Ra’iisul Wasaare Xamsa oo khudbad ka jeediyay Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo khudbad ka jeediyay Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta khudbad dheer oo muhiim ah ka jeediyay kalfadhiga 78aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee magaalada New York.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ka hadlay horumarka dowladda Soomaaliya ay gaartay dagaalka ay kula jirto kooxaha Khawaarijta oo u sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku guuleysatay 45% inay xoreyso deegaannadii ay shacabka ku dhibaateynayeen, waxaa kale oo uu ku dheeraaday dadaalka ay dowladdu gelisay arrimaha horumarinta bulshada.

Mudane Xamsa ayaa codsaday in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ka qaado cunaqabateynta mudada 30-ka sano ka badan saarneyd Soomaaliya, si dalkeenu uga guuleysto argagixisada, isla markaana ciidanka qaranka ay ula wareegaan guud ahaan ammaanka dalka.

Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay dhibbane u tahay saameynta isbeddelka cimilada, oo dalkeena ay ka dhaceen abbaaro is dabajoog ah iyo fatahaado, isla markaana ay codsaneyso Soomaaliya in gacan la siiyo xal u helidda dhibaatooyinka ka dhasha qaaca hawada lagu sii daayo iyo isbeddelka cimilada.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ku baaqay dib u habeyn lagu sameeyo hey’adaha caalamiga ee adduunka oo ay ugu horreyso Qaramada Midoobay, Bangiyada Horumarinta iyo Nidaamka Guud ee Dhaqaalaha Adduunka, si loo helo buu yiri

Hamza Abdi Barre, Prime Minister of the Federal Republic of Somalia, addresses the general debate of the General Assembly’s seventy-eighth session.

RW Xamse oo la kulmay Madaxweyne Biden iyo Xoghayaha Guud ee QM Antonio Guterres

RW Xamse oo la kulmay Madaxweyne Biden iyo Xoghayaha Guud ee QM Antonio Guterres

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa magaalada New York ee xarunta Qaramada Midoobay kula kulmay madax sarsare oo ay ka mid yihiin, Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, Wasiirka arrimaha debedda ee Imaaraadka Carabta iyo madax kale.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kala hadlay madaxweyne Joe Biden sidii dowladda Mareykanku ay u sii xoojin lahayd taageerada dagaalka lagu ciribtirayo Khawaariijta, qaadista cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, si ciidamadeena qaranku ay ula wareegaan guud ahaan amniga dalka.

Waxaa kale oo ay ka wada hadleen sidii Mareykanka uu dowladda Soomaaliya gacan uga siin lahaa barnaamijka deyn cafinta ee gabagabada maraya si loo xaqiijiyo Soomaaliya oo gaarta horumar iyo isku filnaansho dhaqaale.

Ra'iisal wasaare Xamse Cabdi Barre oo la kulmay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay
Ra’iisal wasaare Xamse Cabdi Barre oo la kulmay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

Ra’iisal wasaare Xamse Cabdi Barre iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa dhinacooda ka wada hadlay xoojinta iyo wada-shaqaynta u dhexeysa hey’adaha Qarmada Midoobay iyo Soomaaliya, iyaga oo si gaar iskula soo qaaday sidii la isaga kaashan lahaa wax ka qabashada arrimaha muhiimka ah sida amniga, nabadda, horumarinta, isbeddelka cimillada iyo hiigsiga yoolasha horumarka waara.

Ra'iisal wasaare Xamse oo la kulmay wasiirka arrimaha debedda ee UAE
Ra’iisal wasaare Xamse oo la kulmay wasiirka arrimaha debedda ee UAE

Sida lagu faahfaahiyey warsaxaafadeed ka soo baxay xukuumadda Soomaaliya, ra’iisal wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa kala hadlay wasiirka arrimaha debedda ee isu-tagga imaaraadka carabta sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dhinac.

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮 𝗼𝗼 𝗹𝗮 𝗞𝘂𝗹𝗺𝗮𝘆 𝗫𝗼𝗴𝗵𝗮𝘆𝗮𝗵𝗮 𝗚𝘂𝘂𝗱 𝗲𝗲 𝗤𝗮𝗿𝗮𝗺𝗮𝗱𝗮 𝗠𝗶𝗱𝗼𝗼𝗯𝗮𝘆 𝗚𝘂𝘁𝗲𝗿𝗿𝗲𝘀

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮 𝗼𝗼 𝗹𝗮 𝗞𝘂𝗹𝗺𝗮𝘆 𝗫𝗼𝗴𝗵𝗮𝘆𝗮𝗵𝗮 𝗚𝘂𝘂𝗱 𝗲𝗲 𝗤𝗮𝗿𝗮𝗺𝗮𝗱𝗮 𝗠𝗶𝗱𝗼𝗼𝗯𝗮𝘆 𝗚𝘂𝘁𝗲𝗿𝗿𝗲𝘀

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa xarunta Qaramada Midoobay ee New York kulan kula qaatay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Xoghayaha Guud ayaa ka wada hadlay xoojinta wadashaqeynta u dhaxeysa hey’adaha Qarmada Midoobay iyo Soomaaliya, iyaga oo si gaar iskula soo qaaday sidii la isaga kaashan lahaa wax ka qabashada arrimaha muhiimka ah sida amniga, nabadda, horumarinta, isbeddelka cimillada iyo hiigsiga yoolasha horumarka waara.

Soomaali loo haysto gabar lagu kufsaday jarmalka iyo sida ay wax u dhaceen

Soomaali loo haysto gabar lagu kufsaday jarmalka iyo sida ay wax u dhaceen

Kufsi wadareed ayaa ka dhacay beerta loo yaqaano Görlitzer Park ee magaalada Berlin ee dalka Jarmalka iyadoo eedeymaha ka dhanka ah tuhmanayaasha ay leeyihiin tafaasiil kala duwan.

Falka oo ah mid ay dad badan oo reer Jarmal ah ka caroodeen ayaa waxa uu sababay buuq weyn.

Eedaynta kiiskan kufsi wadareedka ah ee ka dhacay Görlitzer Park ee Berlin-Kreuzberg ayaa hadda ah mid si toos ah loo guda galay.

Bartamihii bishii June, saddex nin ayaa la sheegay inay haweeney ku kufsadeen isla markaana qoyskeeda waxyelleeyeen xilli subaxnimo ah. Dembigu waxa uu noqday mid muuqda marka loo eego warbixinnada ay tebinayeen warbaahinta maxalliga ah.

Iyadoo eedeymuhu ay ahaayeen kuwo culus, haddana markii hore ma aysan jirin wax war ah oo kasoo baxay booliska iyo xafiiska xeer ilaalinta ee Berlin.

Haweeney 27 sano jir ah isla markaana ah hooyo leh labo carruur ah midna uu yahay 4 jir halka ka kalana uu yahay 7 jir iyo ninka qabay haweeeyda ayaa waxa ay ku sugnaayeen beerta uu falkan ka dhacay.

Booliska

Lamaanuhu waxay ka yimaadeen Georgia

Lamaanahan ayaa la sheegay in ay waqti ku qaadanayeen beerta halkaa oo ay isku dhunkadeen kadibna ay la kulmeen weerarkan lama filaanka ah.

Labo nin ayaa ninkii qabatay oo garaacday halka nin kalana uu jir dilay isla markaana kufsaday haweeneyda.

Haweeneyda la waxyeelleeyay ayaa carartay oo ka baxsatay burcadda, waxa ayna heshay caawimaad. kadib baaritaan qoto dheer oo lagu sameeyay ayaa la helay shahwada ninkii kufsaday taasina waxa ay sababtay in gacanta lagusoo dhigo eedeysanaha kufsiga iyo jirdilka u geystan hooyadan.

Eedeysanayaasha ayaa ah saddex nin oo ka soo kala jeeda dalalka Somalia iyo Guinea.

Eedeysanaha Soomaaliga ah ayaa la sheegay in dalka gudihiisa looga yaqaanno magacyo kala duwan iyadoo uu caan ka yahay xarumaha booliska aadna ay isku arkaan askarta.

Ma haysto hoy uu ku diiwan gashanyahay waxana lagu tiriyaa in uu kamid yahay burcadda dhowrka mar loosoo xiray waxyeellada.

Dhamaan sadexda tuhmane ayaa dhowr mar loosoo xiray waxyaabo la xiriira daroogo iyo weerarro ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Berlin.

Daroogo

Taariikhda maxkamadaynta weli lama go’aamin

Dad badan ayaa is weydiinaya saameynta ay Soomaalida ku yeelan karto ninkan Soomaaliga ah ee ku caan baxay waxyellada iyo in jaaliyadda Soomaaliyeed ay weli qaadeen tallaabo ka dhan ah.

Axmed Kadiye oo kamida Soomaalida Jarnamlka ahna xubin firfircoon oo kamida jaaliyadda Soomaalida ee dalkaasi ayaan wax ka weydiinnay waxa ay jaaliyaddu ka ogtahay ninkan Soomaaliga ah iyo in ay horay u dheceen kiisas noocani oo kale ah iyo waliba in arrintan ay saameyn ku yeelan karto Soomaalida.

Axmed oo arrintaasi ka hadlaya ayaa yiri, “Ma jirto wax saameyn ah oo arrintan ay ku yeelaneyso Soomaalida Jarmalka inteeda kale, balse ninkan waxa uu nala wadaagaa magaca Soomaalinimo taasi oo marka ay warbaahinta dalkani ka hadlayaan ay kusoo cel celiyaan qof Soomaali ah ayaa sidaasi sameeyay, laakiin majirto caqabad kale oo ay dadka ku yeelaneyso”.

Kadiye oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri, “qofka marka uu daroogo isticmaalo ama uu yahay qof madaxa looga jiro wey dhacdaa in ay ku dhaqaaqaan falal noocani oo kale ah Soomaaliduna wey baraarugsantahay oo wax iska dhaca weyna dhici jireen waxaana ay u badnaayeen dad madaxa looga jiro” ayuu yiri.

Axmed Kadiye oo ka hadlaya bal ninkan iyo waxa uu yahay ayaa yiri, “ninkan waa nin dalkan looga yaqaanno illaa tobanaan magac horayna waxaa loogu eedeeyay in uu yahay qof daroogada ka ganacsada, dambiyo badan ayaa horay loogu eedeeyay haddana waxa ay noqon kartaa in xukun adag lagu rido maadaama lagusoo qabtay arrin ay shacab badan si toos ah u arkayeen”.

Xukunka eedeysaneyaashan ayaan la ogeyn waxa uu noqon doono marka lagu caddeeyo dhamaan eedeymaha loosoo jeediyay, hase yeeshee dalka Jarmalka iyo dalalka kale ee caalamkaba haddii qofku uusan ahayn qof madaxa looga jiro ama maskaxda ka xanuunsanaya waxa ay nqon kartaa in ay la kulmaan ciqaab adag ama xukun culus.

KHUDBADDII CAAWA EE MADAXWEYNE CULUSOOW

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Culusoow oo caawa kulan wadatashi ah oo looga arrinsaday dardar galinta dagaalka Khawaarijta la qaatay guddoonka iyo Xildhibaanada BFS, siyaasiyiin iyo saraakiil ka tirsan ciidamada qaranka ee ka howlgala furimaha dagaalka ayaa markale adkeeyay in ummadda soomaaliyeed ay u midoobaan halka Cadow ee dalkeennu leeyahay.

GOBOL MARAYKANKA AH OO AQONSADAY KHAATUMO

Gollaha deegaanka Magaalada St.Paul ee Magaalo madaxda Gobolka Minnesota ayaa maantay meel mariyey qarar ay ku aqoontanayaan doorashadii dhawaan ka dhacday Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool lagu yagleeyey Maamulka khaatumo SSC.Gollaha deegaanka ayaa kaloo sheegay in Magaalada Laascaanood & magaalad St.Paul ay dhex-mari-doonto cilaaqaad dhaqan dhaqaale oo labada bulsho hormarkooda ku fooggan

Wasiir Dhabancad: Dawlada Federalka waxay xanibtey mashaariic arrimo siyaasadeed darteed – Q2aad

Wasiir Dhabancad: Dawlada Federalka waxay xanibtey mashaariic arrimo siyaasadeed darteed – Q2aad

R/W Xamsa oo kulan doceed kula yeeshay xarunta QM Agaasimaha Maamulka Bankiga Adduunka

R/W Xamsa oo kulan doceed kula yeeshay xarunta QM Agaasimaha Maamulka Bankiga Adduunka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamsa Cabdi Barre ayaa kulan doceed kula yeeshay xarunta Qaramada Midoobay Agaasimaha Maamulka Bankiga Adduunka, Anna Bjerde, oo ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga labada dhinac iyo taageerada Bankigu siiyo Soomaaliya, taasi oo u gogol xaareysa horumar waara iyo koboc dhaqaale oo dalkeennu gaaro.

Maxaa ku qoran buugga Puntland ee mas’uulka loo ceyriyey

Maxaa ku qoran buugga Puntland ee mas’uulka loo ceyriyey

Wasaaradda waxbarashada ee Puntland ayaa shaqada ka joojisay agaasime-waaxeedka tayo dhowrka iyo manaahijta, Cabdulqaadir Yuusuf Nuux, sababo la xiriira buug iskuullada laga dhigo oo la mamnuucay. Warqadda shaqo ka joojinta waxaa ku saxiixnaa Cabdiraxmaan Yuusuf Faarax oo ah wasiir ku xigeenka waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland.

Saacado ka hor go’aankaas ayaa Golaha wasiirrada maamul goboleedka Puntland wuxuu joojiyey in iskuullada loo isticmaalo buugga taariikhda ee dugsiyada sare kaasoo ay ku dhaliileen in “khaladaad dastuuri ah” ay ku jiraan.

Shirka golaha waxaa lagu go’aamiyey, sida lagu qoray barta Facebook ee madaxtooyada Puntland in aan buuggaas wax laga baran, “lana soo xareeyo dhamaan kuwa sida khaldan u daabacan”.

Waxaa kaloo qoraalka lagu sheegay in la joojiyey heshiiska shirkadda daabacday, iyo in xeerilaalintu baaritaan ku samayso “si sharciga loo horkeeno ciddii dambiga gashay”.

Qayb ka mid ah buugga ayaa muujinaysa sawirka khariidadda maamul goboleedyada, ayadoo qaybo ay Puntland tirsato ay hadda u muuqdaan in sawirku kala raaciyey Galmudug iyo jamhuuriyadda gooni isu taaggeeda ku dhawaaqday ee Somaliland.

Warqadda shaqo joojinta

Haddaba maxay dhibsatay Puntland oo buugga ku qoran? Su’aashaas waxaan u bandhignay Axmed Shire oo wax ka dhiga jaamacadda PSU.

“Buuggan waxaa la soo galiyey baraha bulshada, waxaana uu xambaarsan yahay tusmo ka turjumaysa maamul goboleedyada dalka ka jira, Puntland-na waxay ku dhisan tahay 9 gobol. Buuggu wuxuu muujiyey in dhulka Puntland ku fadhido dhul ahaan ahayn lagu daabacay” ayuu yiri.

Wuxuu intaa ku daray inay jiri karaan khaladaad kale oo buugga ku dhex jira bacdamaa buuggan uu ka mid buugaag dhawaan la daabacay oo aan ahayn kuwii hore loo isticmaali jiray. “Waxaa jiri kara cillado kale oo intan dhaafsiisan haddiiba sawirradii cillad ka soo dhex baxay” ayuu yiri Axmed Shire.

Wuxuu farta ku fiiqay in buugga oo ay daabacaadiisa maalgeliyeen dad ganacsato ah uu “degdeg ku jiray daabacidiisa”, khaladkuna uu halkaa ka dhashay.

Maadaama ay Puntland sheegtay in “khalad dastuuri ah” uu ku jiro buugga ayaa Axmed Shire wuxuu khaladaadkaas ku tilmaamay in gobollada ay Puntland tirsato iyo waxa buuggu dhigayo ay kala duwan yihiin.

“Puntland waxay doonaysaa in taariikhda iyo deegaanka la baro ardayda. Sidaa darteed waxaa kala duwan ujeedada ay Puntland lahayd iyo waxa buugga ilaa hadda lagu arkay. Dhankaa marka laga fiiriyo waa la oran karaa wuu ka duwan yahay wixii uu dastuurka Puntland ku dhisnaa” ayuu Axmed Shire raaciyey.

Arday

Wuxuu aaminsan yahay Axmed Shire in tallaabadan ay saamayn yeelanayso. “arrintan saamayn ayey yeelanaysaa. Waxay saamayn ku yeelanaysaa ganacsatadii maalgalisay buugaagta, waxaana loo baahnaanayaa in buugaag badan dib loo soo cliyo, ardaydana waa in xal kale oo ku meel gaar ah loo helo inta arrintan laga xallinayo. Waxaa laga yaabaa in daabacaadaha dambe si fiican looga fekero wixii khaladaad ah ee ku jiri kara iyo tayada qoraalka”.

Waxa ay tahay in sameeyo si khalad kale uusan u imaan ayuu Axmed Shire BBC u sheegay inay noqon karto sidii hadda ka dib qaab taxaddar leh loogu daabici lahaa buugaagta ardayda lagu barayo iskuullada. “Waxaa hadda soo baxaysa muhiimadda ay leedahay in qoraalka buugaagta aad loo ilaaliyo, tifaftir badanna la mariyo, waxaana baraarugaas keenaya khaladaadka hadda soo baxay, wasaaraddana waa in mas’uuliyad weyn ay iska saarto” ayuu yiri Axmed Shire.

Biden oo digniin u jeediyey Netanyahu ka dib kulankoodii ugu horeeyey

Biden oo digniin u jeediyey Netanyahu ka dib kulankoodii ugu horeeyey

Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa Arbacadii kula kulmay magaalada New York, ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, si uu ugala hadlo qodobo ay ka mid yihiin, tallaabooyinka deegaan ballaadhsiga ah ee ay Israa’iil ka waddo daanta galbeed ee la haysto, iyo isku dayada uu doonayo inuu wax kaga bedelo nidaamka garsoorka ee dalkaas, kuwaas oo dhaleecayn xooggan kala kulmay shacabka dalkaas.

“Waxaan doonaynaa inaan ka wada-hadalno qaar ka mida arrimaha ugu ad-adag” ayuu yidhi madaxweyne Biden, isaga oo u digay Netanyahu, inkasta oo uu markale dib u xaqiijiyey in taageerada Maraykanka ee Israa’iil inay tahay “mid gun dheer”.

Hoggaamiyayaasha Israa’iil ayaa caadiyan lagu casumi jiray aqalka cad ee dalka Maraykanka, toddobaadyo ka dib marka ay xilka qabtaan, hase ahaatee kulankan ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee Biden uu la yeesho Netanyahu, taasoo ku soo beegmaysa, sagaal bilood ka dib markii uu ra’iisal wasaaraha Israa’iil soo dhisay xukuumaddiisa dhinaca midig u janjeedha.

Mowqifyada ad-adag ee xukuumadda Netanyahu ee ay kula dhaqmaan shacabka Falastiin iyo dedaaladiisa uu doonayo inuu hoos ugu dhigo awoodaha garsoorka ayaa keenay in Biden uu dib u dhigo kulanka uu la qaadan lahaa Netanyahu.