Golaha Wasiirada oo ansixiyay Hindise sharciyeedyo muhiim u ah dalka

Golaha Wasiirada oo ansixiyay Hindise sharciyeedyo muhiim u ah dalka 

Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka, Mudane Xasan Macallim Maxamuud Sheekh Cali ayaa looga hadley xaaladda amniga dalka, Isla markaana lagu ansixiyey hindise sharciyeedyo muhiim u ah dalka.

Golaha Wasiirada ayaa dhegestey warbixino ku saabsan guulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka soo hoyeen dagaalka lagula jiro Khawaarijta .

Golaha ayaa sidoo kale cambaareeyay weerarkii fuleynimada ahaa ee Khawaarijta ay ku beegsadeen Kuliyadda Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ee Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho. Waxaa uu Golaha tacsi u diray umadda Soomaaliyeed, qoysaskii iyo eheladii ay ka shahiideen geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka ee ku shahiiday weerarkaasi, iyagoo isla markaana Allah uga baryey inta dhaawacantey inuu Ilaahay deg-deg u caafiyo.

Golaha ayaa sidoo kale meel-mariyey Hindise Sharciyeedyada kala ah;

1. Hindise Sharciyeedka Xuquuqda Naafada Soomaaliyeed.

2. Hindise Sharciyeedka Hay’adda Adeegga Baaritaanka iyo Sharciyeeynta Beeraha Soomaaliyeed.

3. Hindise Sharciyeedka Xakameynta Kiimikooyinka Beeraha Soomaaliyeed.

4. Hindise Sharciyeedka Abuurka iyo Noocyada Dhir-beereedka.

5. Hindise Sharciyeedka Badbaadada Dhir-beereedka iyo Takoorka

Iyo Xeer Nidaamiyaha Cunaqabateynta Maaliyadeed ee Cayiman.

Madaxweyne Xasan oo la kulmay sarkaal sare oo Mareykan ah

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyada Maraykanka ee Arrimaha argagixisada iyo ka hortagga maalgelintooda Brian Nelson.

Sida lagu sheegay bayaan ay sii daysya Villa Somalia, madaxweynaha ayaa kulanka ku soo bandhigay tallaabooyinka dowladda Soomaaliya “ay ku wiiqday” dakhliga iyo dhaqaalaha argagixisada Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay “in xeerarka iyo shuruucda loo jideeyey cunaqabateynta maaliyadeed ee argagixisada iyo tallaabooyinka sirdoon ee lagu burburiyey ilaha-dhaqaale ee ay ku tiirsanaayeen argagixisadu, ay soo dedejisay guulaha laga gaaray furimaha dagaalka iyo xoreynta deegaannada ay ku dhibaateynayeen shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kala hadlay ku-xigeenka Xoghayaha Maaliyada Maraykanka ee Arrimaha argagixisada iyo ka hortagga maalgelintooda Brian Nelson iskaashiga Soomaaliya iyo Maraykanka ee cunaqabateynta maaliyadeed ee argagixisada.

Waxay sidoo kale isla soo qaadeen doorka ay Mareykanka ka qaadanayaan wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo hormarka laga sameeyay barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya.

Qoraalka ayaa intaas ku daray, in dhankiisana Brian Nelson uu sheegay in nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya ay aas-aas u tahay nabadda Gobolka iyo Adduunka, sidaas daradeed ay ka go’antahay dalkiisa in ay ka gacan siiyaan dowladda Soomaaliya ka hortaga lacagaha sharcidarada iyo la-dagaallanka argagixisada.

RA’IISUL WASAARE XAMSA OO MADAXWEYNAHA KENYA RUTO KALA HADLAY FUDUDEYNTA DAL-KU GALKA KENYA IYO CIRIBTIRKA KHAWAARIIJTA

RA’IISUL WASAARE XAMSA OO MADAXWEYNAHA KENYA RUTO KALA HADLAY FUDUDEYNTA DAL-KU GALKA KENYA IYO CIRIBTIRKA KHAWAARIIJTA

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaalada Dar es Salaam kulan gaar ah kula qaatay Madaxweynaha Kenya William Ruto, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dhinacyada amniga, ganacsiga iyo isu socodka labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa isla gartay ahmiyadda uu leeyahay dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaariijta, oo khatar ku ah guud ahaan amniga gobolka iyo dib u furista xuduudaha oo muhiim u ah isku socodka iyo ganacsiga labada dal.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa kala hadlay Madaxweyne Ruto fududeynta Dal-ku galka (visa) arrintaasi oo looga ballamay in lagu dhameystiro kulamo loo ballansan yahay labada dhinac.

Iyadoo laga duulaayo tayeynta iyo awood siinta da’yarta iyo kor u qaadida waxbarashada, ayaa Madaxweyne Ruto waxa uu ka aqbalay Ra’iisul Wasaaraha in dowladda Kenya ay noo tababarto 1000 macallin oo wax ka dhigi doona heerarka kala duwan ee waxbarashada Soomaaliya.

Ruushka oo Soomaaliya ka cafiyay lacag dhan $640 Milyan

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa ka qeyb galay munaasabad Dawladda Ruushku lacag dhan $640 Million kaga dhaaftay Dawladda Soomaaliyeed.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa Wasiir ku Xigeenka Maaliyadda Dalka Ruushka Mudane Timur Igorevich Maksimov la saxiixday heshiis ay Dawladda Ruushku kaga dhaaftay lacag dhan $ 640 million

Heshiiskan oo ka dhacay magaalada Saint Petersburg oo uu berri ka furmayo Shirwaynaha Afrika iyo Ruushka, ayaa lafdhabar u ah dhammaystirka geediga dayn cafiska Dalka.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaal8ya Mudane Saalax Axmed Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qaybgalaya shir madaxeedka Ruushka iyo Afrika.

Baarlamanka Puntland oo ansixiyey wax ka beddelka dastuurka

Baarlamanka Puntland oo ansixiyey wax ka beddelka dastuurka

Golaha Wakiilada Maamul Goboleedka Puntland ayaa meel-mariyey isbeddel lagu sameeyo dastuurka maamulkaas, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay golaha.

“Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa waxay cod aqlabiyad leh ku meelmariyeen ansixinta wax-ka-bedelka dastuurka Dawladda Puntland,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed uu soo saaray baarlamanka.

Kulanka ayaa waxaa fadhiyey 60 xildhibaan, waxaana go’aankan oggol ugu codeeyay 54 mudane, halka 6 ay diideen mana jirin cid ka aamustay, ayuu war-saxaafadeedka intaas ku daray.

Wax ka beddelka dastuurka, gaar ahaan qodobada quseeya arrimaha doorashooyinka, ayaa sabab u ahaa xiisad muddo ka taagneyd magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, oo dhowr mar horseedday gacan ka hadal.

Xildhibaannada ayaa cod aqlabiyad leh ku Ansixiyey wax-ka-bedelka Dastuurka.1- Qodobka 7-aad Dhulka iyo Soohdimaha

.2- Qodobka 44-aad Doorashooyinka.

3- Qodobka 46-aad Xisbiyada Siyaasadda.

4- Qodobka 47-aad Shuruudaha furashada Xisbiyadda.

5- Qodobka 56-aad Hanaanka Dawladda.

6-Qodobka 62-aad sababa lagu lumin karo xubinada Golaha Wakiillada.

7- Qodobka 64-aad Awoodaha Golaha Wakiillada.

8-Qodobka 89-aad ee qaab dhismeedka Garsoorka.

9-Qodobka 90-aad Maxkamadda sare.

10-Qodobka 110-aad Guddiga Doorashooyinka.11- Qodobka 113-aad Nidaamka Doorashada Guddiga.

Qiimaha Bariiska oo Kor u Kacay

Dawladda Hindiya ayaa dhawaan mamnuucday in dalkeeda laga dhoofiyo bariiska. Arrintan ayaa ka danbeesay kadib markii Ruushka uu joojiyey heshiiskii dhoofinta qamadiga Yukrayn, sidoo kalana Ruushka wuxuu billaabay in uu duqeeyo qamadigii la doonayey in dekkeddaha Yukrayn laga dhoofiyo.

Sidoo kale, dawladda Hindiya ayaa sheegtay sababta ay u mamnuucday dhoofinta bariiska ay tahay iyadoo roobabka ay saamayn ku yeesheen wax soo saarka bariiska. Hadaba, meelo badan oo caalamka ka mid ah oo ay ku jiraan shacabka Hindiya ayaa billabay ineey ku yaacaan dukaamada si bariis ay u kaydsadaan maadaama qiimaha uu kor u kacayo maalinba maalinta ka danbaysa.

Hindiya waxeey bariiska u dhoofisaa 140 dal, waxeeyna wax soo saarkeedu uu yahay boqolkiiba afartan 40% wax soo saarka bariiska ee adduunka. Wax soo saarka bariiska waxa xoog ku haysta qaaradda Aasiya sida Shiinaha, Hindiya, Taylaan, Indooniishiya, Fiitnaam, Bangaaladheesh, Fillibiinis, Burma iyo Bakistaan.

Hadaba, bariiska Hindiya iyo qamadiga Yukrayn joojintooda waxa ay saamayn wayn ku yeelaneeysaa dalal badan oo caalamka ah, gaar ahaana qaaradda Afrika oo iyagu ah kuwo ku tiirsan raashinka adduunka kalle laga soo saaro maadaama Afrika ay tahay meel aan xittaa ku filnaan karin ineey soo saarato raashinkii ay ku noollaan lahayd.

MEDIA ADVISORY: Under Secretary Brian Nelson to Travel to Kenya and Somalia

uly 24, 2023

WASHINGTON – From July 24 – 29, Under Secretary of the Treasury for Terrorism and Financial Intelligence Brian Nelson will travel to Nairobi, Kenya and Mogadishu, Somalia to underscore the U.S. commitment to strengthening financial connections with Africa. He will discuss strengthening anti-money laundering and countering the financing of terrorism (AML/CFT) frameworks and Treasury assistance for capacity-building in those areas; innovative solutions, including through fintech, to achieve safe financial inclusion given the negative impact of de-risking in Africa; combatting illegal wildlife trafficking; and enhancing partnerships to address regional security issues, with a focus on combatting ISIS and al-Shabaab, to combat the illicit flow of funds and goods fueling instability in the region. 

Under Secretary Nelson will also discuss Somalia’s progress toward debt relief this year under the HIPC framework, as well as the prolonged spillover effects in the region of Russia’s war against Ukraine. He will highlight the continued sanctions exemptions for food and agricultural transactions, including those highlighted in the recent U.S.-U.K. humanitarian fact sheet.

In Kenya, Under Secretary Nelson will meet with top government leaders and the private sector, including convening a roundtable of financial institutions and meeting with local fintech firms. In Mogadishu, he will meet with government officials, the Somali Bankers Association, and the Money Transfer Business Association.

This is Under Secretary Nelson’s second trip to the continent and his first to East Africa, and builds on Secretary Janet Yellen’s travel to Senegal, Zambia, and South Africa earlier this year. Last month, the U.S.-South Africa Task Force on Combating the Financing of Wildlife Trafficking, which was announced during Secretary Yellen’s travel and which Treasury co-leads, held its first meetings on illicit finance issues in Pretoria, South Africa. The United States will continue to engage with African partners to build a stronger, more resilient economy.