Sida ay daadadka u biyo-dhigeen magaalada Baydhabo
Daadad ka dhashay roob Mahiigaan ah oo saacado badan ka da’ayey Magaalada Baydhabo ayaa sababay in Biyaha galaan xaafadaha qaar ee magaaladaas.
Daadad ka dhashay roob Mahiigaan ah oo saacado badan ka da’ayey Magaalada Baydhabo ayaa sababay in Biyaha galaan xaafadaha qaar ee magaaladaas.
Wasiirka Kalluumeysiga XFS oo qaabilay Safiirka Norway ee Soomaaliya
Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Aadan ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda Norway ee Soomaaliya Mudane Carsten Carlesen, kaas oo ay ka wadahadleen xoojinta xiriirka wadashaqeyneyd ee labada dhinac, iskaashi wax ku ool ah oo dhexmara iyo qodobo kale.
Ambasador Carsten Carlesen ayaa wasiirka wasaaradda uga mahadceliyey qaabilaadda iyo sida heerka sare ah ee u soo dhaweeyey isaga oo sheegay in safaarad ahaan ay diyaar u yihiin inay wasaaradda kala shaqeeyaan horumarinta kaabeyaasha muhiimka u ah wax soo saarka dalka gaar ahaan Kalluumeysiga iyo ka faa’ideysiga kheyraadka badda.
Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ayaa u sheegay danjiraha dowladda Norway in Wasaaraddu ay xoogga saareyso sidii horumar muuqda looga sameyn lahaa horumarinta Kalluumeysiga si loo gaaro isku filnaasho dhaqaale oo waara iyo in bulshooyinka xeebaha ay noqdaan kuwa ka faa’ideysta wax soo soorka iyo Kalluumeysiga.
Suldaan siciid Suldaan Cabdisalaan iyo sida Carmale loogu soo dhoweyey
Suldaanka beelaha Soomaliyeed Suldaan Siciid Cabdisalaam, oo la filayo inuu dhowaan ISimada Puntland kula kulmo magaalada Badhan ee gobolka Sanaag ayaa kormer ku tegay magaalada Carmale.
Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadday in ay u sharraxan tahay kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee Afrika.Qaaraddu hadda waxa ay leedahay saddex kursi oo aan joogto ahayn oo ay kala haystaan Mozambique, Algeria iyo Sierra Leone – waxa ayna doonaysaa in ay hesho kursi joogta ah kuna biirto; Mareykanka, Ruushka, Shiinaha, UK iyo Faransiiska.
Wasaaradda Maaliyadda DPL ayaa maanta Golaha Wakiillada u soo gudbisay miisaaniyadda sanadeedka 2024, taas oo dhan ($387,550,700), iyadoo sannadkan ay korodhay 3%.
Wasiir Israa’iili ah oo soo jeediyay in nukliyeer lagu garaaco Qasa oo tallaabo laga qaaday
Wasiir cusub oo dowladda Israa’iil ka tirsan ayaa laga joojiyay dhammaanba kulamada dowladda ilaa amar dambe, kadib markii uu soo jeediyay in nukliyeer lagu garaaco Qasa “ay ka mid ahayd waxyaabaha suurtogalka ah”.
Amihai Eliyahu, oo ah wasiirka dhaqanka ee dalkaas, ayaa hadalkan ka sheegay wareysi uu siiyay raadiyaha Kol Beramah.
Wuxuu sheegay “inaysan jirin kuwo aan dagaal ku jirin oo Qasa jooga” isla markaana in gargaar bani’aadannimo oo la siiyo rayidka Falastiiniyiinta ay ka dhignaan doonto “guuldarro”.
Mar wax laga weydiiyay in taasi micnaheedu uu yahay in sabab looga dhigi karo adeegsiga nukliyeerka, ayuusan wasiirku ka jawaabin.
Raysal wasaare Benjamin Netanyahu ayaa degdeg uga falceliyay, isagoo sheegay in warka wasiirka uu ka fog yahay xaqiiqda.
Eliyahu, oo ka tirsan xisbiga midig-fog ee Otzma Yehudit (Awoodda Yahuudda), ayaanan wax door ah ku lahayn dagaalka ka socda Qasa.
Ninkii dhexdhexaadiyaha iska dhigayay ee magaalada Harar ku kufsaday gacalisada saaxiibkiis
Maxkamad ku taal magaalada Harar ee dalka Itoobiya ayaa ku xukuntay nin lagu eedeeyay inuu kufsaday gabar ay wada socdeen saaxiibkiis oo dooneysay inay la heshiiso wiilka ay xiriirka lahaayeen kadib muran soo kala dhexgalay.
Dhacdadani sidaan ayay u dhacday: Eedeysanaha ayaa lagu magacaabaa Salxaddin Cabdi, wuxuuna ka mid ahaa dadka ku nool degmada Jinneela ee ka tirsan magaalada Harar.
Ninka ayaa u yimid saaxiibkiis iyo gabadha si uu u dhexdhexaadiyo, kadib khilaaf u dhexeeyay labada is jeclaa. Si kastaba ha ahaatee, waxa uu ka faa’iidaystay xaaladdan sida la sheegay, isaga oo fal kufsi iyo uur ah u geystay gabadhii.
Waxaa lagu soo oogay dambigaas, waxaana lagu xukumay toban sano oo xarig ah.
Isbatoore Hiwot Antenah, oo ah isku duwaha kooxda baarista dambiyada haweenka iyo carruurta ee komishanka booliska gobolka Harar, ayaa BBC u sheegtay in eedaysanuhu uu dambiga galay sanad ka hor.
“Labada qof ee isjeclaa waxay ku dagaalameen muran dhex maray. Salaxaddiinna waa saaxiibka ugu dhow ee wiilka. Markaa wuxuu wacay gabadha dhibbanaha ah ee 18-jirka ah, wuxuuna u sheegay inuu la heshiisiinayo saaxiibkeed,” ayey tiri sarkaalka booliiska ah.
“Gabadhu way rumaysatay wayna u tagtay sababtoo ah wuxuu ahaa saaxiibka jacaylkeeda. Isaga iyo nin kale oo aan weli la xidhin, waxay xoog ku kufsadeen oo ay uureeyeen gabadha 18-jirka ah,” ayey raacsisay hadalkeeda.
Dhibbanaha ayaa dacwad u gudbisay booliiska, waxaana booliisku ay xireen eedaysanaha oo ay billaabeen baaritaan, ayey sheegtay sarkaaladaan.
“Booliska ayaa baaray dambiga, waxayna soo uruuriyeen cadeymaha dadka iyo kuwa caafimaadka, waxayna u gudbiyeen xeer ilaalinta. iyada oo taas ka duulaysa ayey maxkamaddu dacwad ku soo oogtay eedaysanaha,” ayey tiri.
Isbatoore Hiwot ayaa BBC-da u sheegtay in maxkamadda sare ee gobolka Harar ay ku heshay eedaysanaha dambiyada kufsiga iyo uureynta ah, waxayna ku xukuntay 10 sano oo xarig ah kadib dhageysiga oo dhacay 30-kii bishii Febraayo.
Eedeysanaha oo qiyaano ku sameeyay saaxiibkiis kufsadayna gacalisadiisii ayaa mar kale laga soo qabtay xaafadaasi, kadib markii uu ka baxsaday goobta, sida ay boolisku sheegeen.
Inkastoo gobolka ay ku sii yaraanayaan dambiyada ka dhanka ah haweenka iyo carruurta, ayey sheegtay in aysan weli hoos ugu dhicin heerkii la filayay, iyadoo sheegtay in haweenka looga baahan yahay inay ilaaliyaan naftooda ka hor inta aan dambiyadaan oo kale loo geysan.
Magaalada Harar oo ah magaalo qadiimmi ah isla markaanay ay aasaaseen saldanadihii geeska Afrika ee islamka ee qarniyadii dhexe, ayey dadka ku nool u badan yihiin Muslimiin.
Qowmiyadaha Oromada, Amxaarada, Harariga iyo Soomaalida ayaa u badan walow ay ku noolyihiin kuwa kale.
Magaaladan waxay ku taal bartamaha Itoobiya , waana ismaamul gooni ah sida dalwad deegaanka Soomaalida.
Dhanka kale waxay xilliyo hore ahayd halka ay dadka Soomaaliyeed ee doonaya inay helaan tacliin balaaran oo diineed tagi jireen, si ay ula kulmaan culumo diineed oo kalsooni badan lagu qabay.
UNESCO ayaa u aqoonsatay magaalada Harar ee Itoobiya meel taariikhi ah, waana magaalo dhaqameed jirtay 1,010 sano.
Sidaas daraadeed harar waxay noqotay dhawaanahaan meel loo dalxiis tago.
Marka ay habeenkii noqoto xilliga Harar, nin dhalinyaro ah ayaa hilib uu afkiisa ku qaaday siiya tiro waraabayaal ah (Dhurwaayo), kuwaasi oo ka imanaya banaanka magaalada. indhaha waraabaha ayaa isu bedelaya Buluug marka ay soo eegaan nalka
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo faray waajibaadka looga fadhiyo Golaha hannaanka casriyeynta iyo isbeddelka
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulankii ugu horreeyay ee Golaha Hannaanka Casriyeynta iyo Isbeddelka Soomaaliya, kaas oo looga gol-leeyahay in lagu dhiso, laguna kobciyo isbeddel horseedaya Horumar waara.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray waajibaadka looga fadhiyo xubnaha Golaha Hannaanka Casriyeynta taabogalinta hannaanka casriga ah ee la hiigsanayo in jiho cusub u horseedo nidaamka dowliga ah ee Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dib-u-dhiska kaabayasha dhaqaale iyo amni.
Geeddi socodka doorashooyinka dimuqraadiga ah ee Puntland waa mustaqbalka horumarka dowladnimo, amni iyo mid bulsho, Dadka reer Puntlandna ku taamayeen muddo rubuc qarni ah.
Shacabka iyo Dowladda Puntland waxay ka mira dhaliyeen rajadii dimuqraadiyadda Puntland iyada oo doorasho hal qof iyo hal cod ah lagu soo doortay Goleyaasha Deegaanka ee 33 Degmo. Dadka Reer Puntland ayaa sidoo kale hamuun u qaba, una diyaar garoobaya in ay codkooda ku doortaan Golaha…
Isimaddii Majeerteen ee diidanaa Dimoqraadiyadda iyo doorasho ka dhacda Puntland ee doonayey in Hagbaddii lagu sii jiro ayaa baaq soo saaray ayna kala tashan beelaha kale ee reer Puntland
Isimada baaqa soo Saaray oo uu hogaamimayo Suldaan Garaase ayaa ah kuwa la caleemo saaray intii ay Puntland jirtay oo qaar ka mid ah siyaasiyiinta Puntland ay samaysteen si ay uga maarmaan Isimaddii soo jireenka ahaa oo ay beeluhu lahaan si ay u qabtaan shaqada maanta hayaan ee fawdada ah