11th October 2024 admin Category :
Hindiya oo hub u direysa Armenia si ay u xakameyso Turkiga iyo Pakistan
Hindiya ayaa dooneysaa inay dalka Armenia ka iibiso hub qiiamhiisa lagu sheegay Rs 2000 Crore (oo u dhiganta ku dhawaad $244 oo milyan oo doolar). Sanadkii 2020-kii Armenia waxa ay la dagaalantay dalka ay deriska yihiin ee Azerbaijan, oo la soo tebiyay inuu hub ka helay Turkiga.
Waxaa mar kale dib usoo cusboonaatay xiisadda ka dhex taagan labadan waddan, sidaas darteed, heshiiska dhanka hubka ah wuxuu muhiim u yahay Armenia.
Sida laga soo xigtay ilo wareedyo ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga, heshiiska wuxuu dhigayaa in marka hore ay Hindiya siiso Armenia gantaallada loo yaqaano Pinaka, waxaana gantaalka sameysay shirkadda DRDO.
Hindiya waxay gantaalkan horay u geysay xadka Shiinaha iyo Pakistaan, waana markii ugu horreysay oo gantaalka Pinaka uu helo codsi caalami ah.
Saddexda waddan ee ay isha ku heyso Hindiya: Azerbaijan, Turkiga iyo Pakistan
Azerbaijan ayaa loo arkaa inay qeyb ka tahay isbaheysiga saaxibtinnimo ee soo baxay ee Pakistan iyo Turkiga. Azerbaijan waxay adeegsaneysay diyaarahada Drones-ka ee Turkiga xilligii ay khasaaraha ballaaran gaarsiisay Armenia.
Falanqeeyayaasha gobolka waxay rumeysan yihiin in xiisadda ka dhex taagan Armenia iyo Azerbaijan uu kasoo dhexbaxayo xifaaltan ka dhex taagan Hindiya iyo Pakistan.
Heshiis saddex geesood ahaa ayay sanadkii 2017 qalinka ku duugeen dalalka Turkiga, Azerbaijan iyo Pakistan, kaas oo dhidibbada u taagay iskaashi amni oo dhex mara saddexdan dal. Heshiiskaas ayaa lagu soo hadal qaaday sidii loo sii amba qaadi lahaa heshiisyadii ku saabsanaa arrimaha gaashaandhigga ee horey u dhex maray dalalkan.
Sannadkii hore, Azerbaijan oo kaashaneysa Turkiga iyo Pakistan waxay wada sameeyeen dhoolatus milatari oo ay ku magacaabeen ‘Dhoolatuska militeri ee saddex walaalaha ah’ kaddib dagaalkiii 44 maalmod socday ee looga adkaaday Armenia sanadkii 2020.
Turkiga, Pakistan iyo Azerbaijan waxaa loo arkaa in ay sii xoojinayaan fikirkooda ka dhanka ah Hindiya.
Mowqifka Pakistan ee ku aadan gobolka Kashmir waa mid la wada ogyahay, laakiin Turkiga wuxuu sidoo kale ka soo horjeestay in meesha laga saaro xeerka 370. Azerbaijan iyo Turkiga waxay labaduba taageereen mowqifka Pakistan ee Kashmir.
Azerbaijan iyo mowqifka ka dhanka ah Hindiya
Taageeraha ugu weyn ee Armenia waa Ruushka, wuxuuna haatan ku mashquulsan yahay dagaalka Ukraine.
Turkiga wuxuu dhawaan siiyay Ukraine diyaardaha Drones-ka ee uusan duuliyaha saarneyn ee TB2, mana uusan sheegin sababta uu u siiyay diyaaradahaas Ukraine, balse diyaaradahan waxay ka qeyb qaateen burburinta taangiyada Ruushka.
Diyaaradahan Turkiga ayaa si weyn loogu ammaanay howlgallada ay qaadeen.
Turkiga wuxuu xubin ka yahay gaashaan-buurta Nato, halka Azerbaijan ay tahay waddan si weyn u dhoofiya shidaalka. Xukuumadda Ankara waxay isha ku heysaa shidaalka Azerbaijan si ay uga maaranto shidaalka Ruushka. Hindiya waxay xiriir dhaqaale oo xooggan la leedahay Azerbaijan marka loo eego Armenia, shirkadda shidaalka ee Hindiya ONGC ayaana maalgashi badan ku sameysay ceelasha Azerbaijan.
Maadama Turkiga, Pakistan iyo Azerbaijan ay isku dhinac mareen , Hindiya waxy ku khasbanataay inay isku dheelitirto istaraatiijiyaddeeda gobolka iyadoo caawineysa Armenia.
Xilliggan la joogo, ma jirto halis toos ah oo Hindiya uga imanaysa colaadda Azerbaijan iyo Armenia, laakiin colaadda waa mid xoojinaysaa isbahaysiga Turkiga iyo Pakistan.
Gaashaan-buurta ka kooban Turkiga-Azerbaijan-Pakistan waa mid ku saleysan arrin Islaami ah. Isbahaysiga OIC, oo ah urur ay ku midaysan yihiin dalalka Muslimka ah, ayaa qaadi kara tallaabooyin ka dhan ah Hindiya.
Hindiya maxay hubkan uga iibineysaa Armenia?
Si loo fahmo go’aanka ay Hindiya hubka uga iibineyso Armenia, BBC-da waxay wareysatay falanqeeye sare oo dhanka istiraatiijiyadda iyo amniga gobolka ah, kaas oo lagu magacaabo Major General S.B. Asthana.
Wuxuu yiri: “Go’aanka Hindiya waa mid muhiim ah marka loo eego dhinacyada dhaqaalaha iyo istaraatiijiyada, horay, Hindiya wax hub ah uma aysan sameyn, Hindiya hub sameynta hoos ayay kasoo bilowday, haatan waxay gaartay heer ay dunida ugu dhoofiso hubkeeda, marka inay dhoofiso hubka waxay xoojineysaa awooddeeda dhinaca gaashaandhigga, lacago ayaa usoo xaroonaya, waxaana sii xoogeysanayaa saameynta Hindiya”.
Major General S.B. Asthana ayaa sidoo kale yiri: “Soo saarista faa’ido badan baa laga helaa, waa fursad dahabi ah sababtoo ah hubka uu soo saaro Mareykanka waa mid qaali ah. Wax soo saarka hubka ee Ruushka ayaa haatan ah mid liita, Shiinaha hubkiisana laguma kalsoonaan karo, sidaas awgeed, haddii Hindiya ay xoojiso wax soo saarka hubka faa’ido badan bey ka heli kartaa”.
“Pakistan iyo Turkiga waxay si wadajir ah u caawiyeen Azerbaijan, wadamadani waxa ay qaadanayeen mawqif ka dhan ah Hindiya, dhanka kale waxa jira dalal aad u yar oo caawiya Armenia, wakhtigan xaadirka ah waxa saaran cadaadis, haddii Hindiya ay caawiso. Armenia, waxaa sii xoogeysaneysaa saameynteeda, Hindiya waxa noqon doontaa saaxiib istiraatijiyadeed oo la isku halayn karo,” ayuu yiri.
Gantaalka Pinaka
Gantaalka Pinaka waxaa soo saartay shirkadda DRDO.
Waa markii ugu horreysay ee Hindiya ay gantaalka Pinaka ka iibiso waddan dibadda ah, inkasta oo horay Armenia ay qalab militeri kasoo iibsatay Hindiya.
Sannadkii 2020, Armenia waxay Hindiya ka iibsatay raadaarka Swati iyadoo u adeegsatay dagaalka Azerbaijan.
Dhakhliga Hindiya ka soo gala dhoofinta hubka iyo agabka militeri ayaa intii u dhaxeysay 2021-2022 gaaray Rs 13,000 crore oo u dhiganta qiyaastii $159 miyan oo doolar.
Dowladda wuxuu bartilmaameedku yahay in muddo shan sano ah ay dhoofinta hubka iyo agabka militeri kasoo xareyso lacag dhan Rs 35,000 crore.
Hindiya waxay doonaysaa inay wax soo-saarka hubka gaarsiiso Rs 1.75 lakh marka la gaaro 2025-ka.
Haatan, Hindiya waxay qalabkeeda militariga ka iibisaa 75 waddan.
Bishii January ee sanadkan, Hindiya waxay saxiixday heshiis ay gantaalka BrahMos uga iibineyso dalka Philippines.