Dhismaha London caanka ka ah ee masjidka laga dhigayo

Dhismaha London caanka ka ah ee masjidka laga dhigayo

Bilyaneer reer London ah ayaa helay ogolaansho uu ugu baddalo qayb ka mid ah dhismaha caanka ah ee Trocadero ee ku yaal bartamaha magaalada London masaajid iyo xarun islaami ah.

Maalqabeenka Asif Casiis oo asal ahaan aka soo jeeda Malawi, ahna56 jir, ayaa ku iibsaday dhismahan caanka ah in ka badan $287.7 milyan oo doolar sanadkii 2005-tii, wuxuuna joojiyay qorshe uu ugu beddelayo masaajid qaadi kara 1,000 qof sanadkii 2020 ka dib cabasho ka timid kooxaha midigta fog iyo qaar ka mid ah dadka deegaanka.

Xildhibaanka Matthew Green, oo xubin ka ahaa golaha wasiirada ee ganacsiga iyo qorsheynta, ayaa yiri xilligas: “Waxaan kuwan u aragnaa cunsuriyiin, hadalada naceybka ah inay yihiin kuwo aad looga soo horjeedo, waxaanuna mar walba u dhaqaaqi doonnaa sidii loo hubin lahaa in sida ugu dhaqsaha badan hoos loogu dhigo.”

Wararka ayaa sheegaya in la filayo in dhowr bilood gudahood lagu daah furo masjidka.

Hay’adda gargaarka ee Aziz oo uu aasaasay Asif Aziz ayaa dooneysa in masaajidku u adeego dalxiisayaasha iyo muslimiinta ka shaqeeya aagga uu masjidku ku yaal.

Dhismahan ayaa markii u horeysay la furay sannadkii 1896, waxaana laga dhigay makhaayad ka hor inta aan la xirin markii ugu horreysay sannadkii 1965, balse waxa loo rogay meel lagu soo bandhigo alaabta sannadkii 1984-kii, waxay sidan u ahayd shirkadaha Pepsi iyo Sega. 1997 waxay noqotay hoyga shineemadii 3D IMAX ee ugu horeysay oo laga hor geliyo Ingiriiska.

Afaafka hore ee dhismaha Trocandero
Qoraalka sawirka,Afaafka hore ee dhismaha Trocandero

Waxaa dib loo yareeyay sannadkii 2011, waxaana qeyb ka mid ah dhismaha dib loogu furay hoteel ahaan saddex sano ka hor.

Shirkadda Asif ee Criterion Captital ayaa ku faanta 15 dhismo ganacsi oo ku yaal Galbeedka London, Docklands iyo Croydon, iyadoo Mr Aziz uu leeyahay oo maamulayo faylalka hantida £3.6bilyan ee magaalada London iyo Koonfurta Bari ee England.

Sanadihii la soo dhaafay, dambiyada nacaybka ka dhanka ah Muslimiinta ayaa ku soo badanayay gudaha Boqortooyada Ingiriiska, waana sababta keentay in dhismahan masjid weyn loo badalo sida qorshuhu ahaa.

Sannadkii 2022 oo keliya, tirada dembiyada nacaybka diineed ee ay booliisku diiwaangeliyeen ee lagu bartilmaameedsaday Muslimiinta waxay ahayd 3,459, taasoo ah koror 42% ah marka loo eego sannadkii ka horreeyay.

Dhismeyaasha qadiimka ah iyo kiniisadaha ayaa ah wax aan cusbayn in ay muslimiintu iibsadaan isla markaana masjid laga dhiso. Tusaale, Sannadkii 2007, Maamulka magaalo ku taalla isla Ingiriiska ayaa u codeeyay in kaniisad hore laga dhigo masjid.

Codka Golaha deegaanka Clitheroe oo ahaa mid aad isugu dhow ayaa dhaliyay in meeshaas lagu soo afjaro muran qaraaraa oo aad u dheeraa, wuxuuna suurageliyay in Muslimiinta laga badan yahay ay helaan meel ay ku cibaadeystaan.

Dhismaha wuxuu ahaa kaniisad Methodist ah, sidoo kale, muddo 40 sano ah wuxuu ahaa warshad ka dib markii la waayay dad ku cibaadeysta.

Arrintaas waxaa Muslimiinta ku hoggaaminayay nin asal ahaan ka soo jeeda Pakistan oo lagu magacaabay Sheraz Arshad, wuxuuna sheegay in Muslimiinta ay cod ku leeyihiin in dhismaha Kaniisadda ee la iska xiray ay ka dhigtaan xarun cibaado.

Xilligaas oo uu soo baxayay go’aanka, waxay Muslimiinta ku noolaa deegaankaas ahaayeen illaa 300, balse hadda aad ayey u sii bateen.

Muxuu kaga Jawaabay Wasiirka Caafimaad Xukuumada Fedraalka Suaalo aad ukulul

Muxuu kaga Jawaabay Wasiirka Caafimaad Xukuumada Fedraalka Suaalo aad ukulul oo ay weydiiyeen Guddiga Arimaha Bulshada Barlamaanka?1. Maxaase ka jira in wasaaradda Caafimaadka la shaqeeyaan lataliyaal ajaanib ah oo qaata 18kun ilaa 20kun oo dollar halka wiilka Soomaaliyeed ee wasaaradaasi kamid ah uu Rajo suge mushaar yahay ?2. yey tahay cida awooda u leh in shaqaalo ay u qaadato wasaaradda Caafimaadka?

Wasaaradda Reerkayga ayaa u joogaa

RW Soomaaliya Xamse Cabdi oo dhowaan sheegay in laga guurayo 4.5 oo loo guurayo maxaa taqaan oo xitaa haddii shan walaalo ah ay aqoon ku helaan Agaasimayaal ay tahay wax sax ah,

Wasiirkiisa Ganacsiga oo dhowaan shaqaalaysiiyey Habaryartii iyo Dumaashidii ayaa isaguna u hadlay si ka duwan sidii Raisul wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi oo sheegay inuu ” Wasaaradda u joogo qaraabadiisa oo aanu ka liidan Madaxweyne Xasan Culusoow

Ajaaniib u socotay Al-Shabaab oo dhexda laga qabtay

Ajaaniib u socotay Al-Shabaab oo dhexda laga qabtay

Sida ay ku warrantay mid kamida warbaahinta maxalliga ah ee Kenya laamaha amaanka dalka ayaa shaaca ka qaaday in magaalada Mooyaale ay ku qabteen labo nin oo ajaaniib ah oo u socday in ku biiraan kooxda Al-Shabaab.

Labada nin ee gacanta lagu dhigay ayaa la sheegay in lagu kala magacaabo Cabdiraxmaan Shaffi Mkwatili oo 25 jir ah iyo Sadam Jafari Kitia oo 30 jir ah.

Xog kale oo la helay ayaa sheegeysa in labada nin ay ku wajahnaayeen Magaalada Jilib iyagoo kasoo socdaalay dalka Tanzania.

Eedaysanayaashu waxay daaha ka qaadeen inay u socdeen Soomaaliya si ay ugu biiraan Al-Shabaab.

Wararku waxa ay intaa ku darayaan in xarigga ragga gacanta lagu dhigay uu ku soo beegmayo laba todobaad kadib saddex muwaadin oo u dhashay dalka Tanzania laga soo qabtay isla deegaanka.

Muwaadin u dhashay dalka Uganda ayaa sidoo kale dhawaan lagu xiray magaalada Liboi, isagoo ku sii jeeday Soomaaliya, iyadoo booliisku ay sheegeen in arrintan ay ku suuragashay kadib markii ay iska kaashadeen laamaha ammaanka iyo bulshada.

Laamaha ammaanka ayaa sidoo kale digniin u jeediyay howl wadeennada gaadiidka dadweynaha inay ka digtoonaadaan oo ay la wadaagaan xog kasta oo ku saabsan dhaq-dhaqaaqa ajaanibta ay ka shakiyaan.Article share tools

Soomaaliya yay la cayaari doontaa is-reebreebka Koobka Adduunka ee 2026?

Soomaaliya yay la cayaari doontaa is-reebreebka Koobka Adduunka ee 2026?

Waxaa la sameeyey isku aadka is-reebreebka Koobka Adduunka, kaas oo qabsoomi doona sannadka 2026-ka.

Is-reebreebkan aya qorshuhu yahay in laga soo xulo tobanka waddan ee Afrika ku metelaya Koobkaas.

Soomaaliya markaan eegno, waxay ku jirtaa Group G, waxayna la cayaari doontaa wadamada kala ah: Algeria, Guinea, Uganda, Mozambique, Botswana.

Kulmada ugu horreeya ee guruubyada ayaa la cayaari doonaa inta u dhaxaysa 13-ka ilaa 21-ka bisha Novembar halka kulamada ugu dambeeyana la cayaari doono inta u dhaxaysa 6-da ilaa 14-ka bisha Oktoobar ee sanadka 2025-ka.

Jabuuti ayaa iyaduna ku jirta Group A, waxayna ku aadantahay waddamada kala ah Masar, Burkina Faso, Guinea-Bissau, Sierra Leone iyo Itoobiya. Waxayna haatan bilowday diyaargarowga kulamadaas.

Isku aadka is reebreebka koobka adduunka 2026

Isku aadka is reebreebka koobka adduunka 2026 ee dalalka Afrika oo la sameeyay.

Magaalada Abidjan ee dalka Ivory coast ayaa lagu sameeyay isku aadka dalalka Afrika ee is reeb reebka koobka aduunka ee 2026, waxaana Soomaaliya ay gashay group-ka G.

Ciyaarahaan ayaa socon doona muddo ku dhaw 2 sano waxaana dal kasta oo Afrika ah uu dheeli doonaa 10 ciyaarood.

Soomaaliya sanadkan waxay fursad weyn u heysataa ka qeyb galka koobka Adduunka ee 2026.

Museveni oo madaxweyne hore ku eedeeyey inuu gabbaad siiyey Daacish

Museveni oo madaxweyne hore ku eedeeyey inuu gabbaad siiyey Daacish

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa ku eedeeyay hoggaamiyihii hore ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Joseph Kabila, in uu gabbaad siiyay maleeshiyada Daacish, una ogolaaday in ay ka faa’iideystaan macdanta iyo alwaaxda, ayna dhaqaalaha ay ka heleen u adeegsadeen inay ku dhisaan awooddooda.

Jabhad horey fadhigeedu u ahaa Uganda, Allied Democratic Forces (ADF), oo baayaco la gashay Daacish 2019, ayaa muddo sanado ah ka howl-galeysay kaymaha dalka deriska ah ee Congo, ayada oo fulineysa dilal ka dhan ah ciidamada ammaanka iyo shacabka.

Bishii tagtay, dagaal-yahannada kooxda ayaa usoo gudbay xuduudda Uganda, waxayna weerareen iskuul ayaga oo xasuuqa 42 qof, oo badankood ahaa caruur. Qaarkood ayaa nolosha lagu gubay.

Museveni ayaa weerarka kusoo hadal qaaday khudbad uu jeediyey Khamiistii, wuxuuna sheegay in ADF ay awood u yeelatay inay is ballaariso oo saldhigyo ay ka sameysato bariga Congo, xilligii dowladdii Kabila.

“Dowladda Uganda ee mudane Kabila, oo ay taageerayaan jilayeel gobolka iyo dibedda ah, ayaa deganaansho bilaash ah ku siisay Waqooyiga Kivu iyo Ituri,” ayuu yiri Museveni oo tixraacaya gobollo ka mid ah Congo.

“Waxay qodayeen macdanta, iibinayeen alwaaxda, guranayeen miraha qaxwada, ururinayeen canshuurta, lacag baad ah ka qaadanayeen dadka, iwm. Si tartiib ay u korayeen ayaga oo lacag haysta.”

Kabila ayaa ahaa madaxweynaha Congo 2001 illaa 2019.

Sanaddii 2021, Uganda oo fasax ka haysata hoggaamiyaha Congo, Felix Tshisekedi, ayaa howlgal militari la billowday ciidamada Congo si la isugu dayo in laga adkaado maleeshiyada.

Howlgalka, ayuu yiri Museveni, wuxuu si guul leh u burburiyey inta badan xeryihii ADF islamarkaana mucaaradka ayaa u kala jabay kooxo yar yar oo ay adag tahay in la qabto, kuwaas oo si dhuumasho ah kusoo gala Uganda kana fuliya weeraro ka dhan ah shacabka.

“Si deg deg ah ayaan u wiiqnay awooddooda waxaana hadda … ay u qaxeen meel ka baxsan xadka ay nooga suu dhuuman karaan,” ayuu yiri.

Si kastaba Khubarada QM ayaa sheegay bishii tagtay in ADF ay ballaarineyso howlgalladeeda Congo ayada oo maal-gelin ka haysata Daacish inkasta oo uu socdo howlgal ka dhan ah oo ay wadaan ciidamada Uganda iyo Congo.