![](https://allsanaag.com/wp-content/uploads/2023/07/FB_IMG_1690467627360-1200x630-1-624x328.jpg)
26th July 2024 admin Category :
Golaha Wasiirada oo ansixiyay Hindise sharciyeedyo muhiim u ah dalka
Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka, Mudane Xasan Macallim Maxamuud Sheekh Cali ayaa looga hadley xaaladda amniga dalka, Isla markaana lagu ansixiyey hindise sharciyeedyo muhiim u ah dalka.
Golaha Wasiirada ayaa dhegestey warbixino ku saabsan guulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka soo hoyeen dagaalka lagula jiro Khawaarijta .
Golaha ayaa sidoo kale cambaareeyay weerarkii fuleynimada ahaa ee Khawaarijta ay ku beegsadeen Kuliyadda Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ee Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho. Waxaa uu Golaha tacsi u diray umadda Soomaaliyeed, qoysaskii iyo eheladii ay ka shahiideen geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka ee ku shahiiday weerarkaasi, iyagoo isla markaana Allah uga baryey inta dhaawacantey inuu Ilaahay deg-deg u caafiyo.
Golaha ayaa sidoo kale meel-mariyey Hindise Sharciyeedyada kala ah;
1. Hindise Sharciyeedka Xuquuqda Naafada Soomaaliyeed.
2. Hindise Sharciyeedka Hay’adda Adeegga Baaritaanka iyo Sharciyeeynta Beeraha Soomaaliyeed.
3. Hindise Sharciyeedka Xakameynta Kiimikooyinka Beeraha Soomaaliyeed.
4. Hindise Sharciyeedka Abuurka iyo Noocyada Dhir-beereedka.
5. Hindise Sharciyeedka Badbaadada Dhir-beereedka iyo Takoorka
Iyo Xeer Nidaamiyaha Cunaqabateynta Maaliyadeed ee Cayiman.
![](https://radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2023/07/FB_IMG_1690467622063-1200x630.jpg)
![](https://radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2023/07/FB_IMG_1690467624812-1200x630.jpg)
![](https://radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2023/07/FB_IMG_1690467627360-1200x630.jpg)
![](https://radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2023/07/FB_IMG_1690467629958-1200x630.jpg)
![](https://radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2023/07/FB_IMG_1690467632556-1200x630.jpg)
![](https://radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2023/07/FB_IMG_1690467635175-1200x630.jpg)
![](https://radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2023/07/FB_IMG_1690467637806-1200x630.jpg)
![](https://radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2023/07/FB_IMG_1690467640417-1200x630.jpg)
![](https://radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2023/07/FB_IMG_1690467644098-1200x630.jpg)
![](https://radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2023/07/FB_IMG_1690467649645-1200x630.jpg)
![](https://radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2023/07/FB_IMG_1690467653258-1200x630.jpg)
![](https://radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2023/07/FB_IMG_1690467647037-1200x630.jpg)