Barnaamijka Ileyska VOA waxa uu toddobaadkan ku saabsan yahay musuq-maasuqa ka dhex-jira cayaaraha Soomaaliya kadib hadal-hayntii ka dhalatay gabar Soomaaliyeed oo tartanka cayaaraha orodada ee Jaamacadaha Adduunka ee FISU ku matashay Soomaaliya, taasi oo kaalinta hoose ee ay gashay soo jiidatay dareenka caalamka.
Wiilka qoyskiisu aysan Muslim ahayn ee ku guuleystay tartanka Qur’aanka Kariimka
Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa waxaa lagu soo gabagabeeyay tartanka Qur’aanka Kariimka, oo ka qeyb galeen ardey ka badan kun, kuwaasoo isaga kala yimid Waqooyiga Ameerika.
Ilaa 500 oo arday ah ayaa ku tartamayay jusaska Qur’aanka, inkastoo ay u badnaayeen arday ka kala timid dalalka waqooyiga Mareykanka, haddana waxaa jiray kuwo uga soo qeybgalay aaladda Zoom-ka.
Tartankan oo sidoo kale ay arday Soomaali ah ka qeybgaleen, ayaa waxaa sidoo kale jiray kuwo caddaan ah oo kaalimo sare ka galay tartanka.XAYEYSIINhttps://7a7f1930de6d7d687273f7d8fc2335f2.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-40/html/container.html
Sheekh Cabdiraxmaan Cabdi Yuusuf oo ka mid ah waaliddiinta ay muddada dheer carruurtooda ka qeybgalayeen tartankan, kana soo safray dalka Kenya oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in wiilkiisu uu tartankan ka qeybgalayay muddo uuna kasoo bilaabay jus Camma.
“Runtii wax fudud ma ahayn in Cabdulkariim uu Xaafid noqdo, aniga dhan dareen ayaa i saaqay,” ayuu yiri.
Cabdulkariim oo 14 jir ah ma aha qof ku dhashay Islaamka laguna koriyay, sidaas darteed ma ahayn wax fudud inuu heerkan gaaro, sida uu adeerkiis sheegay.
“Ma aha wax fudud in adigoo carrabkaagu Isbaanish u bartay oo aan Carabi aqoon aad barato Qur’aanka,” ayuu yiri.
“Waxaan is barannay isagoo 11 sano iyo bar jira, wuxuu kasoo jeedaa qoys aan Muslim ahayn. Ma ogtahay dadka Mexico badankood waa Catholic (farac ka mid ah diinta Kirishtaanka) hooyadiis ayaa noqotay Muslim, isaguna Muslim ayuu noqday markii uu yaraa. Alxamdulillah Ilaah ayaa u fududeeyay,” ayuu yiri.
Maxamed ayaa sheegay in isaga iyo Cabdulkariim hooyadiis ay ka caawiyeen wiilkan inuu noqdo wiilkii ugu horreeyay ee Mexican ah ee tartanka Qur’aanka heerkan ka gaara.
Hooyadiis oo aan tartanka ku wehlin iyo dhammaanba qoyska kale oo aan Muslim ahayn ayaa toos u daawanayay Cabdulkariim.
“Ilaah ayaan ka baryayaa inuu noo fududeeyo in isaga dartiis ay kusoo Islaamaan qoysaska kale.” Ayuu yiri.
Ku-xigeenka QM ayaa Guddoomiyaha ku boggaadisay shaqada uu qabtay Baarlamaanka intii uu socday kalfadhiyadii la soo dhaafay iyo doorkiisa odaytanimada leh uu ka cayaaray dib u heshisiinta dalka.
Dhanka kale waxay kawada hadleen in Barlamaanka ay kala shaqayn doonaan dhanka hormarinta iyo tababarada Xildhibaannada. Sidoo kale waxay isla soo hadal qaadeen dhamaystirka Dastuurka KMG ee Jamhuuriyadda iyo dagaalka lagula jiro kooxda Khawaariijta ah.
Safiirka ayaa guddoomiyaha ku wareejiyey lacag ka badan 150,000 oo dollar oo ay ugu talagaleen in lagu daabulo gargaar mucaawino ah oo hore ugu soo wareejiyeen hay’adda SoDMA kuwaas oo loogu talagalay in la gaarsiiyo deeganada khawaarjta laga xoreeyey,kuwa laga xoreyn doono iyo dadka ay saameeyen Abaaraha.
Kulanka sidoo kale waxaa looga hadlay in dowladda Shiinaha hay’adda ay ka caawiso Mashaaricda Horumarinta,Qalabeenta iyo dhisida ceelasha biyaha, tababarada shaqaalaha hay’adda, iyo sii xoojinta Xiriirka hay’adda iyo safaarada.
La taliyaha sare ee dhinaca Dimuqraaddiyadda iyo Xuquuqda Aadanaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dowlada Mareykanka Xamsa Warfaa oo Muqdisho soo gaaray maanta ayaa ka warbixiyay ujeedka uu u yimid Soomaaliya.