18th April 2024  admin  Category :

By: Qawaacid

1991, heshiiskii Berbera kadib, Beesha Garxejis oo ay hoggaaminayaan; Cabdiraxmaan Tuur iyo Axmed Mire, waxay dagaal aanay waxba reeban ku qaadeen Beelaha Harti ( Dhulbahante, Wersengeli iyo Gahayle). Muddadii u dhexaysey labadii shir ee Berbera ee nabadda lagu qaatay iyo kii Burco ee bishii May, Beesha Garxejis, gaar ahaan Habar Yoonis, waxay dagaal galaabixiyeen degaannada Wersengeli iyo Dhulbahante. Meelaha qaarkood, sida Hadaaftimo, intay wefti ku yimaadeen oo lagu soo dhoweeyey , bay maalin kadib weerar kusoo qaadeen . Ceelka Dogoble, intay Dhulbahante shir nabadayn ah kula ballameen, bay tiknniko ula yimaadeen oo 87 guurti ah ku xasuuqeen.
Ujeeddada dagaalkaasi waxay ahayd fulinta heshiiskii Mustaxiil ee Caydiid iyo Cabdiraxmaan Tuur, kaas oo saldhigiisu ahaa , in ciidamada USC iyo SNM ku kulmaan Gaalkacayo. Daaroodkana la xasuuqo, dalkana sidaa lagu qabto.
Nasiib wanaag, waxa qorshahaas ka horyimid H/ Jeclo iyo H/Awal ( Jeegaanta) oo hubkii woqooyi yaalley 90 % gacanta ku dhigay.
Anigu , waxan ka mid ahaa , Ergadii Wersengeli ee Burco tagtay. Muddadaannu joogney , waxa na waardiyayn jirey ciidan H/ Jeclo ah. Horraantii, maannu garaneyn sababta naloo ilaalinayo. Markii Somaliland Beeluhu isku raaceen (inkastoo naloo hanjabay) 4tii,: May,91. baa subaxdii (5/5/91) Tuur noo yeedhay oo nagu canaantay , yeelidda aannu ogolaannay goonni isu taagga Somaliland. 23kii May,91, baa J/Yoonis weerarkii u dambbeeyey ku qaadday Damalla-Xagarre. Waa ku jabeen, maxaabiisna waa laga qabtay.Kolkaas baannu fahamnnay cidda H/Jeclo naga ilaalinayso
Xilligaas, H/Yoonis , dhawr arrin baa seegtay;
– Waxay garan waayeen , waxaannu ahayn iyo waxaannu wadaagnney oo cadaawad bay na tuseen.
– Waxay u hanqal taageen Habar- gidir iyo Hawiye oo waxay garan waayeen inay nala heshiiyaan oo aannu dalka isku haynno, annaguna ku taageernno hankooda siyaasadeed ee Somalia.
– Dhibta ay maanta Sheeganayaan kuma dhacdeen , hadday maalinkaas nala nabddi lahaayeen, halka Jeegaantu hormood ka noqotay nabadaynta beelaha Somaliland.
Haddii, Cirro kursiga ku guulaysan lahaa, waxan qabaa in Garxejis bilaabi lahaa duullaan cusub, mayse dhicin.
Ugu dambbayn, malaha, waxay ku qurxoon tahay, in annaga iyo Reer Ayeeyahay macaarad wada ahaanno

Maxamuud Ahmed

One thought on “Heshiiskii Berbera ka dib

  1. IbrahimZeylici

    Maxamuud Ahmed.
    Dadka sidaadoo kale wax ogaalka ahi dadka wax u sheega, warbaahinta mariya, wixii Burco ka dhacay 1991 ka war bixiya. Beenta caruurta laga buuxinayo badalkeedii oo run ah soo bandhiga.
    Mahadsanid

    Reply

Leave a Reply to IbrahimZeylici Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*