

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo galabta yeeshay kulan aan caadi ahayn, ayaa lagu ansixiyey magacaabidda Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo loo magacaabay, Jenaraal Ibraahim Sheekh Muxyadiin Caddoow, kaddib soo jeedinta Wasaaradda Gaashaandhigga.

Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxyadiin Caddoow, ayaa horey u soo qabtay xilal ciidan oo kala duwan oo ay kamid yihiin Taliyaha Ilaalada Ciidanka Xoogga dalka ee Madaxtooyada.

Kulanka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Xafiiska Hanti-Dhowrka Guud ee Dowladda, Xeerka Dhismaha Xarunta Tubsan, Xeer Nidaamiyaha Ruqsadda Korontada, Xeer Nidaamiyaha Tariifada Adeegga Korontada iyo Qaraar ku saabsan Qorista Shaqaalaha Dowladda.

Isimo ku baaqay in la sii wado Dimoraadiyeenta Puntland

Shir ay isugu yimaadeen Isimada ,Cuqaasha iyo Nabadoonada Gobolka Bari ayaa waxa ay ku taageereen Nidaamka Doorashada Qof iyo Cod ee ka hanaqaaday Puntland ,iyagoona ku baaqay in magaalooyinka Garoowe ,Dangoronyo iyo Godobjiiraan si deg deg ah looga qabto Doorashada Qof iyo Cod.

Waxa ay sidoo kale Bulshada reer Puntland ugu baaqeen gaar ahaan shacabka Caasimadda Puntland ee Garoowe in ay ilaashadaan amniga iyo horumarka dalka.

Baarlamaanka Puntland

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yusuf Jibril Garaad Cawl oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 4-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dhageysiga warbixinta Guddiyada, waxaana warbixin soo jeediyay;

1. Guddiga Arrimaha Golaha iyo Anshaxa

2. Guddiga Shuruucda, Caddaalada iyo Arrimaha Diinta iyo Dastuurka

3. Guddiga Arrimaha deegaanka iyo Khayraadka dabiiciga ah4.

Guddiga Amniga & NabadgelyadaWarbixinta ayaa ku saabsanayd kormeerro iyo xog ururin ay Guddiyadu ku soo sameeyeen hay’addaha Dawliga ah ee ay korjoogtada ku leeyihiin, lana socdaan shaqooyinka ay dalka u hayaan.Waxaa sii socon doonaa maalmaha soo socda Warbixinada Guddiyada Golaha.

Fiqi oo gaaray Kismaayo

Wafdi uu Hoggaaminaayo Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa gaaray magalada Kismaayo ee Xarunta KMG Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Madaxwayne ku Xigeenka 1-aad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayd Aadan ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Sayd Maxamed Cabudlle kusoo dhaweeyay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Moallim Fiqi.

Wasiir Fiqi ayaa magaalada Kismaayo u yimid shirka Isku Dubbaridka Xasilinta Qaran kaas oo ay soo agaasintay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS.