26th July 2024  admin  Category :

Dhismaha London caanka ka ah ee masjidka laga dhigayo

Bilyaneer reer London ah ayaa helay ogolaansho uu ugu baddalo qayb ka mid ah dhismaha caanka ah ee Trocadero ee ku yaal bartamaha magaalada London masaajid iyo xarun islaami ah.

Maalqabeenka Asif Casiis oo asal ahaan aka soo jeeda Malawi, ahna56 jir, ayaa ku iibsaday dhismahan caanka ah in ka badan $287.7 milyan oo doolar sanadkii 2005-tii, wuxuuna joojiyay qorshe uu ugu beddelayo masaajid qaadi kara 1,000 qof sanadkii 2020 ka dib cabasho ka timid kooxaha midigta fog iyo qaar ka mid ah dadka deegaanka.

Xildhibaanka Matthew Green, oo xubin ka ahaa golaha wasiirada ee ganacsiga iyo qorsheynta, ayaa yiri xilligas: “Waxaan kuwan u aragnaa cunsuriyiin, hadalada naceybka ah inay yihiin kuwo aad looga soo horjeedo, waxaanuna mar walba u dhaqaaqi doonnaa sidii loo hubin lahaa in sida ugu dhaqsaha badan hoos loogu dhigo.”

Wararka ayaa sheegaya in la filayo in dhowr bilood gudahood lagu daah furo masjidka.

Hay’adda gargaarka ee Aziz oo uu aasaasay Asif Aziz ayaa dooneysa in masaajidku u adeego dalxiisayaasha iyo muslimiinta ka shaqeeya aagga uu masjidku ku yaal.

Dhismahan ayaa markii u horeysay la furay sannadkii 1896, waxaana laga dhigay makhaayad ka hor inta aan la xirin markii ugu horreysay sannadkii 1965, balse waxa loo rogay meel lagu soo bandhigo alaabta sannadkii 1984-kii, waxay sidan u ahayd shirkadaha Pepsi iyo Sega. 1997 waxay noqotay hoyga shineemadii 3D IMAX ee ugu horeysay oo laga hor geliyo Ingiriiska.

Afaafka hore ee dhismaha Trocandero
Qoraalka sawirka,Afaafka hore ee dhismaha Trocandero

Waxaa dib loo yareeyay sannadkii 2011, waxaana qeyb ka mid ah dhismaha dib loogu furay hoteel ahaan saddex sano ka hor.

Shirkadda Asif ee Criterion Captital ayaa ku faanta 15 dhismo ganacsi oo ku yaal Galbeedka London, Docklands iyo Croydon, iyadoo Mr Aziz uu leeyahay oo maamulayo faylalka hantida £3.6bilyan ee magaalada London iyo Koonfurta Bari ee England.

Sanadihii la soo dhaafay, dambiyada nacaybka ka dhanka ah Muslimiinta ayaa ku soo badanayay gudaha Boqortooyada Ingiriiska, waana sababta keentay in dhismahan masjid weyn loo badalo sida qorshuhu ahaa.

Sannadkii 2022 oo keliya, tirada dembiyada nacaybka diineed ee ay booliisku diiwaangeliyeen ee lagu bartilmaameedsaday Muslimiinta waxay ahayd 3,459, taasoo ah koror 42% ah marka loo eego sannadkii ka horreeyay.

Dhismeyaasha qadiimka ah iyo kiniisadaha ayaa ah wax aan cusbayn in ay muslimiintu iibsadaan isla markaana masjid laga dhiso. Tusaale, Sannadkii 2007, Maamulka magaalo ku taalla isla Ingiriiska ayaa u codeeyay in kaniisad hore laga dhigo masjid.

Codka Golaha deegaanka Clitheroe oo ahaa mid aad isugu dhow ayaa dhaliyay in meeshaas lagu soo afjaro muran qaraaraa oo aad u dheeraa, wuxuuna suurageliyay in Muslimiinta laga badan yahay ay helaan meel ay ku cibaadeystaan.

Dhismaha wuxuu ahaa kaniisad Methodist ah, sidoo kale, muddo 40 sano ah wuxuu ahaa warshad ka dib markii la waayay dad ku cibaadeysta.

Arrintaas waxaa Muslimiinta ku hoggaaminayay nin asal ahaan ka soo jeeda Pakistan oo lagu magacaabay Sheraz Arshad, wuxuuna sheegay in Muslimiinta ay cod ku leeyihiin in dhismaha Kaniisadda ee la iska xiray ay ka dhigtaan xarun cibaado.

Xilligaas oo uu soo baxayay go’aanka, waxay Muslimiinta ku noolaa deegaankaas ahaayeen illaa 300, balse hadda aad ayey u sii bateen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*