26th July 2024  admin  Category :

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre oo dhowaan ioska xaadirin doona Dhuuso mareeb

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa ku sii jeeda magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, iyadoo si kala gaar gaar ah ay u imaanayaan.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa aqbalay martiqaadkii Madaxda dowlad goboleedyada oo ahaa in Shir la isugu yimaado Dhuusamareeb, si looga arrinsado arrimaha doorashooyinka, kaasoo qeyb ka ahaa qodobadii ay ka soo saareen madaxda dowlad goboleedyada shirkoodii Dhuusamareeb.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in Ra’iisul Wasaare Kheyre uu tagayo magaalada Dhuusamareeb maalinta berri oo talaado ah halka Madaxweyne Farmaajo maalmaha soo socda uu gaari doono xarunta Galmudug.

Madaxda dowlad goboleedyada oo dhammaantood ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa ku sugnaan doona magaalada, marka laga reebo Madaxweynaha Puntland oo Garowe hal maalin u tagi doona Aaska Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Soomaaliya Xasan Abshir oo lagu aasi doono Puntland, kadibna marka uu aaska ka qeyb galo uu dib ugu soo laaban doono Dhuusamareeb

Wajiga labaad ee shirka Dhuusamareeb ayaa lagu wadaa in xal loogaga gaaro arrimaha khilaafku hareeyay ee doorashada dalka, taasoo ay madaxda dowlad goboleedyada ay aaminsan yihiin inaysan  dhici karin doorasho qof iyo cod.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*