21st September 2024  admin  Category :

Dalai Lama ayaa raali gelin bixiyay, kadib markii muuqaalo la soo bandhigay ay muujiyeen, isaga oo weeydiinaya wiil haddii uu doonayo inuu dhuugo/jiqo afka hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Tibet.

Hadal kasoo baxay xafiiska hoggaamiyaha, ayaa waxaa laguu sheegay inuu doonayo inuu raali galin siiyo wiilka iyo qoyskiisa “dhaawaca uu sababay hadaladiisu”.

Fiidiyowga ayaa sidoo kale muujinaya Dalai Lama oo dhunkanaya canugga dibnihiisa.

“Wuxuu inta badan madadaaliyaa dadka uu la kulmo, si aan wax dhibaato ah ku jirin, oo ciyaar ay ku dheehan tahay, xitaa meelaha fagaarayaasha ah iyo kamaradaha hortooda, wuu ka qoomameynayaa dhacdadaas hoggaamiyaha” ayuu laguyiri qoraalka xafiiskiisa kasoo baxay.

Muuqaalkan ayaa dhaliyay dhaleecayn baahsan, iyadoo qaar badan oo ka mid ah dadka isticmaala baraha bulshada ay sheegeen inaysan habboonayn ficilka uu ku kacay Dalai Lama.

Dhacdadan ayaa u muuqata inay ka dhacday macbadka Dalai Lama ee Dharamshala 28-kii bishii Febraayo.

Waxa uu ka qeyb galay hoggaamiyaha xaflad loo sameeyey ku dhawaad ​​120 arday oo dhammaysatay barnaamij tababar xirfadeed, oo ay soo abaabushay hey’adda M3M Foundation, garabka samafalka ee shirkadda guryaha ee M3M Group.

Mu’asasada ayaa soo galisay sawiro laga soo qaaday dhacdada baraha bulshada bishii Maarso – mid ka mid ah, Dalai Lama, ayaa lagu arkay isaga oo isku duubaya wiilka.

Muuqaalka oo ku faafay internetka, ayaa la arkayay wiilka oo weydiinaya bal inuu isku duubi karo Dalai Lama. Hoggaamiyihii ayaa u jileecay dhabanka wiilka, isagoo leh “marka hore halkan” wiilkiina dhabankiisa ayuu dhunkaday oo laabtana wuu galiyey.

Ka dib, isaga oo gacanta ku haya wiilka, Dalai Lama, ayaa wuxuu u jileecay faruuryaha wiilka oo wuxuu ku yiri “Waxaan u malaynayaa halkan sidoo kale”, iyadoo wiilkii yaraana uu dhunkaday dibnaha dibnaha hoggaamiyaha.

Kadibna hoggaamiyuhu, ayaa waxa uu dhafoorkiisa saarayaa kan wiilka, ka hor inta aanu carrabka kala bixin, isaga oo oranaya “bal carabkayga nuug ama dhuuq”. Sida dadka qaarkiis u qoslaan, wiilka ayaa carrabkiisa ka soo saaraya, ka hor inta uusan kala bixin, sidoo kale kan Dalai Lama.

Markaas waxaa soo baxay is-qabsi badan, iyadoo hoggaamiyaha ruuxiga ah uu wiilka la hadlayo muddo dheer, isaga oo u sheegaya inuu u fiirsado “Bini’aadamka wanaagsan ee abuuraya nabad iyo farxad”.

Afka oo la isa saaro, ayaa waxay noqon kartaa nooc ka mid ah salaan Tibet.

Dalai Lama ayaa musaafuris ugu noolaa dalka Hindiya, tan iyo markii uu ka soo qaxay Tibet 1959-kii, kadib kacdoonkii loogga soo horjeestay maamulkii Shiinaha ee halkaasi ka arriminayey.

Sanadkii 2019-kii, xafiiska Dalai Lama, ayaa raalli gelin bixiyay, kadib markii hoggaamiyaha ruuxiga ah uu u sheegay BBC-da wareysi uu siiyay, in haweeney kasta oo uu mustaqbalka Dalai Lama wax la wadaagayo, ay tahay inay noqoto mid soo jiidasho leh.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*