Madaxda Khaatumo iyo Puntland oo kulmay

Madaxda Khaatumo iyo Puntland o ku kulmay Laascaanood

Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Ahna Kusimaha Madaxweynaha Hajji. Ahmed E. Osman Karaash Oo safar shaqo ku jooga magaalada Laascaanood ayaa kulan Isxogwaraysi ah la qaatay Hogaamiyaha SSC-Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Aw Cali Firdhiye iyo ku xigeenkiisa Dr Maxamed Cabdi Ismaaciil (Shiine) oo ay weheliyaan xubno katirsan hogaanka SSC.

Kulanka waxa Madaxweynaha ku weheliyey masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda Puntand.

GUDDOOMIYAHA GOLAHA WAKIILLADA DPL IYO WEFTI UU HOGAAMINAYO OO MAANTA GAARAY GOBOLKA SANAAG.

GUDDOOMIYAHA GOLAHA WAKIILLADA DPL IYO WEFTI UU HOGAAMINAYO OO MAANTA GAARAY GOBOLKA SANAAG.

Badhan: August 29, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa gaadhay Magaalada Badhan ee Caasimada Gobolka Sanaag halkaas oo uu Berrito ku daahfuridoono dhismaha goleyaasha degaanka Puntland.Gudoomiye Golaha wakiilada iyo weftigii la socday ayaa waxaa banaanka hore ee magaalada Badhan kusoo dhaweeyey Maamulka Gobolka Sanaag, Golaha Deegaanka la doortay, Cuqaal iyo saraakiisha kale ee heer Gobol.

Weftiga Guddoomiyaha waxaa kamid ah Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Cabdi Faarax Siciid (Juxa).Ugu dambeyn, Weftiga Guddoomiyaha Golaha Wakiilladda ayaa booqasho sharafeed ugu tagay Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan.

Faransiiska oo diiday inuu la baxo safiirkoodii Niger ee la cayriyey

Faransiiska oo diiday inuu la baxo safiirkoodii Niger ee la cayriyey

Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in danjiraha dalkiisa u fadhiya Niger, inaanu dalkaas ka bixi doonin. Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa, iyada oo milateriga xukunka dalkaas la wareegay ay amar ku siiyeen danjiraha inuu dalkaas ka baxo.

Macron oo ka qayb galay shir ay isugu yimaadeen danjirayaasha Faransiiska ee dalalka caalamka, ayaa sheegay Isniintii in Danjire Sylvain uu ku sii sugnaan doono dalkaas, inkasta oo cadaadis badan la saaray.

Madaxweynaha ayaa ku gacan saydhay walaaca laga muujinayo, halista ka dhalan karta, haddii la qaadan waayo amarka madaxda milateriga ee Niger, balse Macron ayaa ku adkaysanaya in “siyaasadda uu ku dhaqmayo inay tahay tan saxda ah”.

Wasaaradda arrimaha debedda ee Niger ayaa Jimcihii ku amartay danjiraha Faransiiska u fadhiya dalkaas, inuu ku baxo muddo 48 saacadod ah. Tallaabadaas oo ay wasaaraddu qaaday, ka dib markii uu danjiruhu diiday inuu la kulmo madaxda cusub ee inqilaabka kula wareegtay awoodda Niger.

Madaxweynihii hore ee Niger Bazoum iyo qoyskiisa ayaa xabsi guri ku jira, tan iyo bishii July ee sannadkan.

Niger ayaa ahayd dal uu hore u gumaysan jiray Faransiisku, waxaana dalkaas ka jooga Faransiiska, ciidamo gaadhaya illaa 1,500 oo askari, kuwaas oo ka caawiya ciidamada dalkaas, hawlaha la dagaalanka kooxaha hubaysan.

Halaag ayaa ka dhacay Goojacde

Kubra Xaaji Xassan, xubin Xisbiga Waddani, oo reerkeeda xasuusisay halaaggii kaga dhacay Goojacadde, si gooni ahna ula dardaarantay beesheeda Habarjeclo, maamulka ISAAQLAND , iyo isbahaysiga Baho Iidoor, una sheegtay in hadday rabaan in ay sii jiraan ay Habar Jeclo iyo Habar Awal wada dhistaan maamul u gooni ah dadka intiisa kalena nabadgaliyaan

Wasiirka Caafimaadka XFS oo kulan la qaatay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Wasiirka Caafimaadka XFS oo kulan la qaatay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Wasiirka caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan iyo Safiirka dawladda Turkiga ee Soomaaliya Danjire İbrahim Mete YAĞLI, iyo agaasimaha Isbitaalka Associate Prof Dr. Mevlüt KARATAŞ, ayaa ka wada hadlay sidii loo dardar gelin lahaa howlaha shaqo ee Isbitaalka digfeer, iyagoo isla soo hadal qaaday sidii Dowladda Turkiga Soomaaliya uga caawin laheyd xoojinta iyo kor u qaadista adeegga Caafimaadka, gaar ahaan inta uu socdo howlgalka ka dhanka ah Khawaarijta.

Intaasi kadib Wasiirka iyo Safiirka ayaa booqasho ugu tagey dhaawacyada ku jira Isbitaalka ee xaaladdooda Caafimaad lala tacaalayo, waxayna mid mid u dul istaageen dhamaan dhaawacyada ku jira Isbitaalka.

Wasiirka ayaa Safiirka kala hadlay in Dowladooda ka taageerto daawada maadaama Dowladda Soomaaliya ay ku jirto dagaal lagu ciribtirayo kooxda Khawaarijta oo in mudo ah dhibaato ku hayey Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhawan goobaha ay gacanta ku hayeen.

Safiirka ayaa ballan qaadey in dowladdooda ay ka qeyb qaadan doonto Ololaha lagu baabi’inayo cadowga, gaar ahaan arrimaha Caafimaadka iyo sidii Ciidamada Dowladda u heli lahaayeen baxnaano fiican, iyadoo ay Wasaaradda Caafimaadka kala shaqeyn doonaan gurmadka Caafimaadka markasta iyo inta uu socdo dagaalka Cadowga.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaliya waxaa ka go’an horumarinta Caafimaadka guud ee dalka iyo sidii bulsho waynta Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen adeeg Caafimaad oo tayo leh.

Axmed Madoobe oo dhaliilay sida uu ku socdo dagaalka Al shabaab dowladdu kula jirto

Axmed Madoobe oo dhaliilay sida uu ku socdo dagaalka Al shabaab dowladdu kula jirto

Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo Dhuusamareeb kaga qayb galay shirka golaha wadatashiga qaran ayaa dhaliilay isla markaana gaabis ku tilmaamay sida dagaalka ka dhanka ah Al -shabaab uu uga socdo Soomaaliya gaarahaan deegaannada Galmudug.

Wuxuu sheegay in sida looga hadlayo dagaalka iyo ficilku aanu isku dhigmin marka la eego sida wax u socdaan. Axmed Madoobe ayaa tilmaamay in aanu fileyn in dagaalka Al-shababa ee ka socda Galmudug uu qaadanayo muddada uu hadda socdo.

Hadalkaan ayaa imaanaya xilli madaxweynaha Soomaaliya uu maalmo badan ku suganyahay Dhuusamareeb, isagoo halkaa u tagay dhameystirka wajigii koowaad ee dagaalka Shabaab iyo dardar galinta wajiga labaad.

Sidoo kale Jubaland ayaa ka mid ah deegaannada ay dowladdu Soomaaliya iyo maamulkaasiba qorsheynayaan in wajiga labaad ee dagaalka looga saaro Shabaab aagagga ay ka haystaan.