Image copyright AFP
Image copyright AFP
Dalka Niger ee ku yaal galbeedka Qaaradda Africa, ayaa waxa uu joojiyey Dameerihii uu u dhoofin jiray dalala Bariga fog uu ka mid yahay Shiinihu. ka dib markii ay u dalbadeen in loo soo dhoofiyo Dameero tiro badan. Dawladda Niger ayaa waxay ka baqday in dalkoodu Dameeruhu ka dhamaadaan, kuwaas oo wax badan u qabta Shacabkooda, sababtaas awgeedna waxay joojiyeen dhoofintii Dameeraha ee lo dhoofin jiray Shiinaha
Dalalka Bariga fog, ayaa horay u dhameeyey Maroodigii, Jeertii , Wiyishii iyo Maso cagalaydii Africa oo ay ku sheegi jireen in cunida Hilibkoodu ay xoojiso Galmada . Maantana hilibka Dameeraha waxay ku sheegeen in dawo laga helo. Dawadab ayaa noqonaysa Burcad lays marinayo , ka dibna aad ka yaraanaysoda’dii aad ahayd . Sidoo kale waxay sheegeen in hilibka Ximaarka ay ku jirto dawo ku fiican Galmada iyo ugxan korinta lamaanaha ilmaha doonaya. Meelo ka mid ah Shiinaha hilibka Dameerka oo la xawaasheeyey, Filfilna lagu daray waa cuntada loogu jecel yahay oo uGu qaalisan
Haragga dameeku sanado ka hor waxa uu ka ahaa AFRICA $4 maantana waa $50. Qiimaha dameerka wuxuu Africa ka ahaan jiray $34. maantana waa $145
Image copyright AFP
Image copyright AFP