Sababta afartan masuul uga maqan yihiin Shirka Muqdisho

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho waxay sheegayaan in uu dib u dhac ku yimid shir ay dawladda federaalka Soomaaliya ku baaqday in uu ka dhaco magaalada Muqdisho, kaasoo lagu martiqaaday madaxdii hore hogaanka u soo qabatay oo ay ku jiraan madaxweynayaal, ra’iisul wasaareyaal, guddoomiyeyaal baarlamaan iyo madax kale oo hore dalka xilal uga soo qabatay.

Ujeedada shirkan la isugu yeeray, martiqaadkana loo fidiyey ayaa ah sidii dawladda Soomaaliya ay ”uga tala galin lahayd, ra’yigoodana u dhegeysan lahayd” madaxda dalka hore u soo hogaamisay, si loo ogaado waxa ay ka qabaan qorshaha ay Madasha Wadatashiga Qaran soo bandhigtay bishii May ee ku saabsan doorashooyinka lagu baaqay in dalka ay ka dhacaan ee qof-iyo-cod, iyo hanaanka xisbiyada dalka iyo baabinta xafiiska Raysal wasaaraha si loo sameeyo madaxweyne iyo madaxweyne xigeen.

Jawaari
Qoraalka sawirka,Prof. Maxamed Cismaan Jawaari, guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya

Sarkaal ka tirsan madaxtooyadda Soomaaliya ayaa BBC u sheegay in kulan uu qeyb ka yahay wada tashi madaxweynuhu la yeelanayo qeybaha bulshada oo ay ugu horreeyaan madaxdii hore iyo siyaasiyiinta. Waxa uu intaa ku daray in shirka lagu casuumaday dhammaan madaxdii hore. Kulanka oo horey loogu qorsheeyay in uu qabsoomo maanta ayaa waxa uu dib ugu dhacay berri oo Arbaco ah. Madaxda casuuman waxaa ka mid ah dhammaan madaxweyneyaashii hore oo ay ka mid yihiin Shariif Sheekh Axmed, Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, raysal wasaareyaal hore iyo guddoomiyeyaashii baarlamaanka dowladda federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan
Qoraalka sawirka,Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan

Yaa la filayaa inay ka qayb galaan, yaase ka qayb gali doonin?

Kheyre
Qoraalka sawirka,Xasan Cali Kheyre

BBC waxay xiriir la sameysay madaxda la casuumay qaarkood, oo u xaqiijiyay inay ka qeybgalaan shirka, halka kuwa kale na ay ka cudurdaarteen ka qeybgalka shirka. Xildhibaan Yuusuf Gama’diid oo ka tirsan xisbiga uu hogaamiyo madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed wuxuu BBC u sheegay in dhankooda, xisbiga Himilo Qaran, oo uu hoggaaminayo Sheekh Shariif ay shirka ka qayb gali doonaan.

“Halkaas ayaan taladeenna iyo ra’yigeenna ka jeedin doonnaa,” ayuu yiri Xildhibaan Yuusuf Gama’diid. Laakiin waxaa jira walaac ay muujiyeen qaar ka mid ah dadka lagu casuumay, iyadoo madaxda qaar ay doonayeen in shirka lagu koobo xubnaha diidmada kala horyimid heshiiskii madasha qaran oo keliya.

Sida uu BBC-da u xaqiijiyay Cabdulqaadir Cali Dige, Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Soomaaliya, madaxda kale ee la filayo inay Muqdisho tagaan si ay shirka uga qayb galaan waxaa ka mid ah Maxamed Mursal Shekh Cabdiraxmaan, Maxamud Cusmaan Jawaari, iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ah saddexdii guddoomiye ee isaga kala dambeeyay guddoomiyenimada baarlamaanka, raysal wasaareyaashii hore ee dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, Maxamed Xuseen Rooble, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, Cabdiweli Cali Gaas iyo Cali Maxamed Geeddi.

Siyaasiyiinta aan ka qeyb galeynin

Saacid
Qoraalka sawirka,Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya

Sida uu BBC-da u xaqiijiyay Cabdulqaadir Cali Dige, Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Soomaaliya, waxaan shirka berri ka qeybgeli doonin madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Sidoo kale waxaan ka qeybgeleynin raysal wasaareyaashii hore Cabdi Faarax Shirdoon iyo Cabdiweli Sheekh Axmed. Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan, iyo Raysal wasaare hore Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa uga maqan shirka arrimo la xiriira caafimaad, sida uu BBC u xaqiijiyay agaasimaha madaxtooyadda Soomaaliya Xuseen Sheekh Maxamuud. Waxaa sidoo kale shirka ka qaabday Raysal wasaare hore Cabdi Faarax Shirdoon arrimo la xiriiro safaro iyo shaqooyin kale oo u gaar, isaga oo ku cudurdaartay in uusan kasoo gaari karin, sida uu inoo sheegay agaasime Xuseen Sheekh. Xiriir BBC la sameysay saddexda masuul weli nooma suurtogelin in aan xog dheeraad ah ka helno.

Beesha Caalamka iyo Xasan Shiikh Midna Waqtig Yaan Lagu Lumin

Madaxweeyne Xasan Shiikh mawqifkiisa ku aadan dagaalka ka socda Laascaanood waa mid cad, waxa uuna la jiraa SNMta Hargaysa sax iyo khalad mideey noqotaba, waxuu wadaa waa “Qawda maqashii, waxna ha u qaban.” Hadaba, maxaa la gudboon dadka deeggaanka ee dagaalka kula jira SNMta?

Fariintii dadka gobolka Sool ineey ogeysiiyaan caalamka, dawladda federaalka iyo Soomaaliba gardaradda ay wadaan SNMta waa mid dhamaan dadkaas ay gaartay fariintaas. Hadaba, hadii SNMtii ay dhag jalaq u siin weeyday cambaareeyn kaga timid beesha caalamka, iyo in dadka dhiigooda la kala badbaadiyo, aysan jirin wax haray oo laga sii hadlaa.

SNMta waa dad aan caqli u saaxiib ahayn, waana dad isku raacay xummaanta intooda badan, taasina waxaa dheer oo ugu weeyn in ay yihiin dad aan illaahay ka baqeeyn. Dadkuna marka ay noocaas yihiin, waxaa deeqa oo kaliya in dhiigooda daasado loogu shubo.

Soomaali horey ayeey u tiri, “Qof aan gacantaada ka reebin, sharci kaama reebo.” Hadaba, xalka waa in ciidanka SNMta ka jooga Gooja Cadde xoog looga saaraa, taasina waa xalka ugu danbeeya ee soo af jari karta dagaalkaas gardarada ah. Waxaana dhab ah, mar haddii la iska saaro ciidankaa gardaradda ku jooga gobolka Sool, in aan loo baahnaan doonin Beesha Caalamak iyo Xasan Shiikh toona.

Booqashada Madaxweeynaha Iiraan ee Afrika

Madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi ayaa ku sugan dalka Kenya halkaas oo uu uga furmayo booqasho saddex maalmood ah oo uu ku marayo qaarada Afrika.

Waa markii ugu horeysay oo Madaxweyne Iran uu booqasho ku yimaado Afrika in ka badan 10 sano.

Mr Raisi ayaa sidoo kale booqan doona dalalka Uganda iyo Zimbabwe.

Waxaa weheliya madaxiisa dublamaasiyadeed iyo wafdi ganacsi, iyadoo Iran ay raadinayso xulafo cusub iyo fursado ganacsi.

Mr Raisi ayaa sidoo kale dhawaan booqday Latin America iyo Indonesia, halkaas oo Iran ay dib ugu biirtay Ururka Iskaashiga Shanghai.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaar garowga ku biirista (EAC)

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaar garowga ku biirista (EAC)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa galabta shir guddoomiyay kulan ballaaran oo looga hadlayay u diyaargarowga wadahadallada ku biirista Soomaaliya ee Urur Gobolleedka Iskaashiga Ganacsiga iyo Dhaqaalaha ee Bariga Afrika (EAC), kadib markii dhowaan la aqbalay codsiga Soomaaliya inay ka mid noqoto Ururkaasi.

Kulanka oo ay ka soo gaybgaleen mas’uuliyiin ka kala socotay laamaha kala duwan ee dowladda ayaa lagu soo bandhigay heerka u diyaar garowga dowladda Soomaaliya ee xag farsamo iyo dhaqaale.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in ku biirista Soomaaliya ee Urur Gobolleedka (EAC) ay ugu jirto fursado iyo dano ganacsi, dhaqaale iyo isu socod, kuwaasi oo abuuraya maalgashi iyo shaqooyin wax weyn ku soo kordhinaya dhaqaalaha dalkeena. Waxaa uu sheegay in xubinnimada Soomaaliya ay u sahleyso ganacsatada Soomaaliyeed ka mid noqoshada suuq weyn ay kaga faa’iideeystaan inay u iibgeeyaan badeecadahooda, iyadoo aan la canshuurin.

Shirka ayaa waxaa warbixinno ku saabsan heerarka kala duwan ee uu soo maray codsiga dowladda Soomaaliya, qaabka loo wajahayo wada xaajoodka iyo waxa ay ka qabsan karto Soomaaliya soo jeediyay Ergayga gaarka ah ee u qaabilsan Madaxweynaha Cabdisalaan Hadliye Cumar iyo La taliyaha Horumarinta Ganacsiga ee Ra’iisul Wasaaraha Cabdiqani Jaamac.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ugu dambeyn bogaadiyey shaqada ay qabteen Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha iyo saraakiisha kale ee kala shaqeeyay hawsha lagu guuleystay ee ku-biirista Soomaaliya ee Urur Gobolleedka Bariga Afrika (EAC).

Wiil Soomaali ah oo lagu dilay Jarmalka iyo mid la dhaawacay\

Wiil Soomaali ah oo lagu dilay Jarmalka iyo mid la dhaawacay

agaalada Dresden oo ku taala barriga dalka Jarmarlka waxa tareen dhexdiisa lagu diley wiil Soomaaliyeed, halka mid kalena uu dhaawac gaaray.

Weerearkan waxaa ku eedeysan, sida booliisku sheegeen, wiil kale oo Soomaali ah.

Booliiska magaaladaasi ayaa xaqiijiyey in wiilkan uu u dhintey dhaawac toorey ah oo qoorta iyo meel kale ka gaaray. Wiilka la dilay ayaa magaciisa la oran jirey Maxamed Cabdiraxmaan Faarax, oo ku magac dheeraa Eryato.

Jacfar Badeed Cabdillaahi, oo saaxiib dhow ay ahaayeen wiilka la diley, ayaa sida ay wax u dhaceen uga warramay wariyaha VOA ee qaaradda Yurub Cabdixafid Cawil Ismaaciil.

Erdogan oo war hor leh ka soo saaray damaca Sweden ay ku dooneyso inay kaga mid noqoto NATO

Erdogan oo war hor leh ka soo saaray damaca Sweden ay ku dooneyso inay kaga mid noqoto NATO

Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in dalkiisu uu taageeri doono qorshaha ay Sweden ku dooneyso inay kaga mid noqoto Nato haddii Midowga Yurub uu furo wadahadalka xubinimada dalkiisa.

Madaxweynaha ayaa sidookale ka digay inaan cidna ka sugin inuu tanaasul ka sameeyo dadaalka Sweden ee ku biirista NATO.

Gelinka dambe ee isniinta ayaa lagu wadaa inuu wadahadal la yeesho ra’iisul wasaaraha Sweden.

Erdogan ayaa is hortaagay codsiga Iswiidhan ee NATO tan iyo sanadkii hore. Waxa uu ka cabanayaa in ay ku guul darreysatay in ay wax ka qabato maleeshiyaadka Kurdiyiinta ee lagu tuhmayo in ay halkaas ku nool yihiin.

Ruushka oo ka xanaaqay tallaabo uu Turkigu qaaday

Ruushka ayaa ka falceliyay markii uu madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky uu dalka dib ugu soo celiyay shan taliye oo ku sugnaa Turkiga.

Taliyeyaasha oo Ruushku ku qabtay dagaalkii magaala xebeedka Mariupol ayuu Turkigu dhexdhexaadiyey sii deyntooda, waxayna tan iyo markaas ku sugnaayeen gudaha Turkiga.

Ruushka ayaa sheegay in heshiisku ahaa in ay taliyeyaashani ku sugnaadaan Turkiga tan iyo inta uu dagaalku ka dhamaanayo.

Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa sheegay in Turkigu ku xadgudbay heshiiska wuxuuuna yiri, “cidi nama ogeysiin sii deynta,” iyo in sida heshiisku ahaa loo baahnaa in taliyeyaashani ku sugnaadaan Turkiga.

Sidaas ay tahay wuxuu sheegay in Turkiga uu cadaadis saaran yahay oo NATO ay ku hayso, si Turkigu u muujiyo damqasho iyo taageero uu u hayo Ukraine.

Madaxweyne Zelensky ayaa dhankiisa sheegay in uu dalka dib ugu soo laabtay kadib booqasho uu ku tagay dalka Turkiga isaga iyo shan taliye oo u dhashay dalka Ukraine oo uu Ruushku qabtay kadib go’doomintii Mariupol bishii May ee sanadkii hore.

Taliyeyaasha oo muddo toddobaadyo ah ku jiray kanaal hoos yimaada warshadda Azovstal ayaa loo wareejiyay Turkiga iyada oo la raacayo maxbuus isdhaafsi oo ay dhexdhexaadisay Ankara bishii Sebtembar.

Sawir la arkay ayaa muujinaya Mr Zelensky iyo ragga diyaaradda la saarnaa.

Xaaladda imaatinkooda ma cadda maadaama heshiiskii asalka ahaa uu ku qasbayey inay sii joogaan Turkiga.Article share tools

Guryaha madaxda ha laga bilaabo la dagaalanka musuq maasaqa

Maalmahan waxaa socotay la dagaalanka musuqmaasuqa oo ay waddeen Madaxweeyne Xasan Shiikh iyo Ra’iisal Wasaare Xamse Barre. Hase ahaatee, musuqmaasuqa ka jira dalka Soomaaliya ayaa ah mid uu ka billowdo madaxda sare, meesha uu ku dhammaado shaqaalaha hoose. 

Hadaba, waxaa wax lala yaaba ah in Madaxweeyne Xasan oo musuqmaasuq kan ugu xun gacmaha kulla jira uu maanta ummadda Soomaaliyeed ka dhaadhiciyo inuu musuqmaasuqa la dagaalamayo.

Soomaali hadaanu nahay guud ahaanteen, waxaan u haysanaa musuqmaasuqa in uu yahay oo kaliya lacagaha la dhaco, balse musuqmaasuqa waxa uu ka koobanyahay qeeybo badan oo ay ka mid yihiin:

Laaluush in aad bixisid si wixii aad u baahneeyd laguugu dhameeyo;

Lunsasho hanti laguu dhiibay sida daawo, raashin, hub, iyo wax kasta oo agab ah;

shaqaalaha oo aad lacag weeydiisato si aad u dalacsiisid ama dumarka shaqaalaha ah oo aad jirkooda weeydiisato si waxa ay rabbaan aad uga badalato;

Shirkad aad u shaqeeyso oo aad siraheedii ka iibsato sida alaab cusub oo ay shirkadaas soo saari lahayd ama fikrado cusub oo ganacsi oo shirkaddu ay faa’iido badan ka sammeeyn lahayd oo aad  shirkadaha loolanka uu kalla dhaxeeyo aad u gudbiso adiga oo lacag ku badalanaya;

Adoo madaxweeyne ah ama wasiir ah ayaa shirkado shisheeye waxaad u sahleeysaa in danta ay dalkaaga ka leeyihiin ha noqoto mid wanaagsan ama mid xun, sida shidaal baarid, dekkedaha iyo garoomada diyaaradaha oo aad ku wareejiso, inaad saldhig militari aad u ogolaato ineey dalkaaga ka sameeystaan, qandaraasyo kale oo aad iyaga u xidho ama wasaqda warshadaha in lagu aaso badaada ama berigaaga taasoo qofkii la siinayo mallaayiin doolar;

Waxaa ka mid ah inaad hadiyaddo qaali ah aad qof siisid, dalxiis qaali ah oo aad ka bixiso iyo wixii la mid ah si aad uga hesho waxa aad ka rabto qofkaas.

Waxaa kalloo ka mid ah musuqmaasuqa in aad Eex sameeyso sida shaqo aad u magacawdo wiilkaaga, gabadhaada, dadka qarabadaada ah, saaxiibadaada, saaxiibadaada saaxiibadood, iyada oo aad daaqada ka soo gellinayso shaqsiyaadkii, meesha dadkii kale ay saf ugu jiraan albaabka oo ay sugayaan shaqo si ay ugu tartamaan. 

Waxaa Madaxweeyne Xasan Shiikh uu meelo badan oo ka mid ah hay’adaha dawladda uu u magacaabay reerkiisa iyo saaxiibadiisa, iyadoo dhammaantood aysan soo marin dariiqa tooska ah. Xasan Shiikh waxa uu u haystaa musuqmaasuqa in uu yahay oo kalliya lacag la dhaco.

Si kastaba, ha ahaato, musuqmaasuqa waa qeeybo badan yahay, marka qofka doonaya inuu musuqmaasuqa la dagaalamo waa in marka hore uu isaga ka madaxbannaan yahay musuqa, balse qof gurigiisa uu musuq miiran yahay, waxa uu waddaa waa sheeko baraleey iyo indho sarcaadin.

Wasiir is casil sidaas ayaa sharaftaadu ku jirtaa

Wasiirka Maaaliyadda, Cilmi Maxamuud Nuur, ayaa dhawaan shaqo joojin ku sameeyay xisaabiyaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Agaasimaha Guud ee Dakhliga. Hadaba xisaabiyaha Guud ayaa lagu eedeeyay in uu curyaamiyey kharash bixinta waqtiyaysneed, daminta nidaamka SFMIS oo ay ku shaqeeyaan waaxda caanshuuraha iyo dabcan isaga oo waxaas oo qalad ah inta uu sameeyay dabaddeedna iska aaday dalxiis dibbadda ah.

Hase ahaatee, waxaa ka hor yimid Madaxweeyne Xasan Shiikh oo raggaas ay jamaaco yihiin, waxaana wasiirka lagu qasbay in raggaas uu boosaskooda ku soo cesho. Hadaba, shacabka Soomaaliyeed waxa ay fillayeen in Wasiirka Maaliyadda Cilmi Maxamuud Nuur uu iska casili doono xilkaas, sida safiirkii u fadhiyey Sacuudiga dalka Soomaaliya, kaas oo u dulqaadan waayey habdhaqanka reer Cullusoow.   

Waa la filayey in wasiirka maaliyadda laga qaadi doono xilka goor ay noqotaba maadaama uu soo faragashtay Xasan Shiikh jamaacadiisa, balse waxaa muuqata in dhaqso la isku dhaafiyey.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa muuqata in wasiiradda dhammaantood aysan ahayn kuwo shaqadooda u madaxbannaan, labbo mid ayeey noqoneeysaa in qofka wasiirka ah uu u hoggaansamo waxa madaxweeynaha uu doonayo iyo in uu xilka iska casilo. Dalka ayaa muuqata in uu ku socdo meel aan wanaagsanayn, waxaana la filayaa hoos u dhac aad u weeyn oo ah dhinaca dawladnimada.