26th July 2024  admin  Category :

Kooxdii Xassan Culusoow Oo Xalay Faroole Casho u sameeyay Xili Shacab badan Shalay la Xasuuqay.

Kooxda uu Hogaamiyo Madaxweynaha Wakhtigiisu dhamaaday Xassan Culusow oo uu  horkacayay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Boorsaani ayaa Casho sharaf u qabtay Madaxweynihii hore ee Puntland Senator Abdirixmaan Faroole Xili Maalintii Shalay Magaalada Mogadishu lagu Xasuuqay Shacab aad u badan. Damiir-Xumida Kooxda Xassan Sheekh ayaa Suaalo badan la iska-weydiinayaa Xili Isbitaalada Mogadishu la Ciir-Ciirayaan Dhaawacyadii Shalay.

Image may contain: 6 people, people smiling

Maalinimaddi Qarax ay dad badani ku dhinteen ayaa ka dhacay Muqdisho, habeenkiina ololaha doorashada Xasan Culusoow ayaa socotay

Image may contain: 1 person, sitting and indoor

Madaxweynahihii hore ee Puntland Senator Faroole Iyo Kooxdiisi Aaranjaan ayaa Xalay Damiirkoodu siiyay inay Goobjoog ka ahaadaan Xaflada Kooxda Damul-Jadiid. Dadka Falanqeeya Siyaasada Xamar ayaa muddooyinkii u danbeeyay ku Wareersanaa Jahwareerka Kooxda Aaranjaan oo hadba dhinac u boodaya Xili ay Hishiisyo horay uu la galeen Kooxda Sheekh Shariif. Senator Faroole oo aan Rajo ka qabin inuu Is-Sharaxo ayaa Quudareynaya inuu Xil u helo Wiilkiisi Xukunka ka tuuray ee Maxamed Faroole. Lama oga goorta sida dhabta ah loo ogaan doono Diga rogodka Kooxda Aaranjaan oo haatan Xiriir dhow la leh Kooxda Aafada ah ee Damul-Jadiid.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*