25th October 2024  admin  Category :

Yaa u  Fududeeyey in Deni  ku guulaysto Fikirkiisa ahaa markani waa markii  Jufadayada Cismaan Maxamuud ay hogaanka Puntland qaban lahayd

Siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolada Sool iyo reer Bariga,  marka ay  warbaahinta hor fadhiyaan oo ay xilal raadinayaan doodooda ugu weyni waa hogaanka Puntland waa Hagbad oo sadex reer ayaa isku bed bedela.

Hadaba arintaa maxaa ka jira?

Doorashaddii maanta  loogu tartamayey hogaanka ugu sareeya Puntland oo u dhaxaysay 21 Murashax oo ka soo jeeda beesha Majeerteen, oo ay  labaatan ku dhowaad Murashax ay ka soo jeedeen Beesha Cismaan Maxamuud oo iyagu sugayey hagbadda ayaa waxa weheliyey siyaasi  ka soo jeeda Beesha Dhulbahante.

Wareegii kowaad, siyaasigii beesha Dhulbahante wuxuu helay hal cod oo qura.  Xagee aadeen codadkii 26 Xildhibaan ee gobolada Sool iyo Sanaag? Xageese aadeen dhowr iyo tobonka Xildhibaan ee beelaha kale ee reer Puntland oo iyagu diidanaa Hagbadda xaaraanta ah oo sharafta iyo sumacdda beelaha kale ee reer Puntlandba wax u dhintay

Wareegii labaad,  sidoo kale  Xildhibaanadii taageersanaa Faarax Cali Shire oo ka soo jeeday besha Cali Saleemaan,  iyaguna labadii Murashax ee beesha Cismaan Maxamuud  ee  mid aaminsanaan Hagbadda midna Puntland la wada leeyahay. Waxay codadkoodii siiyeen Murashaxii aaminsanaa in markani tahay Meertadii beesha Cismaan Maxamuud.

Maxay samayn lahaayeen Haraaga Jaamac Cali Jaamac, haddii ay ku guul daraysan lahaayeen inay markan helaan hagbaddooda . Waa ka go’nayd in Deni iyo haraaga Jamaac Cali Jaamac ay markan ay hagbadda helaan. Haddii looga guulaysan lahaa oorashaddii maanta Haraaga ,  ma sheegi karno waxay samayn lahaayeen,  laakiin horay dagaal dad ku dhintay ayeey Puntland uga rideen si ay hagbadda u helaan, argagixisadana alshabaabna buuraha Calmadow ayeey ku abuureen

ALLSANAAG.COM

https://allsanaag.com/haraagii-jaamac-cali-jaamac-iyo-culusoow/

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*