Laba qof oo mudaaharaadayaal ah ayaa horraantii Isniinta ee maanta safaaradda Ciraaq ee caasimadda dalka Denmark ku hor gubay nuqul ka mid ah kitaabka Quraanka Kariimka, tan oo sii xumeyn karta xiriirka u dhexeeya labada dal.
Labadan shakhsi ayaa ka socday koox isku magacawday “Wadaniyiinta Denmark”, kuwaas oo sameeyay mudaharaad kan la mid ah toddobaadkii hore, isla markaana si toos ah falalkooda uga tabinayey Facebook-ga.
Qabanqaabiyaha banaanbaxa maanta ka dhacay magaalada Copenhagen ayaa ku tumanayey kitaabka qur’aanka kariimka ah dabna qabadsiiyey, wuxuuna sidoo kale goobta ku gibay calanka Ciraaq.
Wakaaladda wararka ee Ciraaq (INA) oo soo xiganaysa wasaarada arimaha dibada dalka Ciraaq ayaa sheegtay in dowlada Ciraaq ay cambaareysay talaabadii Quraan gubista ee Isniintaka dhacday safaarada ay Ciraaq ku leedahay dalka Denmark.
Wasaaraddu waxay ugu baaqday mas’uuliyiinta dalalka Midowga Yurub inay “si dhakhso ah dib u eegis ku sameeyaan waxa ay ugu yeeraan xorriyadda hadalka iyo xuquuqda banaanbaxa,” wakaaladda wararka INA ayaa sidaasi sheegtay.
Mudaaharaadyo ayaa ka dhacay guud ahaan Iiraan iyo Ciraaq kadib markii Denmark iyo Sweden ay oggolaadeen in la gubo Qur’aanka kariimka ah iyagoo raacaya xeerar dhowraya xorriyatul qawlka.
Mudaaharaadayaal ka socda dalka Ciraaq ayaa Khamiistii dab qabadsiiyay safaaradda Sweden ee Baqdaad.
Qaar ka mid ah xubnaha Puntland ee ku metala dawladda federaalka oo ku socday magaalada Garoowe ayaa loo diiday in ay ka soo dhoofaan magaalada Muqdisho kadib markii uu amar ka yimid maamulka Puntland. Xubnahan ayaa sheegay in caana shub suldaan ay doonayeen ineey kaga qeeyb gallaan Garoowe.
Warrar dheeraada ayaa ka soo baxaya qarax saaka ka dhacay gudaha xero ku taalla kuliyadda Jaale Siyaad ee magaalada Muqdisho.
Illo wareedyo ka tirsan Milatariga Soomaaliya ayaa BBC-da u sheegay in 25 askari ay dhinteen kaddib markii nin isku soo xiray walxaha qarxa uu isku qarxiyay ciidanka oo saf ku jira.
Dhawr iyo afartan kale ayaa la sheegay inay dhaawacmeen kuwaas oo loo kala qaaday isbitaalo ku yaala Muqdisho.
Ninka is qarxiyay ayaa xirnaa dareeska ciidanka, isagoo gudaha xerada ku galay aqoonsi been abuura sida il wareed ka tirsan Miltariga oo aan doonayn in magaciisa la sheego uu BBC-da u sheegay.
War saxaafadeed ka soo baxay Alshabaab ayaa lagu sheegay in ninka is qarxiyay uu dilay 73 askari, isla markaana uu dhaawacay 124 kale, in kastoo cid madaxbannaan oo xaqiijisay sheegashadaasi aanay jirin.
Illaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay miltariga Soomaaliya oo ka hadlaya sida xerada kuliyadda Jaale Siyaad ay wax uga dhaceen iyo tirada khasaaraha ciidanka ka soo gaaray qaraxa lala beegsaday.
Elsie, waa Haween Ingiriis ah, oo 105 jir ah, oo nolosheeda oo dhan ku noolayd hal Guri. Gurigan si kale kuma garatide waxay ku noolayd xilligii Daraawiishtu ay ka dagalamaysay Soomaaliya
Ergeyga Madaxweynaha ee Arrimaha Isaaq oo kulan la qaatay Ururrada bulshada Rayidka
Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha beelaha Isaaq Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa kulamo wadatashi ah la qaatay qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka iyo Odayaasha Dhaqanka ee ka soo jeeda deegaannada Dowlad Goboleedka Koofur galbeed.
Kulankaasi waxaa dhinacyadii ka qeybgalay ay isku dhaafsadeen tallooyin ku saabsan habka sooyaalka wadahadallada iyo muhiimadda ay ugu fadhiyaan Umadda Soomaaliyeed.
Ergayga ayaa xubnahaasi ka dhageystay arragtida iyo fikradaha ay ka qabaan dib u billaabidda hanaanka Wadahalka DFS iyo Somaliland iyo hannaanka ugu haboon ee loo mari karo.
Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha beelaha Isaaq Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa ururada bulshada iyo odoyaasha dhaqanka uga warbixiyay sida ay lagama maarmaanka u tahay hirgalinta qorshaha wadahallada DFS iyo maamulka Somaliland.
Muxuu yahay erayga ku qoran baasaboorka Soomaaliya ee muranka dhaliyey?
“Bal waxaad is weydiisaan dowladda Soomaaliya iyo Soomaali, meesha ‘sex’ maxay uga guureen oo ay ‘Gender’ u qaateen,” su’aashan waxaa dad uu ka hor hadlayey usoo bandhigay Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo dood ka qaba eray bixinta ‘gender’ oo ku qoran baasaboorka Soomaaliga.
Baasaboorrada ay dowladuhu u sameeyaan muwaadiniintooda si ay ugu safraan iyo aqoonsiyada ayaa waxaa ku qoran eray bixinno lagu aqoonsado xogta qofka wata, sida taariikhda dhalashada iyo halka uu ku dhashay qofku.
Xogtu waxay gaar u tahay qofka wata aqoonsiga lamana turjumo, balse tusmooyinka sida erayada ‘magaca’, “taariikhda dhalashada’ iyo ‘halka laga bixiyey’ aqoonsiga ayaa lagu turjumaa luuqad kale oo badanaa ah mid ama qaar ka mid ah kuwa caalamiga ah sida Carabiga iyo Ingiriiska.
Baasaboorka Soomaaligu wuxuu ka mid yahay kuwa eray bixintooda lagu turjumo laba luuqadood oo aan af Soomaaliga ahayn, kuwaas oo kala ah Carabi iyo Ingiriis.
Haddaba waxaa muran dhaliyey turjumada afka Ingiriiska ee lagu turjumay eray ka mid ah kuwa ku qoran baasaboorka soomaaliga, waana erayga “jinsiga” oo loola jeedo lab ama dheddig midka uu yahay qofka wata aqoonsiga.
Sheekha ayaa ku tilmaamay wax laga fiican yahay xulushada ereygaan marka loo dhaqan ahaa.
Aqoonsiyada la midka ah kan Soomaaliga ee lagu turjumo afka Ingiriiska iyo xitaa kuwa asal ahaan Ingiriisku u yahay afkooda hooyo, waxaa erayga jinsiga qofka ku qoran baasabooro badan oo Afrikan, Yurub iyo wadamo muslim ah ereyga ‘sex’ halka kan Soomaaliga uu ku qoran yahay ‘gender’.
Muxuu yahay farqiga u dhexeeya labada eray?
Sida ku cad qaamuusyada afka Ingiriiska iyo sidoo kale eray bixinnada dowladda ingiriiska, erayga ‘sex’ wuxuu tusmeynayaa kala duwanaanshaha jinsiga abuurka alle oo ku salaysan xubnaha taranka ee qofka iyo tusmada hidde sidaha oo afka sayniska loogu yeero (Chromosomes) taas oo ka dhigan in qofka uu noqon karo oo kaliya laba ama dheddig, inkasta oo ay jirto xaalad kale oo qofka laga wada helayo xubiniha jirka ee u gaarka ahaa labka iyo sidoo kale kuwii dheddigga.
Halka erayga ‘Gender’ uusan ku koobnayn jinsiga abuurka alle oo kaliya ee sidoo kale uu fursad siinayo qofku siduu isku arko, laba, dhadiga ma intaa wax dhaafsiisan, waana tan halka doodu ka dhalatay.
Qeexitaankan waxaan kasoo xigannay qaamuusyada afka Ingiriiska iyo sidoo kale eray bixinnada dowladda Ingiriiska oo iyadu muhiimad gooni ah siisay kala soocidda micnaha labada eray maadaama erayga ‘gender’ uu aqoonsanayo jinsiyo dheeri ka ah lab iyo dheddig ama waxa uu qofku isu aqoon sanayahy iyo sidoo kale waxa bulshadu u aqoonsan tahay.
Waxaa soo baxay dad su’aal geliyey haboonaanta eraygaas ee in uu ku qornaado baasaboorka Soomaaliga ah isaga oo leh micno ka duwan kan ‘sex’, waxaana u dambeeyay Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo baraha bulshada lagu arkay isaga oo dhaleecaynaya dowladda Soomaaliya kuna eedeynaya in ay u gogol xaareyso aqbalaadda wax ay diideen “dalal aan muslimiin ahayn”.
Xulashada eray bixinta
Maxaa loogu doortay eraygan in lagu qoro baasaboorka Soomaaliga ah?
Waxaa xusid mudan in aysan eraygan baasaboorkooda u isticmaalin qaar kamid ah dalalka afka Ingiriisku u yahay kan kowaad sida Boqortooyada Ingiriiska, Maraykanka Canada Autralia iyo Newzealnd, waxayna dhamaan baasaboorradooda u isticmaalaan erayga ‘sex’.
Sidoo kale dalalka Islaamka iyo kuwa Afrika ayaa iyaguna isticmaala erayga ‘sex’ oo aan isticmaalin ‘gender’ sida soomaalida marka ay eray bixinnada ku turjumayaan afka Ingiriiska.
Si kastaba ha ahatee baasaboorka Soomaaliga ayaa sameynayey kor u kac dhanka dalalka lagu safri karo dal-kugal la’aan iyo sidoo kale isaga oo hantay dalal cusub oo aqoonsada.
Soomaaliya ayaa qiimeyntii u dambeysay ee awoodda baasaboorada kaga jirta kaalinta sagaashan iyo sagaalad taas oo muujineysa in baasaboor Soomaaliga uu sare uga soo kacay maaddaamaa uu sannadkii hore ku jiray kaalinta 103.
Dhanka kale Baasaboor Soomaaliga ayaa waxaa lagu booqan karaa 35 dal oo uu qofka baasaboor Soomaaliga wata uu Visa ku qaadanayo garoonkooda halka markii hore ahayd 25 dal.
Waxaa ka hooseeya shan waddan oo kala ah Yemen, Pakistan, Suuriya, Ciraaq iyo Afghanistan.
Si guud baasaboor Soomaaliga ayaa ka mid ah kuwa ugu daciifsan caalamka, sida lagu muujiyay xogta sanadlaha ah ee ay soo saareen Passport Index iyo Henley oo ah shirkad kale oo qiimeysa sharciyada socdaalka.
Soomaaliya ayaa bilihii lasoo dhaafay xoojisay dadaalka ay ugu jirto ku biiritaanka waddamada xubnaha ka ah ururka Bariga Afrika ee magaciisa loo soo gaabiyo EAC, arrintaas oo haddii ay hirgasho suurtagal ka dhigi kara inuu xoogeysto baasaboorka Soomaaliya.
Waxaa jira dalal kale oo ay Soomaalida si fudud uga heli karaan oggolaanshaha gelitaanka, ka hor inta aysan safrin, kuwaasoo ay ka mid yihiin Angola iyo Sri Lanka.
Dadaallada diblamaasiyadeed ee Turkiga ayaa ku soo beegmaya xilli geeddi-socodkii nabadda ee Israel iyo Falastiin uu hakad ku jiro, ayada oo ay jiraan rabshadihii ugu xumaa ee sanado ka dhaca Daanta Galbeed ee la haysto.
Bishii April, isku dhacyo ayaa ka dhacay gudaha Masjidka Al-Aqsa ee magaalada Qudus, halkaasi oo booliska Israel ay kula dagaalameen Falastiiniyiinta.
Erdogan ayaa sheegay in Israel ay ka gudubtay “khadka cas”.
Hase yeeshee kadib dhowr sano oo xurguf ay dhaxeysay labada dal, xiriirka Turkiga iyo Israel ayaa soo hagaagayay sanadkii la soo dhaafay, iyadoo dhowr jeer ay dhaceen booqashooyin heer sare ah, oo ay ku jirto mid madaxweynaha Israel Isaac Herzog ku tegay Turkey.
Xiriirka ayaa xumaaday sanadkii 2010 kadib markii ciidamada Israel ay weerar culus ku qaadeen markabka Turkiga laga leeyahay ee Mavi Marmara, kaasi oo doonayay in uu gargaar gaarsiiyo marinka Gaza oo ay Israel go’doomisay ayna maamusho kooxda Xamas.
Bishii May 2018, Turkiga ayaa u yeeray safiirkii u joogay Tel Aviv, wuxuuna eryay safiirkii Israel ee Ankara kadib markii ciidammada Israel ay Gaza ku dileen ilaa 50 Falastiiniyiin ah.
Israel ayaa ku aargudatay inay cayrisay qunsulkii guud ee Turkiga u joogay Qudus.
Wasiirka Ganacsiga & Warshadaha ee dawladda Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji, wuxuu shalay inkiray in uu eheladiisa ka shaqo galiyey wasaaradda uu madax ka yahay & Hay’ada Taya Dhawrka, laakiin waxaan helnay xog meesha ka saaraysa sheegashada wasiirka Ganacsiga.
Gaylan Media waxay ogaatay in 9 qof oo shaqaale laga dhigay dhawaan ay dhammaan yihiin ehelo-hoosaadka wasiirka ganacsiga, iyadoo xataa shaqaaleysiintu gaartay xididka ama gacalka wasiirka Ganacsiga, sidaas oo kale waxaan dabagal ku haynaa galka 6 qof oo qaarkood u qeybsanayaal ganacsi oo safaarada lagu qoray.
1- Guuleed MaxamedRashid Aden (Agaasimaha waaxda Shahaadooyinka, waa Seediga wasiiirka iyo ina adeerkiis) 2- Cabdifitaax MaxamedRashiid Aden: waa seediga wasiirka, waxaa laga dhigay Shaqaale wasaaraded oo aan xaadirin. 3- Salwa MaxamedRashid Aden: waa dumaashida wasiirka, waxaana laga dhigay U qeybsanaha arrimaha Ganacsiga ee Safaarada dalka Cumaan ay Soomaaliya ku ledahay. 4- Isaaq Cabdirashiid Xaaji (Wasiirka walaalkiis, ku qoran darawal, Hay’adda Tayadhawrkana Lataliya sare ugu qoran). 5- Cabdirashiid Xaaji Cabdiladif (Madaxa Adeegyada Intarneedka, waana wasiirka Ina adeerkiis) 6- Cabdinaasir Nuur Ibraahim (waa Lataliye sare oo banaanka mushahaar ku qataa, waana qaraabada wasiirka) 7- Warsame Maxamed Abshir (Sarkaalka Shahaado bixinta Qaraabada wasiirka) 8- Cali Ibraahim Max’ed (Waardiye qaaska ah ee wasiirka, Lataliye kaga mushahaar qaata Hay’adda Tayadhawrka) 9- Cabdullaahi Abuukar Max’ed (Wasiirka walaalkiis, kuqoran Lataliye sare oo mushahaar labo dhinacle qaata).
Hay’adda Tayadhawrka, iyana waxaa laga shaqo galiyey 10 xubnood oo kamid ah ehelada Madaxweyne Xassan Sheekh, oo ay ku jiraan xubno aad ugu dhaw, iyadoo ay Hay’adda madax ka tahay Xaawo Axmed Xasan oo uu qabo wiilka Madaxweyne Xassan Sheekh.
#UPDATE: The Somali Minister of Trade & Industry, Jibril Abdirashid Haji, denied allegations yesterday of employing his relatives in the ministry he oversees and the Somali Bureau of Standards. However, we have received information that contradicts the Minister's claims.
Imaaraadka iyo Turkey oo saxiixday heshiisyo ku kacaya $50.7 bilyan
Turkey iyo Imaaraadka Carabta ayaa saxiixday heshiisyo ku kacaya $50.7 bilyan ayada oo madaxweyne Erdogan uu soo geba-gebeeyey safar uu ku maray saddex dal oo ku yaalla Khaliijka.
“Maanta waxaan goobjoog noqonay saxiixyada dhowr heshiis oo istaraatijiyadeed iyo is-faham oo ku kacaya lacag dhan $50.7 bilyan si loo sii xoojiyo xiriirka Imaaraadka iyo Turkey,” Waxaa sidaas Arbacadii Twitter kusoo qoray wasiirka maaliyadda Turkey Mehmet Simsek.
Madaxweyne Erdogan ayaa booqasho ku tagay Sacuudiga, Qatar iyo Imaaraadka Talaadadii iyo Arbacadii, isaga oo fursado ganacsi iyo maalgashi u raadinaya dhaqaalaha liicaya ee Turkey.
Sicir-bararka Turkey ayaa bishii tagtay ahaa 38%, taasi oo ka yar heerkii October ee 85%, halka nusqaanka miisaaniyadda dowladda uu gaaray $8.37 bilyan bishii June, taasi oo toddoba jeer ka badan heerkii uu ahaa sanad ka hor.
Ankara ayaa dib u hagaajisay xiriirka Riyadh iyo Abu Dhabi labadii sano ee tegay kadib khilaaf 10 sano ka badan kala dhaxeeyey dalalkan Carbeed.
Timothy Ash, oo ah fallanqeeye suuqyada soo koraya oo ka tirsan shirkadda BlueBay Asset Management ee London, ayaa sheegay in heshiisyadu ay ka dhigan yihiin “xiriir cusub oo istaraatiijiyadeed oo u dhexeeya Turkiga iyo dalalka Khaliijka.”
Isaga oo ku qeexaya “guul dhab ah oo ay gaareen Erdogan iyo kooxdiisa,” Ash ayaa sheegay in ballan-qaadyada kale ee noocan ah ee ay ka heshay Sacuudi Carabiya, Qatar iyo Kuwait, ay caawin karaan Ankara xilli billowday dib u habeyn dhaqaale.
Isbarbardhiga mushaarka Askariga Soomaaliga ah iyo kan ATMIS iyo waxyaabaha kale ee ay isdheer yihiin
Dhamaadka sannadka dambe waxaa ku eg muddada joogitaanka ciidanka nabad ilaalinta midowga Afrika ee Soomaaliya. Dawladda Soomaaliya waxay iyana isku diyaarinaysay inay amniga la wareegto marka askariga ugu dambeeya ee ciidanka nabad ilaalinta uu dalka ka baxo.
Ciidanka ATMIS oo hore u ahaa hawlgalka AMISOM waxay Soomaaliya ku sugnaayeen tan iyo 2006, waxaana tiradii ugu badnayd ee ciidankaas ay gaartay 22,000 oo askari ka hor inta aan la bilaabin hawlgalka lagu dhimayo tirada askartaas badankood laga keenay Uganda, Burundi, Itoobiya iyo Jabuuti.
Labada kun ee askari ee ATMIS ay dhintay ayaa markii la diray ka dib waxaa dawladda Soomaaliya lagu wareejiyey xeryo ku yaalla gobollada Shabeellooyinka iyo Gedo ee koofurta Soomaaliya kuwaasoo ay ciidankaas ka hawlgali jireen, waxayna kala yihiin Geriley, Marka Ayub, Jaziira 1, Cadale, Arbacow, Miirtaqwo, Xaaji Cali.
Qoraalka sawirka,Xoogga Dalka
Maamulka lacagta, Waddada ay soo marto iyo halka ay ka timaado
Sida laga soo xigtay mid ka mid ah wargeysyada gobolka ka soo baxa oo ah the East African Standard, golaha midowga Yurub wuxuu bishii Luulyo ee sannadkii hore ansixiyey lacag dheeraad ah oo gaaraysa 130 malyan oo doollar oo lagu darayo lacagihii loo aruuriyey hawlgalka AMISOM/ATMIS 2021.
Midowga Yurub wuxuu sheegay in dhaqaalaha ATMIS la siiyo uu ka yimaado komishanka Yurub, uuna gaaro komishanka Afrika, taasoo ah hay’adda lacagta loo sii mariyo dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya.
Weli waxaa adag in la xaqiijiyo sheegashada dawladda Soomaaliya ay sheegayso in mushaarkii ciidanka ATMIS lagu wareejinayo milateriga Soomaaliya, laakinse waxaa jira qorsheyaal ay waddamada galbeedku ku caawiyaan dhismaha ciidanka iyo sugidda amniga.
Xukuumadda Soomaaliya waxaa 2019 soo food saaray cadaadis kaga yimid beesha caalamka kaasoo la xiriiray in ay askarta mushaarkooda ku siiso xisaabaadka bankiyada, si aysan u dhicin in wax is daba marin la sameyo oo ciidanku ay waayaan lacagta ay helaan.
Waxaa kaloo isla xilligaas ay saraakiil ogaadeen kumanaan magacyo askareed ah oo aan jirin ama ciidanka mar hore ka tegey in ay weli ku jiraan liiska lacag bixinta.
Bixitaanka qaybta u horreysa ee ciidamada ATMIS ayaa kusoo beegmaysa xilli ay dawladda Soomaaliya sheegtay inay isu diyaarinayso wajigii labaad ee hawlgalkii ka dhanka ahaa