1st February 2023  admin  Category :

Labaddii Wasiir ee Farmaajo sheegay inuu sababtooda Shaqada looga joojiyey ayaa laysku bedelay

Ra’iisul WasaarahaXukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xilalkii u kala wareejiyey Wasiiradda Wasaaraddaha Gaashaandhigga Mudane Xasan Xuseen Xaaji iyo Wasiirkii hore wasaaradda Cadaaladda mudane Cabdulqadir Maxamed Nuur (Jaamac).

Wasiiradan ayuu dhowaan Ra’iisul wasaaraha XFS ugu kala bedelay labadii wasaaraddood ee hore u kala hayeen isagoo Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Gaashaandhiga u magacaabay Cabdulqaadir Maxamed Nuur(Jaamac) halka wasiirka Cusub ee wasaaradda Cadaaladda loo magacaabay Xasan Xuseen Xaaji.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*